Home
Home
Wararka
News
الأخبار باللغة العربية
Office of the President
Office of the Prime Minister
Mogadishu City
The Parliament
The Ministries
The Constitution
The NSS
The Somali Police
The Regions
Somali Embassies A-Z Directory
Foriegn Embassies
Universities
Contact Us
A-Z Gov-Directory
Gov-Webmail
Prominent Personalities
UN Links for Somalia
Country Info
Somali Political Parties
International Organizations
Islamic Organizations
Support Us
Local Jobs
International Jobs
Recognitions
Funding Projects
Human Rights Watch
The UN in Somalia
Our Extraordinary Dignitaries
The UN Failures
Our Leaders
e-mail me

 


April 2014

 

WARAKRA DOWLADDA SOOMAALIYA EE MAANTA

Moqdisho Arbaco Abriik 23, 2014 Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayo inuu maanta ka doodo miisaaniyadda dalka ee sanadka 2014.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah xoghayayaasha Baarlamanka ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Baarlamanka uu maanta fadhi ka yeelan doono miisaaniyadda dalka, isagoo intaa raaciyay in warbixin laga dhageysan doono guddiga maaliyadda.

Mudanayaasha Baarlamanka ayaa hore uga dooday miisaaniyadda dalka ee sanadka 2014-ka oo ay soo diyaarisay wasaaradda Maaliyadda,  waxaana guddiga maaliyadda loo xilsaaray inuu soo ururiyo Aaraa’da mudanayaasha, iyadoo maanta gudiga maaliyada laga dhageysan doono warbixin ku saabsan arrintaasi.

Baarlamanka ayaa la filayaa inuu maanta ansixiyo ama uu diido miisaaniyadda dalka ee sanadka 2014-ka

Dowladda Soomaaliya's photo.
Dowladda Soomaaliya's photo.
Dowladda Soomaaliya's photo.
Dowladda Soomaaliya's photo.
















‪#‎Somalia‬: Mogadishu on Tuesday April 22, 2014 Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud oo maanta Moqdiaho ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Dalka Burundi Mudane Pierre NKurunziza, laba madaxweyne waxay ka wadahadleen sida ay u wadashaqayn lahayeen nabadda dalka Soomaaliya.

Muqdisho, April 22, 2014 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka yeeshay samaynta maamul goboleedyada dalka. Golaha ayaa dood dheer ka yeeshay muhiimadda ay leedahay in si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka loo sameeyo maamulada gobolada, gaar ahaan deegaanada laga xoreeyey kooxaha nabad-diidka.

Golaha ayaa isku raacay in dhismaha maamulada goboladu ay noqdaan kuwo laga qaybgeliyo talada dadweynaha, waxana ay tallaabadaasi noqoneysaa mid isu soo dhoweysa shacabka iyo dowladda. Golaha ayaa sidoo kale tilmaamay in maamulada goboladu ay ka jawaabaan baahida dadweynaha, isla-markaasina ay dadku la xisaabtami karaan madaxdooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo Shirka Golaha Wasiiradda ka hadlayey waxa uu yiri:
“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an samaynta maamulada gobolada ee dalka oo dhan, iyadoo loo marayo si waafqasan dastuurka
“Maamulada goboladu waxa ay muhiim u yihiin dhismaha qarankeena. Maamuladu waa in ay noqdaan kuwo u dhow bulshada, si dadku u helaan fursad ay kula xisaabtami karaan madaxdooda

“Waxaa muhiimad leh in mudnaan la siiyo dhismaha deegaanada dhowaan la xoreeyey, si aanay u jirin marnaansho dhinaca ammaanka ah , isla-markaasina la hirgeliyo qorshayaasha dowladda ee lagu dhisayo degaanadaasi.”

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa canbaareeyey dil shalay suuqa Bakaaraha loogu geystay wiil dhalinayaro ahaa oo u halgami jiray nabadda iyo arrimaha bulshada Soomaaliya. Wiilkan oo lagu magcaabi jiray Maxamed Cumar Maxamed “ Caammir” ayaa waxaa toogasho ku dilay kooxo dhagar-qabayaal ah.

Moqdisho Talaado April 22, 2014 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka yeeshay samaynta maamul goboleedyada dalka. Golaha ayaa dood dheer ka yeeshay muhiimadda ay leedahay in si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka loo sameeyo maamulada gobolada, gaar ahaan deegaanada laga xoreeyey kooxaha nabad-diidka.

Golaha ayaa isku raacay in dhismaha maamulada goboladu ay noqdaan kuwo laga qaybgeliyo talada dadweynaha, waxana ay tallaabadaasi noqoneysaa mid isu soo dhoweysa shacabka iyo dowladda. Golaha ayaa sidoo kale tilmaamay in maamulada goboladu ay ka jawaabaan baahida dadweynaha, isla-markaasina ay dadku la xisaabtami karaan madaxdooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo Shirka Golaha Wasiiradda ka hadlayey waxa uu yiri:
“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an samaynta maamulada gobolada ee dalka oo dhan, iyadoo loo marayo si waafqasan dastuurka
“Maamulada goboladu waxa ay muhiim u yihiin dhismaha qarankeena. Maamuladu waa in ay noqdaan kuwo u dhow bulshada, si dadku u helaan fursad ay kula xisaabtami karaan madaxdooda

“Waxaa muhiimad leh in mudnaan la siiyo dhismaha deegaanada dhowaan la xoreeyey, si aanay u jirin marnaansho dhinaca ammaanka ah , isla-markaasina la hirgeliyo qorshayaasha dowladda ee lagu dhisayo degaanadaasi.”

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa canbaareeyey dil shalay suuqa Bakaaraha loogu geystay wiil dhalinayaro ahaa oo u halgami jiray nabadda iyo arrimaha bulshada Soomaaliya. Wiilkan oo lagu magcaabi jiray Maxamed Cumar Maxamed “ Caammir” ayaa waxaa toogasho ku dilay kooxo dhagar-qabayaal ah.

Moqdisho Talaado April 22, 2014 Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saakay lagu dilay Xaafada Dabakaayo-madow ee degmada Dharkeenley, iyadoo dilkan uu noqonayo mudanihii labaad oo 48-saac gudahood lagu dilo Muqdisho.

Xildhibaaka la dilay oo lagu magacaabayay Xildhibaan C/casiis Isaaq Mursale ayaa waxaa ay kooxo ku hubeysan bastoolado ku dileen meel u dhow gurigiisa xilli uu ka soo baxay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxaha dilka geystay ay ku baxsadeen gaadiid, waxaana markii uu falka dilka dhacay kadib goobta gaaray Ciidamada Ammaanka.

Xildhibaanka la dilay ayaa la sheegay inuu ku soo jeeday xarunta Golaha shacabka oo uu maanta Baarlamaanka ku lahaa looga hadlayo miisaaniyada.

Shalay ayay aheyd markii Xildhibaan Isaaq Maxamed Riino lagu dilay qarax miino gaadiidkiisa lagu xiray, halka Xildhibaan kale oo lagu magacaabayay Maxamuud Cali Dhuux isna uu ku dhaawacmay qaraxaas.

Dilalkan loo geystay Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxay ku soo beegmayaan, iyadoo magaalada muqdisho ka socdo shir ammaanka dalka looga hadlayo, kaasoo galay maalintii saddexaad.

Moqdisho Isniin Abriil 21, 2014 Munaasabadaan uu xilka kula wareegayay guddoomiyaha cusub ee Degmada Xamar Jajab waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay maamulka Gobolka Benaadir, guddoonka cusub ee Degmada, Maamulkii hore ee degmada, ganacsato, qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo marti sharaf kale, kaasi oo lagu qabtay xarunta degmada Xamar Jajab.

Munaasabadda ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Maxamed Bin Cali iyo Sahro Muqtaar Xasan oo labaduba ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Xamar Jajab ayaa waxa ay sheegeen inay aad u soo dhaweynayaan maamulka cusub ee degmada loo soo magacaabay,,,iyagoo maamulkii hore u mahadceliyay, ayna diyaar u yihiin inay La shaqeyaan maamulka cusub.

Guddoomiyihii hore ee degmada Xamar Jajab Maxamed Cali Axmed oo goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay isbadalka socda, isagoo xusay in uu la shaqeyn doono maamulka cusub.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay guddoomiyihii hore waxa uu xilka si rasmi ah ugu wareejiyay guddoonka cusub, iyadoo madasha lagu soo bandhigay muuqaalo ka turjumaya waxyaabaha u qabsoomay guddoomiyihii hore ee degmada.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar Jajab Axmed Cismaan Dhoore ayaa sheegay in marka hore uu uga mahadcelinayo maamulkii isaga ka horeeyay waxyaabihii u qabsoomay, isagoo ka hadlay qorshayaasha uu hiigsan doono oo ay ugu horeyso xoojinta amniga, ka shaqeynta horumarinta adeegyada bulshada, waxaana u shacabka ka codsaday in ay gacan ku siiyaan gudashada waajibaadka loo igmaday.

Xoghayaha guud ee gobolka Benaadir Maxamed Sheekh Cilmi oo xafladda hadal ka jeediyay ayaa kula dar daarmay guddoomiyaha cusub in uu la yimaado isbadal muuqdo oo lagu horumarinayo degmada, isagoo xusay in kan maamul ahaan ay gacan ku siinayan gudashada howlaha loo igmaday.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa abaal marino guddoonsiiyay guddoomiyihii hore ee degmada, iyadoo intaasi kaddib ay soo kormeereen waaxyaha ay ka koobahtahay degmada iyo saldhiga ciidanka booliska.

Moqdisho Isniin Abriil 21, 2014 Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan Isxaaq Maxamed Cali Riinoow oo maanta ku geeriyooday qarax loogu xeray gaarigiisa magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, waxaa saakay ku geeriyooday qarax gaarigiisa loogu xiray Xildhibaan Isxaaq Maxamed Cali Riinoow oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka,Alle raxmadiisa jano ha siiyo anagana samir iyo iimaan hanaga wada siiyo, Xildhibaannada iyo Gudoonka Golaha Shacabka anigoo magacooda ku hadlaya waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa Carruurta iyo qoyska uu ka geeriyooday marxuumka”

“Geeridu waa xaq, naf kastana xili ayey leedahay,sababtuna waa halkeeda haseyeeshee gardaro in la isku dilo ma ahan Xaq,waxaase Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Gudoonkaba ay ka mideysan yihiin ineysan falalka argigixisanimo marna na niyad jebineynin oo aysan marna hakin doonin howlaha aan u heyno shacbiga Soomaaliyeed oo waan sii wadi doonnaa’ayuu hadalkiisa sii raaciyey Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhinac kale alle uga baryey inuu caafimaad dhameystiran siiyo Xildhibaan Maxamed Cali Dhuux oo isaguna ku dhaawacmay falkii argigixisanimo ee maanta.

—DHAMAAD—

Moqdisho Isniin Abriil 21, 2014U Qeybsanaha Gaarka ah ee Guddoomiyaha Ergada Midowga Afrka  ee Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif wuxuu aad u canbaareynayaa dilka Mudane Isaak Mohamed Rino oo xubin ka ahaa Baarlamaanka Soomaaliyeed, dilkaasoo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Isaak Mohamed ‘Rino’ waxaa lagu dilay weerar qarax loo adeegsaday gaari markuu galay gaarigiisa dibada Bangiga Salaam degmada Xamar Weyne dhexdeeda.

Xubinkan Baarkamaanka waxaa kale oo la socday nin kale oo isagana xubin ka ah Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Mohamed Ali si xuna loogu dhaawacay weerarkaas is qarxinta gaariga.

“Xubnaha Baarlamaanku waxay matalaan Shacabka Soomaaliyeed weerarkasta oo lala beegsadana waa weerar loo geystay shacabka, wax la aqbali karana ma aha. AMISOM waxay sii wadi doontaa taageeradeeda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed dadaalkeeda ku aadan la dagaalanka xag jireyaasha kuwaasoo dan ay ugu jirto inay laayaan dadka rayidka ah”

AMISOM, tacsi kal iyo laab ah waxay u direysaa qoyskii uu ka baxay, saaxiibadiisii iyo dowlada Federaalka Soomaaliya bixitaankaas Isaak Mohamed Rino oo khasaaro ah, waxayna u rajeyneysaa caafimaad deg deg ah kii dhaawacmay Mohamed Ali.

Moqdisho Isniin Abriil 21, 2014 Allaha u naxariistee Marxuum Isaaq Maxamed Cali (Riino) oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka oo maanta u geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa ayaa lagu aasay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, iyadoo aaskiisa ay ka qeyb galeen Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaanno iyo Ehelada Marxuumka,

Wasiirka Xanaanada, Xoolaha, dhirta iyo daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saalim Caliyo Ibroow oo ugu horeyn goobta aaska ka hadlay ayaa tilmaamay in Marxuum Isaaq Maxamed Cali ay dishay gacan ka xaqdaran, isagoo Alle uga baryay in uu janada ka waraabiyo.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa ugu horeyn tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, ehelada iyo asaxaanbta uu ka tegay Marxuumka, waxaana uu Mudanayaasha baarlamaanka kula dar daarmay inaysan dhaq jalaq u siinin falalka argagixisada ay maleegayaan, islamarkaana uusan saameyn ku yeelan howlaha ay ugu adeegayaan bulshada.

Allaha u naxariistee Marxuum Isaaq Maxamed Cali (Riino) oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka ayaa barqanimadii maanta waxa ay kooxo arxan laaweyaal ah ay qarax ugu xireen gaarigiisa, taasi oo uu u geeriyooday Marxuumka.

Moqdisho Isniin Abriil 21, 2014 Hay’adda Nabadsugidda Qaranka iyo Sirdoonka Soomaaliyeed ayaa maanta markale soo badhigtay gacan ku dhiiglihii labaad ee ka dambeeyay dilka gabar ardayad ah oo lagu dilay degmada Yaaqshiid.

Shaafici Cabdicasiis oo ka mid ahaa tiro maleeshiyo ka tirsan Shabaab oo 6-4-2014kii dil bareer ah u geystay Allaha u naxariistee Nafiso Cismaan Salaad oo ahayd ardayad ka qalinjebisay kuliyadda caafimaadka ee Jaamcadda Soomaaliya kuna dilay dhabarka dambe ee Warshadda Coca Cola  ee Degmadda Yaaqshiid ayaa waxa ay qirteen in gabadhaasi ay ku sameeyeen waxyaabo badan oo beni’aadanimada ka baxsan, anagoo ilaalineyno damiirka qoyska Marxuum Nafiso, waxan kan Warbaahin ahaan go’aan sanay in  aan baahin waxyaabaha ay sheegteen maleeshiyaadka Shabaabka ka tirsan in ay ku sameeyeen gabadha ka hor inta aysan dilin.

Maleeshiyaadka ayaa markii ay falkaasi dilka ah geysanayeen waxa ay isticmaalayeen gaari nuuca NOHA loo yaqaan, iyagoo markii ay falkaasi dilka ah geysteen dib ugu laabtay xaafadda Suuqa Xoolaha oo ay kolkii hore ka yimaadeen, waxaana ay hubkooda u geysteen haweeney lagu magacaabo Deeqo Diraac oo u qidmeysa maleeshiyada xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Shaafici Cabdicasiis waxa uu sheegay in uu dhawaan ka yimid magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, islamarkaana uu u amba baxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaasi oo uu dhawaan ka soo laabtay, uuna dib u bilaabay ka mid ahaanshiyaha maleeshiyaadka Al-Shabaab, uuna gacan ka geystay falal dil ah.

Kooxdan u abaabulan daadinta dhiiga dadka aan waxba galabsan waxa ay degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid ay ka geysteen dilal dhowr ah oo ay ku fuliyeen arday iyo ciidamo ka tirsan hay’adaha amniga, iyadoo xaafadda suuqa Xoolaha ay ku dileen askari la oran jiray Khalinle waxaana hay’addu ay ku guuleysatay in ay soo bandhigto maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo falal dil ah ka geystay Muqdisho iyo gobollada dalka.

Markii aan ka soo dhamaanay xarunta Nabadsugida Gobolka Benaadr halkaasi oo lagu soo bandhigay dhagar qabayaasha Al-Shabaab ee sida wuxuushinamada ah u dilay Nafiso Cismaan, waxaan u dhaqaaqnay Hooygii ay ka kaxeeysten Marxuum Nafiso ka hor inta aysan dilin, socod dher kaddib waxaan albaabka ka istaagnay guri ku aadan dhabarka dambe ee Warshada Coca Cola, waxaan garaacnay Guriga si aan ula kulano qoyskii ay ka dhimatay Marxuumad Nafiso, hayeeshee markii ay reerku sheedda kore ka arkeen ilaaladi nala socotay waxa ay bilaabeen cabsi iyo argagax la mid ah inay ku dhacdo dhibaato la mid ah tii gabadhooda looga horwatay, waxayna bilaabeen buuq iyo sawaxan.

Waxa ay tani horseedeysaa in lagu soo afjaro talaabada ay dhagar qabayaasha Shabaab ku beegsanayaan ardayda iyo dadka wax galka u ah bulshada, maadaama maleeshiyaadkaasi aysan jeclsaneenin in dhalinta ay waxbartaan, si ay iyaga ugu adeegtaan oo ay ka dhigtaan dhagar qabayaasha ay marin habaabiyeen ookale.

Axad 20, 04, 2014 Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo  maalmahanba safaro kala duwan ku marayayey deegaano ka tirsan goblka mudug ayaa maanta gaaray degmada Jirriiban oo ka mid ah degmooyinka gobolka mudug.

Madaxweyne Gaas iyo mas’uuliyiinta la socota oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan goloyaasha dawladda ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey degmooyinka u dhexeeya Balli-busle iyo Jirriiban, waxaana ka mid ahaa magaalooyinkii lagu soo dhoweeyey Buubi Seemade iyo booc waxayna dhamaan deeganadasi kula hadleen dadweynaha ku dhaqan , iygoo ka dhagaystay warbixino ku saabsan xaaladda deeganadaasi.

Madaxweynaha iyo Wafdiga uu hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Jiriiban, ayaa waxaa madaxweyne gaas uu kala hadlay dadweynaha jarriiban goob fagaare ah , isagoo uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen.

Maamulka uu hogaminayo Madaxweyne Gaas ayaa dedaal dheeraada ugu jirta sidii ay uga dhabayn lahayd ballan qaadkeedii ahaa inay tagayso dhulka fog-fog ee deegaanada Puntland si ay u ogaato xaaladaha guud ee ay ku sugan yihiin shacabka reer Puntland.

Photo: Muqdisho, 20 April 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta furay Shirweynaha Qaran ee Amniga. Shirkan oo ay Dowladdu qabanqaabisay kana soo qeybgaleen aqoonyahanno, khubaro dhanka amniga iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, ujeedadiisuna tahay in arrimaha amniga la gorfeeyo oo talo ka timid shacabka Soomaaliyeed ay noo horseedo sidii aan u sii xoojin laheyn amniga iyo nabadeynta Somalia.

Madaxweynaha ayaa yiri “Dhaqanka fowadada ee 23kii sano na dilay waa uu sii dhamaanayaa. Shirweynahan Qaran oo aan qabsaneyno ayaa tusaale u ah horumarka dhanka amniga ka jira, oo ay ka soo qeybgalayaan Soomaali u dhuun daloosha amniga isla markaana laga filayo inay noo diyaariyaan qorshe dhaxal gal ah oo ay dowladdu dhaqan gelin doonto si dalka uu u noqdo mid heysta amni waara. Ka qeybgalayaashana waxey fursad u helayaan ay ku dhageystaan horumarka, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha dowladda, isla markaana ay iyagana ku biirin doonaan tallooyinkooda oo dhammaan shacabka wax tar u noqon doona marka la fuliyo.”

“Doodaha aad yeelaneysaa waa inay noqdaan kuwa xal u hela caqabada dalka ka jira oo ay ka mid yihiin dhaqanka fowdada, dagaalka iyo danaha gaarka ah oo dhammaan nooga baahan inaan bedelno. Waxaan rabnaa inaan helo ciidan tayeysan oo mas’uuliyidiisa u guta si wadaninimo leh, si ay u badbaadiyaan shacabka. Waad la socotaan Dowladda ma heysato dhaqaale ku filan, hay’adaha amnigana waxey u baahanyihiin dhaqaale joogta ah. Waana inaan xal u helnaa dhammaan caqabadaha na heysta si aan u helno xal waara ee dhanka amniga iyo nabadeynta dalka.”

Madaxweynaha ayaa ku soo gabogabeeyey “Amnigu waa aasaaska nolosha oo la’aantiis nololi ma jireyso. Waxaan rabnaa inaan doorashooyin qabano sanadka 2016, waana inaan wax badan qabanaa si aan hadafkaas u gaarno. Shirkan waxaan uga fadhinaa inuu xal u helo caqabadaha jira, Dowladduna waxey diyaar u tahay inay dhaqangeliso go’aanada shirka, iyo innagoo sii wadeyna qorshaha xasilinta dalka iyo maamul wanaaga. Sanadkan 2014 waxaa na horyaalla howlo fara badan oo nooga baahan inaan dar-dargelino oo aan rabno in sanadkan uu noqdo kii shaqada iyo waxqabadka.”

Muqdisho, 20 April 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta furay Shirweynaha Qaran ee Amniga. Shirkan oo ay Dowladdu qabanqaabisay kana soo qeybgaleen aqoonyahanno, khubaro dhanka amniga iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, ujeedadiisuna tahay in arrimaha amniga la gorfeeyo oo talo ka timid shacabka Soomaaliyeed ay noo horseedo sidii aan u sii xoojin laheyn amniga iyo nabadeynta Somalia.

Madaxweynaha ayaa yiri “Dhaqanka fowadada ee 23kii sano na dilay waa uu sii dhamaanayaa. Shirweynahan Qaran oo aan qabsaneyno ayaa tusaale u ah horumarka dhanka amniga ka jira, oo ay ka soo qeybgalayaan Soomaali u dhuun daloosha amniga isla markaana laga filayo inay noo diyaariyaan qorshe dhaxal gal ah oo ay dowladdu dhaqan gelin doonto si dalka uu u noqdo mid heysta amni waara. Ka qeybgalayaashana waxey fursad u helayaan ay ku dhageystaan horumarka, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha dowladda, isla markaana ay iyagana ku biirin doonaan tallooyinkooda oo dhammaan shacabka wax tar u noqon doona marka la fuliyo.”

“Doodaha aad yeelaneysaa waa inay noqdaan kuwa xal u hela caqabada dalka ka jira oo ay ka mid yihiin dhaqanka fowdada, dagaalka iyo danaha gaarka ah oo dhammaan nooga baahan inaan bedelno. Waxaan rabnaa inaan helo ciidan tayeysan oo mas’uuliyidiisa u guta si wadaninimo leh, si ay u badbaadiyaan shacabka. Waad la socotaan Dowladda ma heysato dhaqaale ku filan, hay’adaha amnigana waxey u baahanyihiin dhaqaale joogta ah. Waana inaan xal u helnaa dhammaan caqabadaha na heysta si aan u helno xal waara ee dhanka amniga iyo nabadeynta dalka.”

Madaxweynaha ayaa ku soo gabogabeeyey “Amnigu waa aasaaska nolosha oo la’aantiis nololi ma jireyso. Waxaan rabnaa inaan doorashooyin qabano sanadka 2016, waana inaan wax badan qabanaa si aan hadafkaas u gaarno. Shirkan waxaan uga fadhinaa inuu xal u helo caqabadaha jira, Dowladduna waxey diyaar u tahay inay dhaqangeliso go’aanada shirka, iyo innagoo sii wadeyna qorshaha xasilinta dalka iyo maamul wanaaga. Sanadkan 2014 waxaa na horyaalla howlo fara badan oo nooga baahan inaan dar-dargelino oo aan rabno in sanadkan uu noqdo kii shaqada iyo waxqabadka.”

Muqdisho, 19 April 2014 Mas’uuliyiinta Wasaaradda Garsoorka iyo arrimaha dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan looga hadlayay dib u dayactirka xasbiga la qaatay ganacsato, Hay’adaha samafalka, culi’maa’udiin, waxgarad waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Kulanka ayaa muddadii uu socday waxaa looga hadlay sidii xabsiga dhexe ee Xamar looga hirgelin lahaa mashaariicyo kala duwansi weyn, islamarkanaana looga hadlay sida xabsiga dib u dayactir xoogan loogu sameyn lahaa, iyadoo intii uu kulanka lagu soo bandhigay naqshad ku aadan sida dib u habeyn loogu sameyn karo xabsiga.

Wasiirk ku-xigeenka Wasaaradda Garsoorka iyo arrimaha dastuurka Mudane Cabdullaahi Bile Nuur oo Warbaahinta qaranka uga warbixiyay markii uu kulanka soo idlaaday kaddib ayaa sheegay in maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ay haysato xaalado nolol xumo, isagoo xusay in taasi ay keentay in tiro badan oo maxaabiis ah ay ku jiraan xabsiga dhexe ee Xamar.

Xabsiga dhexe ee Xamar waxaa ku jira Maxaabiis ku kala eedeysan dambiyo kala duwan, iyadoo tani ay muujineyso sida ay dowladda Soomaaliya ugu dadaalayso ilaalinta iyo dhowridda xaquuqda maxbuuska.





Photo: Muqdisho, 19 April 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Saudi Arabia, Saudi Arabia iyo Soomaaliya waxey leeyihiin xiriir soo jireen ah.

Safiirka cusub Mudane Garam Bin Said Bin Garam Almulhan ayaa waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyey Madaxweynaha Somalia. Waxaana goob joog ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Cabdiraxman Ducaale Bayleh. Safiirka Saudi Arabia ayaa yiri “ Saudi Arabia waxaa ka go’an inay sii xoojiso xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, waxaana ka taageeri doonaa Somalia dhanka amniga, gar-gaarka bani’aadanimo iyo dib u dhiska Somalia.”

Madaxweynaha ayaa yiri “Wallaalaheen Sacuudiga waa saaxiibo in muddo ah taageero noo fidinayey oo sii xoojineysa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal. Waxeyna naga taageeraan dhanka gar-gaarka bani’aadanimo oo ceelal fara badan ay ka hirgeliyeen Somalia oo shacabku aad baahi ugu qabo”

Madaxweynaha oo hadalkiisa wata ayaa yiri “Boqortooyada Sacuudiga waxaan kaloo iska kaashanaa la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah iyo sidii loo saxi lahaa fikirka qaldan ee kooxaha argagaxisada. Wasiirkeenna Gaashaandhiga baa dhowaan booqday Sacuudiga oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhiga Sacuudiga oo ay isku afgarteen sidii Soomaaliya looga taageeri lahaaen dhanka amniga, xasilinta iyo dib u dhiska dalka.”

Safiirka Sacuudiga ayaa dhambaal uu ka siday Boqorka Sacuudiga Boqor Abdallah Bin Abdulaziz Al Saud u gudbiyey Madaxweynaha Somalia. Dhambaalkaas oo ahaa in Sacuudigu sii xoojin doono xiriirka taaariikhiga ah ee labada dal. Ugu danbeyntii, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Safiirka Sacuudiga ayaa shir jaraa’id ku wada qabtay xarunta madaxtooyada.
Muqdisho, 19 April 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Saudi Arabia, Saudi Arabia iyo Soomaaliya waxey leeyihiin xiriir soo jireen ah.

Safiirka cusub Mudane Garam Bin Said Bin Garam Almulhan ayaa waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyey Madaxweynaha Somalia. Waxaana goob joog ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Cabdiraxman Ducaale Bayleh. Safiirka Saudi Arabia ayaa yiri “ Saudi Arabia waxaa ka go’an inay sii xoojiso xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, waxaana ka taageeri doonaa Somalia dhanka amniga, gar-gaarka bani’aadanimo iyo dib u dhiska Somalia.”

Madaxweynaha ayaa yiri “Wallaalaheen Sacuudiga waa saaxiibo in muddo ah taageero noo fidinayey oo sii xoojineysa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal. Waxeyna naga taageeraan dhanka gar-gaarka bani’aadanimo oo ceelal fara badan ay ka hirgeliyeen Somalia oo shacabku aad baahi ugu qabo”

Madaxweynaha oo hadalkiisa wata ayaa yiri “Boqortooyada Sacuudiga waxaan kaloo iska kaashanaa la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah iyo sidii loo saxi lahaa fikirka qaldan ee kooxaha argagaxisada. Wasiirkeenna Gaashaandhiga baa dhowaan booqday Sacuudiga oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhiga Sacuudiga oo ay isku afgarteen sidii Soomaaliya looga taageeri lahaaen dhanka amniga, xasilinta iyo dib u dhiska dalka.”

Safiirka Sacuudiga ayaa dhambaal uu ka siday Boqorka Sacuudiga Boqor Abdallah Bin Abdulaziz Al Saud u gudbiyey Madaxweynaha Somalia. Dhambaalkaas oo ahaa in Sacuudigu sii xoojin doono xiriirka taaariikhiga ah ee labada dal. Ugu danbeyntii, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Safiirka Sacuudiga ayaa shir jaraa’id ku wada qabtay xarunta madaxtooyada.

Bosaso, April 19.2014 Waxaa lagusoo gaba gabeeyay Majidka wayn ee Al Rawda ee Magaalada Bosaso Nadwadii kasocotay oo ahayd Nadwadii 12aad ee lagu qabto Bosaso.

Mawduuceeduna uu ahaa (أعمال القلوب)  shaqooyinka quluubta, iyadoo intii ay socotay laga soo jeediyay Duruus aad u qiima badan oo ay ka qayb qaateen Culimo kala duwan.

Darsigii ugu danbeeyay ee lagasoo jeediyo Masjidka Al Rawada waxaa uu

Kusaabsanaa Tawbada, waxaana soo jeediyay Sheekh Daahir Aw-Cabdi, isagoo ka hadlay ugu horayntii  Qeexitaanka Tawbada oo ku tilmaamay in loola jeedo “Soo noqoshada loosoo noqdo Daacada Alle”.

Intaa kaddib shiikhu waxa uu aad uga hadlay Qiimaha iyo Xukunka Tawbada, isagoo hadalka wata ayuu waxa uu yiri : waxaa ku tusinaya Qiimaha Tawbada aayaatka Alle iyo Axaadiithta Nabiga,  Alle kor ahaaye waxaa uu yiri :“Alle waxaa uu jecelyahay kuwa usoo noqda (Tawaabiinta)”

Nabiga (N.N.K.H) waxaa laga wariyay in uu yiri : “Alle ayaa uga farxid badan soo noqoshada Adoonkiisu uu dunuubta kasoo noqdo farxida uu ku xarfo qofkiin gaadiidkiisa oo dhul bahgooyo ah ugu dhumay oo usoo laabtay”.

Wuxuuna Sheekhu isagoo hadalka sii wata yiri: qofka Muslimka ahi inuu

towbad keeno waa waajib,  Alle waxaa uu yiri kor ahaaye : “kuwa iimaanka laga helayoow u soo noqda Ilaahay soonoqosho wanaagsan”

Sidoo kale Sheekhu waxa uu aad ugudheeraaday Qaybaha Tawbada, shuruudeeda iyo danta towbada laga leeyahay.

Si kastaba ha ahaatee Sheekhu gabagabadii muxaadaradiisa yuu waxa uusoo ban dhigay tusaalayaal dhowra oo kusaabsan dad toobadkeenay qisooyin laga soo wariyay, isagoona sheegay in towbada mar walba loo baahan yahay, oo aysan ku koobnayn marka danbigu kaa dhaco oo kaliya.

Intaa ka dib ayaa waxa loogudbay qaybtii labaad oo ahayd soo gunaanadka Nadwada, waxaana ugu horayn ka hadlay Sheekh Yuusuf Cabdicasiis oo ku hadlayay magaca culimada, isagoo  Bulshada ka codsaday inay Culimada duruusta kala duwan  usoo jeedisay Wakhtigoodana u hurtay ay wayneeyaan, ixtiraamaan, aynajeclaadaan .

Sidoo kale waxa hadalka qaatay Ustaad Ciise Siciid Muxamed oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Mu’asadada Al-Minhaaj, isagoo warbixin kooban ka bixiyay guud ahaan Acmaasha Nadwada , isagoo sheegay in daruusta kulan cilmiyeedkan intuu socday guud ahaan ay gaarayso 32 darsi, kuwaas oo ka kala baxayay meelo kala duwan, Sida masaajida, iskuulada, macaahida, Jaamacadaha, rugta ganacsiga iyo mid ka baxay xarunta dowlada hoose ee Boosaaso.

Nabadoon Xarago oo isna madasha ka hadlay ayaa hadalo Qiima badan halkaasi kasoo jeediyay, isagoona Dhalinyaradana ka waaniyay Tahriibka .

Gabagabadii Nadwada ayaa waxa kasoo baxay  Bayaan ay Culimadu kazoo saareen Nadwadaan, waxaana bayaanka akhriyay Sheekh Cabdiraxmaan Awciise Guddoomiye ku-xigeenka Mu’asasada Al-Minhaaj Qaybta Bari.

Muqdisho, April 19.2014 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiweli sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaddib markii uu soo gabagabeeyey safar shaqo oo 8 cisho qaatay oo uu ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyey xubno ka tirsan golayaasha dowladda, waxgarad, aqoonyahanno, cuqaal iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ee gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha oo saxaafada kula hadlay Garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay in ay ka gaareen socdaalkoodii Kismaayo guul la tabaan karo, oo gundhig u noqonaysa nabad ku wada noolaanshaha bulashada ku dhaqan Jubooyinka.

“Socdaalkaygii Kismaayo wuxuu astaan u ahaaa ka miro dhalinta dib u heshiisiinta dalka, taas oo qayb ka ah Siyaasada Xukuumadda, waxaana ka soo gaarnay guulo lataaban karo, waxaana dadka Jubooyinka oo aan la kulanay ka muuqatay hilow ay u qabaan nabad kuwada noolaasho iyo inay garab istaagaan dowladooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli.

Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay safarkiisa Kismaayo 12-kii bishan, ayaa intii uu joogay magaalada kulamo joogto la yeelanayey maamulka Jubba, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, hoggaamiyayaasha diinta, Haweenka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Jubbooyinka, isagoo xoogga saarayey sidii ay dadku nabad ugu wada noolaan lahaayeen. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xiriir la samaynayey saraakiil iyo ciidamo ku sugna duleedka magaalada, si uu ugu qanciyo in ay magaalada ku soo noqdaan,

Sidoo kale si uu ugu kuurgalo xaaladda iyo nolosha dadka, ayaa Ra’iisul Wasaare Cabdiweli waxa uu kormeeray qeybo ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee magaalada Kismaayo, sida dhisme loo diyaarinayo Baarlamaanka iyo Wasiirada maamulka Jubba, Dekedda, Isbitaalka guud, Iskool H/dhexe ee Ganaane iyo dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, isaga oo dhanka kale xariga ka jaray Banka Dhexe ee uu yeelan doono maamulka Jubb. Ra’iisul Wasaaraha oo qiray horumarka balaaran ee la sameeyey, ayaa ugu baaqay beesha caalamka hay’adaha dowladda dhexe iyo dadka reer Jubba in la taageero nabadda, horumarka iyo dadaalka ka socda Jubba.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheikh Axmed ayaa safarkiisa shaqo ee magaalada Kismaayo ku soo gabagabeeyey munaasabad ay ka soo qab-galeen madax dhaqameedyada gobolada Jubbooyinka, waxgarad, haweenka culumada, ayna goob joog ka ahaayeen hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam, xubno ka tirsan golaha Wasiirada dawladda Federaalka, xildhibaano, safiiro matalayay Itoobiya iyo IGAD, wakiil ka socday xafiiska UNSOM, isagoona kula dar dardaarmay dadka Jubooyinka in ay is cafiyaan, colaada daashatay goboladaasna lagu badalo nabad iyo wada noolaansho.



WARARKA DOWLADDA SOOMAALIYA EE MAANTA


Photo: Kismaayo, April 18.2014 Munaasabad gabogabo u aheyd socdaalkii shaqo ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayay ay ku tageen Kismaayo, kuna sugnaa muddo hal todobaad ah magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba ayaa maanta lagu qabtay xarunta Ceymiskii hore.

Munaasabadan ayaa waxaa lagu casuumay madax dhaqameedyada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, waxgarad, haweenka culumaa’udiin, iyadoo ay goob joog ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam, xubno ka tirsan golaha Wasiirada dawladda Federaalka, xildhibaano, safiiro matalayay Itoobiya iyo IGAD, wakiil ka socday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM iyo marti sharaf kale.

Intii ay socotay munaasabadan ayaa laga aqriyay War-saxaafadeed ka kooban sideed boqol kaasoo lagu cadeeyey in dhinacyadu ay isku afgarteen dhamaamba qodobadii ay ka wada hadleen, waxayna sidoo kale si wadajir ah u adkeeyeen in la dhaqangeliyo qodobada heshiisyadii Addis Ababa iyo Muqdisho ee u dhaxeeyey dawladda Federaalka iyo hogaanka sare ee maamulka Jubba.

Qodobada War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in ciidamo ku sugnaa muddooyinkii la soo dhaafay duleedka magaalada ay soo galeen gudaha magaalada Kismaayo, kaddib wadahadalo iyo isfaham ay la gaareen hogaamiyeyaasha dawladda, kuwa Jubba iyo kuwa dhaqanka, waxayna arrintani bilow u tahay qorshe si dhameystiran dib loogu soo celinayo ciidamadaasi ku sugan banaanka magaalada, kaddibna lagu daro ciidanka rasmiga ah ee dawladda Federaalka, si ay u helaan xaquuqda ciidanka iyo mushaaraadkaba.

Wakiiladii ka socday beesha caalamka oo munaasabada ka hadlay ayaa xaqiijiyay taageeradooda heshiiskan iyo is fahamka labada dhinac, waxayna balan qaadeen in ay qeyb ka qaadanayaan sidii loo fududeyn lahaa dhaqangelinta heshiiskan.

Gabagabadii munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh, wuxuuna xusay inuu aad ugu faraxsan yahay niyad wanaaga ay isaga iyo wafdigiisa u muujiyeen hogaanka sare ee maamulka Jubba iyo qeybaha kala duwan dadyowga ku dhaqan Jubbooyinka iyo Gedo, wuxuuna kula dardaarmay inay xoojiyaan nabadda iyo iskaashiga.

“Socdaalkeygan waxaan ku xaqiiqsaday in Kismaayo ay ka go’antahay nabad iyo iskaashiga, waxaana idiin sheegayaa dadku waxa ay go’aansadaan wey gaaraan, waxaan rajeynayaa in Soomaali meel kasta oo ay joogto ka gudubto dagaalka iyo khilaafka ayna u gudbaan nabad, iskaashi iyo wadajir” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh oo hadal dheer ka jeediyay munaasabadan.

Fadlan lifaaqa hoose ka eeg Warmurtiyeedka oo dhameystiran kuna qoran Soomaali iyo English

http://radiyomuqdisho.so/munaasabad-gabogabo-u-aheyd-socdaalkii-shaqo-ee-raiisul-wasaare-cabdiweli-oo-lagu-qabtay-kismaayo-sawirro/

Kismaayo, April 18.2014 Munaasabad gabogabo u aheyd socdaalkii shaqo ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayay ay ku tageen Kismaayo, kuna sugnaa muddo hal todobaad ah magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba ayaa maanta lagu qabtay xarunta Ceymiskii hore.

Munaasabadan ayaa waxaa lagu casuumay madax dhaqameedyada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, waxgarad, haweenka culumaa’udiin, iyadoo ay goob joog ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam, xubno ka tirsan golaha Wasiirada dawladda Federaalka, xildhibaano, safiiro matalayay Itoobiya iyo IGAD, wakiil ka socday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM iyo marti sharaf kale.

Intii ay socotay munaasabadan ayaa laga aqriyay War-saxaafadeed ka kooban sideed boqol kaasoo lagu cadeeyey in dhinacyadu ay isku afgarteen dhamaamba qodobadii ay ka wada hadleen, waxayna sidoo kale si wadajir ah u adkeeyeen in la dhaqangeliyo qodobada heshiisyadii Addis Ababa iyo Muqdisho ee u dhaxeeyey dawladda Federaalka iyo hogaanka sare ee maamulka Jubba.

Qodobada War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in ciidamo ku sugnaa muddooyinkii la soo dhaafay duleedka magaalada ay soo galeen gudaha magaalada Kismaayo, kaddib wadahadalo iyo isfaham ay la gaareen hogaamiyeyaasha dawladda, kuwa Jubba iyo kuwa dhaqanka, waxayna arrintani bilow u tahay qorshe si dhameystiran dib loogu soo celinayo ciidamadaasi ku sugan banaanka magaalada, kaddibna lagu daro ciidanka rasmiga ah ee dawladda Federaalka, si ay u helaan xaquuqda ciidanka iyo mushaaraadkaba.

Wakiiladii ka socday beesha caalamka oo munaasabada ka hadlay ayaa xaqiijiyay taageeradooda heshiiskan iyo is fahamka labada dhinac, waxayna balan qaadeen in ay qeyb ka qaadanayaan sidii loo fududeyn lahaa dhaqangelinta heshiiskan.

Gabagabadii munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh, wuxuuna xusay inuu aad ugu faraxsan yahay niyad wanaaga ay isaga iyo wafdigiisa u muujiyeen hogaanka sare ee maamulka Jubba iyo qeybaha kala duwan dadyowga ku dhaqan Jubbooyinka iyo Gedo, wuxuuna kula dardaarmay inay xoojiyaan nabadda iyo iskaashiga.

“Socdaalkeygan waxaan ku xaqiiqsaday in Kismaayo ay ka go’antahay nabad iyo iskaashiga, waxaana idiin sheegayaa dadku waxa ay go’aansadaan wey gaaraan, waxaan rajeynayaa in Soomaali meel kasta oo ay joogto ka gudubto dagaalka iyo khilaafka ayna u gudbaan nabad, iskaashi iyo wadajir” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh oo hadal dheer ka jeediyay munaasabadan.

Fadlan lifaaqa hoose ka eeg Warmurtiyeedka oo dhameystiran kuna qoran Soomaali iyo English






Photo: Moqdisho Abril 18, 2014 Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo maalmihii aynu kasoo gudubnay socdaal shaqo ku joogay dalka Talyaaniga ayaa maanta dib ugu soo laabtay Dalka ayadoo wafdiga Gudoomiyahana si heer sare ah loosoo dhaweeyey.

Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka,saraakiisha ciidammada,siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo markii lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kula hadlay saxaafadda qeybta nasashada garoonka ayaa tilmaamay in safarka isaga iyo wafdigiisa ay ku tageen dalka Talyaaniga uu kusoo idlaaday guul islamarkaana dhowaan ay si rasmi ah u howl bilaabi doonaan guddiyo labada Baarlamaan ka kala socda waa Soomaaliya iyo Talyaaniga kuwaasi oo iyagu ka wadashaqeyn doonta fulinta qodobadii labada guddoon ay ku ballameen.

Socdaalka wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu hogaaminayey ay ku joogeen dalka Talyaaniga ayaa qaatay mudo Shan cisho ah waxaana mudadaasi ay Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa XIldhibaannada ah ay kulammo la qaateen hogaanka ugu sareeya Labada aqal ee uu ka koobanyahay Baarlamaanka dalka Talyaaniga iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku dhaqan.

Moqdisho Abril 18, 2014 Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo maalmihii aynu kasoo gudubnay socdaal shaqo ku joogay dalka Talyaaniga ayaa maanta dib ugu soo laabtay Dalka ayadoo wafdiga Gudoomiyahana si heer sare ah loosoo dhaweeyey.

Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka,saraakiisha ciidammada,siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo markii lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kula hadlay saxaafadda qeybta nasashada garoonka ayaa tilmaamay in safarka isaga iyo wafdigiisa ay ku tageen dalka Talyaaniga uu kusoo idlaaday guul islamarkaana dhowaan ay si rasmi ah u howl bilaabi doonaan guddiyo labada Baarlamaan ka kala socda waa Soomaaliya iyo Talyaaniga kuwaasi oo iyagu ka wadashaqeyn doonta fulinta qodobadii labada guddoon ay ku ballameen.

Socdaalka wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu hogaaminayey ay ku joogeen dalka Talyaaniga ayaa qaatay mudo Shan cisho ah waxaana mudadaasi ay Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa XIldhibaannada ah ay kulammo la qaateen hogaanka ugu sareeya Labada aqal ee uu ka koobanyahay Baarlamaanka dalka Talyaaniga iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku dhaqan.

Gedo, 16 April 2014Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal C/risaaq Khaliif Cilmi iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo, iyadoo ujeedada safarka abaanduulaha halkaasi uu ku gaaray uu ahaa geynta mishaaraadka ciidamada Xoogga ee ku sugan gobolkaasi iyo dar dargalinta howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.

Abaanduulaha iyo saraakiisha la socota ayaa markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha Garbahaarey, waxaa ku soo dhaweeyay saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa Amisom ee ku sugan magaaladaasi.

Jeneraal C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa magaalada Garbahaarey kulan kula qaatay saraakiisha Ciidamada, iyadoo uu warbixino ku saabsan xaalada amni uu ka dhageystay, waxaana uu u sheegay in madaxda sare ee dalka ay doonayaan in ay tayeeyaan ciidamada qalabka sida.

Abaanduulaha ayaa intii uu ku sugnaa magaaladaasi waxa uu kormeeray xarunta ciidanka xoogga dalka oo ku taalla duleedka Garbahaareey oo ay ku sugan yihiin boqolaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya gaar ahaan guutada 99-aad, waxaana Abaanduulaha oo Askartaasi la hadlay uu u sheegay in ay ku dadaalayaan sidii loo tayeen lahaa Ciidamada, waxaana uu ku ammaanay guulihii ay ka gaareen la dagaalanka Argagaxisada Al Shabaab ee Gedo.

Ugu danbeyntii Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa waxa uu ku wareejiyay mishaaraadka Ciidamadaasi taliska uu ugu talo galay Taliyaha Guutada 99-aad oo u qeybin doono ciidamada qalabka sida ee ku sugan Gobolkaasi

Muqdisho, 16 April 2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ku baaqay in si nabad ah xalka lagu raadiyo oo uu yiri “Wadahadal, dib u heshiisiin iyo nabadeyn waa in lagu dhameeyaa khilaafka Taleex. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey diyaar u tahay inay dhammaan dhinacyada ay quseyso kala shaqeeyso xal u helidda khilaafka oo aan shacabka u naxno una horseedno dib u heshiisiin waarta oo soo afjarta dhammaan khilaafaadka soo jireenka ah ee degaankaas.

Madaxweynaha oo ka walaacsan xaaladda ka soo cusboonaatay magaalada Taleex ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka soo daaleen khilaaf iyo dagaallo oo loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ay khilaafkooda iyo kala aragti duwanaanshahooda in lagu xaliyo si nabad ah. Soomaalidu waxey leedahay dhaqan soo jireen ah oo geedka hoostiisa lagu dhameyn jiray waxii khilaaf ah ee jira.

Madaxweynaha ayaa yiri “Aad iyo aad bey noo dhibeysaa inaan arango dhiig hor leh oo ku daata si aan micno laheyn. Xaaladda waa in la dejiyaa oo ugu yaraan lagu soo celiyaa sidii ay aheyd maalmo ka hor inta aysan collaadaha cusub bilaaban si wadahalka iyo nabadeynta fursad loo siiyo. Siyaasadda Dowladda ayaa ah in in Dadka deegaanka ay xaq u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan si loo gaaro marxalad aan caalamka kula tartami karno, isla markaana aan u istaagi karno sharafka iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed. Taasna waxey ku imaan kartaa oo kaliya annagoo la nimaada biseyl siyaasadeed, isu dulqaadasho iyo is tixgelin ku wajahan kala danbeyn iyo ilaalinta Amniga muwaaddinka”

Kismaayo, April 16.2014 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta ku booqday xero tababar uga soconayay ciidamo ka tirsan maamulka Jubba, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu u jeediyay dardaaran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa booqashadiisan ku wehliyay xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo golaha Baarlamaanka, Safiiro iyo Saraakiil ka socotay AMISOM iyo maamulka Jubba, waxaana ciidankan loo tababarayaa sidii ay uga mid noqon lahaayeen ciidamada kala duwan ee maamulka Jubba, waxaana halkaasi ku tababaro ku siiyo saraakiil isugu jira Soomaali iyo AMISOM.

Ugu horeyn Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi warbixino ku siiyay saraakiil ka tirsan maamulka Jubba, waxayna tilmaameen in ciidankani ay in muddo ah qaadanayaan tababaro kala duwan ayna diyar u yihiin inay ka qeyb qaataan difaaca iyo xoreynta dalka, waxayna tilmaameen in qaarkood ay horay u soo mareen tababaro dalalka deriska ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay ciidankan inay noqdaan ciidamo ka shaqeeya danaha shacabka, isla markaana illaaliya xaquuqda Bani’daamka “Waa inaad illaalisaan Nafta, Sharafka, iyo Hantida ummadda, kana difaacdaan dalka caddowga, uuna uug horeeyo caddowga al shabaab” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ciidamadan u balan qaaday in dawladda Federaalka Soomaaliyeed ay u diyaarin doonto agabkii ay ku howlgeli lahaayeen isla markaana ay haatan wadaan qorshe ku aadan sidii ciidamadan loogu kala saari lahaa qeybaha kala duwan ee ciidanka Qalabka sida, taasina ay kala hadli doonaan saraakiisha ciidanka.

“Waxaanu dooneynaa inaanu idiin kala saarno qeybaha kala duwan ee ciidanka sida Xogga dalka, Boliis, Asluub iyo Nabadsugid” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad dheer u jeediyay ciidankan loo tababarayo maamulka Jubba.

“Ciidanka Soomaaliyeed gobol kasta oo uu joogo waa isku hal hadaf, waana inay dalka ka xoreeyaan caddowga, ayna difaacaan Qaranimada iyo xaduududaha dalka Soomaaliya, waxaana la idinka doonayaa in aadnaan ka leexan hadafkaas” ayuu yiri ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaruhu.

Moqdisho Talaado Abriil 15 Kormeerkan uu Safiirka cusub ee Imaaraadka carabta ee Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Cismaan uu ku tegay qaar ka mid ah xarumaha ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa u jeedkiisu ahaa sidii uu u ogaan lahaa qaabka ay u shaqeeyaan ciidamada booliska, isagoo ugu horeyn kormeerkiisa ka bilaabay xarunta Taliska Booliska ee Muqdisho, halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Taliyaha ciidanka Booliska Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid, waxaana u salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka iyo kuwa musikada ee ciidanka booliska.

Radio Mogadishu's photo.
Radio Mogadishu's photo.
Radio Mogadishu's photo.
Radio Mogadishu's photo.

Intaasi kaddib Taliyaha ciidanka booliska iyo Safiirka waxa ay gaareen Akadeemiyada tababarka ciidanka booliska ee Jeneraal Kaahiye, waxaana goobtaasi oo lagu qabtay munaasabad kooban lagu soo bandhigay heeso Soomaali iyo Carabi isugu jira oo ay soo bandhigen fanaaniinta kooxda Heegan ee ciidanka booliska.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid ayaa markii ay kormeerkooda soo idlaaday kaddib Warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay u jeeddada socdaalka wafdiga Danjiraha Imaaraadka carabta ee Soomaalya ee uu maanta ku tegay Xarunta Taliska Booliska iyo Akadeemiyada tababarka ciidanka booliska ee Jeneraal Kaahiye.

Sidoo kale Taliyaha ayaa ka hadlay howlgallada ay ciidamada sameynayeen maalmihii la soo dhaafay, isagoo sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen ajaanib ka tirsan Al-Shabaab oo uu xusay inay ku socoto baaritaanno, saxaafaddana ay u soo bandhigi doonaan

Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid ayaa ka digay in gudaha Muqdisho lagu dhex wato gawaarida leh Muraayadaha Madow ee beensolka loo yaqaan, isagoo u qabtay in muddo isbuuc ay gawaarida kaga qaadaan muraayadaha nuucaasi oo kale ah.

Dhanka kale warqad ka soo baxday xafiiska Taliyaha ciidanka Booliska ayaa Gaashaanle Dhexe Qaasim Axmed Rooble loogu magacaabay Afhayeenka ciidanka booliska, isagoo lagu badalay Afhayeenkii hore ee ciidanka booliska Jeneraal Maxamed Cumar Madaale.

Gaashaanle Dhexe Qaasima Axmed Rooble ayaa horey uga tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo loo soo wareejiyay ciidanka booliska, iyadoo akadeemiyada tababarka ciidanka booliska Soomaaliyeed uu muddo lix bil ah ku qaadan doono tababar la xiriira sharuucda Booliska.

Moqdisho Talaado Abriil 15 Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya,Mudane Xasan Sheekh Maxamuud markuu ogaaday inay dhamaatay mudadii KMG aheyd ee Guddoomiyenimada Gobolka Hiiraan uuna Gobolka u baahan yahay Guddoomiye cusub.

Wareegto ka baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray radio muqdisho ayaa Cabdi Fataax Xasan Afrax loogu magacaabay gudoomiyaha gobolka Hiiraan.
Markuu Tix geliyey inay jirto baahi loo qabo dhisidda Maamullada Gobolada iyo Degmooyinka si ay mustaqbalka u dhismaan Dowlad-Goboleedyo Dastuurka waafaqsan, waxa uu Madaxweynaha ansixiyey laga bilaabo 14 April 2014 in uu Mudane Cabdifataax Xasan Afrax noqdo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan muddo 6 bilood ah.

Moqdisho Talaado Abriil 15  R/wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed oo booqasho ku jooga magaalada Kismaayo ayaa sii wada kulamo uu la qaadanayo qeybaha bulshada,  isagoo kormeeray xarumaha dowladda ee magaaladaasi.

Dr. Cabdi weli Sheekh Axmed R/wasaaraha dalka oo maalintii Sadexaad booqanaya magaalada Kismaayo ayaa xarigga ka jaray bangiga dhexe ee magaalada Kismaayo, waxaana la filayaa in sidoo kale uu maanta xarigga ka jaro garoonka cusub ee kubabba cagta oo laga hirgeliyay magaaladaasi.

R/wasaare C/weli ayaa dhinaca kale sii wada wada hadallada uu la qaadanayo qeybaha bulshada, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa maamulka KMG ah ee Jubba, wuxuuna shalay kormeeray cisbitalka guud iyo Dekeda Kismaayo.

Dhinaca kale ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay mana jirto fal amaandarro ah oo ka dhacay magaaladaasi, waxaana xusid mudan in magaalada Kismaayo ay ka da’een  roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada.

Moqdisho Talaado Abriil 15 Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo ku joogaan dalka Talyaaniga ayaa maanta booqday Jaamacadda Napoli oo ku taala magaalada Napoli halkaasi oo qeyb ka mid ah Afka Soomaaliga wax looga barto ilaa heerka ugu sareeya waxbarasho jaamacadeed.

Ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdiga la socda waxa ay ugu horeyn booqdeen qeybaha kala duwan ee dhismaha Jaamacadda ayagoo si gaar ah u booqday halka ay ku keydsanyihiin buugaagta quseeya barashada taariikhaha Islaamka,qaaradda Afrika iyo buugaag si gaar ah uga hadleysay Afkeenna Hooyo iyo aas aaska barashadiisa kuwaasi oo Af-Soomaali ku qoran.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa hool ku yaala gudaha Jaamacadda khudbad luqada Afka Talyaaniga ah ugu jeediyey Boqolaal arday ah oo wadammo kala duwan u dhashay waxaana uu khudbaddiisa uga hadlay xiriirka qotada dheer ee ka
dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga,sidoo kalena waxa uu maamulka Jaamacadda Napoli ku booriyey iney sii wadaan Afka Soomaaliga oo wax lagu barto.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay oo iyana khudbaddo luqada Talyaaniga ah ka jeediyey islamarkaana ka jawaabay qeyb ka mid ah su’aallihii ay ardaydu weeydiiyeen Gudoomiyaha iyo Wafdigiisa xildhibaannada kala ah Prof C/risaaq Jurile,Prof C/laahi Sheekh Ismaaciil,Dr Cusmaan Maxamuud Dufle
iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud.

Maalinnimada berrito ah gelinka dambe Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa waxa ay la kulmi doonaan Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Talyaaniga.

—DHAMAAD—

Moqdisho Talaado Abriil 15 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xasuusanayay dadkii ku geeriyooday weerarkii maanta oo kale ka dhacay maxkamadda Gobolka Benaadir.Munasabadaan lagu xusayay sanad guuradii kowaad ee ka soo wareegtay markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weeraro argagixiso oo fuleynimo ah ay ka geysteen xarunta Maxkamadda Gobolka Benaadir ayaa ,maanta lagu qabtay xarunta Maxkamaddaasi, iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyin uu ka midyahay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Wasiirka Garsoorka, xubno kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda, taliyeyaasha ciidamada Nabad sugidda iyo Asluubta, shaqaalaha Maxkamadda iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn Wasiirka Garsoorka iyo arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir Maxamed ayaa u tacsiyeeyay intii ku dhimatay weerarkaasi fuleynimada ah ee ay shabaabku ku gumaadeen dad aan waxba galabsan.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Abuukaate Ceydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf ayaa sheegay in weerarkaasi uusan saameyn kuyeelan howlihii ay bulshada u hayeen, isagoo howlwadeennada Maxkamadda gobolka ku ammaanay sida ay ugu  taaganyihin u adeegidda bulshadooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka khudbad dhinacyo badan ka jeediyay goobta ayaa ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay intii ku dhimatay weerarkaasi, isagoo xusay in dowladdu ay ilgaar ah ku eegi doonto ehelada dadkii weerarkaasi ku dhintay.

14-kii bishii April ee sanadkii tegay 2013-ka ayay ahayd markii maleeshiyaad ka tirsan dhagar qabayaasha kooxda Al-Shabaab ay xarunta Maxkamadda gobolka Benaadir ka fuliyeen weeraro fuleynimo ah oo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah.

Puntland Talaado Abriil 15Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta golayaasha Dawladda ayaa maanta booqashooyin kala duwan kusoo maray deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Magaalooyinka ay tageen wafdiga uu hogaaminayay Dr. Cabdiweli waxaa ka mid ahaa RIIG-OOMANE, DAARA-SALAAM iyo BUR-SAALAX oo dhamaantood hoos yimaada degmada GAL-DOGOB .

Dadweynaha ku nool deeganadasi oo ruxayey caleemo qoyan iyagoo teetsan wadooyinka magaalooyinkaasi ayaa si weyn usoo dhoweeyey Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland iyo wafdigiisa la socday, iyagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada ay wafdigaasi ku tegeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug, waana marki ugu horeysay ee ay wafdigaasi booqdaan deegaannada ay maanta tegeen.

Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dadweynaha ku nool deegaanada uu soo maray la hadlay ugana mahad celiyay sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen, isagoo sidoo kale uu sheegay in maamulka uu hogaaminayo ay ku dadaalayso sidii xooga loo saari lahaa horumarinta arrimha bulshada si shacabka Puntland ay u heli lahaayeen is bedel muuqda.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa isla maanta dib ugu laabtay magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug.

Moqdisho Talaado Abriil 15 Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ahna Kusimaha Wasiirka Wasaaraddaasi iyo mas’uuliyinta Wasaaradaasi waxa ay kulan looga hadlayay sidii loo mideyn lahaa waqtiyada Aadanka Saaladda Muqdisho kula qaateen xarunta degmada Cabdicasiis Imaamyada iyo Qadhiibyada Masaajidda degmadaasi, iyadoo kulanka ay goob joog ka ahaayeen maamulka Degmada Cabdicasiis.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay sidii culimada ay u dar dargelin lahaayeen wacyi gelinta bulshada, iyadoo intii uu socday kulanka uu ku-simaha Wasiirka talooyin ka dhageystay Imaamyada iyo Qadhiibyada Masaajidda ku yaala degmada Cabdicasiis ee gobolka Benaadir.

Guddoomiyaha Degmada Cismaan Muxudiin Cariif oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in kan maamul ahaan ay Wasaaradda kala shaqeyn doonaan waxyaabihii kulanka looga hadlay

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta Sheekh Maxamed Kheyrow Aadan ayaa sheegay in Wasaaraddu ay kal hore Imaamyada iyo Qadhiibyada u qeybiyeen warqado ay ku qoranyihihiin jadwalka xilliyada lagayo Salaadda.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Mudane Yuusuf Xeyle Jimcaale oo ka hadlay u jeeddada kulanka ayaa tilmaamay in uu ahaa sidii loo diiwaan gelin lahaa Masaajidyada ku yaalla degmada Cabdicasiis iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhexeysa Wasaaradda iyo Culimada Soomaaliyeed.

Tani ayaa waxa ay qeyb ka tahay dadaallada ay Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ku dooneyso in ay ku mideyso Waqtiyada aadanka Saaladda iyo xiiliyada lagudanayo waajibaadka salaadaha.

Roma Talaado Abriil 15 Afhayeenka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay booqasho ku joogaan dalka Talyaaniga ayaa kulammo kala duwan kula qaatay magaalada Rome dalka Talyaaniga mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Talyaaniga.

Maanta oo Isniin ah Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa waxa ay booqdeen xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkan Talyaaniga halkaasi laguu soo dhaweeyey waxaana uu kula kulmay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga Mario Giro oo isagu u faah faahiyey qorshayaasha ay Dowladda Talyaaniga ku dooneyso iney ku taageerto Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka Labaad waxa Jawaari la qaatay Gudoomiyaha Aqalka Odayaasha (Senato) Horn Piatro Grasso oo ay ka wada hadleen hirgelinta aqalka sare ee Soomaaliya iyo doorka ay dowladda Talyaanigu ku yeelan karto aydoo kulankii ugu dambeeyeyna uu la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka dalkan Haweeneyda lagu magacaabo Laura Boldrini waxaana kulankaasi uu socday mudo saacad ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka dalkan Talyaaniga Mss Laura Boldirini oo kulanka markii uu soo gebageboobay kadib la hadashay saxaafadda ayaa tilmaantay in waxyaabaha ay ka wada hadleen ay ugu muhiimsaneyd iskaashi iyo wadashaqeyn joogta ah oo dhexmarta Baarlamaannada Soomaaliya iyo Talyaaniga waxaana ay aad u ammaantay qaabka uu xiligan u shaqeeyo Golaha Shacabka Soomaaliya, sidoo kalena waxa ay xustay iney Muqdisho ku imaan doonto casuumad ay ka
heshay dhigeeda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo isna dhankiisa ka hadlay kulanka kadib ayaa xusay inuu dhowaan si rasmi ah u bilaaban doono iskaashi iyo wadashaqeyn dhexmarta labada Baarlamaan ayadoo wufuud ka kala socota labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo Talyaaniga ay socdaal ku kala tagi
doonaan magaalooyinka Muqdisho iyo Rome.
Moqdisho Axad Abriil 13, 2014 Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah Ee Somalia Mudane Xasan Sheikh maxamuud ayaa Waxaa uu Si kulul uga hadlay Tacadiyada Ciidamada Kenya ay u geysanayaan Bulshada Soomaaliyeed Ee Dalkaas ku dhaqan waxaaqna uu Madaxweynuhu soo jeediyay in Kenya ay Ixtiraam siiso Mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in marnaba aysan Raali ka Noqoneyn Dowladda Somalia in Dadkeeda loola dhaqmo si ka baxsan Bini.aadanimada sida Nairobi ka socota Waxaa uu u soo jeediyay Hogaanka Dowladda Kenya in ay joojiyaan xadgudubkaas oo ay Dadka cidii sharci haysatana Sii daayaan Cidaan haysana ay si Wanaagsan ugu soo wareejiso Dowladda Somalia si ay Dalkeeda ugu soo ceshato.

“Waxaan idiin sheegayaa Runtii anigu Madaxweynaha Kenya Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta intaba waan kala hadlay in la joojiyo ku tumashada Shacabka Soomaaliyeed Ee Magan galyada u raadsaday dalkaas hadana waan leeyahay Kenya ha joojiso Dhibaateynta Mawaadiniinta Soomaaliyeed Waxa Nairobi ka socdaa Ma ahan wax loo dulqaada karo Dowladda Kenya haday Go.aan ku Gaartay in Dalkeeda ay ka saarto Bulshada Soomaaliyeed anaga ayaa diyaar u ah in aan soo Ceshano hanoo sheegto “ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheikh.

Isagoo sii hadlayay ayuu Madaxweynaha waxaa uu u sheegay Bulshada Soomaaliyeed Ee ku dhaqanka Dalka Kenya in ay Ilaaliyaan nabad galyada iyo Xasiloonida Dalka Kenya waxaana uu Ka codsaday in Dadka ku soo dhex dhuumanaya Ee amaan darada Geysanaya ay u gudbiyaan Ciidamada amaanka dhanka kalena Dhibka loo geysanayo Somalida Kenya ku dhaqan iyo Guud ahaan Caalamka ayuu mas.uuliyada Dusha Uga tuuray Madaxweynhu Kooxda Al Shabaab Ee Somalia ka dagaalanta.

Magaalada nairobi Ee Caasimada Dalka Kenya ayaa Mudooyinkii Dambe waxaa ka soconayay Xadgudubyo ka dhan ah Bulshada Soomaaliyeed Ee Wadannkaas ku dhaqan oo ay Ciidamada amaanka Kenya kula kaceen Xarig jirdil iyo dhac Markii ay Qaraxyo dhawaan ka dhaceen xaafada Somalidu ku badan tahay Ee Islii oo Nairobi ku taala

Maamulka Ximan Iyo Xeeb  Sabti 12, 04, 2014 Xilli maanta ay ku beegantahay aas aaskii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed sanad guuradiisii 54-aad ayaa waxaa hambalyo munaasabadaas ku aadan maanta xoogga dalka u diray Madaxwayne ku-xigeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Kornel Cabdi Maxamed Suldaan Axmed-nuur, isagoo sheegay in munaasabadan ay tahay mid qiimo wayn ku fadhisa.

Waxa uu sheegay in ciidanka xoogga dalka oo uu ka mid ahaa uu lahaa awood ciidan iyo haybad, islamarnaana ilaalinta Qaranimada Soomaaliya ka sokow uu ka qayb qaatay gurmadka shacabka xilliyada loo baahdo.

Madaxwayne ku xigeenka maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa waxa uu bogaadiyay dadaalada xilligan la doonayo in dib loogu dhiso xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana madaxda Qaranka uu ugu baaqay inay xoogga saaraan sidii lagu heli lahaa ciidan Soomaaliyeed oo gudankara waajibaadka loo igmaday.

Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la aas aasay 12-April 1960-kii ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana mar uu gaaray inuu ka tilmaanaado Afrika oo dhan, inkastoo burburkii dalka uu saameeyay, balse muddo dheer kaddib ayaa waxa ay imminka u muuqataa inay soo noqonayso haybadii xoogga dalka Soomaaliyeed uu lahaa.

Galkacyo Sabti 12, 04, 2014 Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha cusub ee terminalka garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo.

Munaasabadii dhagax dhiga oo ka qabsoontay bartamaha garoonka diyaaradaha ee Gaalkacayo waxaa madaxweynaha kula sugnaa masuuliyiin sare oo ka tirsan golayaasha dawladda Puntland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Garoomada Amiin Xaaji Khayr aya sheegay in dhismahani uu qayb ka yahay dib u dhiska iyo horu marinta lagu samaynayo Terminalka garoonka diyaradaha ee magaalada Gaalkacayo,

isagoo guul usoo hoyatay shacabka Puntland ku tilmaamay dhismaha cusub ee Terminalka garoonka Gaalkacayo, wuxuuna cadeeyey in dhismihiisa lagu dhamaystiri doono mudo kooban.

Wasiirka Howlah Guud iyo Gaadiidka Cabdi-rashiid Max’ed Xirsi ayaa caddeeyey in dawladda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdi-wli gaas ay qorsha yaasheeda ka mid tahay in la tayeeyo korna loo qaado garoomada Puntland si looga dhabeeyo is beddelka ay Puntland u baahan tahay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Karaash ayaa isaguna horumar lataaban karo ku tilmaamay dhismaha cusub ee Terminalka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacayo , wuxuuna ku adkeeyey masuuluyiinta Wasaarada Duulista inay si dhakhso ah ku dhamaystiraan.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa sheegay in Dawladdiisu ay ka dhabaynayso dib u dhiska Puntland iyo horu markeeda, wuxuuna tilmaamay in garoonka diyaaradaha magaalda Gaalkacayo uu yahay isha labaad ee dhaqaalaha Puntland, isla markaana ay ku faraxsan yihiin dhismaha cusub ee uu maanta dhagax dhigay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in wadada ay diyaraduhu ku ordaan ee isla garoonka Magaalada Gaalkacayo  uu lafteedu u baahan tahay dayactir xoog leh, sidaa daraadeed ay usoo jeedsan doonaan waqtiyada soo socda in wax laga qabto.

—DHAMAAD—

Kismaayo, April 12.2014 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey dadweyne aad u badan, hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ku-xigeenkiisa iyo saraakiil sare sare.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya xildhibaano, Wasiiro, Wasiir ku-xigeeno iyo lataliyeyaal, waxaana inta uu Ra’iisul Wasaaruhu ku sugan yahay Kismaayo uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Jubooyinka, hogaamiyeyaasha maamulka, saraakiisha kala duwan ee ciidamada xoogga, iyo saraakiisha AMISOM, isaga oo kala hadli doona xoojinta amniga, iyo horumarinta degaanada Jubooyinka ee dhinacyada dib u dhiska.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada ee maamulka Jubba, iyaga oo kulan gaar ah wada qaatay,waxayna kadib warbaahinta si wadajir ah ugu qabteen shir jaraa’id.

Hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed madoobe ayaa Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii sheegay in Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ay ku soo dhoweynayaan Kismaayo isla markaana shacabka Jubbooyinku ay si buuxda u taageersan yihiin dawladda Federaalka Soomaaliya iyo hogaankeeda, wuxuuna tilmaamay in Muqdisho iyo Kismaayo ay yihiin mataano.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa isna dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhoweynta ballaaran ee shacabka iyo hogaanka Jubbooyinku u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna tilmaamay in inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo uu la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Waxaan salaan diiran idiinkaga wadaa madaxweynaha dawladda federaalka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in dawladda federaalku ay diirada saareyso sidii goboladan loo xasilin lahaa, loogana xoreyn lahaa degaanada ay weli ku harsan yihiin kooxaha nabadiidka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamada ugu horeeya maalinta berri ah la yeelan doona hogaamiyeyaasha maamulka Jubba, wuxuuna kala hadli doonaa dardargelinta iyo meel marinta heshiiskii Addis Ababa.

Nairobi Abriil 10, 2014 Mas’uuliyiinta safaarada dowlada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kenya oo uu hogaaminayay Ambasador Maxamed Cali Nuur (Americo) ayaa maanta soomaalida ku xirxiran garoonka kubadda cagta ee Kasaraani ee ku yaalo magaalada Nairobi.

Booqashada mas’uuliyiinta safaarada dowlada Soomaaliya ay ku tageen garoonka Kasaraani ayaa waxa ay ahayd u kuur galidda xaalada ay ku suganyihiin dadka soomaaliyeed ee boqolaalka gaaray oo ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ay ku qabteen howlgaladii labadii todobaad ee ugu danbeeyay ee ay ka wadeen xaafada ay soomaalidu ku badantahay ee Islii.

Soomaalida ku xiran garoonka Kasaraani ayaa waxa ay isugu jiraan dhalinyaro,haween,caruur iyo dad da, ah.

Dadka Soomaaliyeed ee ku xirxiran garoonka Kasaraani ayaa waxa ay ka cabanayaan cunto la,aan ,nadaafad daro iyo in aysan helin meel ay ka galaan roobka ay qabowga xiliga habeenkii ah ka jira magaalada Nairobi.

Qaar ka mid ah haweenka ku xira garoonka ayaa sheegay in loo diiday in ay arkaan oo ay nuujiyaan caruurta oo looga so tegay guryaha halka kuwa kalana ay sheegeen in aysan meel ku ogeyn caruurtii oo laga soo waday iyaga oo iskuulo ku maqan.

Ciidamada ayaa Iridda hore ee garoonka ku celinayay ehelda dadka ku xirxiran garoonka oo raashin iyo biyo u waday eheladooda xiran.

Dadka Soomaaliyeed ee ku xirxiran garoonka Kasaraani ayaa waxa ay haystaan waraaqaha qaxootiga oo ay bixiso hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya ee UNHCR iyo hay’adda dowlada Kenya u qaabilsan diiwaan galinta qaxootiga ee loo yaqaano DRA.

Gudaha garoonka waxaa Computero dhigtay mas’uuliyiin ka socotay hay’adda dowlada Kenya u qaabilsan diiwaan galinta qaxootiga DRA waxana ay baaritaan ku sameeynayeen kaarka qaxootiga ee Alien-ka oo ay bixisay dowlada Kenya,laakiin ma joogin garoonka mas’uuliyiin ka socotay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR oo dad xirxiran qaarkood ay wateen waraaqo ay bixisay.

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameriko) ayaa u sheegay dadka xirxiran in la sii deyn doono dadka wata waraaqaha ay bixisay UNHCR iyo hay’adda DRA.

Ambassador Cali Ameriko ayaa ugu baaqay hay’adda UNHCR in ay timaado garoonka oo ay xaqiijiso dadka heysto waraaqaha Mandate-ka oo ay bixisay.

Dadkan Soomaaliyeed ee boqolaalka gaaraya ayaa lagu qabqabtay howlgaladii ugu danbeeyay oo ay ciidamada Ammaanka Kenya ka sameeyeen xaafada Islii oo ay Soomaalidu degto.

Ambassador Cali Ameeriko ayaa markii uu ka soo laabtay garoonka Kasaraani waxa uu ku wargilyay waxyaabihii uu ku soo arkay wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kenya Josof Ole lenku.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kenya ayaa ka dib tegay garoonka si uu indhihiisa ugu soo arko dadka ku xiran garoonka Kasaraani,waxana uu balan qaaday wasiirku in bari la sii deyn doono haweenka iyo caruurta xiran.

Safiirka ayaa wado dadaal ku aadan sidii loo sii deyn lahaa dhamaan dadka haysta waraaqaha qaxootiga ee ku xirxiran garoonka Kubadda cagta ee Kasaraani.
New York Abriil 10, 2014 Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saartay ku cambaareysay ciidamada Kenya sida ay ula dhaqantay  shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, iyadoo ka dalbatay inay joojiso tacadiyada ay ku hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah dalkaasi.

Warbixinta oo soo baxday maanta oo Jimco ah ayaa lagu xusay in xoriyad la siiyo dadka magengalyo doonka ah ee aan sharciyada Kenya heysaniin ay inay helaan warqadaha aqoonsiga ee qaxootinimo, inta dib loogu soo celin lahaa dalkooda Hooyo.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in 4-8-dii bishaan ay kormeereen xabsi lagu magacaabo Pangani oo ku yaala xaafadda ay Soomaalida ku badantay ee Islii, iyadoo warbixinta lagu sheegay in qolalka xabsiga oo loogu talalgay 20 ka qof lagu xareeyay in ka badan 100 qof, taasi oo ay ku sheegeen inay dhibaato kala dulmeen dadka xabsigaasi lagu hayay.

Warbixinta ay soo saartay hay’adda Xaquuqda aadanaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Kenya ay ku xadgudubtay xaquuqda beni’aadamka, kaddib markii ay sheegeen in dad badan si sharci darro ah xabsiga loogu hayay, iyadoo ay ahayd in 24-saac kaddib la soo taago Maxkamad, taasi oo aan weli dhicin.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in kumanaan dad ah lagu xir xiray garoonka kubadda cagta ee Kasarani, halkaasi oo ay ku sheegeen in loo diiday gudi Madaxa banaan oo ka socday Hay’adda in ay galaan garoonka, si ay u ogaadaan xaalada dhabta ah ee haysata kumaamanka qof ee lagu hayo garoonka kubadda cagta Kasarani ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Madaxa sare ee Hay’adda Simpson ayaa sheegay in ciidamada Kenya oo isugu jira Boolis iyo kuwa koofi casta laga hayo dukumintiyo cadeynaya inay ku xad gudbeen intii ay socotay howlgallada Soomaali badan, iyadoo Hay’addu ay ku sheegtay in ciidamada Kenya ay bartilmaameedkoodu ahaa Soomaalida oo kaliya, taasi ay ku sheegeen inay tahay wax aan sharci ahayn.

9-kii bishaan ayay ahayd markii ay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay 82 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo qeyb ka ahaa dadkii ay ciidamada Kenya ku xadgudbeen, islamarkaana ay ka qab qabteen gudaha dalkaasi.

Moqdisho Abriil 10, 2014 Olole Nadaafadeed oo ay iska kaashanayaan maamullada Degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa ayaa maanta ka bilaabatay xarunta cusub ee uu maamulka Gobolka Benaadir ka hirgeliyay degmada Heliwaa, halkaasi oo ay qashinka ka gurayeen dadweyne aad u fara badan.

Ololahaan oo ay si wada jir ah u fulinayeen dadweynaha ku dhaqan labadaasi degmo ayaa waxa ay ahayd mid ay ku soo celinayaan bilicdii ay lahaan jirtay halka laga hirgeliyay xarunta cusub ee uu ku shaqeynayo maamulka Gobolka.

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Maxamed Axmed Xaashi oo halka ay ololaha nadaafadda ka socoto kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ololahaani ay ugu talagaleen sidii ay dib u soo celin lahaayeen bilicdii ay lahaan jirtay caasimadda,.isagoo shacabka ku booriyay inay sii labo jibaaraan ololaha bilic soo celinta.

Tani ayaa waxa ay qeyb ka tahay dadaallada uu Maamulka Gobolka Benaadir ku doonayo in lagu soo celiyo bilicdii ay lahayd magaalada.

Moqdisho Abriil 10, 2014  100 qoys oo danyar oo ku Nool degmada Xamar Weyne ayaa maanta loo qeybiyay raashin bisil oo ay iska kaashadeen hay’adda Kimsi Yokyo ee dalka Turkiga iyo Wasaaradda Haweenka, taasi oo qeyb ka ah quudin Jimco waliba ay ka bixiyaan degmooyinka Gobolka Benaadir..

Haweenkii ka faa’iideystay deeqdaasi raashinka ayaa waxa ay ka mahadceliyeen intii gacanta ka geystay in rashinkaasi loo qeybiyo, iyagoo si gaar ah uga mahadceliyay Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta xuquul insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha ururka Haweenka ee Degmada Xamar Weyne Biibi Maxamed Xaaji oo ku hadlaysay magaca haweenka degmadaasi ku nool ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in qoysas danyar ah oo ku dhaqan degmada, la soo gaarsiiyo mashruuca quudinta raashinka bisil.

Agaasimaha Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha Maxamed Cumar oo isna goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Wasaaradda ay sii wadayso quudinta haweenka ku nool degmooyinka gobolka Banaadir.

Wasaaradda Haweenka oo kaashanaysa hay’ado laga leeyahay dalka Turkiga waxa ay Jimco waliba degmooyinka ka qeybiyaan raashin bisil oo loogu talagalay in lagu quudiyo qoysaska danta yar, iyadoo markii uu mashruucaani quudinta cuntada bisil uu dhamaado ay Wasaaraddu qorsheyneyso in ay sameyso mashaariic kale oo lagu horuamrinayo shacabka Soomaaliyeed.

Abriil 10, 2014 Ra’iisal wasaarihii hore ee Kenya Rail Odinga ayaa ku dhaliilay dowlada Kenya qaabka ay ula dhaqantay dadka Soomaaliyeed howlgalada ay kula dagaalamayso argagaxisada ee magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.

Mr  Odinga oo la wareystay isagoo jooga Boston, Massachusetts ayaa sheegay in uu aad ula yaabay in ciidamada dowlada ay ka dhigteen yoolkooda Soomaalida markii ay baaritaanka ku sameynayeen dadka lagu tuhunsan yahay in ay ka mid yihiin argagaxisada deegaanka Eastleight.

“Qaladku ma ahan oo kaliya qaabka ay dowlada uga raadisay dadka lagu tuhunsan yahay argagaxisanimada balse waxa ka daran waxa taasi ka dhalan kara mustaqabalka. Ma haboona in ciidamada loo fasaxo in ay mid ka mid ah qowmiyahada Kenya loo nisbeeyo in ay argagaxisda iyaga kaliya ay yihiin,”ayuu yiri.

Waxana uu Odinga sheegay in ay iska caddahay in dad ka soo kala jeeda qomiyado kala duwan oo aan ahayn Soomaali kaliya ay sameeyeen falal aragagaxiso ah.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Kenya oo sii hadlay ayaa sheegay in hore loo arkay dad ka soo qowmiyado kale oo aan ahayn Soomaali oo falal argagaxiso ka sameeyay dalka Kenya.

“Waxaan aragnay dhalinyaro ka soo jeeda Luo, Luhya, Kikuyu iyo qaar kale oo la soo taagay maxkmad iyagoo loo haysto falal argagaxiso. ,”ayuu yiri Odinga.

Odinga ayaa ugu baaqay dowlada Kenya inaysan dib u soo celin wixii ka dhacay Wagala oo qowmiyada Soomaalida oo kaliya lagu bartilmaameedsaday xasuuqna ka dhacay.

Dad gaaraya afar kun oo ruux oo Soomaali ah ayaa lagu qabqabtay howlgalo ay dowlada Kenya ka bilowday dalkeeda waxaana inku dhow boqol ka mid ah dadkaas la qabqabtay loo soo masaafuriyay dalka Soomaaliya.

Bujunbura Abriil 10, 2014  Madaxweynaha D.F Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo socdaal ku marayay qaar ka mid ah dalalka ay ciidamada ku howlgalaya magaca AMISOM ee joogo soomaaliya ayaa gaaray magaalada buujambuura ee caasimadda dalka Burundi.

Waxaana garoonka caalamiga ah ee buujambuura si weyn ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka dalka Burundi Gervais Rufyikiri danjiraha Soomaliya u fadhiya Burundi Amb. Abshir Xasan Abshir saraakiil sar sare oo ka tirsan wasaarada gaashandhigga safiirka Burundi u fadhiya soomaaliya safaarado kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Masar, Libya,Rwanda,Kenya,Tanzania iyo Nigeria.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu horkacayo ayaa lagu casumay casho sharaf si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen wasiiro kala duwan sida wasiirka gaashaandhiga Burundi Gen. Pontien Gaciyubweng ,Wasiirka Arrimaha Dibadda Burundi Laurent Kavakure diplomaasiyiin ka kala socda Dowlada mareykanka,Midowga yurub iyo midowga Africa.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Burundi ayaa ugu horeyn munaasbaada ku soo dhaweeyey Madaxweynaha DFS iyo wafdigiisa,isagoo ku hadlayey magaca shacabka iyo dowlada Burundi waxaa uu u hambalyeey madaxweynaha sida uu didhibada u taagay astaanta qaranka soomaaliyeed  kana hirgaliyey wadanka gudihiisa horumar baaxada leh nabadgaliyo  iyo diimuquradiyad.

Madaxweynha D.F Soomaaliya Mudane Xasan Sh.Maxamud ayaa dhankiisa u mahad celiyey Dowlada Burundi iyo shacabkaba soo dhaweynta qaaliga ah ay u sameeyeyn.Madaxweynaha ayaa waxaa uu xusay in sheyga ugu qaalisan nolosha ay tahay qofka naftiisa kuu huro, isagoo ula jeeda ciidanka Burundi ee ka garab dagaalamaya ciidanka qaranka soomaaliyeed ee wada howlgalada lagu xoreynayo qeybo ka mid ah koonfurta soomaaliya,sidoo kale madaxweynaha waxaa uu xusay in dowlada Burundi iyo shacabkeedaba ay ka mid yihiin dalal kooban oo fahansan qadiyada soomaaliyeed diyaarna u ah in ay taageeraan calanka soomaaliyeed.

Bujunbura Abriil 10, 2014 Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed oo ay Wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Awqaafta iyo arrimaha diinta Mudane Yuusuf Xeyle Jimcaale, Xildhibaan Cabdiqaadir Macalin Nuur iyo xubno kale ayaa maanta kormeer ku tegay xarumo waxbarasho oo ku yaalla deegaanka Xoosh..

Ugu horeyn Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo xubnihii la socday waxa ay Mowlaca Macalin Nuur oo ku yaalla deegaanka Xoosh, halkaasi oo ay warbixin kaga dhageysteen Xildhibaan Cabdiqaadir Macalin Nuur oo uga warbixiyay Mowlaca iyo culimada hadda wax ku barata, iyagoo intaasi kaddib kormeer ku sameeyay dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Macalin Nuur, halkaasi oo ay kula kulmeen macalimiinta iyo ardayda iskuulkaasi wax ka dhigata.

Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maamulka, Macalimiinta iyo ardayda  ku bogaadiyay sare u qaadidda waxbarashada, isagoo kula dar  daarmay in waxbarashada ay tahay furaha aqoonta.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Wasiir ku-xigeenka Awqaafta iyo arrimaha diinta waxa ay socdaal ku soo mareen Jaamacadda Imaam Shaafici oo xiriir la leh Mu’asasada Macalin Nuur.oo ku taalla degmada Hodan.

Xildhibaan Cabdiqaadir Macalin Nuur ayaa Wafdiga Ra’iisu; Wasaare ku-xigeenka u sheegay in Mu’asasada Macalin Nuur la aas aasay sanadkii 1942-kii, islamarkaana ay qabatay waxyaabo badan, isagoo xusay in hadda ay leedahay qeyb ay carruurta ku bartaan Qur’aanka Kariimka iyo cilmiga.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay goobaha kala duwan ee ay maanta kormeereen iyo waxyaabaha ay indhahooda ku soo arkeen, isagoo ku xusay in Mu’asasada Macalin Nuur ay ka mid tahay meelaha ugu faca weyn ee lagu bartay Qur’aanka Kariimka iyo Cilmiga intiisa kale.

Moqdisho Abriil 5, 2014 Baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa kulankoodi ay maanta ku yeeshen xarunta shacabka,waxaa ay dooda adag ka yeeshen magacaabista maamullada degmooyinka ee gobollada dalka.

Xildhibaannada sidoo kale waxaa ay maanta ka hadleen sharcigii ay horey baarlamaanku u ansxiyeen ee la xiriiray nidaamka iyo shuruucda maamul u sameynta gobollada dalka.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad ayaa fadhiga maanta ee baarlamaanka shir guddoominayey,waxaana ay xildhibaannadu ku dheeraden ka hadlida halka uu ku dambeeyey dhaqangelinta hindise sharciyeedka maamul u sameynta dalka ee ay horey Xildhibaannadu u ansixiyeen, islamarkaana uu saxiixay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qar ka mid ah xildhibaannada oo kulanka ka hadlay,waxaa ay soo jeediyen in lugu dhaqmo dastuurka dalka u yaalla,iyagoona sheegay in go’aankii sanadkii hore la gaaray la raaco, oo la joojiyo bad badalka lagu sameynayo maamullada degmooyinka gobollada dalka.

Sidoo kale qar ka mid ah xildhibaannada waxaa ay ka soo horjesteen maamulkii dhawaan dowladda Soomaaliya ay usameysay degmada Afgooye.
“Degmada Afgooye qalad ayaa laga gelay in dad dhisan dad kale lagu kor magacaabo waa qalad, wadanka dagaal ayuu ku jiraa, Xildhibaannada waxaan u sheegayaa in la xoreeyay Buulo-barde, Qoryooleey, waxaa la rabaa si shacabka iyo ciidamada in lakala dhexgalo, waa in la helaa maamul la shaqeeyo ciidankaasi, Sharcigaan waxa uu tilmaamayaa kii dowlad goboleedyada looga gudbi lahaa waaye ee ma ahan kii magacaabista degmooyinka gobollada dalka” ayey yirahden qar ka mid xildhibaannada.

Gaba-gabada fadhiga ay maanta baarlamaanka yeeshen,waxaa ka hadlay gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka,Mahad Cabdalla Cawad waxuuna sheegay in mooshinnada soo gaaray guddoonka ee ka yimid dhanka Xildhibaannada ay badanyihiin islamarkaana uu ku jiro mooshin ay Xildhibaannadu ku dalbanayaan wax ka bedelka ama kordhin lagu sameynayo Miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2014ka.

“Mooshinada aad bay u farabadanyihiin Xildhibaanno ayaa waxa ay soo soo gudbiyeen arrin ay codsanayaan oo ah in miisaaniyadda lagu darro sanduuqa dhaqaalaha horumarinta deegaanka, oo nuxurkeedu yahay maadaama xeer hoosaadka uu xeeqayo in deegaan doorashooyinka tegno oo aan howlo ka soo qabano” ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad.

Intaas kaddib waxaa uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka in maalinta berri ah uu hor imaan doonno baarlamaanka wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya si uu xildhibaannada baarlamaanka uga jawaabo su’aallo ay waydiinayan.

Garowe Abriil 5, 2014 Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdweli Maxamed Cali Gaas ayaa xil ka qaadis ku sameyeey Maanta Agaasimihii ciidanka badda Puntland Maxmaed Cabdiraxmaan Faroole.

Madaxweyne Cabdweli Gaas ayaa xilkan Agaasimaha Ciidamada bada Puntland u Magacaabay Cabdinaasir Biixi Soofe oo ka mid aha ragga sida aadka ah ay iskugu dhow yihiin.

Ciidanka badda Puntland ayaa la aasasay 2010-kii waxaana xiligaasi hindisay madaxweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole oo sheegay inay muhiim tahay helitaanka ciidan tababaran oo la dagaalama kooxda burcad badeedka.

Maxamed Cabdiraxmaan oo ah wiilka Madaxwaynihii hore ee Puntland Faroole ayaa xilkaasi loo magacaabay wuxuuna mudadii uu hayay uu qabtay shaqooyin faro badan oo ay ka mid tahay sidii ciidanka badda loogu raadin lahaa tababaro tayo leh iyo dhaqaalo ku filan, la dagaalanka burcad baddeeda badda iyo bariga iyo soo badbaadinta bad-maaxayaal burcad badeed ay ku haysteen xeebta Jariiban ee Gobalka Mudug.

Madaxweynaha Puntland Gaas ayaa malmahan waday ,isbadal balaaran,waxaana jira in uu xilaalka ka xayuubiyeey Masuliyiin xilka ku raagay waxaana Madaxweyne Gaas la filaya in uu xlka ka qaado Masuuliyin kale.
Moqdisho Abriil 5, 2014 Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya, ayaa maanta Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federalka ee Xukuumada C/laahi Barre Goodax, ku wargeliyay in maalinta berito ah uu horyimaado Xildhibaanada.

Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa waxay Wasiirka ku eedeeyeen in wado khaldan uu u maray Dhismaha Maamulka cusub ee Degmada Afgooye, ayna dalbanayaan in ay su’aalo ka weydiiyaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa bishii July ee sanadkii tagey soo saaray Nidaam Maamul loogu samaynaayo Gobolada iyo Degmooyinka dalka, oo oranaaya in Xildhibaanada Deegaanka lagala tashado Maamul u samayntooda.

Xildhibaanada, ayaa Wasiir Goodax ku dhaliilay inaanu Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo jeedo Degmada Afgooye, wax wada tashi ah kala yeelan Maamul u samaynta Degmadaasi.

C/laahi Goodax Barre wuxuu toddobaadkii hore Wareegto uu soo saaray uu isbedel ugu sameeyay Maamulkii Degmada Afgooye, xilli aanu jirin wax wada tashi ah oo uu kala yeeshay Xildhibaanada deegaanka.

Mahad Cabdalla Cawad, Gudoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka, ayaa ku dhawaaqay in Wasiirka Arrimaha Gudaha berito laga doonaayo, in uu horyimaado Xildhibaanada Baarlamaanka

Moqdisho Abriil 4, 2014 R/wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa maamulka, madaxda iyo shaqaalaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV ugu hambalyeeyay sanadguuradi ka soo wareegtay markii dib loo howlgeliyay.

Sidoo kale R/wasaaraha ayaa xusay in Telefishinka Qaranka uu kaalin wax ku ool ah ka qaato difaaca dalka iyo Qarannimada, isagoo tilmaamay in sidoo kale uu qeyb lama ilaawaan ah ka qaato hanuuninta dadweynaha, wuxuuna taas ku tilmaamay guul usoo hoyatay ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan la soconaa ahmiyadda uu Telefishinku u leeyahay, wuxuuna baahiyaa xaaladda dhabta ah ee dalka ka jirta, isagoo kaalin muhiin ah ka qaata wacyigelinta dadka iyo la dagaalanka cadowga Soomaaliyeed” ayuu yiri R/wasaare C/weli Sh. Axmed.

R/wasaraha ayaa kula dardaarmay howlwadeennada telefishinka iney sii kordhiyaan howlaha ay qaranka u hayaan, isagoo xusay in xukuumaddu ay ku dadaalidoonto sidii ay u dabooli laheyd baahida Telefishinka iyo shaqaalaha ka howlgalaba.

Telefishinka Qaranka ayaa markii ugu horeysay la aas’aasay sanadki 1981 waa muddo iminka laga joogo 31 sano hase yeeshee burburki kadib ayaa dib loo howlgeliyay maantoo kale 4-ti April sanadki 2014.

Kuala Lumpur, April 03, 2014-  Boqorka dalka Malaysia Al-Sultan Almu’tasimu Billahi Muhibbuddin Tuanku Alhaj Abdul Halim Mu’adzam Shah  ayaa ka gudoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo , ambassador Nur Farah Hersi oo ah Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Malaysia kadib xaflad balaaran oo ka dhacday qasriga Boqortooyo ee ku yaala caasimadda Kuala Lumpur .

Danjire Nur Farah , ayaa intii munaasabadda ay socotay waxa uu gudbiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Hassan Sheikh Mohamud  , isagoo bogaadiyay Boqorka Malaysia, una rajeeyay caafimaad qab iyo baraare , Xukuumadda iyo Shacabka Malaysia horumar iyo barwaaqo .

Kuala Lumpur, April 03, 2014-  Boqorka dalka Malaysia Al-Sultan Almu’tasimu Billahi Muhibbuddin Tuanku Alhaj Abdul Halim Mu’adzam Shah  ayaa ka gudoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo , ambassador Nur Farah Hersi oo ah Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Malaysia kadib xaflad balaaran oo ka dhacday qasriga Boqortooyo ee ku yaala caasimadda Kuala Lumpur .

Danjire Nur Farah , ayaa intii munaasabadda ay socotay waxa uu gudbiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Hassan Sheikh Mohamud  , isagoo bogaadiyay Boqorka Malaysia, una rajeeyay caafimaad qab iyo baraare , Xukuumadda iyo Shacabka Malaysia horumar iyo barwaaqo .

Moqdisho Talaado Abriil 1, 2014  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray shirweynihii qaran ee looga hadlayay horumarinta xanaanada xoolaha, kaasi oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin iyo quburo ku xeel dheer arrimaha xaneeynta xoolaha.

Shirkan oo socday muddo afar cisho ah, islamarkaana ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanda Xoolaha ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen sida lagu horumarin karo xanaanada xoolaha, iyadoo laga soo saaray  qodobo dhowr ah.

Dr Maxamed Cabdiraxmaan oo ka mid ah quburadi kulanka ka qeyb galay oo goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in loo baahanyahay in lafuro xaruntii hore ee xanaanada xoolaha ee ay lahaan jirta Wasaaradda, isagoo xusay in la hubiyo xaaladda caafimaad ee xoolaha.

Wasiirka Xanaanda Xoolaha, dhirta iyo daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saalim Caliyow Ibroow ayaa sheegay in ay joogteyn doonaan shirarka nuucaani oo kale ah oo lagu horumarinayo xoolaha dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray shirka ayaa hoosta ka xariiqay in shirarka lagu horumarinayo xanaanada xoolaha uu ahmiyad weyn ugu fadhiyo shacabka, isagoo xusay in loo baahanyahay in la dhiirigeliyo shirarka nuucaani oo kale ah.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay wakiilo ka socda Maamullada Puntland, Galmudug, quburo arrimaha xoolaha ku taqasuustay iyo mas’uuliyinta Wasaarada Xanaannada Xoolaha.

Moqdisho Talaado Abriil 1, 2014 Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay dad lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen  dil wadareed  dhawaan duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay loogu geystay odayaal dhaqameedyo Soomaaliyeed oo ka yimid magaalada Baydhabo.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliye Sareeyo Guuto Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in raggan lagu tuhmayo in ay ku luglayaaheen falkii23 bishii Maarso  lagu dilay odoyaal dhaqameed lagu guuleystay in la soo qabto, waxaana uu intaa ku daray inay ku socoto howlo baaritaanno ah.

“Ciidamadu waxa ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan afar ka mid ah ragga lagu tuhmayo in ay falkaasi geysteen, labo ka mid ah waxaa laga qabtay magaalada Buurhakaba, halka labada kale laga qabtay magaalada Baydhabo” ayuu yiri Taliyaha.

Jeneraalka ayaa xusay in lagu raad joogo rag kale oo lala xiriirinayo falkaasi, isagoo tilmaamay in ragga hadda gacanta lagu hayo lala tiigsan doono sharciga.

Taliyaha ciidanka booliska ayaa uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed sida ay ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka, isagoo xusay in howlgallo kuwan la mid ah oo laga sameeyay Muqdisho ay ciidamadu ku soo qab qabteen rag iyo walxaha qarxa.

“Waxaa lagu guuleystay in waxyaabaha qarxa gacanta lagu soo dhigay iyo rag arrintaasi lala xiriirinayo, iyadoo la adeegsanayo xogta shacabka, marka waxaan u mahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed, howlgalladuna waa ay sii socon doonaan” ayuu taliyuhu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.

Moqdisho Talaado Abriil 1, 2014 Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gudagalay ka doodidda misaaniayad sanadeedka dowladda ee sanadka 2014ka kaasoo ay horay u horgeysay barlamaanaka Wasaaradda Maaliyadda.

Kulankii baarlamaanka ee maanta oo uu shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayay xildhibaanadu kaga doodadeen miisaaniyadda sanadka, iyadoo mudanayaashu ay inta badan doodoodu ku saleysneyd, sida loo maareyo deeqaha dibadda ka yimaada, Caddeynta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada oo kulanka ka hadlay ayaa yiri “kobcinta wax soo saarka Afrika oo la yiri daqliga dowladda waa in ay u qorsheeyaan 10% waa Qaraar ay Afrika gaadhay, oo ay tahay in aan inagu ka qeyb nahay, intaas marka aad fiiriso dowlada budget-keedu 90%   waxa weeye maamulka dowladda iyo amniga, oo u badan runtii mushaaro aan caddeyn oo aan faah faahsaneyn, hadaad xataa aragto meelaha qaar ay dowladda qarashaadka ku biixneyso waa qaar isku mid ah, si dayactir qalab, gunno oo aan caddeyn cidda qaadanaysa, qalab xafiiseed, waa wax isku mid ah oo aad moodo in hal meel u soo diyaarisay Wasaaradda, Waxaa la diiday in la bixiyo deymihii sahaydii safarada ee barlamaanka, marka midda ay bixineyso 34-ta milyan inay cadeeyaan in ay ku jirto sahaydii baarlamanka”

Miisaaniyadda ay maanta ka doodayeen baarlamaanka ayaa ah midda uu dalka ku shaqeyn doono sanadkan, waxaana xusid mudan in maamulka Bankiga dhexe uu hakad geliyay maanta oo ah 1-da April bixinta lacagta, ilaa iyo inta uu baarlamaanka meel marinayo miisaaniyadda, marka ay ku sameeyeen wax ka badal iyo sixid.

Moqdisho Talaado Abriil 1, 2014  Danjire Maxamed Al-Cusmaan Safiirka Imaaradka Carabta ee Soomaaliya oo maanta tegay xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa  waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin  ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibada ee dalka.

Soo dhaweeyn kaddib waxaa safiirka dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya qaabilay ku-simha Wasiirka ahna Wasiiru doowlaha Wasaaradda arrimha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane  Burci Maxamed Xamza, iyada oo Danjire Maxamed Al-Cusmaan uu ugudbiyay Wasiir Burci warqadihiisa danjirenimo.

Xiriirka u dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa ayaa  looga hadlay kulanka dhexmaray ku-simha Wasiirka arrimaha dibedda Mudane  Burci Maxamed Xamza iyo safiirka dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Danjire Maxamed Al-Cusmaan.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka taageerada dhinac waliba leh ay la garabtaagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed, isagoo bogaadiyay mashaariicda horumarineed  Soomaaliya kuna booriyay in ay sii kordhiyaan.

Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa balan qaaday in ay kordhin doonan taageerada Soomaaliya ay siinayaan ee dhinacyada dhaqaale, siyaasad iyo mashaariicda horumarineed intaba.

Kulanka ayaa ku soo idlaaday jawi is afgarad.

Moqdisho Talaado Abriil 1, 2014 Xukunkan dilka ah oo maanta ka dhacay xarunta xabsiga dhexe ee magaaladda Xamar ayaa waxa ay maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ku riday eedeysane lagu magacaabo Maxamed Isaaq Cabdi Cumar oo Marxuum la oranjiray Xuseen Cumar Hilowle kana tirsanaa ciidamada xoogga dalka u geystay dil bareer ah sida uu u sheegay warbaahinta qaranka Gaashaanle Liibaan Cali Yarrow Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Eedeysane gacan ku dhiigle oo lagu soo eedeeyay in uu si ula kac ah u dilay Marxuum la oran jiray Xuseen Cumar Hilowle taariikhdu markii ay ahayd 27/10/2013, waxaana lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa kooxaha nabad diidka ah, Marka Maxkamaddu waxa ay gacan ku dhiigle Maxamed Isaaq Cabdi Cumar ku riday xakun dil ah, isaga iyo qof kale oo isla falkaasi la geystay” ayuu yiri Liibaan

Xukunkan maanta ay riday maxkamada darjada koowaad ee ciidamda qalanka sida ee Soomaaliya, islamarkaana ay ku riday eedeysanahan ayaa waxaa u furan inuu racfaan ka qaato, islamarkaana dacwadiisa loo gudbiyo maxkamada sare ee dalka waa hadii aanu ku qanacsaneyn qaabka dacwada loo qaaday sida uu tilmaamay Maxamed Xuseen Rooble oo ah qareenka u doodayay eedeysanahan maanta la xukumay.

ma ahan markii ugu horeysay oo maxkamada darajada koowaad ee ciidamda qlabka sida ee Soomaaliya ay xukun kan oo kale ah ay ku rido dadka lagu helo in ay geystaan dambiyada nuucaani oo kale ah.

Moqdisho Talaado Abriil 1, 2014 Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya  Danjire Andrea Mazzella ayaa sheegay in Talyaaniga uu sii wadayo taageerada ay siinayaan dowladda, isagoo xusay in tani ay qeyb ka tahay xoojinta xiriirka labada dal ka dhexeeya.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maanta dalka ay dib ugu soo celiyeen saraakiil ciidan oo muddo tababar ku soo qaatay dalka Talyaaniga, isagoo sheegay in arrintaasi ay gacan ka geysteen Wasaaradaha Arrimaha dibedda iyo Gaashaandhiga ee dalka Talyaaniga.

Danjire Andrea Mazzella ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada booliska oo ka kooban 20 sargaal laga kala keenay magaalooyinka Garoowe, Hargeysa iyo Muqdisho, kuwaasi oo uu tilmaamay in la baray ilaalinta canshuuraha berriga, is difaacidda, ilaalinta xuduudaha, la dagaalanka argagixisada iyo kuwa kale.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in dowladda Talyaaniga ay xoojin doonto taageerada ay siineyso Soomaaliya, isagoo sheegay in ay jiraan gaadiid iyo darees ciidan oo maalmaha soo aadan ay dalka keeni doonaan oo ay ku wareejin doonaan hay’adaha ku shaqada leh.

“Tani waxa ay gundhig u tahay sida lagu xaslin karo xaaladda guud ee dalka, dowladda Talyaaniga waxaa ka go’an in ay sii xoojiso taageerada Soomaaliya, si loo helo nabad iyo xasilooni, wasaaradda difaaca ee Talyaaniga waxa ay dooratay in saraakiil ka tirsan ciidamada dalkaasi ay qeyb ka noqdaan ciidamada Midowga Yurub ee tababarka siinaya ciidadamada qalabka sida ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Baydhabo Talaado Abriil 1, 2014 Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ku sugan magaalada Beydhaba ee xarunta gobalka Baay ayaa wali kulumo la qaadanaya siyaasiyiinta, waxgaradka iyo qeybaha bulshada  ku dhaqan magaaladaasi.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxa ay wadaan kulamo ay la yeelanaay qeybaha bulshada iyo siyaasiyiinta halkaasi kudhaqan, iyado kulanka ay goob joog ka yihiin xubno ka tirsan labada gole ee dowladda.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo mideyn lahaa fikradaha isdiidan ee ay wadaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta ku dhaqan gobolkaasi, iyadoo kuwa qaar ay taageersanyihiin dhismaha maamul ka kooban lixda gobol, halka kuwa kalena ay taagersanyihiin dhismaha Maamulka sadaxda gobol.

Kulamadaan ayaa la filayaa in marka ay soo gabo gaboobaan laga soo saaro War-Saxaafadeed, sida uu ku soo waramay Wariyaha Warbaahinta qaranka ee gobolkaasi.

Moqdisho Talaado Abriil 1, 2014 Ciidamadan ka tirsan Booliska Soomaaliyeed ee maanta lagu wareejiyey Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Tababar ku soo qaatay dalka Talyaaniga, waxa ayna maanta ku soo laabteen dalkooda, munaasibadda lagu soo dhaweynayey oo ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaa ka qeybgalay Wasiirka Malaaliyadda, Safiirka dowladda Taligaaniga u  fadhiya Soomaaliya, saraakiil sarre oo ka kala tiran Booliska Soomaaliya iyo Militeriga dalka Taliyaaniga.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Xuseen Cabdi Xalane, ayaa saraakiisha Tababarka ku soo qaadatay dalka Talyaaniga mid mid u gacan qaaday, waxaana ciidamadaasi laga kala qaaday magaalooyinka Muqdisho, Hergeysa iyo Garoowe, waana ciidan loogu talagalay ilaalinta Canshuuraha Berriga dalka.

Jeneraal Garaad Nuur Cabdulle oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed  oo munaasibadda ka hadlay  ayaa sheegay in dowladda Talyaaniga ay ballan qaaday in ay sii wadi doonto Tababarka ay siineyso ciidamada Booliska, islamarkaana uu rajeynayo in ay sii socoto howlaha lagu tababarayo ciidamada.

Sidoo kale safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Andrea  Mazzella, ayaa tilmaamay in kaalmada dowladda Talyaaniga ay siineyso Soomaaliya in ay sii xoonjin doonto, waxaana uu intaa raaciyey in ciidamadan Tababarka ku soo dhameystay dalka Talyaaniga in ay Tababarkooda uusan ku ekeen ilaalinta Canshuuraha, hasa yeeshee ay u Tababarran yihiin la dagaallan argagixisada.

Ugu dambeyntii Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in saraakiishan loo Tababarray ilaalinta Canshuurraha Berriga iyo la dagallanka argagixisada in ay daliil u tahay Wanaagga iyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, Waxa uu si weyn ugu mahadceliyey Wasiirka dowladda Taliyaaniga sida ay u caawineyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamadan ku soo Tababartay dalka Taliyaaniga ee loo Tababarray ilaalinta Canshuurraha Berriga, ayaa ka howlgeli doono gudaha dalka, iyadoo tirada ciidamadan ay gaarayso 20 sargaal.

Baydhabo Isniin Maarso 31, 2014Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha Baarlamanka oo ku sugan magaalada Beydhabo ayaa kulamo gooni gooni ah la leh odayaasha iyo waxgaradka ku sugan magaaladaasi.

Magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa ku sugan madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo gudoomiyaha Baarlamanka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,  iyagoo kulamo gooni gooni ah la qaadanaya odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ku sugan magaaladaasi.

Kulamada ay madaxda ugu sareysa dalka la qaadanayaan odayaasha reer Beydhabo ayaan si rasmi ah loo shaacin waxyaabaha looga hadlayo, hase yeeshee guddoomiyaha baarlamanka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari ayaa la filayaa inuu maanta la hadlo bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Ammaanka magaalada Beydhabo ayaa waxaa sugaya ciidamada dowladda iyo kuwo AMISOM kuwaas oo taagan dariiq kasta, waxaana xiran dhamaan ganacsiga magaaladaasi, iyadoo ciidamuna ay muujinayaan feejignaan iyo taxadar dheeraad ah.

Booqashada madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamanka ku joogaan Beydhabo ayaa ka dambeysay kadib markii magaaladaasi looga dhawaaqay maamullo iska soo horjeeda, waxaana laga dhursugayaa waxyaabaha ka soo baxa kulamada ay madaxda qaranku la qaadanayaan bulshada gobolkaasi.

Moqdisho Isniin Maarso 31, 2014  R/wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu maanta hortago baarlamanka,  isagoo u sharaxi doona qorsha howleedka xukuumadiisa.

Kulanka mudanayaasha Baarlamanka ee saaka ayaa waxaa la filayaa inuu hortago R/wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed halkaasna uu ka jeedindoono khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka iyo qorshaha xukuumadiisa.

Shalay ayeey aheyd markii mudanayaasha baarlamanku ay ka doodeen miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2014-ka,  iyadoo wasiirka maaliyaddana uu ka hadlay fadhigii baarlamanka ee shalay.

Yemen Isniin Maarso 31, 2014 Maraakiibta Soomaaliya ee ku sugan dekadda magaalada Caden ayaa laga deyrinayaa xaaladooda iyadoo mid ka mid ah maraakiibtaasi uu qarka u saaranyahay inuu dego.

Mid ka mid ah Maraakiibtaasi oo loogu magac daray halgamaagii Soomaaliyeed ee Cismaan Geeddi Raage ayaa laga deyrinayaa xaaladdiisa,  kaas oo qarka u saaran inuu dego kadib markii uu dalooshamay oo ay xagga hoose biyo kasoo galeen.

Kooxo badmaaxayaal ah ayaa gurmad balaaran ugu jira sidii ay u badbaadin lahaayeen Markaasi, kuwaas oo ku rakibay motoorro biyaha ka saara, hase yeeshe waxaa sii kordheysa baqdinta laga qabo inuu dego maadaama biyaha soo gelaya markabka ay ka badanyihiin wax mishiin lagu saari karo.

Dhawaan ayeey aheyd markii maxkamad ku taala dalka Yemem ay maraakiibtaasi u xukuntay ganacsade Yemeni ah, oo ku adnacoonayay inuu markiibtaasi ku leeyahay lacago farabadan.

Garowe Isniin Maarso 31, 2014 War-saxaafadeed Axad 30,03,2014   Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday shirkad laga leeyahay dalka Chaina shirkadaas oo lagu magcaabo Chaina Civil Engineering Construction Corporation oo loo soo gaabiyo CCECCax, shirkddasi oo hore Madaxweynuhu ugula soo kulmay magaalada Djibouti ee caasimadda dalka Djibouti kadib safarkii uu dhowaan dalkaasi ku tagay.

Wafdiga Chain’s-ka ah ee ka socday CCECC waxaa hogaaminyay RUI Chen iyo Allen Lee oo ah kaaliyaha madaxweynaha shirkaddaasi CCECC.

Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo masuuliyiinta shirkadda CCECC waxaa ay ka wada hadleen qaabkii loo horu marin lahaa wax ka qabashada dhinaca wadooyinka, dekedaha ,garoomada diyaaradaha,biyo xidheenada iyo wax soo saarka macaadinta.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa dhankiisa soo dhoweeyey masuuliyiinta Chain’s-ka ah ee ka socday shirkadda CCECC , tilmaamayna in Dowladda Puntland ay garab kusiinayso tallaabo kasta oo shacabka reer Puntland wax loogu qabanayo.

Halka dhinaca shirkadda CCECC ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay fuliyaan mashaariic wax tar u leh dalka iyo dadka reer Puntland, isla markaana ay danaynayaan inay maalgashi ku sameeyaan Puntland.

Kulankaasoo qaatay mudo saacado ah ayaa wuxuu kusoo gaba gaboobay jawi wanaagsan iyo is afgarad , iyadoo kulanka ka dibna uu Madaxweyne Gaas qado shraf u sameeyey masuuliyiintaasi ka socday Shirkadda CCECC.

Baydgabo Axad Maarso 30, 2014
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa wada kulamo uu la qaadanayo qeybaha bulshada ee gobolkaasi kudhaqan, iyadoo ay halkaasi ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin kala duwan iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha socdaalkiisa waxaa ku wehliya xubno ka tirsan labada gole ee dowladda waxaana u jeeddada socdaalka ay la xiriirtaa sidii uu Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ay u ogaan lahaayeen xaaladaha dhabta ah ee ka jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka socdeen doorashooyin iska soo horjeeda.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Baay Siraaji ayaa soo sheegay in si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaalada Baydhabo, iyadoo inta ay halkaasi joogaan ay kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan qeybaha bulshada ee gobolkaasi ku dhaqan, si xal looga gaaro siyaasadaha iska soo horjeeda ee ka taagan gobolkaasi.

Baydgabo Axad Maarso 30, 2014  Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maqribnimadii caawa gaaray magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku biiray wafdiga ka socda Dowladda oo saakay gaaray Beydhabo islamarkaana uu hogaaminayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana kulamo caawa ay kula leeyihiin halkaasi qeybaha kale duwan ee bulshada oo ay ka wada hadlayaan horumarinta gobolada koonfur bari Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo goor dhaweyd u waramay Radio Muqdisho ayaa ka warbixiyay kulamada Beydhabo caawa ka socda, ayaa waxa uu sheegay in labada mas’uul ay kulamo la leeyihiin qeybaha kale duwan ee bulshada islamarkaana si wanaagsan ay u socdaan kulamadaasi

Moqdisho Axad Maarso 30, 2014 Xidhibaannada baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya ka dhageystay warbixin la xiriirta miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2014-ka, taasi oo maalinimadii shalay loo qeybiyay xildhibaannada.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane oo hortegay xildhibaanada golaha shacabka si uu u faah faahiyo miisaaniyad sanadeedka 2014-ka ayaa ugu horeyn waxa uu sharxay qeybaha iyo muhiimadda miisaaniyaddan, iyadoo meelaha daqli kordhinta ah loo sameeyay ay ugu horeeyaan laamaha ammaanka.

“Miisaaniyaddaasi ee 218-ka milyan 90% waxa ay aadaysaa fulinta howlgallada dowladda ee xagga amniga, inta soo hartay 13% waxaa loogu talagalay inlagu horumariyo fulinta mashaariicda, waxaa sidoo kale kutala galka guud ee miisaaniyadda sanadkan laga milicsan karaa sida loogu qoondeeyay, qeybaha kala duwan ee dowladda, waana sida shaxda hoose ku qoran, maamulka Dowladda marka la eego ama intii aan howlaha maamulka ku jirnay waxa uu sanadkii hore ahaa 59-milyan, sanadkana waxa uu noqonayaa 83 milyan, amniga sanadkii tegay waxa uu ahaa 45-,milyan, sanadkan waxa uu noqonayaa 78 milyan, dhaqaalaha sanadkii hore waxa uu ahaa lix milyan sanadkan waxa uu noqonayaa 12 milyan iyo bar, adeega bulshada sanadkii hore waxa uu ahaa 2.3 milyan sanadkana waxa uu noqonayaa 9.3 milyan, inta kale ee isku soo hartay isugeyntooda waxa ay noqoneysa 34 milyan oo ay ku jirto farqiga budget-ka” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale ka hadlay in deeqaha dibedda dowladda uga imaanaya dalalka ugu badan ee laga heli karo ay kala yihiin Turkiga, Qadar , Norway iyo China.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo hadal kooban jeediyay markii uu Wasiirka Maaliyadda sharaxay miisaaniyadda, ayuu guddoomiyaha ka hadlay miisaaniyadda, laakiin waxa uu xusay in golaha shacabka uu dhibsaday in Miisaaniyadda lagu soo qoro doolar, hadda wixii ka dambeeyana looga baahanyahay in lagu soo qoro shilinka Soomaaliga ah.

“Xildhibaannada iyo Golahaba aad buu u dhibsadaa, in sanad walbo naloo keeno miisaaniyad ku fadhida doolar, dalkan waa Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya lacagteedu waa shilin Soomaali, arrintaa iyada ah waxaan u baahanahay in aad fiiro gaar ah u yeelataan adiga iyo bankiga dhexe, waana u yeeri doonaa Bankiga dhexe iyo Monitoring Policy dadka qaabilsan oo dhan, laakiin wixii hadda ka dambeeya ma ogolin in naloo keeno miisaaniyad qorshaheedu ku fadhida US doolar ee waa inuu ku fadhiyaa Shilin Soomaali, haddii loo baahdana waxaa la dhihi karaa u dhigma intaas oo doolar, waxaan ammaan u jeedinayaa shaqaalaha hoose sida fuundiyaalka iyo dadka dhagaxa jebiya oo aan ogoleyn in ay qaataan doolar, jecelna inay helaan shilling Soomaali, marka bushada waxay idinka filayaan in aad arrintaasi shilin Soomaaliga ah xal u heshaan Golauhuna wuu ka doodi doonaa” ayuu hadalkiisa ku daray.

Miisaaniyadda ee uu maanta baarlamaanka u sharxay Wasiirka ayaa waxaa la wareegay gudiga miisaaniyadda ee baarlamaanka u qaabilsan si ay u soo turxaan bixiyaan.

Xildhibaannada ayaa guda galay soo jeedinta ajandayaal kale, iyadoo xildhibaannada qaar ay soo jeediyeen in dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka, iyadoo shirka uu soo xiray Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

maalinta berrito ah ayaa lagu wadaa in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu hortago golaha Shacabka, si uu faah faahin uga bixiyo qorshe howleedka Xukuumadda ay ku shaqeyneyso.

Moqdisho Axad Maarso 30, 2014 Aqoon Isweydaarsigani maanta magaalada Muqdisho Lagu Qabtay ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Khaalid Cumar Cali, iyadoo aqoon isweydaarsigaasi loo qabtay dhalin yaro ka kala socday degmooyinka gobolka Banaadir.

Aqoon isweydaarsigani  ayaa waxa uu ku saabsanaa sida dhalin yarada ay ugu qeyb qaadan karaan dib u dhiska iyo horumarinta dalka oo in badan laga sheekeeyay sida muhiim ay u tahay in dhalinyarada ay ka shaqeeyaan dib u dhiska dalka iyo ka shaqeynta xoojinta ammaanka maadaama dhalinyaradu ay yihiin udub dhexaadka bulsha kasta.

Yuusuf Garaad Cumar oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii kulankaasi soo qaban qaabiyay islamarkaana ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu sheegay in dhalinyarada loo baahan yahay in dhalinyaradu ay ka shaqeeyaan horumarinta dalka, isagoo sheegay aqoon isweydaarsigani  uu qeyb ka yahay sida dhalin yarada loogu baraarujin lahaa ka shaqeynta nabadda dalka

Ugu danbeyntii Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Soomaaliya mudane Khaalid Cumar Cali oo isna ka hadlay madasha kulanka ayaa dhalinyarada kula dar daarmay in waqtigooda ay ka faa’ideystaan islamarkaana ku dadaalaan in ay maraan dhabaha wanaaga oo ay ka fogaadaam waxkasta oo dhibtaa u keeni kara dalkooda hooyo, taa badalkeedana ay ka shaqeeyaan sugida ammaanka iyo dib u dhiska dalka.

Moqdsiho, March 29, 2014 Taliyaha ciidamada xogga Soomaaliya, Jeneraal Daahir Aaden Cilmi (Indho-arsho) ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay howlgalladii ugu dambeeyay ee gobollada ay jab weyn ku gaarsiiyeen Al-Shaabab.

Ciidamada dowladda faderaalka Soomaaliya oo garab ka helaya AMISOM ayaa dhowaan al-Shabaab ka qabsaday magaalooyin waaweyn iyo deegaanno ka tirsan gobollada Bartamaha iyo koofurta Dalka.

Jeneraal Indho-qarsho ayaa sheegay in ciidamada qaranka ay xubno ka tirsan al-Shabaab ku dileen, kuwo kalena ku qabteen howlgalladii ugu dambeeyay ee Gobollada kala duwan ka sameeyeen, isla markaana magaalooyin muhiim ah ay ka qabsadeen.

Talyaha ayaa ballan-qaaday inay sii socon doonaan dagaallada ka dhanka ah al-Shaabab, ayna guulo hor leh rajeynayaan. Wuxuu shacabka ka codsaday inay howlgallada ciidamada taageeraan.


Moqdisho Sabti Maarso 29, 2014 Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa saaka magaalada Muqdisho ku leh kulan ay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maalliyadda Xukuumadda Soomaaliya ku horkeeni doonaan Miisaaniyadda dalka lagu maamulaayo sanadkan 2014, taasi oo horey Golaha Wasiirrada u ansixiyeen ayadoo Miisaaniyaddaasina loo qeybin doono Baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamed CUmar oo ka mid ah xoghayayaasha Baarlamanka ayaa Radio Muqdisho u sheegay in kulanka baarlamanka ee saaka looga doodi doono miisaaniyadda sanadka 2014-ka.

Baarlamanka ayaa la filayaa inuu maanta ka dooda miisaaniyadda kadibna uu meelmariyo miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2014-ka, maadaama 31-ki Dicember ee sanadkii hore uu si KMG ah u ansixiyay miisaaniyad Sadex bilood ah.

Miisaaniyadda sanadka 2014-ka ayaa waxa ay dhaqangeleysa 1-da bisha April oo ay ka harsantahay wax ka yar 48 saacadood waase haddii uu baarlamanku ansixiyo miisaaniyadda dowladda oo ay maanta ka doodayaan.

Moqdisho Maarsp 28, 2014 Akhristayaasheea Sharafta leh waxa aan halkan idinkugu soo gubineenaa sawirada Madaxaweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu laabtay dalka,ka dib markii uu ka soo qeyb galay shir madaxeedkii Wadamada ku jira Jaamacada Carabta oo ka dhacay dalka Kuwait.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.


Ankara, March 28, 2014Agaasinka akadeemiyadda diblomaasiyadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa maanta u soo gaba-gabeysay tababar diblomaasiyadeed oo loo fidiyay da’yar diblomaasiyiin Soomaali ah oo kala matalayay waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya .
Kampala, March 27.2014
Kulankii labaad ee shirka dalalka IGAD ee ka hortagga abaaraha ayaa galabta ku soo gabagaboobay magaalada Kampala ee xarunta Yuganda waxaana shirkani uu soconayay intii u dhaxeysay 24-27 bishan March. Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah madaxweyneyaasha iyo hogaamiyeyaasha dalalka IGAD, ayaa waxaa shir guddoominayay Ra'iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Hailamariam Desalegn, iyadoo sidoo kalena shirkan uu martigeliyay madaxweynaha dalka Yugandha Yoweri Kaguta Musevini.

Shirkan ayaa intii uu socday looga dooday qodobo badan oo la xariira abaaraha iyo saameynta ay ku yeeshaan dadka iyo degaanka iyo sidii loo abuuri fursado ay dadka ku nool degaanada baadiyaha ah ku heli karaan biyo, iyo baad xilliyada la waayo roobabka sanadka, taasoo ay ku dhintaan, kuna barakacaan dadweynaha reer guuraaga ah.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa dawladdaha deeqaha bixiya iyo hay'addaha gargaarka ee Q/midoobay iyo sidoo kale hay'addaha NGO-yada, waxaana gabagabadii kulankan laga soo saaray qodobo loogu gogol xaarayo sidii dalalka IGAD ay isaga kaashan lahaayeen abuurista mashaariic horumarineed oo loo abuurayo bulshooyinka ku dhaqan dalalka IGAD.

Dhanka dhaqaalaha ayaa waxaa ka saacidaya Bankiga adduunka iyo Q/midoobay, waxaana shirkani uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalalka Soomaaliya iyo South Sudan oo wejiga koowaad ee maalgelintan ka faa'iideysan doona.

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada ayaa khudbad ka jeediyay shirkan waxa uuna ku sheegay in abaaruhu ay yihiin dabiici ka dhasha roobabka oo baaqda iyo dagaalada, balse la abuuri karo qorsheyaal horumarineed oo looga gaashaamanayo abaaraha. isaga oo dhanka kale xusay in marka ay abaaruhu ku dhuftaan qeybo ka mid ah dalalka IGAD loo baahan yahay jawaab deg deg ah iyo iskaashi dhow oo ay yeeshaan dawladdaha IGAD.

"Dawladda IGAD iyo bulshada waa inay si micno leh ugu baraarugaan dhibaatada abaaraha iyo natiijada ka dhalata, waana inaan si adag ugu howlgano sidii aan u sameyn laheyn horumarin dhaqaale, bulsho, nabad iyo xasilooni" ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha oo xusay in dawladda Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii looga saari lahaa degaanada tirada yar ee ay weli ku harsan yihiin kooxaha Al shabaab, kadibna loo xasilin lahaa, si ay u suurtagasho in gurmad iyo horumarinba loo sameeyo dadka ku nool dhamaamba gobolada dalka.

Moqdisho Khamiis Maarso 27, 2014  Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeybgalay munaasabad lagu maamuusayey
sanad guurrada 40aad ee kasoo wareegatay hirgelinta Ololihii Hormarinta Reer Miyiga.

Munaasabadda oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada ayaa waxaa lagu qabtay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho waxaana kale oo kasoo qeybgalay Ku simaha Ra’isulwasaaraha Dalka Wasiirro,Xildhibaanno,Aqoonyahanno iyo marti sharaf kale..

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ciise Axmed Guraase oo ugu horeyn Munaasabadda ka haday ayaa tilmaamay in ujeedada ay Wasaaradda Waxbarashadu u qabatay Munaasabaddan ay tahay
muujinta guushii laga gaaray Ololihii hormarinta reer Miyiga iyo baahida maanta loo qabo in la hormariyo qorista iyo Akhrinta Afkeenna Hooyo,wasaaraddana ay wado qorsheyaal lagu hormarinayo.

Moqdisho Khamiis Maarso 27, 2014 Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Cabdulaahi Camey aaya shegay in Xirir xoogan uu kadhaxeeyo Al-Shabaab iyo maamulka somaliland,.

Waxa uu sheegay madaxwayne ku xigeenka inay hayaan cadaymo sheegaya in kooxda alshabab ragg ka tirsan lagu tababaro magalada Burco madaxa ugu sareeya kooxdaaasi Axmed Godane uu soo galo magalada Hargaysa.

”Waxaa loo bahan yahay beesha caalamka iyo dadwaynaha Soomaaliyeed ay isha ku hayaan xiriirka ka dhaxeeya Alshabab iyo Somalilnad,hadda dad badan bay keeneen meesha la yiraahdo Galgala,waa cadaan ,waxan qabnaa howshaa iyada ah Somaliland aakhirka iyaga ayay ku danbayn doonaan oo ay dili doonan,waxan codsanaynaa in dabo gal dhab ah lagu sameeyo waxan sheegayno,Nichalos Kay wuu og yahay”Madaxwayne Camay ayaa yiri sidaasi.

Shacabka ku nool deeganada Puntland ayuu ugu baaqay inay ka feejignaadaan weeraro kaga yimaada kooxda Alshabab oo ay xogta la wadaagaan ciidanka amaanka si looga hortago dhibaatooyinka.

Moqdisho Axad Maarso 23, 2014 Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Wefdi ay hogaamineyso oo magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qeyb galay shir arrimaha haweenka looga hadlayay ayaa maanta dib ugu soo laabatay Dalka, waxaana garoonka diyaaradaha  ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo haween ka kala socday degmooyinka gobolka.

Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo Warbaahinta  Qaranka la hadashay ayaa sheegtay in shirkii ay uga qeyb galeen dalka Maraykanka uu ku soo dhamaaday guul, iyadoo xustay in shirkaasi ay ku wehliyeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda haweenka, Xildhibaanno iyo xubno ka kala socday ururrada bulshada rayidka ah oo ka kala yimid Maamullada Puntland, Somaliland iyo kuwa kale.

“Shirkii aan ka qeyb galnay waxa uu ahaa Fadhigii 58aad ee gudiga xaaladaha Haweenka, taariikhda waa markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya ka qayb gasho, waxaa igu wehilyay socdaalkaasi Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Lataliyaha Wasiirka Haweenka, Xildhibaanno iyo xubno ka kala socday bulshada rayidka, Wasaaradda ayaana hogaamineysay wefdigaasi” ayay tiri Wasiirka Haweenka.

Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa tilmaamtay in inta ay joogeen dalka Mareykanka ay kulan la qaateen Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban-ki Moon iyo mas’uuliyiin kale oo looga hadlayay doorka haweenka uga aadan ka qeyb qaadashada horumarka dalka.

Wasiirka haweenka ayaa hoosta ka xariiqday in sidoo kale ay la kulmeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ku dhaqan, kuwaasi oo ay ku boorisay inay ka qeyb qaatan horumarinta dalka.

Moqdisho Axad Maarso 23, 2014 R/wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay.

R/wasaaraha oo ay wehliyeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mudane C/weli Sh. Axmed R/wasaaraha dalka ayaa wadanka Swezerland uga soo qeyb galay shir caalami ah oo uu soo qaban qaabisay ururka shaqaalaha adduunka ee loo yaqaano ILO, wuxuuna intaa ku daray in madaxda ururkaasi uu kulamo la qaatay islamarkaana ay balan qaadeen mashaariic kala duwan oo ay ka hirgeliyaan dalkeenna.

R/wasaare C/weli ayaa intii uu joogay dalkaasi waxaa uu kulamo la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, isagoo uga warbixiyay xaaladda dalka ka jirta iyo dadaallada dowladda ee ku wajahan sidii dalkeena looga sifeyn lahaa cadowga Alshabaab loona gaarsiin lahaa horumar dhinac kasta ah.

Galkacyo Axad Maarso 23, 2014 Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Siciid Jaamac Maxamed Qoorsheel ayaa maanta tababar ku saabsan barashada hagidda diyaardaha usoo gaba gabeeyay dhallinyaro loogu talogalay in ay ka howlgalaan garoonka diyaardaha ee dhawaan laga hirgeliyay koonfurta magaalada Gaalkacyo, iyadoo xafladdii xirintaanka tababarka maanta ay ka qeyb galeen Mudane ka tirsan Baalrmaanka Soomaaliya, Maamulka Machadka tababarka Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada, Haween iyo xubno kale.

Dhalinyarada maanta tababarka loo soo xiray oo ka kooban ilaa shan ruux ayaa waxa ay mudo bil iyo bar ah qaadanayeen waxyaabo ku saabsan hagidda diyaaradaha oo ay bixinayeen Maclimiin Soomaali ah.

Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Eng, Cali Maxamuud Ibraahim Madoobe ayaa sheegay in machadka tabaarka uu dadaal badan ku bixiyay sidii dhalinyaradan ay uga faa’ideysan lahaayeen barashada hagidda diyaaradaha, isagoo intaa ku daray in Machadka uu sii wadi doono tababar siinta dhalinta Soomaaliyeed.

Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame ayaa ugu baaqay Wasaardaha Xukuumada Soomaaliya in ay ka qeyb qaataan sidii loo tababari lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed si ay u helaan xirfado ay ku shaqeysan karaan, maadaama dhalinta qaar aysan nasiib u helin ka shaqeynta hay’adaha dowladda.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel oo shahaadooyin guddoonsiiyay dhalinyarada tababarka uu u soo xiray ayaa kula dar daarmay in tababarka loo soo gaba gabeeyay ay ugu faa’iideeyaan bulshada oo ay ku dabaqaan howlaha ay u qaban doonaan.

Howlwadeenada loo diyaariyay in ay ka howlgalaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ayaaa mudada uu tababarka usocday waxyaabaha la barayay waxaa ka mid ah qaabka diyaaradaha loo soo dejiyo loona kiciyo, sida diyaaradaha loo kontroolo, sdia loo badbaadiyo, saadaasha hawada iyo qaabka lagu ogaado marka ay cilad jirto.

Moqdisho Sabti Maarso 22, 2014  Banaan baxaan oo lagu taageerayay isabadalada  dhanka  ammaanka  iyo  horumarka    uu  ku talaabsaday maamulka cusub ee gobolka Benaadir mudada koobnayd ee uu shaqaynayay  oo  ay ka qaygaleen  qaybaha kala  duwan ee  bulshada   ayaa  waxaa uu ka dhacay xarunta degmada  Heliwaa  ee  Gobolka Benaadir.

Ugu horayn waxaa  goobta ka hadlay qaar ka mid dadweynihii ka qaybglay  banana baxa oo dareenkooda ku muujiyay taageerada ay u hayaan maamulka gobolka benaadir   iyagoo  balaqaaday  si  buuxda  ula  shaqaynayaan.

Guddoomiyaha  degmada  Heliwaa  Cumar  Cabdulle  Axmed “Jacfaan”  ayaa  boogaadiyay in Guddoomiyaha  cusub  ee gobolka  Benaadir  Xasan Maxamad Xuseen  Mungaab  uu  soo  dego  degmada  Heliwaa,  isagoo  xusay  inay  astaan  u tahay  nabadda  iyo is dhexgalka  bulshada,   waxaana  uu mas’uulyinta kale ee dowladda  ee inay  ku daydaan  si  loo  hanto  kalsoonida  shacabka edegmadaasi ku dhaqan.

Tan iyo 27-kii Febraayo markii digreeto Madaxweyne lagu magacaabay Mudane Xasan Maxamed Xuseen Mungaab waxaa isa soo tareysa taageerada loo guddoonka cusub ee gobolka iyo maamulkiisa kuwaasi oo lagu kala qabtay gudaha dalka iyo dibaddiisa.

Moqdisho Sabti Maarso 22, 2014 Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ugu horeyn ka hadlay xafladda Furitaanka Kalfadhiga Afaraad ee baarlamaanka ayaa magaca Mudaneyaasha Baarlamaanka waxa uu tacsi ugu diray marxuumiintii geeriyootay intii uu xirnaa Kalfadhiga Golaha Shacabka oo ay ka mid ahaayeen Shariif Axmed Maxamed Cali iyo Fanaan Maxamed Suleymaan Tubeec, si gaar ah waxa uu Guddoomiyaha Baarlamaanka tacsi ugu diray Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti oo Askar ka tirsan ay naftooda u hureen iney shacabka Soomaaliyeed ka dulqaadaan Khawaarijta Al-Shabaab.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa Madaxweynaha hortiisa waxa uu kaga dalbaday Xukuumadda Soomaaliya iney Baarlamaanka ku hor keento inta aanay idlaan bishan March dhameystirka miisaaniyadda Sanadka iyo in ugu dambeyn Golaha Shacabka lagu horkeeno sida uu Ra’isulwasaaraha horey u ballan qaaday 30ka bishan Maarso barnaamij waqtiyeysan oo ku saabsan howlaha Xukuumadda iyo qorshaha ay Wasaarad walba kula shaqeyn laheyd guddiga Baarlamaanka ee ku shaqada leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isna jeediyey khudbaddiisa dastuuriga ah ayaa ugu horeyn ku bogaadiyey Xukuumadda iney gudato howlaha uu Baarlamaanku ka dhowrayo, waxaana uu dhanka kale uga mahad celiyey Xildhibaannada sida ay u gudanayaan waajibaadkooda Qaranka, sanadkan 2014ka ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay inuu yahay sanadka waxqabadka, Baarlamaankana waxa uu ku bogaadiyey sida ay ugu diyaarsanyihiin iney shaqadooda gutaan.

Mar uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka hadlayey dalka ayuu xusay Soomaaliya iney kasoo kabaneyso burbur dhinacyo kala duwan ah sidaas darteedna lagama maarmaan ay tahay in iskaashi la muujiyo, sanadkii lasoo dhaafay ayuu Madaxweynuhu ku tilmaamay inuu ahaa sanad aad iyo aad horumar loo sameeyey marka la is barbardhigo sanadkan iyo sanadkii 2012,si gaar ah ayuu ugu faah faahiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka qorshaha xasilinta dalka ee ay Dowladdu wado kaasi oo si dar dar leh uga soconaya gobollada Dalka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay tilmaamaha Al-Shabaab oo uu ku sifeeyey ineysan aheyn Soomaali, waxaana uu xusay in Dowladdu ay fursad siineyso dhalinyarada la qalday, Ajaaniibta dalka kusoo xadgudubtayna waxa uu diray fariin ah iney dalka isaga baxaan, horjoogayaasha Al-Shabaab ayuu ogeysiiyey in aanay dowladnimada aheyn xeyndaab la isku dhibaatayo.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xildhibaannada kala hadlay qorshaha hiigsiga cusub ee New Deal, kaasi oo shir looga hadlayey sida caalamku ay Soomaaliya ku taageeri karaan uu shirgudoomiyey, sidoo kalena waxa uu ka hadlay qorshayaasha la hiigsanayo sanadka 2016ka, kuwaasi oo kala ah degenaansho, dib u eegista Dasuutka, hirgelinta nidaamka Federaalka, nooca iyo shuruucda doorashooyinka dalka, waxaana uu ka codsaday Baarlamaanka iyo Xukuumadda in si isku duubni ah looga wada shaqeeyo ayadoo laga fogaanayo is qabqabsi horseedi kara habacsanaan.

Golaha Shacabka maanta uu Madaxweynaha u furay Kalfadhiga Afaraad ayaa da’ ahaan jira Hal sano, todobo bilood iyo laba maalin waxaana mudadaasi ay ku yeesheen 3kalfadhi oo caadi ah, wadarta kulammada kalfadhiyadaasina ay aheyd 150 kulan,19kulan oo aan caadi aheyn iyo kulan gaar ah, balse Kalfadhigan waa uu ka shaqo badnaan doonaa fadhiyadaas oo idil waayo waxaa laga doonayaa Baarlamaanka iney qabtaan howlaha horseedi kara in dalkan uu gaaro marxalad doorasho ah sanadka 2016 taasi oo ay Xildhibaannadu u dhaarteen.

Sabti Maarso 22, 2014
Shirka Wasiirada Maaliyadda ee Wadamada Jaamacadda Carabta oo qayb ka ah gogol-xaarka loo sameynayo Shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta oo Todobaadkan Kuwait ka dhici doona ayaa waxa kasoo qayb galay Xog-hayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Nabiil Al-carbi iyo Wasiirada Maaliyadaha dhamaan Wadamada Carabta.

Shirkan oo Soomaaliya u matalayay Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane ayaa waxa inta badan looga hadlay sidii Wadamada Carabta isku soo dhawaasho dhanka Maalgashiga ah loo samayn lahaa.

Wasiirka Maaliyadda oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ka markii uu shirkaasi soo dhamaaday ayaa inoo sheegay in laysku raacay dhamaan waxyaabihii laga dooday .

dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa soo gaaray Magaalada Kuwait City ee Caasimadda Dalka Kuwait si uu uga qayb galo maalinta Bari ah shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Wadamada Carabta  oo Kuwait ka furmi doona.

Wasiirka oo ay soo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka socotay Dalka Kuwait ayaa waxaa sidoo kale dhanka Diblumaasiyiinta Soomaaliya ee Wasiirka Soo dhaweeyay ka mid ahaa C/qaadir Amiin Sheekh Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kuwait ahna Hormuudka Safiirada Carabta ee Wadanka Kuwait, C/laahi Xasan Maxamuud Safiirka Soomaaliya ee u fadhiya Dalka Masar iyo Diblumaasiyiin kale.

Wasiir C/raxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo markii uu soo gaaray Magaalada Kuwait la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Kuwait u yimaadeen shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda oo maalinta bari ah furmi doona.

Maalinta bari ah ayaa lagu wadaa shirkii Wasiirada Arrimaha Dibadda uu ka furmo Kuwait, iyadoo la filayana arrimo Xasaasi ah oo ka taagan Wadamada Carabta laga hadlo.

Barri Sabti Maarso 22, 2014 Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo dhowaan bilaabay safaro iyo booqashooyin uu ku tagayo deegaanada Puntland, ayaa waxa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey degmooyinka Waaciye, Carmo iyo Bosaaso.

Dr Cabdiweli ayaa la hadlay dhamaan dadweynaha uu kusoo maray Waaciye iyo Carmo, wuxuuna uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay ugu muujiyeen soo dhoweynta qiimaha badan.

Mudane Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa sidoo kale soo dhoweyn aad u weyn kala kulmay shacabka ku nool magaalada Bosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, iyadoo dadweynuhu ay taagnaayeen hareeraha wadooyinka magalada Bosaaso oo dhan.

Madaxweynaha maamulka Puntland oo warbaahinta kula hadlay aqalka Madaxtooyada Bosaaso ayaa u mahad celiyay dhamaan shacabka Bosaaso, isagoo sheegay inay jiri doonaan kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo bulshada gobolka Barri ku dhaqan.


March 2014

 



Moqdisho Jimco Maarso 21, 2014 Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay iney sii wadayaan taageerada ay la garab taaganyihiin walaalahooda Soomaaliya.

Mudane Ismaaciil Cumar Geelle madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa shacabka Jabuuti uga tacsiyeeyay askartii uga geeriyootay magaalada Buulabarde, isagoo tilmaamay iney gudanayeen waajib Qaran oo ay cadowga ka difaacayeen walaalahooda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay iney naftooda u hurayaan difaaca ummadda Soomaaliyeed, isagoo xusay iney sii kordhindoonaan taageerada dhinac walba ah oo ay siiyaan Soomaalida.

Askar ka tirsan dowladda Jabuuti ayaa ku geeriyootay Qarax  ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Buulobarde oo dhawaan laga xoreeyay maleeshiyaadka Shabaab.








Photo: 21 March 2014

Berne, Switzerland

Prime Minister holds bilateral meeting with Switzerland

His Excellency Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed, today participated in bilateral meeting with Swiss Secretary of State for the Federal Department of Foreign Affairs, Yves Rossier, at the Swiss Federal Government in Berne, Switzerland.

The Prime Minister alongside Somali Permanent Representative to UN Missions (Geneva), Ambassador Yusuf Mohamed Ismail Bari-Bari, briefed the Swiss Foreign Minister on the current operations against Al-Shabaab, priorities for the Federal Government of Somalia and Somalia’s vision for improving regional economic infrastructure development.

Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed, said: “Somalia is doing well on its path to recovery and rebuilding of the state, we now have a functioning parliament and executive but there is still a long way to go.

“We are fighting and winning against a un-Somali ideology, Al-Shabaab claim to be defending Islam but they are attempting to destroy the religion, our culture, the social fabric of our communities and the economy. We have not finished the fight yet and we will not let up till it is finished.”

The meeting discussed Somalia’s and Switzerland’s ambition to foster a stronger bilateral relationship and support to Somalia. The Swiss Foreign Minister committed to providing technical support to the Federal Government of Somalia. The minister also pledged to examine what further humanitarian support could be provided to the newly liberated areas and announced his plans to visit Somalia later in the year.

“I welcome Switzerland’s bilateral engagement with Somalia, last month they reappointed an Ambassador to Somalia for the first time in 30 years and today we met to discuss how Switzerland can further support Somalia’s recovery.

“There are almost 10,000 Somali diaspora living in Switzerland and we are very keen to engage with the diaspora and encourage those with the right skills to return to Somalia and inject their skills and experience into the Somali government. We are rebuilding our institutions after 23 years and there are many well trained and highly educated diaspora with skills that could greatly help their country and government on its road to recovery,” the Prime Minister said.

ENDS

Berne, Switzerland21 March 2014 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta magaalada Geneva kula shiray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Switzerland Mudane Yves Rossier, kulankaasi ayaa ka dhacay xarunta dawladda Federalka Switzerland ee magaalada Berne.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga warbixiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Switzerland howl-gallada ay dawladdu ku baacsanayso Nabad-diidka Al-Shabaab, mudnaanaha dawladda Federaalka Soomaaliya iyo qorshaha Soomaaliya ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Waxaa kulanka ku wehelinayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay (Geneva), Danjire Yusuf Maxamed Ismaaciil “Bari-Bari”

“Soomaaliya waxaa ay ku socotaa dariiqii saxda ahaa ee dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska dawladeed, waxaa Soomaaliya ay leedahay oo u shaqaynaya baarlamaan iyo Xukuumad, waxaase wali jira caqabado badan oo laga gudbi doono.” Ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed

“Waxaan dagaal kula jirnaa Nabad-diidka Al-Shabaab iyo fikirkooda khaldan ee diinta Islaamka ay uga been sheegayaan. Waan ka guulaysan doonnaa kooxdaasi bur burinta ku haysa diinta Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed, dhaqaalaha dalka iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Shirka waxaa looga hadlay intii uu socday xoojinta xiriirka labada dal iyo taageeridda Soomaaliya ay u baahantahay. Wasiirka Arrimaha  Dibadda ee dalka Switzerland Mudane Yves Rossier waxaa uu sheegay in ay taageero ku bixinayaan xoojintya dhismaha dawladeed. Wasiirku waxaa kaloo uu sheegay in ay dawladiisu gacan ka gaysan doonto arrimaha baniáadanimo ee la gaarsiinayo goobaha laga xoreeyay Nabad-diidka Al-shabaab isla markaana uu qorshaynayo in uu soo booqdo dalka Soomaaliya  dhowaan.

“Waxaan soo dhoweynayaa xiriirka labada dawladood iyo sida ay Switzerland u jeceshahay in ay uga qayb qaadato dib-u-dhiska dalka, bishii hore ayay ahayd markii ay Switzerland dib-u-soo magacaabeen Safiirka Switzerland  ee Soomaaliya u fadhiya kadib 30 sano, maantana waxaan ka wada hadalnay sidii ay Switzerland u sii xoojin lahayd taageerada ay uga qayb qaadanayso dib-u-dhiska dalka.

“Switzerland waxaa ku nool ku dhowaad 10,000 oo Soomaali ah, waxaana ku dhiiri galinaynaa Soomaalida Switzerland  in ay ka qayb-qaataan dib-u-dhiska dalka Soomaaliya  isla markaana ay uga faaíideeyaan wixii ay barteen dalka Soomaaliya. Xukuumaddu waxaa ay dib-u-soo noolaynaysaa hayádaha dawladda kadib 23 sano oo bur bur ah.”  Ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

—Dhamaad—

Moqdisho Jimco Maarso 21, 2014 Allaha u naxariistee waxaa maanta Muqdisho ku geeriyooday guddoomihii gudigga qoray farta Soomaaliga Marxuum Shariif Saalax Maxamed Cali oo horey xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii dhexe ee bur burtay 1991-kii.

Cabdi Xaaji Goobdoon oo ah qabiir saxaafadeed oo u hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Allaha u naxariistee Marxuum Shariif Saalax Maxamed Cali uu ahaa shaqsi bulshadiisa ku dhex jiray, islamarkaana ay u sinaayeen bulshada oo dhan kan wax haysta iyo midka aan wax haysanin.

“Aniga Shariif Saalax waxaan isku baranay Masar sanadkii 1963-dii  oo uu ka mid ahaa diblomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee Masar, waxaa kaloo uu guddoomiye u ahaa gudiggii qoray farta Soomaaliga oo ay ka mid ahaayeen Xuseen Sheekh Kadarre, Jaamac Maxamed Qaalib iyo rag badan oo caan ah oo ay dajiyeen xaruufta ay ku qoranyihiin farta Soomaaliga iyo naxwihiisa” ayuu hadalkiisa ku daray Goobdoon.

Cabdi Xaaji Goobdoon mar uu ka hadlayay xilakii uu soo qabtay Allaha u naxariistee Marxuum Shariif Saalax ayaa yiri “Xilalka aan xasuuto ee uu soo qabtay waxaa mid ahayd waxa uu noqday Guddomiyihii Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, Wasiirkii Tacliinta sare ee dowladdii dhexe, waxaa kaloo uu soo maray dhowr Wasaaradood, waxaana uu ahaa shaqsi si aad ah u qadariya dadka ay wada shaqeynta kala dhexeyso”

Cumar Colaad Axmed oo ka mid ah aqoonyahannada sida wanaagsan u garanayay marxuumka ayaa Radio Muqdisho uga warramay taariikh-nololeedka Alle ha u naxariistee Shariif Saalax Maxamed Cali

Kuwait Jimco Maarso 21, 2014 Shir loogu gogol-xaarayay Shirka Madaxeedka Wadamada Jaamacadda Carabta ayaa lagu qabtay Magaalada Kuwait City ee Dalka Kuwait.

Shirkan oo ay kasoo qayb galeen Xubnaha Wadamada u matala Jaamacadda Carabta iyo Safiirada  Dowladda Soomaaliya ukala fadhiya Wadamada Masar Mudane C/laahi Xasan Maxamuud iyo midka  Kuwait Mudane C/qaadir Amiin Sheekh  ayaa waxa inta badan uu ahaa mid gogol-xaar u ah shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda oo maalinta bari ah ka furmi doona Caasimadd Kuwait City.

Shirkan ayaa oo shir gudoomiyanayay Wakiilka ka socday Wasaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait iyo Ku xigeenka Xog’ayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa waxa intii uu shirkan socday laga hadlayo Xaalada Qaar ka mid ah Wadamada Jaamacadda Carabta sida Falastiin Suuriya iyo Wadamada kale ee ka tirsan ururkan.

Sidoo kale shirkan ayaa waxa dowlad Walba kusoo bandhigtay Arrimaha sida gaarka ah u danaynayso in looga hadlo Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta si loogu sii gudbiyo Anjadaha Shirka Madaxda Jaamacadda Carabta ee  dhici doona labada maalin ee kala ah 25 iyo 26 ee Bishan aan hada ku jirno.

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dowladda Kuwait Mudane C/qaadir Amiin Sheekh oo shirkaas kadib Warbaahinta Qaranka kula Hadlay Goobta uu shirka ka dhacayay ee Hotel Shiritoon ee Caasimadda Kuwait ayaa waxa uu sheegay in Arrimo kale oo maamulka Shirka Quseeya looga hadlay.

Safiir Amiin ayaa sheegay in la filayo Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud in uu dhawaan soo gaaro Caasimadda Kuwait si uu shirkan uga qayb galo.

Shrikan caadiga ah ee Jaamacadda Carabta Wareegiisa 25- ayaa waxa sanadkan marti galisay Dowladda Kuwait, waxaana la filayaa in qodobo wax ku ool u leh Wadamada Carabta kasoo baxaan iyada oo anjadaha Shirkan ay ka mid tahay Arimo Quseeya Wadankeena Soomaaliya.

Moqdisho Jimco Maarso 21, 2014 Ciidamada ammaanka dalka ayaa maanta howlgallo lagu soo qab qabtay dad looga shakiyay in ay ka tirsanyihiin maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ka sameeyay inta u dhexeyso Muqdihso iyo Afgooye.

Howlgalkan oo ay si wada jir ah u fulinayeen ciidamada militeriga, booliska iyo nabadsugidda ayaa waxa ay ciidamadu ka sameeyeen deegaanka ceelasha biyaha, halkaasi oo ay ciidamadu ka soo qab qabteen rag lala xiriirinayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku socoto howlo baaritaanno ah.

Taliyaha Hogaanka Howlaha Ciidanka Booliska Jeneraal Axmed Xasan Maalin oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa daboolka ka qaaday in ciidamadu ay guri guri u baarayeen deegaannada ku yaalla inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, isagoo xusay in tiro dad ah lagu qabtay, kuwaasi oo uu ku sheegay in ciddii lagu waaya eedeymaha loo haysta ay sii deyn doonaan.

Tani waxa ay qayb ka tahay howlgallo isdabo joog ah oo ay ciidamadu maalmihii dambe ka sameyenayeen xaafado ka mid ah degmooyinka gobolka Benaadir, iyadoo ciidamadu ay horey u soo bandhigeen tiro maleeshiyaad Shabaabka ka tirsan iyo hubkii ay bulshada ku dhibaateyn jireen.

Moqdisho Jimco Maarso 21, 2014  Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Fedealka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay  in aan la cafin doonin horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab kuwooda mas’uulka ka ahaa in dalka ay ku soo hoggaamiyeen horyoogayaal Al-qaacidda ka mid ah, isagoo dhanka kale ugu baaqay dhalinyarada ay qaldeen maleeshiyada kooxdaasi inay isu soo dhiibaan gacanta ciidamada qalabka sida.

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo marti ku ahaa Barnaamijka kulanka Todobaadka ayaa hoosta ka xariiqay in maxkamad la soo taagi doono horjoogayasha kooxda Al-Shabaab ee si dhuumaaleysiga ah gudaha dalka u soo geliyay argagixisada Al-Qaacidda, kuwaasi oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa baxsad ka ah dalalkooda.

“Waxaan ka hadlay kuwa la haysta ajaanibta ee ku xiran Al-qaacidda cafis ma lahan, waayo godob ayay ka galeen dalka, kuwa aan ka hadlayo waa Godane iyo kuwa la mid ka ah, teeda kale kuwa la qalday waxaan kula talinayaa inay ka soo tagaan cadowga, oo ay ka faa’iideystaan fursadda ay dowladda siisay” ayuu yiri Mudane Cabdullaahi Goodax Barre.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa sheegay in maleeshiyaadka shabaab ee la marin habaabiyay ay dowladdu siineyso fursado lagu dhisayo mustaqbalkooda, iyadoo qorshaha Dowladda ay tahay sidii dhaqan celin loogu sameyn lahaa dhalinta la qalday.

Moqdisho Jimco Maarso 21, 2014  Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xarunta wasaarada arrimaha dibada ee dalka kenya kula kulmay Wasiirada arrimaha dibada ee dalka Kenya Marwo Aamina Maxamed Jibriil.

Kulankan ayaa waxaa labada wasiir waxay kaga wada hadleen arrimo dhawr ah oo ay kamid ahaayeen sidii looga wada shaqayn lahaa xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya wadamada soomaaliya iyo kenya.

kulankan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa safiirka dowlada Kenya u fadhiya Soomaaliya Amb Josephat Maikara iyo Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani kenya Amb Maxamed Cali Nuur (Americo ) qunsulka safaarada soomaalida ee kenya Siyaad Maxamuud Shire iyo Diblamaasiyiin kale.

Wasiirka ariimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka war bxiyay kulankii uu la yeeshay dhigiisa dalka Kenya ayaa sheegay in ay ka wada hadleen sidii dowlada Kenya ay u tababari lahayd shaqaalaha wasaaradaha xukuumada Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibada xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibada ee Kenya ay booqan doonto magaalada muqdisho si ay uga wada hadlaan arrimo badan oo ka dhaxeeya labada dal.

Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumada Soomaaliya ayaa galabta u ambabaxay dalka Kuwait,halkaasi oo uu kaga qeyb gali shirka wasiirka arrimaha dibada ee waamada carbeed oo gogol xaar u ah shir madaxeedka wadamada carabta.

Moqdisho Khamiis Maarso 20, 2014 Shirka Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ka dhacay Muqdisho, ayaa waxaa shir guddoominayey ku -simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed, iyadoo looga hadlay dhowr qodobo sida ammaanka, deegaannadii Al-Shabaab laga qabsaday iyo in la dadajityo qorshaha ay Xukuumadda ugu talagashay in gobollada gacanta dowladda ku soo laabtay in la gaarsiiyo.

Shirka shirka golaha wasiirrada dhammaadkiisa kaddib ayaa wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble, Warbaahinta qaranka uga warbixiyey arrimihii looga hadlay shirka iyo go’aammadii ugu muhiimsanaa ee ka soo baxay, isagoo xusay in shirka qeybtiisa hore diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka iyo sidii loo sii wada lahaa howlgallada la dagaallanka argagixisada iyo kuwa xasilinta ee ka socda magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa tilmaamay in golaha wasiirrada ay dood dheer ka yeesheen safarradii madaxda dowladda ay ku tageen waddamada caalamka qaarkood, gaar ahaan safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku teay dalka Japan, iyadoo dowladdaasina ay aqbashay in caawimadda Soomaaliya ay siineyso ay si toos ah u siiso dowladda Soomaaliya.

Nairobi March 20, 2014 Wasiirka arrimaha dibada ee dawlada Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta heshiish dhanka iskaashiga iyo horumarinta ah kula saxiixday magaalada Nairobi Mas’uuliyiin ka socotey dowlada Shiinaha.

Kulankan oo ka dhacay safaaradda soomaaliya ee dalka Kenya ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiinta u fadhiya dalka Kenya wadamada Soomaaliya iyo China, waxaana kulankan uu qeyb ka yahay booqashada rasmiga ah ee uu wasiirka arrimaha dibada ee dowlada Soomaaliya ku jooga dalkani Kenya.

Heshiiskan ayaa waxaa dhanka dowlada soomaaliya u saxiixay wasiirka arrimaha dibada ee xukuumada Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle, halka uu dhanka dowlada China u saxiixay safiirka u fadhiya China dalka Kenya Mr Zhand Ming, waxaana kulankaasi ka dib warbaahinta uga warbixiyey waxyaabaha ugu muhiimsanaa ee laga wada hadlay safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya mudane Maxamed Cali Nuur ( Americo ),isagoo sheegay in dowlada China ay xiligan diyaar u tahay inay garab istaagto Soomaaliya.

Mogadishu March 20, 2014 Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Cabdirahman Ducaale  ayaa maanta gaaray Caasimadda Nairobi ee Kenya , isagoo ka ambabaxay Muqdisho , waxaana booqashadiisa magaaladaasi ay la xiriirtaa casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa Kenya H.E. Amina Mohamed oo ay kulan gaar ah yeelan doonaan .

Kulanka ay  yeelanayaan Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya, kana qeybgali doono daniraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Kenya Ambassador Mohamed Ali Nur  ayaa waxaa looga wada hadli doonaa xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha ammaanka,qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya  iyo qodobo kale.

Waxaa la qorsheyanayaa in kulankaasi marka uu soo idlaado ,in Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh iyo wafdigiisa ay u ambabaxaan Magaalo madaxda Kuwait , oo uu kaga qeyb gali doono Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Carabta ee loogu gogol xaarayo shir madaxeedka carbeed wareegiisa 25-aad , oo qabsoomi doona maalmaha 25-26 bishan .

Shir madaxeedka carbeed ayaa waxaa ka horeyn doona afar kulamo oo gogol xaar ah , waxaana ugu horeeya kulanka maanta u furmay mas’uuliyiinta sare ee golaha dhaqaalaha, waxaa xigi doona beri oo Jimce ah fadhiga ergada joogtada iyo mas’uuliyiinta sare ee Wasaaradaha Arrimaha Dibadda wadamada Carbeed si ay u diyaariyaan feylka siyaasadda, maalinta Sabtida ah waxaa kulmi doona golaha dhaqaalaha iyo bulshada oo heer wasiir ah , maalinta Axad waxaa kulan gogol xaar geba-geba ah yeelanaya Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed si ay u dejiyaan qorshaha jadwalka shaqo ee shirka iyo war murtiyeedka ee la hor dhigi doono hogaamiyaasha Carabta si ay u meel-mariyaan .

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka rajeynaysaa shirkaasi in Wadamada Carabta ay ku dhawaaqaan xilliga uu furmayo shirka maal-gelinta iyo dib u dhiska Soomaaliya oo shirarkii hore ee Jaamacadda Carabta lagu go’aamiyay .

Mogadishu March 20, 2014 Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Cismaan “Karaash” Wasiirka Ammaanka Xassan Cismaan Alloore, Siyaasi Cali Cabdi Awaare, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale ayaa  saaka ka anba baxay Caasimadda Puntland ee Garowe, iyagoo safar booqasho iyo kor meer ah ku aaday deegaano kale oo Puntland ka mid ah.

Madaxweynaha ayaa sii maray buundada deegaanka Sunna-jiif oo roobabkii dhowaan da’ay bur buriyeen, halkaasi oo uu kula kulmay shaqadii oo u socota sidii loogu tala galay, waxaana engineerada gacanta ku haya dhismaha buundada ay u sheegeen  Madaxweynaha inay waqti kooban ku dhamayn doonaan dib u dhiska buundaasi.

Ka dib Madaxweynaha ayaa safarkiisa sii watay, dhamaan tuulooyinkii uu maray waxaa hareeraha wadada taagnaa dadweyne si diiran uga qeyb qaadanayay soo dhoweynta Madaxweynaha Puntland Dr Cabdi-weli iyagoo ruxayay caleemo qoyan kuna hadaaqayay Madaxweyne Soo Dhawoow.

Madaxweynuhu Wuxuu kusii hakaday deegaanka Yaka-Yaka oo aan wax badan u jirin degmada Qardho, iyadoo dadka deegaankaasina ay soo dhoweyn wanaagsan u sameeyeyen Madaxweyne Gaas iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabd-weli Max’ed Cali Gaas iyo wafdigiisa ayaa isla maanta  gaaray Magaalada Qardho ee Xarunta G/kar-kaar , waxaana dadweynaha magaaladaasi ay wafdiga madaxweynaha uga hor tageen duleedka Qardho halkaasi oo ay kusoo bandhigeen ciyaarta dhaantada oo ka mid ah dhaqanka Somalida, taasi oo ahayd mid ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada uu Madaxweynuhu kusoo gaaray deegaaka Qardho.

Sidoo kale dhamaan dadweynaha qardho oo taagnaa hareeraha wadada ee bartamaha magaalada ayaa u muujiyay soo dhoweyn ka duwan  tii ay usameeyeen waqtiguu uu ahaa musharaxa Madaxweynaha doorashadii ka hor xiligaasi oo uu Qardho soo booqday.

Madaxweynaha Oo Bulshada Qardho la hadlay ayaa u sheegay inuu ku faraxsan yahay soo dhoweynta ay qiimaha leh e ay ku qaabileen wafdigiisa, wuxuu kaloo tilmaamay inuu fulin doono ballan qaadyadii uu sameeyey waqtigii uu musharaxa u ahaa hogaaminta Puntland, isla markaana degmada Qardho  ay heli doonto waxqabadka ay xukuumadiisu samayn doonto mudada ay xilka hayso.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ka gadaal waxa uu kormeero kala duwan ku tagay Hospitalka Qardho, Saldhiga Qaybta , Ceelasha Biyaha iyo Xabsiga weyn ee Qardho, isagoo warbixino ka dhagaystay dhamaan masuuliyiint goobaha uu booqday.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulan gaar ah la yeeshay Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah Issimada Puntland, iyagoo ka arrinsaday sidii looga shaqayn.

Madaxweynaha iyo wafdgigiisa ayaa la filayaa inay la kulmaan qaybaha kala duwan ee bulshada Qardho, iyagoo usii gudbi doona magaalo Ganacsiga Puntland ee Boosaaso.
—DHAMAAD—

 







WARARKA DOWLADDA SOOMAALIYA EE MAANTA
Photo: Moqdisho Arbaco Maarso 19, 2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo maanta xafiiskiisa kula kulmay beesha caalamka ayaa sheegey inay lama huraan tahay in shacabka deegaanada Al-Shabaab laga xorreeyey in si deg-deg ah loogu gurmado.

Madaxweynaha ayaa ammaanay doorka Bisha Cas ee Turkiga iyo Imaaraadka oo gargaar gaarsiiyey dadka, hase yeeshee waxaa loo baahanyahay in shacabka si dhab ah loo gaaro oo ay helaan kaalmadii ay u baahnaayeen.

“Waa inaan tusnaa shacabka inaan la hilmaamin oo Beesha Caalamka ay diyaar u yihiin inay goobaha Al-Shabaab laga xorreeyey gargaar gaarsiiyaan. Shacabku waa inay rajo gashaa oo ay arkaan gar-gaar gaaray iyo mid u soo socda.”

Madaxweynaha oo warbixin siinayey beesha caalamka oo ku aadan dadaalka Dowladda ayaa yiri “Wasiiro baa booqday goobaha qaarkood, islamarkaana gaarsiiyey mucaawano, waxeyna soo qiimeynayeen xaalada goobahaas iyagoo la tashiyo la sameynayey shacabka deegaanada la booqday. Wasiiradana waxey si joogta ah u aadayaan goobahaas oo ay shacabka la soo joogayaan, si loo hubiyo in shacabka ay helaan kaalmada ay u baahanyihiin iyo inay ka saacidaan dadka deegaanka inay sameystaan maamulo u adeega shacabka.”

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey Nick Kay ayaa sheegey in Qaramada Midoobey ay ballanqaadeyso inay 3 million oo dollar ay soo gaarsiin doonto Wasaarada Arrimaha Gudhaha si ay ugu fuliso mashaariicda xasilinta dalka.

“Waxaan hambalyo u direynaa ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM oo guulo waaweyn ka soo hoyey howlgaladii Al-Shabaab looga xorreynayey dalka. Holgalladan ayaa ah kuwii ugu muhiimsanaa tan iyo intii AMISOM ay ka howlgaleysey Soomaaliya, waxeyna fursad u tahay Soomaaliya.”

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiga Soomaaliya Danjire Maxamed Salax Annadif oo ka warbixinayey howlgalada AMISOM ayaa sheegay in Al-Shabaab ay burburiyeen ceelashii iyo goobihii muhiimka ahaa, hase yeeshee ay AMISOM iyo Ciidanka Soomaaliyeed ay dib u dayactiri doonaan ceelasha iyo goobahaas muhiimka u ah shacabka.

Madaxweynaha oo ka warbixinayey xasilinta Muqdisho ayaa sheegay in qorshihii amniga ee caasimada uu meel fiican marayo oo la sameeyey xarun laga hago dhammaan arrimaha amniga oo howlgalada iyo xasilinta caasimada laga wado oo ay isagu jiraan ciidamada kala duwan ee Soomaaliya iyo AMISOM gaar ahaan kuwooda Booliska.

Shirkan heerka sare ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka, Safiirada UN, AU, AU, EU, UK, Swedish and Norway.




Moqdisho Arbaco Maarso 19, 2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo maanta xafiiskiisa kula kulmay beesha caalamka ayaa sheegey inay lama huraan tahay in shacabka deegaanada Al-Shabaab laga xorreeyey in si deg-deg ah loogu gurmado.

Madaxweynaha ayaa ammaanay doorka Bisha Cas ee Turkiga iyo Imaaraadka oo gargaar gaarsiiyey dadka, hase yeeshee waxaa loo baahanyahay in shacabka si dhab ah loo gaaro oo ay helaan kaalmadii ay u baahnaayeen.

“Waa inaan tusnaa shacabka inaan la hilmaamin oo Beesha Caalamka ay diyaar u yihiin inay goobaha Al-Shabaab laga xorreeyey gargaar gaarsiiyaan. Shacabku waa inay rajo gashaa oo ay arkaan gar-gaar gaaray iyo mid u soo socda.”

Madaxweynaha oo warbixin siinayey beesha caalamka oo ku aadan dadaalka Dowladda ayaa yiri “Wasiiro baa booqday goobaha qaarkood, islamarkaana gaarsiiyey mucaawano, waxeyna soo qiimeynayeen xaalada goobahaas iyagoo la tashiyo la sameynayey shacabka deegaanada la booqday. Wasiiradana waxey si joogta ah u aadayaan goobahaas oo ay shacabka la soo joogayaan, si loo hubiyo in shacabka ay helaan kaalmada ay u baahanyihiin iyo inay ka saacidaan dadka deegaanka inay sameystaan maamulo u adeega shacabka.”

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey Nick Kay ayaa sheegey in Qaramada Midoobey ay ballanqaadeyso inay 3 million oo dollar ay soo gaarsiin doonto Wasaarada Arrimaha Gudhaha si ay ugu fuliso mashaariicda xasilinta dalka.

“Waxaan hambalyo u direynaa ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM oo guulo waaweyn ka soo hoyey howlgaladii Al-Shabaab looga xorreynayey dalka. Holgalladan ayaa ah kuwii ugu muhiimsanaa tan iyo intii AMISOM ay ka howlgaleysey Soomaaliya, waxeyna fursad u tahay Soomaaliya.”

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiga Soomaaliya Danjire Maxamed Salax Annadif oo ka warbixinayey howlgalada AMISOM ayaa sheegay in Al-Shabaab ay burburiyeen ceelashii iyo goobihii muhiimka ahaa, hase yeeshee ay AMISOM iyo Ciidanka Soomaaliyeed ay dib u dayactiri doonaan ceelasha iyo goobahaas muhiimka u ah shacabka.

Madaxweynaha oo ka warbixinayey xasilinta Muqdisho ayaa sheegay in qorshihii amniga ee caasimada uu meel fiican marayo oo la sameeyey xarun laga hago dhammaan arrimaha amniga oo howlgalada iyo xasilinta caasimada laga wado oo ay isagu jiraan ciidamada kala duwan ee Soomaaliya iyo AMISOM gaar ahaan kuwooda Booliska.

Shirkan heerka sare ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka, Safiirada UN, AU, AU, EU, UK, Swedish and Norway.

Moqdisho Arbaco Maarso 19, 2014 Wasiiro ka tirsan Dowlada Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho casho sharaf ugu sameeyay qoyskii uu ka geeriyooday Allaha unaxariistee  Maxamed Suleymaan Tubeec.

Xasan Maxamed Suleymaan, oo ah wiil uu dhalay Maxamed Suleymaan, ayaa uga mahadceliyay dowlada Federaalka Soomaaliya aaska Qaran ay u sameysay Aabihii islamarkaana Muqdisho ugu soo dhaweeysay ehelada Marxuumka.

Wasiirrada Kulankaas ka qeyb galay waxaa kamid ahaa, wasiirka Diinta iyo Owqaafta, wasiirka warfaafinta, sidoo kale waxaa kasoo qeyb galay Fanaanadda weyn ee Hibo Nuura.

Xasan ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay u ballanqaaday, in Allaha unaxariistee Fanaan Maxamed Suleymaan Tubeec loo sameyn doono maalin ay Ummada Soomaaliyeed ku xasuustaan kooda ugu yar iyo kooda ugu weyn.

Allaha Unaxariistee Maxamed Suleymaan Tubeec oo loogu yeeri jiray Boqorka Codka, waxa uu ahaa Fanaan si weyn looga yaqaan guud ahaan dalka Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Fanaanka Maxamed Suleymaan Tubeec oo magic iyo muumuus ku dhex lahaa bulshada Soomaaliyeed ayaa 11-kii bishan ku geeriyooday cisbital ku yaala dalka Jarmalka iyadoo dowladuna ay aas Qaran ugu sameysay magaalada Muqdisho 17-kii bishan.

Arbaco Maarso 19, 2014 Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Fiidoow oo dhaca xadka kala qeybiyo gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Cutubyo ka tirsan ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa sii wada howlgallada ka dhanka ah Shabaab iyagoo  la wareegay deegaanka Fiidoow, iyadoo dadka deegaankaasi ay sanado kadib dareemeen neecawda xoriyadda, iyadoo ciidamaduna ay baaritaanno ka wadaan gudaha magaaladaasi.

Ciidamada ayaa ku sii wajahan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, waxaana la filayaa iney saacadaha soo socda la wareegaan degmadaasi oo muhiimad gaar ah u leh howlgalka dalka looga xoreynayo Shabaab, sababtoo ah buundada jalalaqsi ayaa ah halka narinka u aheyd oo ay isaga gudbi jireen kooxda Shabaab ee haraadiga ku  ah gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed.

Dhanka kale ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM ayaa ku sii wajahan degmada Cadale iyo Raaga Ceelle, kadib markii ay laba jaho uga kala dhaqaaqeen degmada Warshiikh, iyadoo la filayo iney saacadaha soo socda la wareegaan degmada Cadale ee dhacda Xeebta iyo deegaanka caanka ah ee Raga Ceelle.

Moqdisho Arbaco Maarso 19, 2014 Madaxweynaha Maamul Goboleeedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana u magcaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka maamulkaasi.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto ku magcaabay wasiirk ku-xigeenka Wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka maamulka Puntland in uu noqdo Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax “Dujaana”.

Cabdiraxman Yusuf Faarax “Dujaana” ayaan ahayd markii u horaysay oo uu xil ka qabto maamulka Puntland, hase yeeshee waxa uu hore uu ahaa taliyaha ciidanka nabad sugidda Puntland, isagoo xilkasi soo hayay mudo dheer shaqooyin wax ku ool ah kasoo qabtay mas’uuliyaddii waqtigaasi saarnayd.

Cabdiraxmaan Dujaana wuxuu marka dib loo milicsado tariikhdiisa shaqo, wuxuu gaaray darajada gaashaanle sare ee dhanka ciidamada, sidoo kale waxa uu noqday Wasiir ku-xigeenkii macdanta,biyaha, batroolka iyo tamarta ee Dowladdii KMG ee xukuumddii Ra’iisul wasaare Farmaajo.

Mudane Cabdiraxmaan ayaa dhankiisa sheegay inuu soo dhoweynayo xilka loo dhiibay, islamarkaana uu u mahad celinayo Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Dr Cabdiweli Gaas.

Moqdisho Arbaco Maarso 19, 2014 Ra’iisul wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay mas’uuliyiinta Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay howlgalka ciidanka Jabuuti ay ka wadaan gudaha dalka ee qeybta ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa kulanka uu la qaatay siihayaha Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cali waxaa goob joog ka Wasiir ku-xigeenada Wasaaradaha arrimaha Diinta Mudane Yuusuf Xeyle Jimcaale  iyo Gaashaandhigga Mudane Cabdalla Xuseen Cali, kaasi oo diiradda lagu saaray dar dargelinta howlgallada dalka looga xoreynayo maleeshiyada Al-Shabaab.

Kulanka kaddib markii uu soo idlaaday waxaa ugu horeyn saxaafadda la hadlay sii hayaha Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cali oo sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ay ka dhexeeyaan xiriir walaaltinimo oo soo jireen ah, isagoo shacabka ugu baaqay inay xoojiyaan dhankooda taageerada ay siinayaan ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM.

“Ciidanka Hiil walaal ee Jabuuti waxa ay Soomaaliya u yimaadeen in ay ka caawiyaan sidii dalka looga xoreyn karaa kooxaha nabad-diidka ah, ciidankii ku dhintay ka xoreynta Soomaaliya argagixisada waxaan leenahay Allaha u naxariisto, anaggu waan sii wadaynaa taageerada aan siineyno shacabka iyo dowladda Soomaaliya” ayuu yiri.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in ugu horeyn uu tacsi u dirayo Madaxweynaha iyo shacabka reer Jabuuti ciidankii kaga dhintay weerarkii naftii halignimada ah, isagoo intaa ku daray in kuwa dhaawaca ah uu Alle uga baryayo in uu bogsiiyo.

“Runtii ciidanka Hiil Walaal ee Walaalaheen Jabuuti waan ognahay inay noogu soo gurmadeen sidii ay inoo caawin lahaayeen, marka aniga iyo Ra’iisul wasaaraha waxaan ku booqanay Cisbitaalka, ciidankaasi waxaan leeyahay Allaha idinkugu guuleeyo taageerada aad siineysaan shacabka” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenka

Xudur Isniin Maarso 17, 2014 Wafdi isugu jira wasiirro. xildhibaanno iyo maamulka gobalka Bakool ayaa saka lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Xudur  ee xarunta gobalkaasi, waxaana halkaasi ka soconaya qaban qaabo ku aadan soo dhaweenta wafdigaasi.

Wafdiga ka socda dowlada Federaalka ayaa waxaa ka mid ah wasiirka amniga Qaranka, wasiirka Gaashaandhiga, wasiirro kale iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka, waxeyna kulamo la qaadan doonaan bulshada gobolka, iyagoo u kuurgalaya xaalada nololeed ee bulshada iyo baahiyaha kala duwan ee halkaasi ka jira.

Qaban qaabada soo dhaweynta wafdigaasi ayaa hadda ka socota degmada Xudur iyadoo garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi ay ku suganyihiin odayaal,  waxgrad,  haween, dhalinyaro iyo guud ahaan qeybaha bulshada ee ku nool gobolkaasi kuwaas oo u diyaarsan soo dhaweynta wafdiga dowladda.

Waa markii ugu horreeysay ee wafdi ka socda dowladda uu gaaro gobolkaasi tan iyo markii laga xoreeyay maleeshiyaadka Shabaab, oo dhibaatooyin ba’an ku hayay shacabka ku nool gobolkaasi.

Crimea Isniin Maarso 17, 2014 Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa Axaddii shalay telefon ugu sheegay dhiggiisa dalka Ruush Vladimir Putin in Washington iyo xulufadeeda reer Yurub ay diyaar u yihiin inay culeys dheeri ah sii saaraan Moscow, taageerada uu Ruushku taageeray aftida uu gobolka Crimea kaga go’ayo Ukraine.

Hadal ka soo baxay Aqalka Cad Axaddii ayaa aftida ku sheegay mid aan sharciga waafaqsaneyn, isla markaana ay jabinayso dastuurka dalka Ukraine. Waxa kale oo hadalka Aqalka Cad uu intaas ku daray in aftidaas aanay aqoonsan doonin Maraykanka iyo bulshada caalamku.

Hadalkan labada madaxweyne ayaa yimid xili maamulka doorashada ee Crimea ay sheegeen in 95% ay dadkii codka bixiyey u codeeyeen in Crimea ay go’do oo ay ku biirto dalka Ruushka. Xogta waxa lagu dhawaaqay Axaddii xalay, iyada codadkii aftida kala bar la tiriyey. Isu soo baxa dadkii codeynayey ayaa lagu qiyaasay inta u dhaxay 75 ilaa 80%.

Hogaamiyaha Ruushka raacsan ee Crimea, Sergei Aksyonov ayaa shaaciyey in dawladdiisu ay Isniinta berrito ah si rasmi u codsan doonto inay ku biirto Federationka Ruushka.

Magaalada Kyiv-na, RW-ha KMG ee Ukraine Arseniy Yatsenyuk, ayaa isaga oo ku jira kulan degdeg ah oo golihiisa wasiiradu lahaayeen, sheegay in codbixintii uu Ruushku taageerayey ay tahay “riwaayad” lagu sameeyey qori caaradii oo uu Ruushku ka dambeeyey.


February 2014

 



Moqdisho Axad Maarso 16, 2014 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federeaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa caawa kulan casho ah la yeeshay bahda Fanaaniinta ee hobolada Waaberi, wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu kula dardaarmay inay bulshada Soomaaliyed wacyigeliyaan isla markaana soo celiyaan qaabkii Faneed ee ummadda loogu sameyn jiray hanuuninta iyo hoga tusaaleynta.

Kulankan ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehliyay Wasiirkiisa Warfaafinta Mudane Mustaf Sh. Cali Dhuxulow, waxaana kulankan oo saacado badan qaatay ay iskula lafa gureen bahda Fanaaniinta ee hobolada Waaberi qaabka ugu haboon ee bulshada looga wacyigelin karo falalka guracan sida Burcad badeednimada, Tahriibka, marin habaabinta kooxaha nabadiidka iyo argagixisada, isla markaana loogu beeri lahaa wadan jaceyl, nabad jaceyl iyo inay naftooda iyo bulshadooda anfacaan.

Kulanka ayaa waxaa ka dhex muuqanayay xubno ay ka mid yihiin Fanaaniin, Abwaano, suugaan yahano, muusikiistayaal iyo mulaxamiistayaal ay ka mid aheyd Fanaanada Hibo Nuura oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay, Fanaanka Maxamed Xuseen Lafoole oo isna ku noolaa waayahan magaalada Muqdisho, fanaanka Siciid Da’uud Cali Masxaf, Abwaan Maxamed Xasan Barrow, Abwaan Maki Xaaji Banaadir, majaajiliiste Cabdi Maxamed Ilkacasse iyo xubno kale, waxayna goobta ku soo bandhigeen heeso iyo gabayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Caawa sharafbey ii tahay inaan fursad isku helno oo aan goobtan ku wada casheyno, mana la qiyaasi karo shucuurteyda iyo sida aan ugu faraxsanahay inaan la kulmo hal dooradii fanka Soomaaliyeed, waxaana idiinku ammaanayaa inaad dalka ku nagaateen xilli ay dhacayeen dagaalo ahli ah iyo fowdo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha mar uu la hadlayay bahda Fanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday inay abuuraan heeso wadani ah oo shacabka ay ugu tilmaamayaan waxyaabaha gaarka ah ee alle ku maneystay dhulkayaga, gaar ahaana kheyraadka uu leeyahay, isaga oo si gaar ah uga codsaday in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku baraarujiyaan wanaaga nabadda iyo inay ka qeyb noqdaan horumarinta iyo hagaajinta dalkooda, si mustaqbalka Soomaaliya u hagaago.

Dhanka kale, Hibo Nuura oo ku hadleysay magaca hobolada Waaberi ayaa uga mahadcelisay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada casuumaadan, waxayna tilmaantay in ay ku ammaanayaan sidii wanaagsaneyd ee xukuumadiisu aaska Qaran ugu sameysay Alle ha u naxariistee Maxamed Saleebaan Tubeec isla markaana u garab siisay Fanaanka Cabdi Tahliil Warsame oo uu gurigiisa ku booqday isaga oo xanuunsanaya.

“Anagu haddii aanu nahay bahda hobolada Waaberi waxaan diyaar u nahay inaan qeyb libaax ka qaadano wacyigelinta bulsahda iyo dib u yagleelida Qaranka Soomaaliyeed” ayay tiri Hibo Nuura oo tilmaantay in fanaaniintu ay ka mid yihiin bulshada sida aadka ah ugu nugul inay helaan nabad iyo dawladnimo.

Moqdisho Axad Maarso 16, 2014 Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shaaciyey maanta xiliga uu furmayo Kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan ku wareglinayaa dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya meel kasta oo ay joogaan in uu si rasmi ah u furmi doono Kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka 22ka bishan March ee aynu ku jirno sidaas darteed waxaan ka codsanayaa Xildhibaannada
iney u diyaar garoobaan furitaanka Kalfadhiga 4aad, si waafaqsan Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka ”ayuu yiri Ku-simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

“Ugu dambeyntii waxaa dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka laga doonayaa inta maalinta Sabtida ah ee ay taariikhdu ku beegantahay 22ka-March-2014,9:00AM Subaxnimo Mudane Kasta kursigiisa xaadir ku ahaado, si uu u guto waajibaadka Dastuuriga ah ee uu u dhaatrtay” ayuu kusoo
gebagebeeyey hadalkiisa Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

—DHAMAAD—

Mogadishu on Axad March 16, 2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey kaddib booqasho rasmi ah oo uu ku tegey dalka Japan.

Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri “Booqashadeena Japan Waxey aheyd mid taariikhi ah oo aan sii xoojinay xiriirka labada dal. Japan waxey noo ballanqaadeen 40 million oo dollar oo kaalmo ah iyo inay dib u dhiska dalka kaalintooda ka qaataan.”

“Bacdamaa aan u gudubnay heerkii horumarinta dalka, dowladda Japan waxey naga kaalmeynayaan dhanka beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, shaqo u abuurista dhalinyarada iyo dhanka teknolojiyada oo Japan ay caan ku tahay.”

“Waxaan la kullanay Boqorka, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Aqalka Sare ee Japan iyo mas’uuliyiin ka kala socday dhanka ganacsiga, iyo hay’adaha aan dowliga aheyn. Waxaana noo suurto gashay in dhammaan mashaariicdii aan hordhignay nalaga aqbalay oo xiriirka labada dal uu noqonayo mid joogta ah.”

Guulihii Howlgalada Dalka ka socda:

“Waxaan u hambalyeynayaa ciidanka geesiyaasha Soomaaliyeed oo taageero ka helayey AMISOM oo guulo waaweyn ka soo hoyay howlgaladii aan muddo sanad iyo bar qorsheyneynay.”

“Sidoo kale waxaan u hambalyeynayaa shacabka Soomaaliyeed oo kaalin wax ku ool ah ka qaatay, isla markaana taageero buuxda siiyey ciidankeenna geesiyaasha ah.”

“Shabaab waa la baacsaday oo ay sii cararayaan isla markaana raadinayaan goobo ay ku dhuumaaleystaan, si ay shacabka waxyeelo ugu geystaan. Waa inaan ka wada shaqeynaa sidii aan loo siin laheyn meelo ay ku dhuumaaleystaan iyo meelo ay carruurta iyo dhalinyarada ku duufsadaan.”

“Siyaasadda Dowladda ee Xasilinta dalka ayaa ah in goobaha laga saaro Al-Shabaab in si deg-deg ah loogu gurmado oo shacabka la gaarsiiyo gar-gaar bani’aadanimo. In muddo ah baan beesha caalamka kala shaqeyneyney qorshaheena xasilinta dalka, sidaas daraadeed Maanta waxaa la joogaa waqtigii ballanqaadyada laga dhabeyn lahaa oo aan wada dhaqan gelin laheyn qorshaha Xasilinta dalka. Waa waqtigii aan u gudbi laheyn wax qabad dhab ah.

“Shacabka deegaanada laga xorreeyey Al-Shabaab waa inay arkaan faa’iidada nabadda, maamul wanaag iyo in shacabku ay aayahooda ka tashadaan. Culumada Soomaaliyeed door weyn bey ku leeyihiin si shacabka looga wacyigeliyo fahamka diinta saxda ah. Waxaan Baaq u dirayaa Shacabka, Ganacsatada, Qurbojoogta iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed in la taageero ciidamada iyo shacabka deegaanada laga xoreeyey Al-Shabaab.

Mogadishu on Axad March 16, 2014  WAR-SAXAAFADEED 16, March 2014 :- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiin C/llahi Cumar Camay ayaa aqalka madxtooyada Garowe kulan casho sharaf ah habeenimadii xalay ugu sameeyey saraakiil sar sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General Saacid.

Kulanka waxaa ka qayb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiirka wasaaradda amniga Xasan Cismaan Alloore,Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Max’ed Siciid Jaqanaf, Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin iyo xubno iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Boolika Puntland.

Casho sharafta kadib ayaa waxaa uu madaxweynuhu la qaatay kulan gaar ah Gen. Saacid iyo weftigii uu hogaaminayey, waxayna si adag uga arrinsadeen arrimo badan oo muhiim ah oo ay ugu weyntahay adkaynta ammaanka, xoojinta xiriirka ciidanka Soomaliyeed oo dhan, kala qaadashada xogaha kala duwan si difaac adag looga galo cid kasta oo isku dayi karta khal khal galinta amaanka iyo degenaanshaha waddanka.

Saraakiisha ciidanka Puntland ayaa warbixin faah-faahsan ka bixiyay xaaladda amaan ee Puntland, qaabka ay u shaqeeyaan ciidanku, baahiyaha ciidan ee taagan iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Dhinaca kale saraakiisha amaanka dawlada Puntland ayaa dhankooda waxay sheegeen in wada shaqaynta iyo kala war qadashada ciidanka dalka oo dhan ay tahay mid faa’iido weyn ay ugu labada dhinacba taasina ay muhiim tahay in la iska kaashado.

Sidoo kalena waxay ku tiiq tiiqsadeen in dawlada Puntland ay diyaar u tahay adkaynta iyo kobcinta xiriir wada shaqayneed oo ay la yeelato Dowladda dhexe ee Soomaaliya gaar ahaana dhanka ciidanka iyo tallabooyinka lagu adkaynayo ammaanka gobolada Soomaaliya oo dhan.

Waxyaabaha kale ee diirada la saarayna waxaa ka mid ahaa la dagalanka Al-shabab oo beryihii danbe dagaal adag lagu qaaday , deegano ay joogeena laga qabsaday, waxaana la qiray in kooxda Al-shabab ay la kulmayeen mudooyinkii danbe dhabar jab xoog leh, taasina ay kallifayso inay ku firxdaan dalka intiisa kale.

waxaa iyadana isfahan lagayeeshay in wacyigelinta ay muhiimad gaara u leedahay xoojinta amniga, islmar ahaantaana loo baahan yahay in  bulshada Puntland amuurtaasi si wanaagsan loogu iftiimiyo.

Gen. Saacid Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka mahad celiyay qaabilada wanaagsan ee masuuliyiinta Puntland ay u muujiyeen wafdiga uu hogaaminayo, wuxuuna sheegay in Puntland ay si adag uga dhisan tahay dhinaca ciidanka, balse loo baahan yahay in hore loo socdo.

Gen.  Saacid waxa uu tilmaamay in ay diyaar u yihiin wada shaqayn adag oo ay yeeshaan ciidanka dowladda dhexe ee Soomaaliyeed iyo ciidanka Dowladda Puntland, maadaama xiligan la gudagalay xaalado adag oo u baahan in si gaar ah loola socdo.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Gen.  Saacid waxa uu arrin muhiim ah ku sheegay la dagaalanka Al-shabab iyo la socoshada firxadkooda maadaama looga guulaystay lagana qabsaday dhul badan oo ay haysteen oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya.

Kulliyadda taba barada ciidanka ee CARMO ACCEDAMY oo ku taalla magaalada Carmo ee Gobolka Bari  isla markaana ay kasoo bexeen ciidan aad u fara badan oo xiligan ka shaqeeya dalka Soomaaliya oo dhan ayaa waxaa la isku afgartay in loo baahan yahay in kor loo qaado tayada xaruntaasi si looga soo saaro ciidamo soomaaliyeed oo qaba tababaro casriya.

Isla mar’ahaantaana  ay lagama maarmaan tahay hir galinta iyo hagaajinta Kulliyaddaas si loogu diyaariyo inay noqoto Jaamacad Gaar u ah ciidanka Soomaliyeed lagan soo saaro  ciidan kale oo dheeraad ah kuwaas oo  tayo iyo aqoon u leh shaqadooda ciidan.

Wafdiga General Saacid uu hogaaminayo ayaa waxay booqan doonaan xarunta tababarada ciidamada ee magaalada Carmso , si ay usoo arkaan dhismaha Kulliyadda taba barada ciidanka ee CARMO ACCEDAMY, welibana ay xogo dheerada uga helaan baahiyaha asaasiga ah ee halkaasi ka jira.

DHAMAAD

Mogadishu on Axad March 16, 2014  Taliska hey’adda Nabudsugidda gobolka Benaadir ayaa maanta soo bandhigay maleeshiyaad ka tirsan kooxada Al-Shabaab iyo hub ay wateen oo lagu soo qabtay hoowlgallo ciidamadu ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan lagu soo qabtay maleeshiyaadka kooxda Shabaab oo magaalada Muqdisho ka waday falal argagixisonimo, iyadoo goobtaasi lagu soo bandhigay dhalinyaro iyo hub isugu jira bam booyin, sunta loo adeegsado qaraxyada iyo weliba bistoolado oo lagu dhibaateyn jiray shacabka Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah dhalinyaradaasi ka tirsan kooxda Shabaab oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada nabadsugidda gobolka banaadir ayaa waxa ay ka hadleen halka laga soo qabtay iyo sida ay u isticmaali jireen falalka ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah dhalinyarii la soo bandhigay ayaa yiri “Aniga waxaan ku shaqeystaa mooto oo aan bambooyinka ku qeybin jiray, teeda kale aniga afar bil ayaan Muqdisho joogaa Nairobi ayaan ka imid, waxaan qeyb ka ahay Shabaab, laakiin xilliga la isoo qabanayay wax howl ah kuma jirin”

Howlgalkaan lagu soo bandhigayey qaar ka tirsan maleyshiyaadka Shabaab ayaa qeybka ah howlgallada lagu ciribtirayo shabaab ee ka socda gudaha dalka, waxaana ladagaalanka Shabaab aad u soo dhaweeyey shacabka Soomaaliyeed oo ay dhibaatooyin ku hayeen.


TACSI BOQORKA CODKA

“Ugu danbeyntii waxaan tacsi u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed geeridii Boqorka Codka, Marxuum Maxamed Suleyman Tubeec oo maanta lagu aasay Muqdisho. Samir iyo IIMAAN EEBBE ha naga wada siiyo, qoyskii, asxaabtii iyo shacabka.

Galkacyo Maarso 15, 2014 Taliyaha ciidanka booliska Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid) oo booqasho ku yimid Puntland markii ugu horeysay ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magalaada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Gobollka ayaa qayb qatay soo dhawaynta Taliyaha Ciidanka booliska dowlada Federaalka loogu sameeyay Gaalkacyo.

Cabdixakiim Daahir Saciid oo saaka ka soo duuley magaalada Muqdisho,ayaa socdaalkiisu uu noqonayaa kii ugu horeysey ee Taliyuhu uu yimaado Gobolada Puntland.

New York Maarso 15, 2014  Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Haweenka Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo socdaal shaqo ku joogta dalka Mareykanka ayaa magaalada New York kulan gaar ah kula qaadatay xoghayaha guud ee QM Ban Ki Moon.

Wasiiradda ayaa ugu horeyn uga mahad celisay xoghayaha guud ee QM Ban Ki Moon qaabilaada iyo soo dhaweynta uu u sameeyey waxaanaay uga warbixisay halka ay marayso xaaladda Haweenka Soomaaliyeed iyo qorshayaasha ay Wasaaraddu u dejisay hormarinta Haweenka iyo xuquuqda Aadanaha iyo sidoo kale carruurta Soomaaliyeed,ayadoo sidoo kalena ka hadashay qaabka ay u aragto Wasaaraddu iney kula shaqeyn karto amaba uga baahantahay hay’adaha QM.

Xoghayaha guud ee QM Ban Ki Moon oo isna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa aad u bogaadiyey dadaallada ay Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta xuquuqda Aadanaha wado ee lagu hormarinayo haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed waxaana uu ballan qaaday in QM hay’adaheeda kala duwan ay kala shaqeyn doonaan arrimaha Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha.

Wafdi ay hogaamineyso Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ku sugan dalka Mareykanka waxaana ay halkaasi uga qeybgashay kulanka 58-aad ee Haweenka Caalamka kaasi oo ay aheyd markii ugu horeysay oo wafdi metelaya Soomaaliya ay ka qeybgalaan mudo 20 sano ah kadib waxaana sidoo kale Wasiiraddu ay kulammo gaar gaar ah la yeelatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga,Wasiirrada Arrimaha Haweenka ee dalalka Norway iyo Talyaaniga.

Kampala Khamiis Maarso 14, 2014  Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa maanta magaalada Kampala aqoon kororsiyo kala duwan ugu soo xiray guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo howlwadeennada Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka qaarkood.

Gelinkii hore ee maanta Mudane Jeeylaani Nuur Iikar Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka waxa uu aqoon kororsi socday mudo Afar cisho ah usoo xeray Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka kaasi oo ay fududeysay hay’adda AWEPA islamarkaana la xiriiray ballaarinta iyo hormarinta howlaha guddiyada joogtada ah waxaana uu ku tilmaamay Gudoomiyaha aqoon is weydaarsigan mid wax weyn kusoo kordhin kara howlaha Baarlamaanka.

Gelinkii dambe ee maanta oo jimce ah ayuu dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar waxa uu Siminaar uu socday mudo Shan cisho ah usoo xeray Mas’uuliyiin iyo howlwadeenno ka socday Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada Somaliland iyo Puntland ayadoo siminaarkan oo ku saabsanaa qorshe howleedka Wasaaradda Caafimaadka ay Wasaaradda ka taageereen qabsoomidiisa hay’adaha UNICEF iyo WHO.

Gudoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Dr Cusmaan Maxamuud Dufle oo khudbad ka jeediyey munaasabadda siminaarkan lagu soo xerayey ayaa ugu horeyn tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay ka qeybgalka Munaasabadda waxaana uu ballan qaaday in guddigooda uu Wasaaradda ku garab siinayo fulinta qorshe howleedka ay dejisteen oo siminaarka qeyb ka ahaa.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ahna ku simaha Wasiirka Mudane Axmed Aadan Axmed oo isaguna khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa faah faahiyey qorshaha Wasaaraddu ay u dejisay hormarinta Caafimaadka Dalka waxaana uu ka codsaday Baarlamaanka iyo Gudoonkaba iney ku gacan siiyaan kulana xisaabtamaan fulinta qorshahan.

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo khudbaddii ugu dambeysay ee munaasabadda jeediyey ayaa uga mahad celiyey Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha lasoo qaban qaabiyey siminaarkan waxaana uu dhanka ballan qaaday in ka Baarlamaan ahaan ay si gaar ah howlahooda iney fuliyaan ugu garab siiyaan Wasaaraddaha Arrimaha Bulshada ka shaqeeya oo caafimaadka uu ugu horeeyo,lana xisaabtami doonaan.

Addis Ababa Khamiis Maarso 13, 2014 R/wasaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka amba baxay Magaalada Muqdisho ayaga oo ku sii jeeda dalka Ethiopia halkaas oo uu kaga qeyb gali doono shirka wadamada urur goboleedka IGAD.

Safarka R/wasaaraha ayaa waxa uu la xiriiraa ka qeybgalka shirka 25-aad ee madaxda urur goboleedka IGAD kaas oo ka dhici doona magaalada Adis’ababa.

Sidoo kale R/wasaaraha ayaa la filayaa in uu kulamo gooni gooni ah la qaato madaxda urur goboleedka IGAD iyo qaar ka mid ah hey’adaha caalamiga ah ee ku sugan dalka Ethiopia.

R/wasaaraha ayaa lagu wadaa in madaxda IGAD uu u bandhigo howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada,  kaas oo ay ka qeybqaadanayaan ciidamo ka socda wadamada deriska ah oo ka tirsan AMISOM.

Dhanka kale R/wasaaraha ayaa filayaa in uu IGAD hordhigo qorshihiisa ku aadan wajiga Labaad ee lagu xasilinayo nabadda,  kadib marka la soo gebagebeeyo howlgallada hadda bilowday ee dalka looga xoreynayo Shabaab.




WARARKA DOWLADDA EE MAANTA




Photo: Yokohama Khamiis Maarso 13, 2014 Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Japan ayaa maanta kulan la qaatay  boqorka dalkan Japan  Akihito.

Boqorka Dalka Japan ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya  inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda Soomaaliya isla-markaana ballan-qaaday in Dowladda Japan ay juhdi xoog leh gelin-doonto sidii Soomaaliya mar kale u noqon lahayd wadan xasilooni buuxda  ka jirto.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaaa marka hore uga mahad-celieyey boqorka Japan tageeradda Dowladda  Japan ay ku bixiso Soomaaliya iyo sida wanaagsan ee Madaxweynaha iyo wafdigiisa loogu soo dhaweeyey dalka Japan.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeyay dhibaatada duufaantii ku dhufatay gobolka fukushima oo ay shalay ku beegneyda sannad-guuradii Seddexaad ee musiibadii dhacday.

Yokohama Khamiis Maarso 13, 2014
Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Japan ayaa maanta kulan la qaatay  boqorka dalkan Japan  Akihito.

Boqorka Dalka Japan ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya  inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda Soomaaliya isla-markaana ballan-qaaday in Dowladda Japan ay juhdi xoog leh gelin-doonto sidii Soomaaliya mar kale u noqon lahayd wadan xasilooni buuxda  ka jirto.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaaa marka hore uga mahad-celieyey boqorka Japan tageeradda Dowladda  Japan ay ku bixiso Soomaaliya iyo sida wanaagsan ee Madaxweynaha iyo wafdigiisa loogu soo dhaweeyey dalka Japan.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeyay dhibaatada duufaantii ku dhufatay gobolka fukushima oo ay shalay ku beegneyda sannad-guuradii Seddexaad ee musiibadii dhacday.

New York  Khamiis Maarso 13, 2014 Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qeybgashay shirka 58aad ee Haweenka Aduunka ee ay qabato QM.

Wasiiradda ayaa waxaa ku wehliya ka qeybgalka shirkan Xildhibaanad Saaqo Aadan Gaas oo ka tirsan Haweenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Mudane Maxamed Cumar waxaana shirkan 58aad ee Haweenka Aduunka looga hadlay xuquuqda Haweenka iyo gudniinka Fircooniga ah.

Khudbad ay shirka ka jeedisay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye waxa ay ugu horeyn uga hadashay xaaladda ay ku suganyihiin Haweenka Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa iyo qorshayaasha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu talagashay hormarinta Haweenka Soomaaliyeed iyo dhowrista xuquuqda Aadanaha.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa magaalada New York kulammo gaar gaar ah kula qaadatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Turkiga Ahmet Dovutoglu iyo Wasiirrada Haweenka dalalka Talyaaniga iyo Norway oo ay Wasiiraddu kala hadashay sidii ay wadashaqeyn iyo iskaashi ula sameyn lahaayeen Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya.

Kulankan ayaa noqonaya shirkii ugu horeeyey ee ay ka qeybgasho Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye tan iyo intii loo magacaabay xilka Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha,sidoo kalena waa markii ugu horeysay ee ay mudo 20 sano ah kadib shirkan oo ay sanadkiiba hal jeer QM qabato ka qeybgalaan wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya.

Moqdisho Khamiis Maarso 13, 2014 Wasaaradda Gaashaadhigga ayaa sheegtay in gargaar la gaarsiin doono dadka ku nool goobaha laga xureeyo maleeshiyaadka argagixisada ee Al-shabaab.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhiga C/lla Xuseen Yaxye ayaa sheegay in dowladda ay qorsheyneyso in goobaha laga xureeyo maleeshiyadka Al shabaab la gaarsiin doono gaargaarka loogu talo galay dadka deegaannadaasi ku nool maadaama dadkaasi aysan helin wax gargaar ah intii kooxaha shabaab ay cadaadiska ka hayeen.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka gaashaandhiga ayaa xusay in lagama maarmaan ay tahay in dadkaasi laga xureeyay cadowga ay helaan kaalmo bani’aadanimo iyo in dib loo soo neeleeyo adeegyadii bulshada  aas-aasiga u ahaa.

Wasiir ku xigeenka ayaa ugu baaqay dhalinyarada weli ku harsan fikirka qaldan ee kooxda in ay kasoo baxaan oo ay dowladooda kusoo biiraan wuxuuna sheegay in dowladda ay soo dhaweyneyso cid walboo dooneyso  wadahadal kana towbad keenta fikirka gurracan.

Hadalka wasiir ku xigeenka  Gaashaandhigga  ayaa  imaanayaa xilli ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Amisom ay maleeshiyaadka Al shabaab ka xureeyeen deegaanno ka tirsan gobollada dalka.


Moqdisho Khamiis Maarso 13, 2014 /wasaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka amba baxay Magaalada Muqdisho ayaga oo ku sii jeeda dalka Ethiopia halkaas oo uu kaga qeyb gali doono shirka wadamada urur goboleedka IGAD.

Safarka R/wasaaraha ayaa waxa uu la xiriiraa ka qeybgalka shirka 25-aad ee madaxda urur goboleedka IGAD kaas oo ka dhici doona magaalada Adis’ababa.

Sidoo kale R/wasaaraha ayaa la filayaa in uu kulamo gooni gooni ah la qaato madaxda urur goboleedka IGAD iyo qaar ka mid ah hey’adaha caalamiga ah ee ku sugan dalka Ethiopia.

R/wasaaraha ayaa lagu wadaa in madaxda IGAD uu u bandhigo howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada,  kaas oo ay ka qeybqaadanayaan ciidamo ka socda wadamada deriska ah oo ka tirsan AMISOM.

Dhanka kale R/wasaaraha ayaa filayaa in uu IGAD hordhigo qorshihiisa ku aadan wajiga Labaad ee lagu xasilinayo nabadda,  kadib marka la soo gebagebeeyo howlgallada hadda bilowday ee dalka looga xoreynayo Shabaab.

Tokyo Talaado Maarso 11, 2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo  ayaa soo gaaray magaaladda Tokyo  ee dalka Japan iyadoo garoonka ay ku soo dhaweyeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Japan ee uu ka mid ahaa safaiirka Japan  ee Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha  oo muddo Afar maalmood ah ku sugnaan doona dalkan Japan ayaa waxaa ka mid ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta  Saciid Cabdullaahi Maxamed iyo Wasiiradda Howlaha Guud  Nadiifo Maxamed Cusmaan.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo kulan la qaadan doona Ra’iisul Wasaaraa dalka Japan Shinzo Abe ayaa kala hadlaya xoojinta xiriirka labadda dal iyo sidii Dowladda Japan taageero u siin lahayd Dowladda Soomaaliya sida Kalluumeysiga, Horumarinta Beeraha iyo sdii tababaro loo siin lahaa xirfadleyda Soomaaliyeed.

“Halkaan waxaan u joognaa sidii Dowladda Japan aynu uga wada-hadli lahayn caawinta iyo horumarinta dalka. Dowladda Soomaaliya  iyo Dowladda Japan xiriir wanaagsan ayaa ka dhaxeeya,  dadaal  Dowladdu bixisay ayuuna dib ugu soo laabtay xiriirkii Labada Dal, haddana waxaannu rajeyneynaa in uu sii xoogeysto waana mida iminka aannu ka shaqeyneyno oo ah adkeynta xiiriirkaas”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii  Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulan l qaadan doonaa Boqorka Dalkan Japan waxuuna booqan doonaa Madaxweynuhu Magaaladda Hiroshima.

Moqdisho Talaado Maarso 11, 2014 Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay sanadguurada koowaad ee aas aaska Shabakadda 2013 oo ay ku mideysanyihin qaar ka mid ah Warbaahinta dalka ka howlgasha.

Munaasabadda oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay waxaa kaloo ka qeyb galay gudigga warfaafinta ee baarlamaanka, Afhayeenka Madaxweynaha, Agaasimaha Warbaahinta Qaranka, xubno ka socday warbaahinta madaxa banaan iyo suxufiyiin.

Ugu horeyn waxaa xafladda hadal ka jeediyay guddoomiye ku-xigeenka shabakadda 2013 Axmed Cali Axmed ayaa sheegay in u jeeddada loo aas aasay shabakaddan ay tahay sidii ay u mideyn lahayd suxufiyiinta dalka ka howlgalla, islamarkaana ay u noqon lahaayeen kuwa ka shaqeeya horumarka iyo nabadgelyada dalka.

Afhayeenka Madaxweynaha Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in warbaahinta ku mideysan shabakadan 2013 uu ugu hambalyaynayo sanadguurada koowaad ee aas aaskooda.

Guddoomiyaha gudigga warfaafinta ee baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xaashi oo isna munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in suxufiyiinta looga fadhiyo in ay muujiyaan isku duubni iyo sidii ay bulshada ugu baraarujin lahaayeen ka shaqeynta horumarka dalka.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ugu dambeyntii munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in sharciga saxaafadda loo gudbiyay guddi qubor ah oo ka soo talo bixin doona, isagoo hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay door lixaad leh ka qaadan doonto sidii sharcigaasi baarlamaanka loogu gudbin lahaa si ay u meel mariyaan

Talaado Maarso 11, 2014 Baarlamaanka Pan Afrikan oo sanadkiiba labo fadhi yeesha ayaa waxaa si rasmi ah uga furmay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Johannseburg  ee dalka Koonfur Afrika Fadhiga Afaraad ee kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka, iyadoo uu Baarlamaankaani sanadkan u dabaal dagayo sanadguurada 10-aad ee ka soo wareegtay markii la aas aasay.

Bethel Amadi Madaxweynaha Baarlamaanka Pan Afrika oo fadhiga maanta furay ayaa ugu horeyn soo dhaweyn u sameeyay xubnihii kasoo qeyb galay kulankan ee ka kala yimid in ka badan konton iyo saddex dal oo afrikaan ah, waxaa sidoo kale kulankaan goob joog ka ahaa safaarado kala duwan oo afrika iyo caalamka intiisa kale ka socda.

Xildhibaanad Sareeda Cabdalla Maxamed oo ka mid ah xubnaha Soomaaliya uga qeyb galaya Shirkan oo Warbaahinta kula hadashay goobta uu kulanku ka socday ayaa sheegtay inay kalfadhigani kaga hadli doonaan dhankooda arrimaha ammaanka ee Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Xildhibaan Cabdicasiis Cabdalla Maxamed oo isaguna ka mid ahaa xubnihii Baarlamaanka Soomaaliya u matalayay ayaa sheegay in kulankani looga hadlayo arrimo badan oo dhowr ah, iyadoo dhismaha baarlamaanku uu u qeybsan yahay shan gobal, gobal kastana uu arrimaha ka jira dhankiisa si gooni gooni ah uga doodayo, Soomaaliyana ay qeyb ka tahay Wadamada Bariga Afrika.

Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya ahna mudane ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ah madaxa mudanayaasha Soomaaliya uga qeyb galaya Baarlamaanka Pan Afrika ayaa warbaahinta u sheegay in furitaanka fadhigaani waxyaabihii ku qabsoomay ay ka mid yihiin in ugu horeyn lagu dhaariyay xubno cusub, sidoo kalana looga dooday xeer hoosaadka uu baarlamaankaani leeyahay fadhigaana uu socon doono illaa 19-ka bishaan March 2014-ka.

Sida ay xildhibaaadu sheegeen waxaa lagu wadaa shirkaani in uu wax badan kaga duwanaado shirarkii ay horay u yeelan jireen, iyadoo loogu dabaaldegi doono sanadguurada 10-aad ee uu Baarlamaanku jirsaday, sidoo kalana lagu dooran doono xubno cusub oo gudiyada laga dhex xulan doono.

Moqdisho Talaado Maarso 11, 2014 R/wasaaraha xukuumadda Federaakja Soomaaliya ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Saraakiisha hay’adaha amaanka dalka iyo kuwa AMISOM iyadoo kulankaasi looga hadlayay xaaladda ammaanka dalka.

R/wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa xalay magaaladda Muqdisho kula kulmay wasiirradda Gaashaandhiga iyo amniga Qaranka, saraakiisha ciidanka miletariga iyo kuwa booliska Soomaaliyeed, nabad sugida qaranka, kuwo AMISOM iyo la taliyaal dhinaca amniga ah, waxaana u jeedada kulanka aheyd is xog wareysi ku saabsan xaaladda guud ee dalka gaar ahaan howlgalladii ugu dambeeyey ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ka sameeyeen deegaanno hor leh oo ka tirsan dalka.

Markii uu kulanka soo gaba gaboobay ayaa waxaa saxaafadda la hadlay R/wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed, wuxuuna marka hore uu hambalyo u diray ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo dhawaan deegaanno ka kala tirsan gobollada Bakool iyo Geddo kala wareegay maleeshiyaadka Al shabaab, isagoo shacabka ugu bishaareeyay in howlgalladani sii sicon doonaan isla markaana dhawaan dalka oo dhan laga xoreeyn doono maleeshiyaadka Shabaab.

Sidoo kale R/wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa deggan deegaannada argagaxisada laga xureeyay in ay la shaqeeyaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM maadaama shacabka ay ka baxeen cadaadiskii mudada ay ku hayeen kooxda Shabaab.

Dhanka kale R/wasaaraha ayaa ka hadlay qorshaha xukuumadda uga degsan deegaannada Al shabaab laga xureeyo, isagoo dhinaca kalana baaq u diray dhalinyarada weli ku harsan fikirka qaldan ee kooxda al shabaab.

Moqdisho Isniin Maarso 10, 2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatey ganacasada Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan, kaasi oo diiradda lagu saarayay horumarka ganacsi ee dalka ka jira.

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya iyo ganacsato kala matalayey rugta ganacsiga Soomaaliyed iyo kan gobolka banadir.

Qaar ka tirsan ganacsatadii kulanka ka qeyb gashey ayaa madasha kusoo bandhigey aragtiyo iyo talooyin ganacsatadu kaga qeyb qadan karan dib u dhiska dalka, maalgeshiga iyo sidii dibg loo nooleyn lahaa ilaha dhaqaalaha ee dalka.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdikariin Gabeyre oo kulanka hadalka jeediyey ayaa ka sheekeyyey qorshayaal ay ganacsatadu ku donayan in ay maalgeshi ku sameystaan gudaha dalka, isagoo intaa ku raday in ganacsatadu ay diyaar u yihiin kala shaqeynta dowladda arrimaha amniga iyo horumarka.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Xalane oo isna kulanka ka hadlay ayaa daboolka qaaday in Xukuumaddu ay dhiiri gelineyso  dadaallada ay ganacsatadu dalkooda ku maalgashanayaan, isagoo ku booriyay ganacsatada inay bixiyaan  canshuuraha berriga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku amaanay fursadaha shaqo ee ay shirkadaha isgaarsiinta dalka soo bandhigayaan oo uu ku tilmaamay inay tahay mid dhiiri gelineyso dhalinyarada wax baratay, waxaana uu intaa ku daray in mas’uuliyadda dowladdu ay tahay bixinta adeegyada guud ee bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada, ganacsataduna ay noqdaan kuwa arrimahaasi ku tartama.

Kulanka uu Madaxweynaha la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda ugu jirto sidii loo dhiiri gelin lahaa horumarka ganacsi ee dalka ka jira, iyadoo kulankan uu sidoo kale qeyb ka yahay kulamadii uu Madaxweynuhu la qaadanayaya qeybaha kala duwan ee bulshada.

Moqdisho Isniin Maarso 10, 2014 Xafladda Furitaanka Koobka Jeneraal Daa’uud oo maanta ka dhacday garoonka kubadda Cagta Banaadir Stadium ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Isboortiga iyo Dhalinyarada, Taliyaha ciidanka xogga Dalka,  guddoomiyaha  Xiriirka Kubada Cagta dalka iyo bahweynta cayaaraha.

Koobka lagu maamusayo Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirsi waxa uu ka mid  yahay koobabka ugu faca weyn ee dalka laga cayaaro, waxaana maanta si rasmi ah u furey Wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada Dr. Khaalid Cumar Cali, iyada oo kooxaha dheelaya koobkaan ay ka kala yimaadeen kooxaha heerarka kale duwan ee Horyaalka Dalkeena.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Cali Siciid oo munaasabadda ka hadlay ayaa taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uga mahadceliyay maal gelinta Koobkaan lagu maasusayo Jeneraal Daa’uud, iyadoo kulankii ugu horeeyay lagu furay Naadiyada Elman iyo Somali Fruit

Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka sheekeeyay qiimaha uu koobkaan umadda u leeyahay, waxa uuna tilmamay ay koobkan lagu xusayo  Taliyihii ahaana aas aasihii ugu horreyay ee ciidanka Xoogga Allaha u xariistee Jeneraal, Daa’ud, waxa uuna taliyihu kula dar daarmay kooxaha ka qeyb qaadanaya tartankan inay muujiyaan karti iyo cayaar wanaag.

Wasiirka Wasaaradda Isboortiga iyo Dhalin yarada ee Xukuumadda Fedealka ah ee Soomaaliya Dr. Khaalid Cumar Cali ayaa geba gebada munaasbadda lagu furayay koobka Jeneraal Daa’uud ka hadlay, isagoo halkaas uu si rasmi ah uga dhawaaqay in koobku furan yahay, islamarkaana labada koox looga fadhiyo inay soo bandhigan cayaar wanaag.

Koobka Jeneraal Daa’uud oo  ah koobka labaad ee ugu weyn koobabka laga  cayaaro dalka, marka laga soo tago koobka horyaalka  dalka ayaa waxaa la aas aasay sanadkii 1972, waxaana cayaaro kooxo laga kala soo xulay kooxaha heerarka kala duwan ee horyaalka dalka. iyadoo koobkan ay ka qeyb galayaan 12 naadi oo loo qeybiyay 4 group.

Moqdisho Isniin Maarso 10, 2014  Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa kulan qado sharaf u sameysay qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ee  gobolka Benaadir ku dhaqan, haween ka yimid deegaanada maamulka Puntland oo horey xilal uga soo qabtay maamulkaasi, qaar ka mid ah haweenka ku jira baarlamaanka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Kulanka qado sharafta ayaa u jeedkiisu ahaa sidii loogu dabaal degi lahaa xuska maalinta haweenka adduunka, iyadoo ugu horeyn kulankaasi ay hadal ka jeedisay Drs Maryan Macalin Cabdullaahi oo ka sheekeysay taariikhda maalintan oo kale oo ay haweenka Soomaaliyeed qiimo ugu fadhiyo, waxaana ay xustay in ay soo bilaabatay sanadkii 1911-kii kolkaasi oo ay sheegtay inay haweenku ay u doodeen xuquuqdooda, waxaana ay socotay ilaa iyo 1914-kii xilligaasi oo si rasmi ah loogu aqoonsaday inay noqoto maalinta caalamiga ah ee haweenka adduunka.

Casho Maxamed Axmed Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda haweenka ee maamulka Puntland oo kulanka qada sharafta ah hadal ka jeedisay ayaa Marwada Madaxweynaha Dalka uga mahadcelisay soo dhaweynta diiran ee loo sameeyay, waxaana ay hoosta ka xariiqday intani ay dhiiri gelineyso iskaashiga haweenka Soomaaliyeed ka dhexeeya.

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan oo kulanka qada sharafta soo gabo gabeysay ayaa ugu horeyn hambalyo u dirtay haweenka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, waxaana ay ku dhiiri gelisay dumarka Soomaaliyeed in ay u istaagaan ka shaqeynta horumarka iyo isku duubnidooda.


Dowladda Soomaaliya's photo.
Dowladda Soomaaliya's photo.




Moqdisho Isniin Maarso 10, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa caawa kulan ballaaran la qaatay saraakiisha ciidanka Qalabka sida, iyo kuwa ciidanka nabad illaalinta ee AMISOM, isaga oo ugu hambalyeeyey guulaha ay ka soo hooyeen howlgalada ka soconaya qeybo ka tirsan gobolada Bakool iyo Gedo, kuwaasoo kooxaha nabadiika looga sifeeyay degaanada kala ah Xudur, Waajid, Rab-dhuure, iyo Buur-dhuubo.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Guddiga Wadajirka ee Xiriirinta Howlgalada (Joint Operations Coordination Center) ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga Qaranka, waxaana halkaasi looga dhegeystay warbixino ku aadan howlgalada ka soconaya gobolada Bakool iyo Gedo kuwaasoo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ay kaga xoreynayaan kooxaha nabadiidka ah ee Al shabaab.

Gabagabadii kulankan ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed uu warbaahinta la hadlay, wuxuuna xusay inuu ugu hambalyeynayo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa garab siinaya ee AMISOM geesinimadii ay muujiyeen iyo sida ay caddowga uga fara maroojiyeen degaano ay ka mid yihiin Xudur, Waajid, Rab-dhuure iyo Buur-dhuubo oo ka kala tirsan gobolada Bakool iyo Gedo.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in caddowgu sii daciifayo, ayna meesha ka baxday awoodoodii ciidan, midii dhaqaale iyo mid Niyadadeed ayna ku jiraan maalmahoodii ugu dambeeyey” ayuu yiri Ra’iisul  Wasaaraha oo tilmaamay in shacabka ku nool degaanada laga xoreeyey kooxahan nabadiidka inay soo dhoweeyaan ciidanka xooga iyo kuwa garabka siinaya ee AMISOM, lana shaqeeyaan.

 “Sababta looga saarayo kooxahan nabadiidka degaanadan waxa weeye si looga dul qaado shacabka Soomaaliyeed caburinta joogtada ah, dilka, barakicinta iyo handadaada ay ku hayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayuu yiri mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in Xukuumada Soomaaliyeed ay ka shaqeyneyso sidii gargaar bani’aadan-nimo loo gaarsiin lahaa degaanadaasi la xoreeyey, ayna sidoo kale u heli lahaayeen adeegyadii Aasaasiga ahaa sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu baaq u jeediyay dhalinyarada u dagaalanta kooxahan nabadiidka ah ee Shabaab ee la khalday, wuxuuna ka codsaday inay ka waantoobaan falalka lidiga ku ah diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban, bulshadoodana ku soo laabtaan, isaga oo u balan qaaday in dawladdu ay ku dadaali doonto inay helaan waxbarasho iyo  farsamooyin ay ku dabaraan noloshooda.

Moqdiso Sabti Maarso 8, 2014 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan uu yeeshay Golaha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, kaasi oo lagu ansixinayey hindisi sharciyadeedka Tariifada Canshuuraha Berriga.

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Ferderaalka ee Soomaaliya, ayaa kaddib dood ay yeesheen waxa ay cod aqlabiyad ah ku meelmariyeen hindise-sharciyadeedkan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyaddu, waxana la filayaa in tallaabadan ay wax ka tari doonto dadaalka Xukuumadda Soomaaliya ee kor-u-qaadista dakhliga Dowladda si adeeggaasi loo gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.

Canshuuraha berriga ee ay qaaddo dowladdu ayaa u qaybsama laba qaybood oo kala ah canshuuraha toosan iyo kuwa dadban.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa tilmaamay in si loo taabbageliyo dowladnimad Soomaaliya loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay bixiyaan canshuuraha ku waajibay.

“Dakhligu ahmiyad weyn ayuu u leeyahay dowladda iyo dadaalkeeda ku aaddan soo celinta amniga, si dakhligeenu u kordho, dadkana loo gaarsiiyo adeeg bulsho waxaa looga baahan yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay bixiyaan canshuuraha “ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaa raaciyay “Sanadkan 2014, dowladdu waxa ay muhiimadda kowaad siineysaa 3 arrimood oo kala ah amni, dakhliga iyo hay’do dowladeed oo shaqaynaya. Dakhliga dowladda oo kordha waxa ay keeneysaa adeegyo bulsho”

Moqdiso Sabti Maarso 8, 2014 Madaxweynha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo ka hadlayey munaasabadda maalinta Haweenka Caalamka ayaa yiri “ Waxaan marka hore u dirayaa hambalyo dhammaan haweenka Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibedda ku kala nool, waxaana leeyahay sii xoojiya doorkiina muhiimka u ah shacabka Soomaaliyeed. Haweenku waa hormuudka iyo laf-dhabarka bulshada Soomaaliyeed. Doorkii 23kii sano ee la soo dhaafayna waa mid muuqda oo ay ahaayeen hal-bowlaha carruurta iyo qoyskaba oo ay mas’uuliyada qoyska dhanka shaqada iyo dhaqaalahaba hayeen.”

“Diinteenna Suuban iyo dhaqankeena wanaagsan ayaa tilmaamaya muhiimada Haweenka, shacabkana waxaan uga mahadcelinayaa sida ay marwalba u karaameeyaan, u sharfaan una dhowraan xuquuqda dumarka Soomaaliyeed. Dumarka Soomaaliyeed kuwooda gudaha joogana waxey mar-walba ka shaqeynayeen sidii dagaalada iyo collaadaha loogu bedeli lahaa nabad iyo horumar. Kuwooda ka mid noqday Qurbo-joogta Soomaaliyeedna waxey hormuud ka ahaayeen sidii qoysaskooda iyo Soomaalida kaleba ay ugu soo diri lahaayeen biilkooda. Qoysaska gabdhaha qurbaha ka aadayna waxey noqdeen kuwo aan illoobin qoyskooda iyo deriskaba.” ayuu yiri Madaxweynuhu

Sidoo kale gabdhaha Soomaaliyeed ee Qurba joogta waxey fursad u heleen waxbarasho oo maanta ay muuqato kaalinta ay waxbarashada gabadhaha Soomaaliyeed uga jiraan, waxeyna noo tahay ammaan, dhiirigelin iyo wax lagu faano.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa meel walba oo ay joogaan inay sii xoojiyaan taageerada gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed oo lagu dhiiri geliyo waxbarashada, shaqada, si ay ula tartamaan haweenka adduunka. Haweenka Soomaaliyeed waa inay danta guud ku midoobaan oo aragtiyaha kala duwan looga gudbaa si midnimo iyo wadajir ah. Ummad walbana horumarkeedu waxuu ku xiran yahay sida loo sharfo oo loo qiimeeyo dumarkooda.”

“Dowladda waxaa ka go’an inay sii xoojiso dadaalkeeda ku wajahan sidii dumarka Soomaaliyeed ay u heli lahaa xuquuqahooda oo ay bulshada uga dhex muuqan lahaayeen. Waana inaan ku dhiiri gelinaa dumarka inay siyaasadda, waxbarashada iyo ganacsiga ka qeybqaataan.”

Moqdiso Sabti Maarso 8, 2014  Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha ayaa gelinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho ku qabatay dood wadaag ku saabsaneyd qaabka ay Shacabka iyo Dowladda uga wada shaqeyn karaan amniga Dalka,  ayadoo dood wadaagaasina ay marti ku ahaayeen wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Ujeedada doodda oo aheyd sida dowladda iyo dadweynaha ay uga wada shaqeyn karaan amniga dalka ayna isaga kaashadeen wasaaradda warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha iyo xarunta wacyi gelinta bulshadda ee CCA ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasiirada Garsoorka iyo Cadaaladda, arrimaha Gudaha iyo federaalka, Warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha iyo wasiirka Amniga Qaranka.

Madasha doodda ay ka socotay ayaa waxaa ka soo qeyb galay culimaa’udiin, nabaddoonno, gudoomiyaasha qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, siyaasiyiin, waxgarad, haween, arday iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda kuwaasoo fikirkooda ka dhiibanayay doodad iyagoo su’aalana wydiinayay xubnaha golaha wasiirrada ahaa ee doodda ka qeyb galay.

Dhamaan dadka goobta ku sugnaa ayaa  waxaa ka muuqatay dowlad jaceyl iyo baahida loo qabo sidi looga wada shaqeyn lahaa amniga  taasi oo suura gelineysa in la helo amni buuxa iyo in meesha uu ka baxo fikirka guracan ee kooxaha argagixisada ah ay dadka ku marin habaabinayaan.

Waziirka amniga qaraka mudane C/kariin Xusen Guuleed ayaa sheegay in hay’adaha amniga dalka ay ay ka howlgalaan meel walboo dalka ka miid ah islamarkaana maalin  iyo habeen ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan amniga dalka oo dhan si shacabka Soomalaiyeed ay nabad ugu noolaadaan.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka  C/llaahi Goodax Barre ayaa dadkii goobta ku sugnaa u sheegay in dowladda ay dalaal ku jirto balse lagama maarmaan ay tahay in kaalinta shacabka Soomaaliyeed meesha ay ka muuqato si wadajir amniga looga wada shaqeeyo.

Wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo dadweynuhu ay weydiiyeen ayaa sheegay in wasaaradda warfaaffinta ay xiriir wanaagsan la leedahay guud ahaan warbaahinta dalka si nabad galyada dalka looga wada shaqeeyo.

Wasiirka Garsoorka  iyo horumarinta dastuurka dalka mudane Faarax Sheekh C/qaadir ayaa sheegay in wasaaradiisu ay ku howlan tahay qorshe dib u habeyn loogu sameynayo garsoorka dalka si loo helo isbedel dhinaca garsoorka ah.

Dooddan oo qaadatay muddo ku dhow Sadex saacadood ayaa waxaa dhamaan dadkii kasoo qeyb galay ka wada simnaayeen in nabad diidka meel looga soo wada jeesto iyadoo halku dhigyada doodaaasina ay ka mid ahaayeen is qarxinta iyo is dilka ma ahan dhaqankeena.

Moqdiso Sabti Maarso 8, 2014  Ergaygga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midobay u qaabilsan Soomaaliya, Nickolas Kay oo la dabaaldagaya maanta Haweenka Soomaaliyeed,  oo  xusaya maalinta Haweenka Addunka, isagoo sanadkan kiisa kale u rajeeyay inay ku  gaaraan horumar iyo baraare.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku boorinayo in ay balaariso fursadaha ay haweenka Soomaaliyeed uga qayb qaadan lahaayeen  habka nabadaynta  iyo dib-udhiska Qaranka Soomaaliyeed.

“Labaatankii sanno ee la soodhaafay ee aadka u adkaa, waxay haweenka Soomaaliyeed muujiyeen adkaysi iyo awood aad u sareeysa  oo ay uga qayb-qaadanayeen Arrimaha dib-u-heshiisiinta, waxna uga qabanayeen Baahidda bani’aadinimo ee ka dhexjirtay bulshada Soomaaliyeed, ha ahaato baahidaas mid heer gobol iy ama  qaranba leh”, ayuu yiri Nickolas kay.

Mr kay ayaa hoosta ka xariiqay in haweenka Soomaaliyeed looga fadhiyo in ay ka qeyb qaataan dhinacyada siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta dalka, isagoo intaa ku daray in la qaado talaabo  lataaban karo  oo ku aadan  dhowrista xuquuqda haweenka iyo gabdhaha.

“Waxaan ugu baaqayaa Dowladda iyo Saaxiibaddda kale ee muhiimka ahba in ay dedejiyaan dhaqangelinta Baaqii sida wadda jirka ahaa ay u soo wada saareen Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Qaramadda Middobay, kuna saabsanaa sidii looga hortagi lahaa xad gudubyada ka dhanka ah dumarka”, ayuu yiri Nickolas Kay

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in xafiiska UNSOM uu wajibaadkiisa ka mid yahay  in uu gacan ka gaysto sidii loo horumarin lahaa awoodda Dowladda  ee ku addan xurmaynta xuquuqul insaanka iyo awood siinta haweenka.


Wargeyska-Dalka-Astaan1

Akhristayaasheenna sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa Wargeyska Dalka Cadadkiisii ugu dambeeyey todobaad kasta hadii Alle idmo, waxaan idiin soo gudbin doonaa Wargeyska Dalka Cadadyadiisa kala duwan sidii aanu horey idiinkugu soo gudbin jirnay.

Wargeyska Cadadkiisii Ugu Dambeeyey Oo Dhameystiran Linkiga Hoose Riix:-

Wargeyska_Dalka_Latest.pdf

Moqdisho Khamiis 06 March, 2014 Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho  mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta kulan isbarasho ah la qaatay dhamaan Agaasime yaasha dowladda hoose ee Muqdisho iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska mudane Muungaab ayaa waxaa ka soo qeyb galay 35-Agaasime, waxaana ujeedada kulanka aheyd isbarasho iyo dardaaran adag oo uu duqa magaalada u jeediyay dhamaan Agaasime yaashii uu maanta kulanka la qaatay.

Shirka inta uu socday ayaa waxaa Gudoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho sareeyo Guuto Xasan Maxamed Xuseen Muungaab uu u caddeeyay dhamaan agaasime yaashii uu kulanka la qaatay iyo dhamaan shaqaalaha gobolka Banaadir oo dhan ineysan jirin inuu doonayo inuu badalo qof shaqadiisa watay.

Wuxuuna ku sifeeyay mudane Muungaab in qorshihiisa aysan aheyn badal shaqsi, oo kaliya balse uu yahay isbadal dhab ah oo shaqeeya oo k a dhex dhasha dhamaan waaxyaha kala gadisan ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Muqdisho.

Majirto cid shaqadeeda wadata oo aan badaleyno, waxaan kaliya badali doonaa ciddii shaqadeeda gudan weysa, oo ka soo bixi weysa waajibaadka la saaray iyo adeega ay shacabka u heyso, ayuu yiri mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Duqa Muqdiso ayaa kula dardaarmay dhamaan howl wadeenada kala duwan ee dowladda hoose ee Muqdisho iyo maamulka Gobolka Banaadir iney dhaxda u xirtaan sii laba jibaaridda holwaha ay u hayaan shacabka.

Agaasime yaasha dowaldda hoose ee Muqdisho ee kulanka maanta xafiiskiisa kula qaatay mudane Muungaab ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, kulankaasi isbarashada ahaa iyo dardaarankii daba socday, waxeyna balan qaadeen iney sii laba jibaari doonaan howshooda.

Markii uu kulankaasi soo dhamaaday ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir mudane Maxamed Yuusuf Cismaan, oo sheegay in kulankaasi uu guul kusoo dhamaaday, islamarkaana ay socon doonaan kulamo wada tashi ah oo duqa Muqdisho la qaadan doono qeybaha kala duwan ee bulshada.

Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale tilmaamay in Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho uu soo kormeeray xafiisyada kala duwan ee mamaulka gobolka ku dhaqeeyo, isagoona dhanka kale tilmaamay in wax weyn laga badalay hanaankii heli taanka kaararka aqoonsiga ee muwaadinimo.

Boorweyn oo lagu dhajiyay afaafka hore ee xarunta Teesaradaha Aqoonsida muwaadinimo laga baxsho ayaa lagu soo daabacay magacyada shaqsiyaadka ay usoo baxeen kaararka, islamarkaana lagu ogeysiinayaa iney soo doontaan kaararkooda, waxaana sidoo kale la adkeeyay amniga xaruntaasi, iyadoona wax weyn laga badalay hanaankii ay shacabka ugu shaqeyn jirtay oo lasii tayeeyay.

Moqdisho Khamiis 06 March, 2014 Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya ayaa ka soo laabtay safar shaqo oo uu ku tegay wadamada Boqortooyada Sacduuiga iyo Qadar, halkaas oo uu uga qeyb-galay isaga iyo wefdi uu hoggaaminayey shirar caalami ah oo qaarkooda si gaar ah looga  hadlayey Arrimaha Soomaaliya.

Ku-xigeenka Ra’iisul wasaaraha ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafa Soomaaliya, Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed oo Warbaahinta dowladda si gaar ah ugu  la hadlay qeybta nasashada ee Garoonka Muqdisho ayaa sheegay in uu ka qeyb-galay shir caalami ah oo Qaramada Midoobay ay qabatay, kaas oo ku saabsanaa Iskaashiga Wadamada Carabta, Soomaaliyana loogu yaboohay Dhaqaale gaaraya 20, Milyan oo Dollar oo dhanka Caafmaadka iyo arrimo kale wax looga qabanayo.

Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ku-xigeenka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in dalka Boqortooyada Sacuudiga uu kula kulmay, Wasiirka Xajka, isla markaana ay ka wada hadleen sidii isbadel loogu sameyn lahaa oo loo kordhin lahaa tirada dadka Soomaaliyeed ee soo gudanaya waajibaadka xajka.

Ugu dameyntii Wasiirka Diintna iyo Awqaafta ayaa inta uu ku guda jiray safarkii shaqo ee waddanka Sacuudiga, ayuu sheegay in uu ka qeybgalay shirweyne ay qabteen dowlaha Islaamka oo looga hadlay Cudurka Dabeysha.

Soo dhaweynta Ra’iisul wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Diintna iyo Awqaafka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka qeyb qaatay Wasiirrada kala ah Maaliyadda, Gaashaandhigga, Howlaha Guud, Wasiir ku-xigeenka Diinta iyo Awqaafta, Xildhibaanno B arlamaanka Soomaaliya ka tirsan iyo ciidamada qalabka sida.

Moqdisho Khamiis 06 March, 2014 Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay sarkaalka Qaramada Midoobey ay usoo magacowday ka qeyb qaadashada horumarinta ciidamada booliska Soomaaliya.

Kulanka uu maanta la qaatay Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid sarkaalka Qaramada Midoobay ay u soo magacaawday la shaqeynta Taliska ciidamada booliska oo magaciisa lagu soo koobay Mustafe ayaa waxa goob joog ka ahaa xubno ka socday xafiiska Qaramada Midoobay iyo saraakiil kale, waxaana ajandaha kulanka sidii sargaalkaasi loogu sharxi lahaa baahiyaha jira iyo sida ay u shaqeeyaan ciidanka, iyadoo kulankaasi ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd.

Kulanka ayaa markii uu soo idlaaday kaddib taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Sareeyo Guuto Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in sargaalkaasi ay Qaramada Midoobay u soo magacawday Taliska Booliska uu uga warbixiyay xaaladaha ay ku shaqeeyaan iyo waxyaabaha ay iminka ubaahanyihiin.

“Sargaalkan ka socda Qaramada Midoobay waxa uu noo balan qaaday in uu nagala shaqeynayo dhanka amniga, tababarrada, tayeynta ciidanka booliska iyo sidii ay u  kordhin lahaayeen taageerada ay Hay’adaha  Qaramada Midoobay booliska siin jirtay.” Ayuu yiri Jeneraal Saacid.

Sarkaalkan cusub oo ay Qaramada Midoobay u soo magacaawday inuu la shaqeeyo ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa la filayaa in uu wax badan ka kaabi doono horumarka ay hiigsanayaan ciidamda booliska.

Garowe Khamiis 06 March 2014   Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo masuuliyiinta kala duwan ee dowladda ayaa maanta ku soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Garowe wafdi sare oo ka socday dalka Turkiga uuna horkacayay Safiirka Somalia u fadhiya Amb. Kani Touran.

Saraakiil iskugu jirtay Gaashaandhiga iyo Bisha Cas ayaa wehelinaysay, waxana haween calamada Puntland & Turkiga watay garoonka si heer sare ah ugu soo dhoweeyeen wafdiga oo xubnihiisu kor u dhaafayeen 20 qof.

Isbitalka Garowe ayaa ugu horeyn la tagay halkaasi oo warbixin kooban ay ka qaateen sarakiisha caafimaadka oo ku saabsan baahiyaha jira iyo qaabka gacan Turkigu uga gaysan karo fidinta gargaar caafimaad.

Madaxweynaha iyo safiirka ayaa ka dib intaasi si wadajir ah u dhagax dhigay Iskuulka Farsamada Gacanta oo Turkiga dhisayo.

Iskuulka Gambool iyo jaamacadda PSU ee magaalada Garowe ayaa wafdigu booqday sidoo kale halkaasi oo balanqaad horumarinta waxbarashada ah ay u gudbiyeen wasiirka waxbarashada.

Xarunta Madaxtooyadda ayaa shir labada dhinac u dhaxeeyay lagu qabtay kaasi oo uu sheegay madaxweynaha Puntland in lagu heshiiyay dhamaan qodobadii ay ka wada hadleen.

Madaxwaynaha ayaa ku amaanay dowladda Turkiga inay tahay dalka keliya ee wax-qabadka dhabta ah ka fuliya Somalia tan iyo burburkii, waxana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in Isbedelkii Muqdisho ka sameyeen Turkigu laga hirgelin karo Puntland.

Safiirka Turkiga ayaa isna ka hadlay dhinacyada ay wax ka qabnayaan Puntland oo uu sheegay inay yihiin Gargaarka Bini’aadanimo, Waxbarashada, Caafimaadka, Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo deeqaha Waxbarsho.

Waxa uu raaciyay in Muqdisho ay ka soo bilaabeen dib u dhiska dalka , haatana u gudbeen qaybaha kale isagoo ku daray in si cadaalad ah Turkigu uu wax ku qaybin doono.

Madaxweynaha Puntland ayaa gudoonsiiyay safiirka ka dib qado sharaf loo sameeyay Hadiyado ay Puntland caan ku tahay sida beeyada, Maydiga iyo Aaragoosto.

Ugu danbeyntii Galabta ayaa dib wafdigani ugu noqdeen magaalada Muqdisho, waxana ku sii sagootiyay Garoonka madaxda ugu sareysa Puntland iyagoo Turkigu ka mahadceshay soo dhoweyntii loo sameeyay.


Dowladda Soomaaliya's photo.
Dowladda Soomaaliya's photo.




Nairobi Isniin Maarso 3, 2014 Gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ku-xigeenkiisa labaad Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta kulan la qaatay Gudoomiyaha baarlamaanka dalka Kenya Justin Muturi iyo xubno kamikda baarlamaanka dalka Kenya oo uu kamid ahaa shir gudoonka aqlabiyada baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale .

Kulankan oo mudo saacado ah socdey ayaa waxaa lagaga wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay kamid ahaayeen iskaashiga baarlamaanada soomaaliya iyo Kenya, iyo sidii loo horumarin lahaa xiriirka diblamaasiyaded, Ganacsiga  iyo isu socodka bulshooyinka wadamada sooomaaliya iyo Kenya .

Waxaana kulankan kadib waftidan uu hogaaminayey gudoomiyaha baarlamaanka ee soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari lagu soo wareejiyey aqalka baarlamaanka dalka Kenya iyo xafiisyada ay ku shaqeeyaan madaxda sar sare ee baarlamaanka dalkani Kenya.


Dowladda Soomaaliya's photo.
Dowladda Soomaaliya's photo.
Dowladda Soomaaliya's photo.
Dowladda Soomaaliya's photo.















Moqdisho Isnnin Maarso 3, 2014
Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Ruushka Mr Valery Orlov.

Safiirka cusub  ayaa uga mahad-celiyey Madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadahiisa aqoonsiga ee Safiirnimo. ” Dowladda Ruushka aad iyo aad bey ugu faraxsantahay in maanta xiriirkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya iyo Ruushka uu dib u bilowdo. Dowladda Ruushka ayaa diyaar u ah inay ka qeyb-qaadato dib u dhiska dalka.” Ayuu yiri Safiirku.

Sidoo kale Safirka ayaa ballan-qaaday in Dowladda Somaaliya ay Dowladiisa ka caawin doonto arrimaha horumarinta dalka iyo dib-u-dhiska dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  yiri “Waxaan uga mahad-celinayaa dalka Ruushka inay safiir u soo diraan Soomaaliya, waana ku faraxsanahay in Ruushka uu dowladda Soomaaliya kala shaqeeyo sidii dalka dib loogu dhisi lahaa, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay heli doonaan fursado shaqo ama tababaro ama deeq waxbarasho. Caalamkuna waxey kalsooni ku qabaan in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagtay, isla markaana uu dalka u gudbay marxalad horumarineed.”

Ugu dambeyntii Madaxweyanaha ayaa u ballan-qaaday safiika inay dowladiisa si hagar la’aan ah ula shaqeyn doonto  si uu u guto xilkiisa loo soo igmaday.


Moqdisho Isniin Maarso 3, 2014 Ciidamada booliska iyo nabad sugidda qaranka oo si wada jir ah howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka fuliyay degmada Wadajir ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen in ka badan kun qof, kuwaasi oo ay sheegeen in qaarkooda la sii daayay, halka ay jiraan kuwa baaritaanno dheeraad ah lagu hayo.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah saxaafadda ugu qabteen Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayay kaga wada hadleen howlgalkii ugu dambeeyay ee 24-kii saac ee la soo dhaafay ka sameeyeen xaafado ka mid ah degmada Wadajir.

Ugu horeyn Taliyaha Ciidanka Booliska Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu soo qabtay ku dhawaad labo kun oo qof, kuwaasi oo uu xusay in qaarkood ay dib u heleen xoriyaddooda halka 128 qof ay weli ku socoto baaritaano dheeri ah.

“Si loo xaqiijiyo amniga magaalada, waxaan qaadnay howlgal wada jir ah oo ay iska kaashanayaan ciidamada booliska, Nabadsugidda iyo AMISOM, waxaa kaloo ay ciidamo soo qabteen afar kiilo oo xashiish ah oo ay lahaayeen 7 qof, waxaana loo gudbiyay hogaanka dambi baarista” ayuu yiri Jeneraal Saacid.

Dhanka kale Agaasimaha Hay`adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa waxaa uu dhankiisa ka hadlay qorshaha guud ee ay u diyaariyeen howlgallada looga hortagayo falalka amni darrada ah ee ay wadaan kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

“Waxaa la aas aasay xafiis la yiraahdo isku dabaridka howlgallada ee wadajirka ah oo ay ka wada qeyb qaadanayaan ciidanka booliska oo ah hay’adda hogaaminta leh, maadaama laga shaqeynayo amniga gudaha, waxaa kaloo ka qeyb galaya ciidanka Nabadsugidda, Milateriga iyo AMISOM, ciidanka Nabadsugidda waxa ay gacan ka geysanayaan wixii macluumaad ah oo ay ciidamada booliska ku howlgalayaan, kuwa Milatiriga cudud ayay gacan ka geysanayan halka AMISOM ay qeyb ka yihiin howlgalkaasi” ayuu yiri Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda Qaranka Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac.
Photo
Photo

Moqdisho Maarso 2, 2014  Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddiga difaaca iyo arrimaha gudaha ee baarlamaanka Uganda, waxaana wafdigaasi la socday saraakiil AMISOM.

Madaxweynaha oo uga mahadceliyey xildhibaannada Uganda booqashadooda Muqdisho ayaa yiri “Uganda waa waddan aan aaminsanahay inay yihiin wallaalo dhiigooda noo huray, mana ilaaweyno. Waa waddankii ugu horreeyey ee Soomaaliya u soo gurmada, tasoo muujineysa wallaaltinimada dhabta ah. Madaxweyne Museveni waa hoggaamiye Afrikaan ah oo muujiyey hoggaamin dhab ah, islamarkaana ka dhabeeyey in wallaalaha Afrikaanka ay xalin karaan mushaakilaadka Afrika.”

Madaxweynaha ayaa warbxin kooban sii yey wafdiga soo booqday oo uu yiri “Waxaa naga go’an inaan dadaalkii wallaalaha AMISOM u gudno, isla markaana aan dalka Soomaaliya ku soo dabaalno amni iyo kala danbeyn. Waxaan hiigsaneynaa in 2016 aan doorashooyin xor ah qabano isla markaana aan caalamka kaalintii aan ku laheyn aan soo ceshano. Soomaaliya waxuu ahaan jirey dal qani ah isla markaana soo taageeray dalal badan oo Afrika ah oo ay ka mid tahay Uganda.”

Wafidga xildhibaanada dalka Uganda ayaa iyagana uga mahadceliye Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kulanka, islamarkaana gaarsiiyey fariin ay uga sideen baarlamaanka iyo Madaxweynaha Uganda. Sidoo kale waxey sheegeen inay Muqdisho ku arkeen horumar ballaaran iyo sida ciidamada Ugaanda ay rajo weyn uga qabaan in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto. Waxeyna sheegeen in Soomaaliya iyo Ugaanda ay yihiin wallaalo, isla markaana horumarka ballaaran oo ay arkeen ay warbixin ka siin doonaan Baarlamaanka iyo Dowladda Uganda.


Photo: Moqdisho Maarso 2, 2014 Ku-simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Wafdi ka socda Baarlamaanka dalka Uganda kuwaasi oo magaalada Muqdisho soo gaaray maanta.
Kulankan uu ku simaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar la qaatay wafdigan ka socda Baarlamaanka Dalka Uganda ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Villa Hargeysa oo ay ku yaalaan xafiisyada Gudoonka iyo guddiyada Baarlamaanka waxaana goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Mudane Jeeylaani Nuur Iikar Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka oo hadal kooban ka jeediyey kulan qado sharaf ah oo Baarlamaanka Soomaaliya kusoo dhaweynayey Wafdigan ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Baarlamaanka iyo dowladda Uganda sida hagar la’aaneed ee ay ula shaqeeyaan islamarkaana u garab istaageen Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana uu yiri

“Waxaa sharaf weyn inoo ah inaan maanta qaabilno afdi ka socda Baarlamaanka Uganda oo ah Baarlamaan uu naga dhaxeeyo iskaashi iyo wadashaqeyn iyo wax wada qabsi”

Gudoomiyaha gudiga Difaaca Baarlamaanka dalka Uganda oo wafdigan hogaaminayey Horn Fungaroo Kaps Hassan oo isna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Gudoonka iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay magaalada Muqdisho ugu soo dhaweeyeen waxaana uu intaa ku daray in Baarlamaanka Uganda uu mar walba u garab taaganyahay Baarlamaanka Soomaaliya,tanina ay qeyb ka tahay wadashaqeynta Labada Baarlamaan.

Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda ayaa bishii August ee sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2013 waxa ay heshiis iskaashi iyo wadashaqeyn ku dhisan ku kala saxiixdeen magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda waxaana imaanshaha Wafdigan ka socda Baarlamaanka Uganda ay yimaadeen magaalada Muqdisho uu qeyb ka yahay fulinta heshiiskaasi.

Moqdisho Maarso 2, 2014 Ku-simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Wafdi ka socda Baarlamaanka dalka Uganda kuwaasi oo magaalada Muqdisho soo gaaray maanta.
Kulankan uu ku simaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar la qaatay wafdigan ka socda Baarlamaanka Dalka Uganda ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Villa Hargeysa oo ay ku yaalaan xafiisyada Gudoonka iyo guddiyada Baarlamaanka waxaana goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Mudane Jeeylaani Nuur Iikar Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka oo hadal kooban ka jeediyey kulan qado sharaf ah oo Baarlamaanka Soomaaliya kusoo dhaweynayey Wafdigan ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Baarlamaanka iyo dowladda Uganda sida hagar la’aaneed ee ay ula shaqeeyaan islamarkaana u garab istaageen Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana uu yiri

“Waxaa sharaf weyn inoo ah inaan maanta qaabilno afdi ka socda Baarlamaanka Uganda oo ah Baarlamaan uu naga dhaxeeyo iskaashi iyo wadashaqeyn iyo wax wada qabsi”

Gudoomiyaha gudiga Difaaca Baarlamaanka dalka Uganda oo wafdigan hogaaminayey Horn Fungaroo Kaps Hassan oo isna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Gudoonka iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay magaalada Muqdisho ugu soo dhaweeyeen waxaana uu intaa ku daray in Baarlamaanka Uganda uu mar walba u garab taaganyahay Baarlamaanka Soomaaliya,tanina ay qeyb ka tahay wadashaqeynta Labada Baarlamaan.

Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda ayaa bishii August ee sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2013 waxa ay heshiis iskaashi iyo wadashaqeyn ku dhisan ku kala saxiixdeen magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda waxaana imaanshaha Wafdigan ka socda Baarlamaanka Uganda ay yimaadeen magaalada Muqdisho uu qeyb ka yahay fulinta heshiiskaasi.

Moqdisho Maarso 2, 2014  Howlgalkan ay sameeyeen ciidanka Nabadsugidda Qaranka ayaa waxaa lagu soo qabtay 5 nin oo fal dil ah u geystay askari ka tirsanaa ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya dilkaasi oo ka dhacay Degmada Hodan, waxaana askariga la dilay lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Xasan, kaas oo ahaa Kormeere 3aad kana tirsanaa Guutada 4 aad ururka 3 aad Horinta  2aad, iyada oo askarigan uu tababar ku soo qaatay Dalka Uganda sanadkii 2009ka, waxaana laga qaatay Qori AK 47 oo lambarkiisu ahaa 2897 iyo Booshkii uu sitay askariga la dilay.

CabdiNaasir Khaliif Maxamed, Mustaf Maxamuud  Shidane, Urur Xasan Cali, Khaalid Axmed Xiirey iyo Cabdifataax Ibraahim Isaaq ayaa waxay ahaayeen ragga loo soo qabtay dilka askariga, waxaana Mustaf Maxamud Shidane iyo Cabdinaasir Khaliif Maxamed  oo falka dilka ah fuliyay uu midba midka kale ku sheegay in uu asaga gacantiisa ku dilay askariga hase ahaatee, waxay isku waafaqsan yihiin inay isu kaashadeen dilka loo geystay askariga katirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Cabdinaasir Khaliif Maxamed ayaa horey waxaa u qabtay ciidanka ammaanka asaga oo lagu eedeeyay Al-Shabaab, hase yeeshee waxaa siidaysay maxkamad markii wax dambi ah lagu waayay, halka Mustaf Maxmud Shidane asna sidoo kale ay gacanta ku dhigeen ciidanka Booliska Soomaaliya waxaana la siidaayay markii baaritaan lagu sameeyay kaddib, Urur Xasan Cali oo madax u ahaa raggan askariga dilay islamarkaana watay gaari nuuca raaxada ah, waxaana ay raggani ka wada tirsanaayeen Maleeshyada Al-Shabaab oo falalka ammaan darrida ah ka wada Magaalada Muqdisho.

Photo
Photo

Abu Dhabi, March 1, 2014 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Abu Dhabi ee xarunta Isutaga Imaaraadka Carabta U.A.E.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Sh. Xasan Xaamud, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Madax sare sare oo ka tirsan boqortooyada Isutaga Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale safiirka Soomaaliya u fadhiya Abu Dhabi Amb. C/qaadir Sheekhey.

booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxay qaadan doontaa muddo saddex cisho ah, wuxuuna la kulmi doonaa madaxda ugu sareysa dalkan, wuxuuna kala hadli doonaa iskaashiga labada dal, gaar ahaana dhinacyada siyaasadda, Dib u dhiska Garsoorka, Amniga iyo xasilinta iyo ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka.

Moqdisho i, March 1, 2014  Afhayeenka Madaxtooyadda, Eng. C/raxmaan Omar Osman “Eng. Yariisow”, Guddoomiyaha iyo G/xigeenka Dalladda Suxufiyiinta madaxa bannaan ee SIMHA, Md. Xasan Cali Geeseey, iyo Ismaaciil Khaliif, Guddoomiyaha Xarunta Wacyigelinta Bulshadda (C.C.A.), Md. Maxamed Ibrahim Cali (M.Cajiib) iyo Suxufiyiin kale ayaa waxay maanta booqasho ugu tageen Weriye Axmed Saciid Axmed oo haatan lagu daaweynayo Isbitaalka Kaysaney ee magaalladda Muqdisho.

Mas’uuliyiintaasi waxay u kuur galeen xaalladda caafimaad ee Weriyaha oo ku dhaawacmay qaraxii labo isbuuc ka hor ka dhacay Xarunta Madaxtooyadda Somalia “Villa Somalia”.

Dr. Axmed Taajir oo ka mid ah Dhakhaatiirta Isbitaalka Kaysaney ee sida gaarka ah ula socoda xaalladda caafimaadka ee Weriyaha ayaa faahfaahin ka bixiyey xaalladda uu Weriyuhu ku sugan yahay, isagoo xusay inay xaalladiisa haatan aad u soo hagaagayso.

Dhakhtarka waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay Weriyaha ku sameeyeen labo qaliin laguna guuleystay, isla markaana la filayo in dhawaan kabid looga sameeyo gacmaha oo ay jab kaga jiraan.

Guddoomiyaha Dalladda SIMHA, Md. Xasan Cali Geeseey oo ka hadlay kulanka ay Dhakhaatiirta warbixinta ka dhiibayeen ayaa u rajeeyey Weriyaha inuu Rabbi caafimaad siiyo.

Guddoomiye Gees waxa uu Weriyaha gaarsiiyey lacag dhan 800 dollar oo ay Suxufiyiinta Warbaahinnadda ku mideysan SIMHA ay iska soo ururiyeen, si uu Weriyuhu kaalmo uga dhigto.

“Waxaan ku talin lahaa inay Suxufiyiinta iska ururiyaan Lacago Tabarucaad ah “Safety Fund” si loogu gurmado hadba Saxafi ay dhibaatooyin ka soo gaaraan qaraxyadda iyo wixii la mid ah” ayuu yiri Guddoomiyaha SIMHA, oo geesta kale ku booriyey dhamaan Weriyayaasha Soomaalida inay feejignaadaan, kana taxadiraan qaraxyadda iyo hawlgalladda ay Ciiddamadda Dowladda wadaan.

Guddoomiyaha Xarunta Wacyigelinta Bulshadda (C.C.A.), Md. Maxamed Ibrahim Cali (Maxamed Cajiib) ayaa uga mahadceliyey Dalladda Suxufiyiinta ee SIMHA taageeradda lacageed ee ay Weriyaha soo gaarsiiyeen, wuxuuna ugu baaqay Suxufiyiinta inay yeeshaan adkaysi iyo dulqaad badan, kana taxadiraan khataraha ay la kulmi karaan.

Afhayeenka Madaxtooyadda, Eng. Yariisow ayaa isagana tilmaamay inuu Dowladda ku wargelin doono xaalladda Weriyaha dhaawaca ah, si ay taageero uga geysato daryeelkiisa caafimaad.

Xogahayaha Guud ee UrurkaSuxufiyiinta Qaranka Somalia “NUSOJ”, Maxamed Ibraahim Pakistan ayaa isagana sheegay inuu ku faraxsna yahay inuu arko sida ay bahda Saxaafadda isugu duuban yihiin, wuxuuna Weriyaha dhaawacan u rajeeyey caafimaad iyo bogsiimo degdeg ah.

Agaasimaha Radio Kulmiye, Abwaan Guure ayaa isagana ka mahaceliyey taageeradda loo fidiyey Weriye oo ka mid ah Weriyayaasha ka hawlgala Radio Kulmiye.

Weriye Axmed Saciid Axmed oo ah Weriyaha dhaawaca oo ay Dalladda SIMHA gaarsiisay lacag dhan 800 oo Dollar ayaa ka mahadceliyey kaalmadda la soo gaarsiiyey, wuxuuna sheegay inuu haatan dareemayo caafimaad, marka loo eego sidii ahaan jirey maalmihii la soo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, Taageeradda ay Dalladda SIMHA maanta gaarsiisay Weriyahaasi ayaa waxay tusaale fiican u tahay inay Suxufiyiinta Soomaaliyeed dhexdooda iskugu gurman karaan, marka ay xaalladdan oo kale la soo gudboonaato.

Dalladda Suxufiyiinta Madaxa bannaan ee SIMHA waxaa ku mideysan in ka badan Toban Warbaahin oo ka kala dhisan magaalladda Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Goballadda dalka Somalia.

Moqdisho i, March 1, 2014  Hay’adda Sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay Rag isugu jira Horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Shabaab,  kuwaasoo ka qeybqaadanayay falal lagu carqaladeynayo ammaanka caasimadda.

Kaddib howlgal ay Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda qaranka ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo qabtay illaa iyo 6-qof oo isuygu jira Horjoogeyaal hoose iyo Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Shabaab, kuwaasoo lasoo qabtay xilli ay ku guda jireen falal lagu carqaladeynayo ammaanka magaalada Muqdisho.

Xarunta Taliska Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka qaranka ee Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu soo bandhigay Raggaani ka tirsanaa Al-Shabaab kuwaasoo mid kamid ah lasoo qabtay isagoo xiran Dharka dumarka iyo Indhashareer taasoo muujinaysa sida uu isku qarinayo, waxaana Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo nabasugidda Qaranka xaqiijiyeen in Ninkani lagu soo qabtay Howlgal ay ciidamu ka sameeyeen degmada Waaberi, islamarkaana la ogaaday inay isku xiranyihiin isaga iyo afarta ruux ee kale oo qaarkood la sheegay inay yihiin horjoogeyaal hoose oo fududeynayay sameynta qaraxyada, dilalka qarsoodiga ah iyo bambaanooyinka lagu weeraro xarumaha hay’adaha dowladda iyo goobaha ay bulshada isugu yimaadaan.

Saraakiisha hay’adda nabasugidda ayaa intaasi ku daray inay ku raadjoogaan rag kale oo iyagu isku qarinaya xaafado ka tirsan degmooyinka gobolka banaadir, iyagoo ballaanqaadey in maleeshiyaadka gacanta lagu hayo la horkeeni doono maxkamadda si caddaaladda loola tiigsado.

Hay’adaha ammaanka qaranka ayaa wada dedaallo ay uga hortagayaan falalka lagu carqaladeynayo amniga caasimadda, iyadoo Xukuumadda Soomaaliya ay xubnaha golaha Wasiirada u xilsaartay inay Maamullada degmooyinka iyo saraakiisha ciidamada kala qeybqaataan qorsheyaasha lagu xasilinayo amniga magaalada

Moqdisho i, March 1, 2014  Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa maanta qado sharaf u sameeyey wafdi ka socda Baarlamaanka dalka Kenya kuwaasi oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.

Kulankan qado sharafta ah oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa kasoo qeybgalay dhammaanba xubnaha wafdigan oo u badan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Kenya, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda,Xildhibaanno Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka tirsan iyo Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

Ku simaha Gudoomiya Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo qado sharafta kadib warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay ugu horeyn inuu aad ugu faraxsanyaay imaanshaha wafdigan ee magaalada Muqdisho islamarkaana uu soo dhaweynayo waxaana uu intaa ku daray in shalay wafdigan uu xafiiska ku qaabilay ayna ka wada hadleen xaaladaha labada Baarlamaan iyo hormarrada uu ku talaabsaday Golaha Shacabka mudada uu shaqeynayey,ugu dambeynna waxa uu xusay in Baarlamaanka Soomaaliya uu diyaar u yahay iskaashi iyo wadashaqeyn uu la yeesho Baarlamaannada Caalamka.

Senator Billow Aadan Keyrow oo isagu hogaaminaya wafdigan ka socda Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa isna hadal uu saxaafadda siiyey waxa uu uga mahad celiyey Gudoonka Golaha Shacabka soo dhaweynta iyo marti qaadka ay u sameeyeen waxaana uu dhanka kale tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay xiligan isbedelka hormarka ah ee ay Soomaaliya ku talaabsatay,si gaar ah waxa uu u bogaadiyey howlaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wafdigan ka socda dowladda Kenya ayaa kala ah Senator Billow Adan Kerow,Xildhibaan Maxamed Macalin Maxamuud,Xildhibaan Xasan Aadan Siiriyoos iyo Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur waxaana magaalada Muqdisho ay soo gaareen maalinnimadii shalay aheyd ayaga oo kulammo gaar gaar ahna lakala qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar iyo Ra’isulwasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Muqdisho, February 28, 2014  Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ka ambabaxay Caasimadda Muqdisho , iyagoo ku wajahan Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York , halkaas oo uu ka furmayo Shir looga hadlayo arrimaha ammaanka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Shirka golaha ammaanka ay ka yeelanayaan arrimaha ammaanka Soomaaliya ayaa  waxa uu socon doonaa maalmaha 6-8 bisha March.

Sanad ka hor ayaa xubnaha golaha ammaanka ee ka kooban 15-ka xubnood ay isla ogolaadeen in qeyb laga qaado cunaqabateynta hubka ee lagu soo rogay Soomaaliya , si dowladda Soomaaliya ay ugu suura-gasho inay soo iibsato hubka fudud .

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga uu hogaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku sii sagootiyay Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada H.E. Said Jama Mohamed Qorshel , Wasiiru dowlaha Wasaaradda H.E. Buri’ Mohamed Hamza  iyo diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

-DHAMAAN-

Baladweyne, February 28, 2014 Munaasabadan Xarigga looga Jirayay Dhismaha Aargo cusub oo laga taagay Magaalada Beladweyne ayaa waxaa maanta ka qeyb galay Maamulka Gobolka Hiiraan kan Degmada Beladweyne iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo qeybaha Bulshada waxaana Taaladan Cusub loogu magacdaray Sheekh Xasan Barsane iyadoo laga dhigay Xaafada Howlwagaad ee Magaalada Beladweyne.

Dhismaha Aargadan oo bilaabatay 20kii bishii tobanaad ee sanadkii hore 2013 ayaa waxaa la soo gabogabeyay Maanta, waxaana dhismaha Aargadan waday mudadaasi 4ta bil ah Ururka Dhalinyarada Garsoor ee ka dhisan Magaalada Beladweyne.

Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Garsoor ee Gobolka Hiiraan C/qadir Maxamuud Ibraahim ayaa ka warbixiyay furitaan Aargada iyo qaabkii ay ka soo mareen mudadii ay howsha wadeen waxuuna u mahadceliyay dhamaan qeybihii gacanta ku siiyay.

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiintii ka hadlay Furitaankii munaasabada xarig jarka ee Taalada Sheekh Xasan Barsane oo isugu jiray Maamulka Odayaal Dhalinyaro ayaa dhamaantood xusay muhiimada ay u leedahay bulshada taariiqdooda, waxaana ay bulshada qeybaheeda kala duwan gaar ahaa dhalinyara ku booriyeen in lagu daydo Dhalintaasi iskood isku qilqaantay oo qabatay waxqabadkaasi muuqda iyagoo intaasi ku daray in taariiqda ay xusi doonto.

Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Gobolka Hiiraan Kornayl Cismaan Dubad oo munaasabad qubad dheer ka jeediyay ayaa ugu horeyn u mahad celiyay Dhalinyara howlshan dhismaha Aargada fulisay waxuuna ku booriyay umada soomaaliyeed in ay tashato oo ay dalkooda dhistaan.

Gudoomiyaha Degmada Beladweyne Cabdi Bishaar Aadan Rooha ayaa ka sheekeyay Taariiqdii Sheekha Xasan Barsane, waxuuna xusay in Dalkan uu lahaa halgamayaal waa weyn loona baahanyahay in dib loo xusay taariikhdooda.

Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka Hiiraan ahna ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Max’ed Ibraahim Cali ayaa gabogabadii munaasabada ka hadlay waxuuna sheegay in Xusida iyo weyneynta Dadkii Dalkan u soo halgamay ay haboontahay islamarkaana waqtiyadii hore lagu dhigan jiray Daruusta balse hada ay arrinkaasi meesha ka baxay, ayna ku dadaalayaan in arrimahaasi dib loo soo celin doono.

Muqdisho, February 28, 2014 Wasiirka Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshda Mudane Luqmaan Ismaaciil Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayay oo dalka Boqortooyada Sacuudiga uga qeyb galay shirka Wasiirada Arrimaha bulshada wadamada Jaamacadda Carabta oo maanta dalka soo gaaray ayaa ka warbixiyay waxyaabihii shirkaasi looga hadlay iyo go’aanadii ka soo baxay.

Wasiirka ayaa xusay in marti qaad ay ka heleen Jaamacadda carabta, islamarkaana ay ka qeyb galeen fadhiga labaad ee shirka ururka Shaqaalaha Wadamada Jaamacadda Carabta, kaasi oo uu xusay in looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ugu muhiimsaneyd in la mideeyo shaqaalaha wadamada carabta.

“Qodobada shirka looga hadlay waxaa ka mid ah Sidee shaqaalaha dalalka carabta loo mideyn karaa,  sidiee shaqaale loogu abuuri karaa shaqaalaha iyo side faqriga looga bixi karaa, waxayna ahaayeen qodobo aad u muhiimsan” ayuu yiri Mudane Luqmaan.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa daboolka ka qaaday in ay ku dadaallayaan sidii loo horumarin lahaa shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, si ay u helaan fursado waxbarasho iyo tababar intaba.

Muqdisho, February 27, 2014 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa fal foolxumo iyo fuleynimo ah ku tilmaamay qaraxii ay maanta ka fuliyeen kooxaha nabadiidku maqaaxida laga cunteeyo ee ku taala isgoyska KM-Zero ee u dhexeysa degmooyinka, Shangaani, Shibis iyo Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, weerarkaasi oo ay ku nafwaayeen dad rayid ah oo goobta ku sugnaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday qaraxaasi. Wuxuuna ilaahay uga baryay dadkaasi in uu ka waraabiyo janadiisa fardowsa, intii ku dhaawacantayna u rajeeyey caafimaad deg  deg ah.

“Beegsida argagixisada ee goobaha shacabka, waxaa ay astaan u tahay dhamaadka waqtiga kooxdan caadaysatay daadinta dhiiga shacabka, dawladduna wey u diyaar garowday sidii loo siffeyn lahaa nabad-diidka, loona baajin lahaa dhiiga shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo ka hadlay falkii qaraxa ahaa ee saaka lala beegsaday maqaaxida ku taala isgoyska KM-Zero.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaasi ku daray: “Waxay cadowgu ka warhayaan in la gaaray xilligii la soo afjari lahaa, waxayna go’aansadeen in ay sii daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed. Waxaan u sheegeynaa kuwa soo maleegay iyo kuwa fuliyay fal dembiyeedkan in lala xisaabtami doono, falalka noocan oo kale ah marnaba nagama hakin doonaan talaabooyinka aan ku cirib tireyno nabadiidka.”.

-DHAMAAD-


Muqdisho, February 27, 2014 Qarax xoogan ayaa ka dhacay meel ku dhaw halkii la dhihi jirey Bar Fiat degmada Cabdicasiis ee Goobta qaraxu ka dhacay waxaa ku dhaw xarunta Hay’adda Sirdoonkaee dowladda Federaalka Soomaaliya. Warar aan si rasmi ah loo caddeyn ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Shiikh lagu wadey in uu maanta booqdo xarunta nabadsugidda, waxaana qaraxu ka dhacay meel 100 talaabo u jirta xaruntaGobolka Banaadir. Qaraxa ayaa loo adeegsadey gaari lagu xirey Bom la sameeyey.

Muqdisho, February 27, 2014  Ku xigeenka Ra’iisul wasaaraha dalka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya oo haatan socdaal shaqo ku jooga dalka Sacuudiga ayaa faah faahin ka bixiyay kulan uu la yeeshay Wasiirka Xajka Sacuudiga, kaasoo diiradda lagu saarayay kordhinta tirada Xujeyda Soomaalida ee sanadkan xajineysa.

Ku xigeenka Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa wareysi uu siiyay Radio Muqdisho isagoo ku sugan waddanka Boqortooyada Sacuudiga, halkaas oo uu casuumad uga helay wasiirka Xajka ee dalkaasi.

Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, ayaa sheegay in wasiirka Xajka Sacuudiga uu kala hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin qaabka sanadlaha ah ee ay Xujeyada Soomaaliyeed ugu soo xajiyaan Sacuudiga, waxa uu xusay in wasiirka uu kala hadlay sidii loo kordhin lahaa Tirada dadka Soomaaliyeed ee doonaya in ay soo gutaan waajibaadka Xajka.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, ayaa tilmaamay in Wasiira Xajka Sacuudiga ay isla garteen in ay iskaashi iyo wada shaqeyn la sameyaan wasaaradda Diinta Soomaaliya.

Waxa uu intaa sii raaciyey wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in uu kulammo kala duwan la qaadan doono, masuuliyiin ka kala socota Bangiga iyo ururka iskaashiga Islaamka ee OIC, si uu kala  hadlo arrimo quseeya Soomaaliya.

Waa Arrin muhiim ah wax ka badelka tirada lagu kordhinayo Xujeyda Soomaaliyeed, taasi oo ay ka dhalaneysa xirir hagaagsan oo dhexmara wadamada Soomaaaliya iyo Sucuudiga.

UAE February 27, 2014  Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr  Maxamed Xaaji Ibraahin ayaa khudbad ka jeediyey shirka boostada iyo isgaarsiinta dalalka Carabta kaasi oo lagu qabtay isutaga Imaaraadka Carabta.

Mudane Dr Maxamed Xaaji Ibraahin Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa khudbaddiisa uga hadlay dib u howlgelinta Boostada Dalkeenna iyo qorshaha ay Wasaaraddu u dejisay sida ay wadashaqeyn ula yeelaneyso dalalka caalamka waxaana uu xusay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashi ay la sameyso dowladaha carbeed mudo 23kadib oo lagu guuleystay iney hada shaqeyso Boostada Soomaaliya.

Shirkaasi kadib ayaa Wasiirka iyo wafdi uu hogaaminayo waxa ay u ambabaxeen dalka Spain halkaasi oo uu kaga qeybgalayo shirka Isgaarsiinta caalamka kaasi oo ka furmi doona dhowaan magaalada Barcelona ee dalka Spain ayadoo shirkaasina ay kasoo qeybgaleen intabadan Wasiirrada Isgaarsiinta dalalka Caalamka waxaana Wasiirku uu shirkaasi ka hor kulammo gaar gaar ah dalka Spain kula qaatay wasiirrada Isgaarsiinta dalalka Soomaaliya deriska la ah.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xaaji Ibraahin ayaa wareysi uu siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya isaga oo ku sugan magaalada Barcelona ayaa tilmaamay in dhammaanba wasiirrada uu la kulmay ay ka wada hadleen iskaashiga ay Wasaaraddu la sameyneyso dowladaha gobolka iyo kuwa caalamka,sidoo kalena waxa uu xusay inuu u bandhigay qorshaha Wasaaradda ee ku saabsan hormarinta Isgaarsiinta Soomaaliya.

Ugu dambeyn Dr Maxamed Xaaji Ibraahin Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa rajo ka muujiyey in shirka ka furmaya magaalada Barcelona ee dalka Spain iyo kulammada gaar gaarka ah ee la yeelanayo Wasiirrada ka socda dalalka caalamka ee shirkaasi ka qeybgalaya ay kasoo baxaan natiijo kaalin ka qaadan karta qorshaha wasaaradda ee la xiriira hormarinta Boostada iyo Isgaarsiinta Dalkeenna.




















Dowladda Soomaaliya's photo.
Dowladda Soomaaliya's photo.
Dowladda Soomaaliya's photo.
Dowladda Soomaaliya's photo.




Muqdisho 26- Feb- 2014 – Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa hortiisa lagu saxiixay heshiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey. Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibedda C/Raxman Ducaale Beyle iyo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicolas Kay.

Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabadda ayaa yiri “Waxaan u mahadceinayaa guddigii ka kala socday QM iyo Dowladda oo in muddo ahba ka soo shaqeynayey heshiiskan oo ah mid sii xoojinaya xiriirka Somalia iyo QM. Dowladdu waa ka go’antahay dhaqangelinta heshiiskan labada dhinac waa saldhiga wadashqeynta iyo gar-gaarka shacabka Soomaaliyeed.”

“Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya inay hubiyaan in heshiiyadooda aysan dhacsaneyn, isla markaana cusbooneysiiyaan haddii uu ka dhacay. Heshiisyadu waa muhiim oo ah sharciyada muhiimka u ah wada shaqeynta iyo illaalinta danaha shacabka Soomaaliyeed.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa sheegay in garyaqaanada labada dhinac ay si taxadar ah uga soo wada shaqeeyeen heshiiskan oo ah mid labada dhinacba ay ku wada qanacsanyihiin, isla markaana qeexaya waajibaadka iyo xuquuqaha labada dhinac.

-DHAMAAD-

Muqdisho 26- Feb- 2014   Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiir ku-xgeenka ayaa maanta kulan looga hadlayay doorka ay Wasaaraddu ka qaadan karto howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo wacyigelinta bulshada la qaatay shaqaalaha Wasaaradda.

Kulanka oo ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Waaxyaha, fanaaninta hobollada Waaberi waxaana diiradda lagu saaray doorka Wasaaradda uga aadan la dagaallanka Al-Shabaab, waxaana ay Madaxda Wasaaraddu warbixino kaga dhageysteen shaqaalaha oo soo bandhigay doorka Wasaaradda uga aadan arrimahaasi.

Intii uu socday kulanka waxaa lagu soo hadal qaaday halgankii dheeraa ee warbaahinta qaranka Soomaaliyeed ay u soo gashay  in cadowga dalka intiisa badan laga saaro, waxaana ay howlwadeenada Wasaaradda gaar ahaan Waaxda Warbaahinta balan qaadeen in la sii xoojin doono dadaallada ku aadan in goobaha yar ay kusuganyihiin Al-Shabaab laga xoreeyo.

qaar ka mid ah fanaaniintii oo kulanka maanta joogay ayaa dhankooda sheegay in lama huraan ay tahay in laga qeyb qaato xoreynta dalka, ayna dhankooda diyaar la yihiin suugaan ka hadlay dhibaatada Shabaabku ay bulshada ku hayaan iyo kuwo shacabka lagu baraarujinayo oo nabadda ka hadlaya.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaahi ayaa sheegay in Wasaraddu ay u taagantahay ka qeyb qaadashada nabadgelyada iyo horumarinta dalka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliyeed Mudane C/laahi Colaad Rooble ayaa tilmaamay in Wasaaradda ay sameyneyso barnaamijyo ku saabsan wacyigelinta iyo hanuuninta dadweynaha, isagoo howlwadeenada Wasaaradda ku booriyay inay sii labo jibaaraan adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ay sii laba laabeyso howsha qaran oo ay shacabka u heyso  oo ah in ay ka shaqeyso horumarka dalka.

“Wasaaraddu waxa ay sameyneysaa ka shaqeynta horumarka iyo in ay bulshada gaarsiiso Wasaarad kasta waxyaabaha horumarka leh ee ay sameyso, sidoo kale Wasaaradaha kaliya ma ahan ee muwaadinkii bulshadiisa wax u qabta waxaa naga saaran in aan aragtidaasi ama wanaagaasi bulshada inteeda kale u gudbino” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ugu dambeyntii hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay dar dargelin doonto qorshaha ku aadan ka qeyb qaadashada amniga iyo sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa hanaanka dowladnimo.

Muqdisho 26- Feb- 2014  Saldhiga Xaafada Baraxley ee Koonfurta magaalada Galkacyo  ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo xalay ay ka sameeyeen xaafado ku yaalla magaalada Gaalkacyo oo ay ku soo qabteen dhagar qabe ka tirsan Al-Shabaab, kaddib weerar xalay ka dhacay xaafadda Garsoor ee dhanka Puntland.

Taliyaha Qeybta booliska ee Galmudug Gaashaanle Sare Maxamed Nuur Cali ayaa sheegay in howgalladu ay ka fuliyeen dhanka xaafadaha Galmudug, kaasi oo u jeedkiisa ahayd sidii looga hortagi lahaa falalka ah maleegayaan Al-Shabaab

“Falkii dilka ah ee xalay ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo gaar ahaan xaafadda Garsoor markii aan maqalnay, waxaan ku dhaqaaqnay howlgallo aan ku baadi goobeyno dhagar qabayaasha ku dhuumaleysanya dhanka Galmudug, waxaana gacanta ku dhignay dhagar qabe ka mid ah kuwii falkaasi xalay fuliyay oo magaciisa ku sheegay C/xakiin Xasan Xaamud oo da’diisu tahay16 jir” ayuu yiri G/sare Maxamed Nuur.

Taliyaha Qaybta booliska ee Galmudug waxa kaloo uu sheegay inay gacanta ku dhigeen waxyaabo laga sameeyo qaraxyada iyo bistoolad uu watay, isagoo intaa ku daray in dhagar qabahaasi gurigiisa laga helay liis ay ku qornaayeen magacyo isugu jira mas’uuliyin iyo suxufiyiin oo ay shabaabku ku doonayeen in la qaarijiyo.

Taliska ciidanka booliska Galmudug ayaa ka digay in milkiilayaasha guryaha ay ka kireeyaan maleeshiyada ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Muqdisho 26- Feb- 2014 – Kulanka ay maanta Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye la qaadatay qaar kamid ah dadka la nool xanuunka AIDS ka iyo guddiga ka hortagga AIDSka ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa u jeedkiisu waxa uu ahaa sidii dadka la nool cudurkaasi ay u heli lahaayeen xuquuqdooda aas aasiga ah, islamarkaana bulshada lagu wacyigeliyo in si caadi ah ay ugu dhex noolaadaan bulshada inteeda kale.

Intii uu socday kulanka ayay Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye waxa ay shaqaaleysiisay labo gabdhood oo ka mid ah dadka la nool cudurka, iyadoo talaabadaasi ay ka mahadceliyeen dhammaan intii kulanka ka qeyb gashay.

Maxamed Cumar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka oo la hadlay warbaahinta waxa uuna ka warbixiyay kulanka dhexmay mas’uuliyiinta Wasaradda haweenka iyo qaar kamid ah dadka la nool cudurka AIDS-ka.

“Gudigga ka hortagga cudurka AIDSka iyo Dadka la nool cudurka ayay la kulantay, waxaana uu jeedku ahaa sidii loo dhiiri gelin lahaa dadka cudurka la nool, si wax loogu qabto dadka xanuunka la nool oo aan la takoorin” ayuu yiri.

Wasiirka wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadashay gabagabadi kulanka ay la qaadatay qaarkamid ah dadka la nool cudurka AIDS-ka iyo guddiga ka hortagga cudurka, ayaa waxa ay sheegtay in Wasaaradda Haweenka ay garabtaagantahay dadka la nool cudarkaasi, islamarkaana ay ku dadaallayaan in ay helaan xaaquuqda bulshada caafimaadka ay hesho oo kale.

“Annaga kan Wasaarad ahaan waan garab istaagaynaa, waana ka warqabaynaa, sida dadka kale ee ay xaquuqda u helaan ayay dadka xanuunka la nool ay xaq ugu leeyihiin, waxaana ku baraarujinayaa dadka la nool xanuunka cudurkan inaysan qarsan, dowladduna waxa ay u taagantahay inay wax u qabato bulshada” ayay tiri Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye

Tallaabaddan ay Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ku shaqaaleysiisay labada gabdhood ee kamid ah dumarka lanool xanuunka AIDS ka ayaa waxa ay dhiira gelin u nqoneysaa  dadka la nool cudurkaasi si aysan bulshada uga takoornaanin.


Photo: Muqdisho 25- Feb- 2014 Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Switzerland Mr Domanic islamar-kaana Madaxweynaha soo gaarsiiyey fariin uu ka waday madaxda dalka Switzerland.

Safiirka cusub ayaa uga mahad-celiyey Madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadahiisa aqoonsiga ee Safiirnimo. “ aad ayaan ugu faraxsanay in maanta Madaxweynaha Soomaaliya iga aqbalo warqadaha Aqoonsiga, waxaan kaloo ku faraxsanahay in Dowlada Switzerland halkaan safiir uga matalo muda 30 sanno ka dib oo aan wax safiir ah halkaan horay inoogu joogin.” Ayuu yiri Safiirku.

Sidoo kale Safirka ayaa ballan-qaaday in Dowladda Somaaliya ay Dowladiisa ka caawin doonto arrimaha horumarinta dalka oo ay ka mid tahay sidii dalkan looga dhaqan-gelin lahaa dib-u-dhiska dalka, Nidaamka Federaal-ka iyo xasilinta Dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “ Waxaan uga mahad-celinayaa dalka Switzerland sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka labada dal oo ay marqaati ka tahay soo magacaabida safiirkan cusub, waxaanna u rajeynayaa in uu dowladda kala shaqeeyo mashaariicda dib-udhiska dalka”

Ugu dambeyntii Madaxweyanaha ayaa u ballan-qaaday safiika inay dowladiisa si hagar la’aan ah ula shaqeyn doonto si uu u guto xilkiisa loo soo igmaday.

Muqdisho 25- Feb- 2014 Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Switzerland Mr Domanic islamar-kaana Madaxweynaha soo gaarsiiyey fariin uu ka waday madaxda dalka Switzerland.

Safiirka cusub ayaa uga mahad-celiyey Madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadahiisa aqoonsiga ee Safiirnimo. “ aad ayaan ugu faraxsanay in maanta Madaxweynaha Soomaaliya iga aqbalo warqadaha Aqoonsiga, waxaan kaloo ku faraxsanahay in Dowlada Switzerland halkaan safiir uga matalo muda 30 sanno ka dib oo aan wax safiir ah halkaan horay inoogu joogin.” Ayuu yiri Safiirku.

Sidoo kale Safirka ayaa ballan-qaaday in Dowladda Somaaliya ay Dowladiisa ka caawin doonto arrimaha horumarinta dalka oo ay ka mid tahay sidii dalkan looga dhaqan-gelin lahaa dib-u-dhiska dalka, Nidaamka Federaal-ka iyo xasilinta Dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “ Waxaan uga mahad-celinayaa dalka Switzerland sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka labada dal oo ay marqaati ka tahay soo magacaabida safiirkan cusub, waxaanna u rajeynayaa in uu dowladda kala shaqeeyo mashaariicda dib-udhiska dalka”

Ugu dambeyntii Madaxweyanaha ayaa u ballan-qaaday safiika inay dowladiisa si hagar la’aan ah ula shaqeyn doonto si uu u guto xilkiisa loo soo igmaday.

Muqdisho 25- Feb- 2014  Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu dhaqan galay barnaamijka Xukuumaddu ugu talagashay in lagu xasiliyo ammaanka degmooyinka G/banaadir.

Afhayeenka maamulka G/Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa Radio Muqdisho u sheegay inuu dhaqangalay qodobkii ahaa in xubno ka tirsan golaha wasiirada oo kaashanaya hey’adaha amaanka iyo maamulka degmooyinka ay si toos ah uga howlgalaan degmooyinka gobolka Banaadir si looga hortago dhagarta maleeshiyaadka Shabaab.

“Xukuumaddeena Federalka ah ayaa shaqadii amniga ee ay u hayeen shacabka gobolka Banaadir sii Labo Jibaartay oo degmo kasta waxaa lagu qoray xubno ka tirsan golaha wasiirrada, Xildhibaano iyo xubno ka mid ah qeybaha kala gedisan ee bulshada deggan degmo kasta ah, si ay wadajir ah uga  shaqeeyaan amniga, aadbaana uga mahadcelineynaa R/wasaaraha dalka oo qorshahani keenay” ayuu yiri Maxamed Yuusuf Afhayeenka maamulka G/Banaadir.

Afhayeenka ayaa xusay in degmada Shangaani ay ka mid tahay degmooyinka uu ka hirgalay qorshahaasi,  isagoo tilmaamay in xubnihii golaha wasiirada iyo xildhibaannadii lagu qoray degmadasi ay ka howlbilaabeen,  iyagoo kaashanaya qeybaha bulshada ayeey sameeyeen isku xir wanaagsan,  wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in hadii uu sii socdo qorshahani uu meesha ka saari doono fal kasta oo amnidarro ah.

Arrintan ayaa imaaneyso xilli maamulka gobolka Banaadir uu maalmihii ugu dambeeysay waday kulamo looga wacyigelinayo bulshada iney ka hortagaan dhagarta maleeshiyaadka argagixisada ah ee Alshabaab ee iyagu usoo jeestay gumaadka Ummadda Soomaaliyeed.

Muqdisho 25- Feb- 2014 Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiir ku-xgeenka ayaa maanta kulan looga hadlayay doorka ay Wasaaraddu ka qaadan karto howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo wacyigelinta bulshada la qaatay shaqaalaha Wasaaradda.

Kulanka oo ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Waaxyaha, fanaaninta hobollada Waaberi waxaana diiradda lagu saaray doorka Wasaaradda uga aadan la dagaallanka Al-Shabaab, waxaana ay Madaxda Wasaaraddu warbixino kaga dhageysteen shaqaalaha oo soo bandhigay doorka Wasaaradda uga aadan arrimahaasi.

Intii uu socday kulanka waxaa lagu soo hadal qaaday halgankii dheeraa ee warbaahinta qaranka Soomaaliyeed ay u soo gashay  in cadowga dalka intiisa badan laga saaro, waxaana ay howlwadeenada Wasaaradda gaar ahaan Waaxda Warbaahinta balan qaadeen in la sii xoojin doono dadaallada ku aadan in goobaha yar ay kusuganyihiin Al-Shabaab laga xoreeyo.

qaar ka mid ah fanaaniintii oo kulanka maanta joogay ayaa dhankooda sheegay in lama huraan ay tahay in laga qeyb qaato xoreynta dalka, ayna dhankooda diyaar la yihiin suugaan ka hadlay dhibaatada Shabaabku ay bulshada ku hayaan iyo kuwo shacabka lagu baraarujinayo oo nabadda ka hadlaya.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaahi ayaa sheegay in Wasaraddu ay u taagantahay ka qeyb qaadashada nabadgelyada iyo horumarinta dalka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliyeed Mudane C/laahi Colaad Rooble ayaa tilmaamay in Wasaaradda ay sameyneyso barnaamijyo ku saabsan wacyigelinta iyo hanuuninta dadweynaha, isagoo howlwadeenada Wasaaradda ku booriyay inay sii labo jibaaraan adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ay sii laba laabeyso howsha qaran oo ay shacabka u heyso  oo ah in ay ka shaqeyso horumarka dalka.

“Wasaaraddu waxa ay sameyneysaa ka shaqeynta horumarka iyo in ay bulshada gaarsiiso Wasaarad kasta waxyaabaha horumarka leh ee ay sameyso, sidoo kale Wasaaradaha kaliya ma ahan ee muwaadinkii bulshadiisa wax u qabta waxaa naga saaran in aan aragtidaasi ama wanaagaasi bulshada inteeda kale u gudbino” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ugu dambeyntii hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay dar dargelin doonto qorshaha ku aadan ka qeyb qaadashada amniga iyo sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa hanaanka dowladnimo.

Muqdisho 25- Feb- 2014 Kulan looga hadlayay horumarinta adeega caafimaadka oo ay ka qeyb galeen Hay’adda Caafimaadka Qaramada mIdoobay u qaabilsan ee WHO, Wakiilo ka socda Isbitaalada Muqdisho iyo hay’ado aan dowli ahayn, waxaana diiradda lagu saaray dar dargelinta adeegyada caafimaadka .

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa la isku dhaafsaday macluumaad la xiriira sida lagu horumarin karo adeegyada aas aasiga u ah xagga caafimaadka iyo suurta galnimada in adeegyadaasi caafimaad la gaarsiiyo hooyo kasta oo ku nool dalka.

Ku-simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda ahna Agaasimaha Maamulka Mudane C/rashiid Faarax Xaaji oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kulanka uu ku saabsanaa sidii loo horumarin lahaa adeegyada caafimaadka, waxaana uu hoosta ka xariiqya in kulanka sidoo kale lagu soo hadal qaaday ciribtirka cudurka dabeysha oo dhibaato ku ah carruurta Soomaaliyeed, Wasaaradduna ay arrimahaasi kala kaashan doonto Hay’adaha arrimaha caafimaadka qaabilsan si loogu guuleysto ciribtirka cudurkaasi.

Dhanka kale Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Caafimaadka Mudane Axmed Aadan Axmed ayaa maanta isbitaalada ku booqday dadkii ku dhaawacmay Qaraxii dhawaan Muqdisho ka dhacay, si Wasaaraddu ay oga warqabto xaaladaha ay dadkaasi ku suganyihiin.

Maxamed Yuusuf Agaasimaha Isbitaalka Madiina ayaa ka warbixiyay xaaladda caafimaadka dhaawacyada isbitaalka ku jira, gaar ahaan dhaawacyadii ugu dambeeyay ee isbitaalka la gaarsiiyay, maadama Isbitaalku uu ka midyahay meelaha dhaawacyadaasi la geeyay

Ugu dambeyntii Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Aadan Axmed ayaa maamullada isbitaalada uga mahadceliyay sida ay ula tacaaleen, gaar ahaan maamulka Isbitaalka Madiina, waxaana uu intaa ku daray in Wasaaraddu ay qorsheyneyso sidii dadka dhaawacyadooda aan dalka wax looga qaban karin loo raadiyo caafimaad dibedda ah.

Moqdisho Feebaraayo 24, 2014  Suuqyada degmada Balcad ee gobalka Shabeelada Dhexe ayaa waxaa laga dareemayaa hos u dhac ku yimid qiimaha raashinka kadib markii uu hoos u dhacay qiimaha sarifka Doolarka Mareykanka.

Wariyaha Radio Muqdisho uga soo warama degmada Balcad Maxamed Abuukar Baariyoow ayaa soo sheegaya in qiimaha raashinka quutul daruuriga ah uu hoos uga dhacay suuqyada degmada Balcad, wuxuuna taasi sabab uga dhigay qiimaha sarifka Doolarka Mareykanka oo hoos u dhacay.

Maxamed Saalax oo ka mid ah ganacsatada suuqa degmada Balcad ayaa Radio Muqdisho uga waramay hoos u dhaca ku yimid qiimaha raashinka iyo waliba sababta keentay, isagoo tilmaamay in hoos u dhacani uu keenay sarifka doolarka oo dhacay.

“Loorka Bariiska waxaa la iibin jiray 700,00Sh. So. Haddana waxaa la iibinayaa 600,000 Sh. So. Loorka Burka waxaa la iibin jiray 850,00 Sh. So. haddana wuxuu marayaa 560,000 Sh. So. Loorka Sokorta waxaa la iibin jiray 700,000  haddana wuxuu marayaa 650,000 Sh. So. Kartoonka Baastada waxaa la iibinjiray 210,000 hadana wuxuu marayaa 190,000 Sh. So.”Sidaasi waxaa yiri Maxamed Saalax oo ka mid ah ganacsatada suuqa degmada Balcad.

Sidoo kale Maxamed Saalax ayaa xusay in Boqolka Doolar lagu sarifi jiray 2200,000 Sh. So. Halka hadda uu marayaa 1820,000 Sh. So. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in markasta uu hoos u dhaco qiimaha doolarka uu sicirka raashinkuna si jabayo.


Moqdisho Feebaraayo 24, 2014 Wasiirka Wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyeen wasiir ki xigeenka iyo agaasimayaasha wasaaradda ayaa cisbitalka Daarushifa ku booqday Wariye Axmed Siciid oo ku dhaawacmay Qarax Jimcihii ka dhacay Banaanka Madaxtooyada Qaranka.

Mas’uuliyiinta wasaaradda warfaafinta ee uu horkacayay wasiirka wasaaradda Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, ayaa waxaa ka mid ahaa wasiir ku xigeenka C/llaahi Colaad Rooble, Agaasimaha guud C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi, Agaasimaha warbaahinta mudane C/raxmaan Yuusuf Sheekh Alcadaala, Agaasimaha Radio Muqdisho C/raxiin Ciise Caddoow iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid aha xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahin Bakistaan kuwaas oo maanta cisbitalka Daarushifa ku booqday wariye ka howlgalayay idaacadda Kulmiye oo jimcihii ku dhaawacmay Qarax ka dhacay meel dibadda ka ah madaxtooyada.

Wasiirka iyo mas’uuliyiinta la socotay ayaa markii ay gaareen cisbitalka waxa ay warbixin ku aadan xaaladda caafimaad ee wariye Axmed Siciid ka dhageysteen Agaasimaha cisbitalkaasi Maxamed Cabaas Cismaan oo sheegay in xaaladdu ay soo hagaageyso ayna ku filanyihiin daweyntiisa,  mana jirto ayuu yiri halis muuqata oo aynan waxba ka qabankarin.

Xoghayaha guud ee ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahin Bakistaan ayaa sheegay iney dadaal u galeen sidii ay bukaanka ugu heli lahaayeen daryeel dheeraad ah, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay suurtagalnimada in dalka dibaddiisa lagu soo daweeyo wariyaha.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta oo hadlay ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay uguna damqanayo dhibka Soo gaaray wariyaha,  isagoo sheegay in wasaaraddu ay wax u qabandoonto wariyaha wuxuuna Alle uga baryay in uu bogsiiyo, dhaawaciisana u fududeeyo.

Moqdisho Feebaraayo 24, 2014 Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka ayaa ka warbixisay qorshaha u degsan wasaaradda sanadkan iyo u diyaargarowga xuska maalinta haweenka aduunka ee 8 Marso.

Wasiirka Haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo la hadashay Radio Muqdisho ayaa ka warbixisay qorshaha wasaaradda ee sanadka 2014, iyadoo tibaaxday in qorshahaasi uu salka ku hayo barnaamijka xukuumadda ee R/wasaare C/weli uu la hortagay Baarlamanka.

Marwo Khadiijo oo hadalkeeda sii wadata ayaa hoosta ka xariiqday in lagama maarmaan ay tahay in siyaasad Qaran loo dejiyo arrimaha haweenka si loo yareeyobeey tiri xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda Aadanaha.

“Jamhuuriyadda Soomaaliya waxeey dhaxashay shuruuc lagu ilaaliyo xuquuqda aadanaha, Diinta Islaamkuna si weyn ayeey u ilaalisay xuquuqul Insaanka, dastuurka dalka u yaalana sidaasi si la mid ah ayuu u ilaalinayaa xuquuqda aadanaha, weyna ka go’antahay dowladda iney horumariso ilaalinta xuquuqda aadanaha” ayeey tiri wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye.

Dhanka kale wasiirka ayaa tilmaantay iney wasaaraddu diyaar garow ballaaran ugu jirto xuska maalinta haweenka Adduunka ee 8 Marso,  iyadoo xustay in uu meel wanaagsan marayo qaban qaabada xuska maalinta haweenka.

Moqdisho Feebaraayo 24, 2014 Gudiga Amaanka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan amaanka looga hadlayay ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada muqdisho kaasi uu shir gudoominayay Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar.

Gudiga ayaa kulankooda  diiradda ku saaray dhacdooyinkii ugu dambeysay ee ka dhacay dalka, gaar ahaan Muqdisho, waxaana la is wadaydaarsaday arragtiyo ku aadan xaaladda amni ee dalka iyo sida lagu xojin karo.

“gudigga arrimaha gudaha iyo amniga ayaa manta kulan deg deg ah isugu yeernay, waxaana ka wada hadalnay arrimaha amniga, sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa nagala soo qeyb galay, waxaana halkaasi la isku dhaafsaday warbixino ku saabsan xagga amniga” ayuu yiri Mudane Jeylaani

Mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa hoosta ka xariiqay in la isku afgartay in la dhiso guddi amni oo ka kooban labada gole, si loo dar dargeliyo arrimaha amniga, waxaana uu intaa ku daray in uu jiri doono kulan kale oo ay isugu imaanayaan gudigga cusub ee ka kooban labada gole, kuwaasi oo sii amba qaadaya arrimaha amniga iyo sida lagu xoojin karo.

Moqdisho Feebaraayo 24, 2014 Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa casho sharaf  soo dhaweyn ah loogu sameeyay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia oo uu maanta booqasho ku gaaray.

Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehlinaya wasiirka arrimaha gudaha Axmed Cilmi Cismaan, wasiirka warfaafinta Cabdiweli Indhoguran , taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland Gen. Siciid Dheere iyo hawlwadeeno ka tirsan madaxtooyadda.

Casha sharafta waxa ka soo qayb galay wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Tedros Adhanom , Safiirka Ethiopia ee Somalia Amb. Wandhimo Asaminow , safiiradda geeska Afrika iyo weliba Diblumaasiyiin Ethiopian ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa kala hadlay masuuliyiinta Ethiopia xoojinta xiriirka nabadgelyo iyo ganacsi ee u dhaxeeya labada dhinac, waxana uu la kulmi doonaa Ra’isal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Deselegn.


Addis Ababa Feebaraayo 23, 2014 Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo wafdi uu hogaaminaayey ayaa gaaray dalka Ethiopia iyadoo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalkaasi.
Madaxweyne Puntland Cabdiweli Gaas iyo wafdigii la socda ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Ethiopia, Mudane Tedros Adhanom, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ethiopia Amb. Wandhimo asaminow, Agaasimaha Hab-Maamuska Dalka Ethiopia, Wakiilka Puntland ee Ethiopia Mahad Faarax Gaas iyo Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia Axmed Cabdisalaan.
Socdaalka Ethiopia waxaa Dr. Cabdiweli Gaas ku wehelinayay wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan, Wasiirka Warfaafinta Cabdiweli Xirsi Cabdule, Taliyaha guud ee ciidamada Difaaca Puntland Sareeye Guuto Saciid Maxamed Xirsi iyo Saraakiisha Madaxtooyadda maamulka Puntland.

Addis Ababa Feebaraayo 23, 2014 Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo wafdi uu hogaaminaayey ayaa gaaray dalka Ethiopia iyadoo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalkaasi.
Madaxweyne Puntland Cabdiweli Gaas iyo wafdigii la socda ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Ethiopia, Mudane Tedros Adhanom, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ethiopia Amb. Wandhimo asaminow, Agaasimaha Hab-Maamuska Dalka Ethiopia, Wakiilka Puntland ee Ethiopia Mahad Faarax Gaas iyo Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia Axmed Cabdisalaan.
Socdaalka Ethiopia waxaa Dr. Cabdiweli Gaas ku wehelinayay wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan, Wasiirka Warfaafinta Cabdiweli Xirsi Cabdule, Taliyaha guud ee ciidamada Difaaca Puntland Sareeye Guuto Saciid Maxamed Xirsi iyo Saraakiisha Madaxtooyadda maamulka Puntland.








Photo: #Somalia: Mogadishu on Saturday February 22, 2014 Somali Police sends a condolence to the Family of Galdogob District Station Police Commander Mumin M. Mumin who was assassinated, and the assassin is one of the policeman who is now one of the most fugitives in the country. 

Please if you see or know where we can get the assassin, contact your nearest Police Station or call 888 number.

You can also contact to the Somali National Security Services for any information regarding this matter. 

Thank you all. 

Somali Police 
Communications Office 
Mogadishu, Somalia

Galdogob, February 23, 2014 Wararka  ka imaanaya degmada faca-weyn ee Goldogob ayaa sheegaya in daqiiqad ka hor halkaasi lagu dilay taliyaha saldhiga magaaladaasi Muumin Maxamed Muumin.

Dilka taliyaha oo lala dhaawacay qof kale oo rayid ah ayaa waxaa geystay mid ka mid ah ilaaladiisa gaar ah. Waxaana la aqoon sababta ka danbeysa dilkiisa oo ku kaliftay inuu mid ilaaladiisa ka mid ah dilo maanta.

Wariyaha uga soo warama warbaahinta warkii.com magaalada Goldogob ayaa sheegaya in hadda xaalka magaalada uu kacsan yahay islamarkaana uusan wax hadal ah kasoo bixin madaxda magaalada. Isagoona sheegay inuu xiriro dhowr ah la sameeyey guddoomiyaha degmada balse uu u sheegay inuu dib warbaahinta kala hadli doono.

Taliyaha la dilay iyo kan dilay ayaa waxay yihiin kuwa dad isugu dhaw marka dhanka qaraabada laga fiiriyo, waana midda aan durba jawaabta loo heli karin waxa uu ku dilay taliyaha.

Dilalka ay geystaan ilaalada una geystaan madaxda ammaanka ayaan aheyn wax ku cusub Soomaaliya, waxaana ugu danbeeyey dilkii asbuucii hore magaalada Kismaayo loogu geystay taliyihii nabadsugida Jubba Ciise Kaambooni oo uu u geystay wiil uu adeer u yahay oo lagu magacaabo Abdirahman Farxi Abdifitax Dheeg.

Tan iyo markii ay dowlada Soomaaliya burburtay 1991 ayaa madaxda waxay ilaalo ahaan u qortaan askar ku qabiilo ah kuwaasi oo ay bidayeen inay ku nabadgalayaan, hase yeeshee hadda waxaa soo cusboonaaday inay isla ilaaladii qabiilka lagu qortay dil u geystaan madaxdii qabiilka ku qoratay.

Muqdisho, February 23, 2014 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa maanta ka qaybgalay banaan-bax lagu taageerayo nabadda, loogana soo horjeedo falalka kooxaha argagaxisadda ah ay ku carqaladaynayaan nabadda iyo horumarka Soomaaliya.
Banaan-baxan oo ay soo abaabuleen haweenka gobolka Banaadir, ayaa farriin cad loogu dirayey kooxaha dhagar-qabayaasha ah ee caadaystay daadinta dhiiga dadka Soomaaliyeed, iyadoo dadkii ka soo qaybgalay ee koobnaa mas’uuliyiinta golayaasha dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ay caddeeyeen in weerarada kooxda Alshabab aanay waxba ka bedelayn go’aan dadka Soomaaliyeed ay ku doonayaan nabadda iyo horumarka.

“Waxaad muujiseen geesinimo iyo sida aad diyaar ugu tihiin inaad iska difaacdaan argagaxisada bahalka ah ee doonaya in ay damiyaan iftiinka nabadda. Kooxdan lunsan waxa ay dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ku beegsanayaan masaajidda. Xukuumaddu waa idin garab istaagaysaa xilligan aynu ku jirno halganka aynu dib ugu xaqiijinayno dowladnimadeena” sidaasi ayuu Ra’iisul Wasaare Cabdiwali u sheegay banana-baxayaasha oo xamaasad iyo wadaninimo ka muuqatay. Waxana uu hadalkiisa raaciyey

“ Haweenka Soomaaliyeed waxa ay weligood ahaayeen horseed, waxaan rabnaa in aad maantana horseed ka noqotaan is-bedelka iyo halgankan, banaan-baxan waxa uu astaan iyo bilow u yahay is-bedelka caasimadda iyo Dalka”

Wasiirka Haweenka iyo Xuuqda Aadanaha marrwo Khadiijo Maxamed Diiriyey ayaa ku baaqday in hal meel looga soo wada jeesto kooxaha nabad-diidka ah.

“ Haweenka Soomaaliyeed wax cabsi ah kama qabaan dhimsahada, nafta ayey u hurayaan dalkooda si loo helo nabad buuxda, loona soo celiyo karaamadii ummmadda Soomaaliyeed” sidaasi ayey tiri marwo Khadiijo

DHAMAAD
Photo: Muqdisho, February 23, 2014 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa maanta ka qaybgalay banaan-bax lagu taageerayo nabadda, loogana soo horjeedo falalka kooxaha argagaxisadda ah ay ku carqaladaynayaan nabadda iyo horumarka Soomaaliya.
Banaan-baxan oo ay soo abaabuleen haweenka gobolka Banaadir, ayaa farriin cad loogu dirayey kooxaha dhagar-qabayaasha ah ee caadaystay daadinta dhiiga dadka Soomaaliyeed, iyadoo dadkii ka soo qaybgalay ee koobnaa mas’uuliyiinta golayaasha dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ay caddeeyeen in weerarada kooxda Alshabab aanay waxba ka bedelayn go’aan dadka Soomaaliyeed ay ku doonayaan nabadda iyo horumarka.

“Waxaad muujiseen geesinimo iyo sida aad diyaar ugu tihiin inaad iska difaacdaan argagaxisada bahalka ah ee doonaya in ay damiyaan iftiinka nabadda. Kooxdan lunsan waxa ay dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ku beegsanayaan masaajidda. Xukuumaddu waa idin garab istaagaysaa xilligan aynu ku jirno halganka aynu dib ugu xaqiijinayno dowladnimadeena” sidaasi ayuu Ra’iisul Wasaare Cabdiwali u sheegay banana-baxayaasha oo xamaasad iyo wadaninimo ka muuqatay. Waxana uu hadalkiisa raaciyey

“ Haweenka Soomaaliyeed waxa ay weligood ahaayeen horseed, waxaan rabnaa in aad maantana horseed ka noqotaan is-bedelka iyo halgankan, banaan-baxan waxa uu astaan iyo bilow u yahay is-bedelka caasimadda iyo Dalka”

Wasiirka Haweenka iyo Xuuqda Aadanaha marrwo Khadiijo Maxamed Diiriyey ayaa ku baaqday in hal meel looga soo wada jeesto kooxaha nabad-diidka ah.

“ Haweenka Soomaaliyeed wax cabsi ah kama qabaan dhimsahada, nafta ayey u hurayaan dalkooda si loo helo nabad buuxda, loona soo celiyo karaamadii ummmadda Soomaaliyeed” sidaasi ayey tiri marwo Khadiijo

DHAMAAD

Muqdisho, 22 February 2014- Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Feederaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay,  iyadoo magaalada Muqdishana si diirran loogu soo dhaweeyay.

Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow wasiirka warfaafinta oo ka mid ahaa xubanaha wafdigii  uu hoggaaminayay R/wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta wasaaradda warfaafinta.

Wasiirka ayaa ka hadlay safarkii ay ku tageen wadamada Ethiopia, Djabuuti, Kenya iyo Uganda,  isagoo safarkaasi ku tilmaamay mid guuleed oo taariikhi ah, wuxuuna intaa ku daray in heshiis ka kooban 14 qodob uu la soo saxiixday dhiggiisa Ethiopia, wuxuuna xusay in heshiiskaasi la horgeyndoono golaha wasiirrada kadibna Baarlamanka.

Dhinaca kale wasiirka ayaa tilmaamay inuu wadahadal magaalada Jabuuti kula qaatay dhiggiisa dalka Jabuuti,  isagoo hoosta ka xariiqay inuu jiri doono safar kale oo isaga iyo mas’uuliyiinta wasaaradda ay ku tegidoonaan dalkaasi si halkaasi looga furo Studio cusub oo SNTV ah.

Wasiirka ayaa ku dhiirigeliyay bahda saxaafadda iney ka shaqeeyaan horumarinta dalka iyo dadka kana fogaadaan wax kastoo abuuri kala dhibaato

Muqdisho, 22 February 2014Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda 44 aad ee ka soo wareeegatay maalintii la aas-aasay Ciidamadda Asluubta Soomaaliyeed oo maanta lagu qabtay xarunta Taliska Ciidamadda Asluubta ee magaaladda Muqdisho.

Munaasabadda Waxaa goob joogka ahaa, Wasiirka Dastuurka iyo Cadaaladda Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdulaahi Goodax Barre, Taliyayaasha Ciidamadda Asluubta, Nabad Sugidda iyo Xooga Dalka.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Faarax Sheekh Cabdullaqaadir ayaa ugu horreyntii hambalyo u diray dhammaan Saraakiisha, Saraakiil Xigeenadda, askarta iyo Qoysaskooda ” Ciidamadda Asluubta waa kuwa dhaqan-celin u sameeya maxaabiista, waxeyna ka hortagaan dhaqamadda xun xun, dhawaanna howlahooda aad ayey u soo muuqan doonaan”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore u hambalyeyey dhammaan Ciidamadda Asluubta iyo Qoysaskooda “Hambalyo ayaan leeyahay dhammmaan Taliyayaasha, Ciidamadda, Carruurtooda iyo Xasaskooda, maanta waxay ka mid tahay maalmaha aadka noogu weyn. Dowladdu waxey ahmiyad gaar ah siineysaa dib-u-habeynta Garsoorka oo muhiim u ah caddaaladda, sinnaanta iyo xaquuqul insaanka. Maxaabiistana waxaan ku dadaaleynaa inay helaan tasiilaadkii muhiimka u ahaa, si ay u noqdaan kuwa ka waantooba danbiyada isla markaana ka faa’iiseysta fursada dhaqancelitna ee dowladdu u fidineyso.”

“Dhiiranaan dheeri ah ayey igelineysaa in aan maanta arko Ciidamadda Asluubta oo Sannad Guuradooda u dabaal degaya, Waxaa la idinka baahan yahay waajibkii caadiga ahaa ee idin sarnaa iyo kuwa dheeri ah oo ay keeneen daruufaha dalka ku jira ee uu Amnigu ugu horeeyo, Ciidamadda Asluubta waa hal-bowlaha Garsoorka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo hadalo dhiiro-gelin ah u jeediyey Ciidamadda ayaa yiri “Waxaan dareemayaa isku day ka turjimaya balanteenii ahayd marka hore wixii aan qabsan karno aan qabsano kaddibna waxii aan kari weyno aan dalbano, Soomaaliya Soomaali baa leh, oo waxaa nalaga sugayaa inaan daruufahan adag dalka ka saarno innagoo isku duuban.”

Muqdisho, 22 February 2014-

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Ugu horeyn, waxaan dhaleecaynayaa weerarka iyo xasuuqa waxashnimadaa ee ay kuwa nabad-diidka ah ku qaadeen xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Kadib, waxaan u tacsiyaynayaa dhamaan qoysaskii iyo eheladii saraakiisaha dowladda iyo dadkii rayidka ahaa ee gacanta ka xaqdaran ku dishay ayagoo goob cibaado ku sugan. Waxaana u rayaynayaa inuu illaahay abaalkooda ka dhigo kuwo janadii ku waara.

Waxaa si gaar ah ii taabatay mar labaadna aan ka tacsiyaynayaa geerida Marxuum Maxamuud Xirsi Cabdille oo si hagar la’aan ah iila shaqeeyay mudaddii aan xilka Ra’iisul Wasaare ee dalka hayay. Maxamuud  ayuu hadalkiisa ku daray  mudane C/di Faarax Shirdoon Saacid, isagoo intaa ku daray in w uu ahaa agaasimihii guud ee xafiiska Ra’iisul Wasaraha tan iyo bishii Janaayo 2013.

Ugu dambayntii, waxaan sidoo kale tacsi gaar ah u dirayaa  Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, iyo kuwa AMISOM gaar ahaan Walaalaha Jabuuti iyo Ugandha. Waxaana uga tacsiyeeyay khasaarihii soo gaaray mudadii ay kuwa nabad diidka ah la dagaalamayeen ayaga oo sugaya  amniga dalka.

                                                       —DHAMAAD—

Moqdisho Feebaraayo 22, 2014  Kulanka golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu bilowday galinkii hore ee maanta  waxaana  uu socday ilaa caawa fiidkii, iyadoo looga hadlayay gabi ahaan shirkaasi ammaanka Qaranka Soomaaliya.

Kulanka  waxaa  shir guddoominayay  Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed , kulanka oo saacado badan qaatay ayaa looga dooday arrimo ay ugu muhiimsanaayeen weerarkii dhicisoobay oo maleeshiyaadka Al Shabaab  ay ka geysteen dhabarka dambe ee aqalka madaxtooyada Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Jeneral Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa markii uu kulanka   soo gabagabooday kaddib la hadlay warfidiyeennada, isagoo  sheegay  in muhiimadda kulanka uu ahaa ka hadalka amniga, islamarkaana ay ka soo saareen saddex qodob.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay  in golaha wasiirrada ay magacaabeen guddi heer wasiir oo baaritaanno ku sameeya dhacdadii argagaxisanimo ee ka dhacday magaalada Muqdisho iyo in la qaado tallaabo amniga oo deg deg ah.

Kulankani  ayaa ah mid muhiim ah, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka jawaabeyso ficillada argagaxisada ay la damacsan yihiin Ummadda Soomaaliyeed, waxaana maalmaha soo socda  la filayaa in uu soo xoogeysto isbadelka amni ee laga dareemayo Magaalada Muqdisho, maadaama si weyn ay feejignaan dheeri ah  u muujinayaan ciidammada dowladda Soomaaliya meelaha qaarna ay ka socdaan howlgallo ballaaran.

Sabti 22 February, Garowe:  Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xarunta Madaxtooyadda kulan dhaqaale uruurrin ah kula yeeshay qaar ka mid ah culimada iyo ganacsatada.

Buundada Sunijiif oo shaqadu ka socoto, dhowaana guddi uu Madaxweynaha Galmudug u saaray ayaa kulankan looga arrinsanayay sidii culimada iyo ganacsatadu gacan wada jir uga gaysan lahaayeen dhismaheeda.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar ayaa isna joogay oo ay wehelinayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Cismaan iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Hawlaha guud Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

Culimada Puntland ayaa balanqaaday inay u istaagi doonan sidii dhaqaale ugu uruurrin lahaayeen buundada oo ay ku tilmaameen ficil khayr oo Alle loogu dhowaanayo, madaama uu soo hoos galayo danta iyo maslaxadda guud ee umadda.

Sidoo kale Ganacsatadu dhankooda waxay balanqaadeen madaxda Puntland inay ka qayb qaadaan doonaan dhismaha buundadan biyuhu gooyeen dhamadkii sanadkii tegay, iyagoo sidoo kalena intaa raaciyay inay diyaar u yihiin taageero ay maamulka Puntland la garab taaganyihiin.

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo soo xiray kulanka ayaa uga mahadceliyay Culimada iyo Ganacsatada sida ay ugu heelanyihiin horumarka dalkooda, isagoo ku daray baahida loo qabo in la mideeyo markasta dadaallada si loo gaaro horumarka la tiigsanayo.

-DHAMAAD-

Xafiiska Warfaafinta

Madaxtooyada Puntland.

Moqdisho Feebaraayo 21, 2014 Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar naf lacaarinimo ah oo ay Argagixisadu isku dayeen in ay ku soo qaadaan xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo ay ciidammada Qaranka fashiliyeen maanta.

“maleeshiyaad naf lacaarfi ah oo nabad diidka ka tirsan ayaa Qarax fashilmay ka geystay dhabarka dambe ee ilinka madaxtooyada, hasa yeeshee ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa khaarajiyey dhammaan maleeshiyaadkii falkaasi ku kacay, xaaladda hadda aad ayeey u degan tahay, shacabka Soomaaliyeed waxaa ugu baaqayaa in ay isdajiyaan isla markaana ay gacan siiyaan ciidammada amniga Qaranka Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka Amniga Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho.

Wasiirku  waxa uu sheegay  in ciidammada Military-ga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ilaalada ka ah madaxtooyada Soomaaliya in  ay si adag uga hortageen malleeshiyaad kooban oo Al-Shabaab ka tirsan, kuwaas oo uu sheegay in ay damabacsanaayeen argagixinta madaxtooyada.

Sidoo kale wasiirka Amniga Qaranka ayaa xusay in ciidammada dowladda ay gacanta ku dhigeen maleeshiyaad ka mid ah kuwii weerarka soo qaaday, halka kuwa kalena ay ciidammadu dileen, waxa  ayna shaqaaqadaasi  ka dhacdayna waa dhabarka dambe ee xiga wada 15 May ee degmada Boondheere.

Dhanka kale xaaladda guud ahaan aagga uu ka dhacay qaraxa ay ka hortageen ciidammada dowladda Soomaaliya ee madaxtooyada ayaa degan, ciidammada dowladda Soomaaliyaa wada howl-gallo ballaaran, sidoo kale waxaa jira ciidammo dheeri ah oo waddooyinka caasimadda ee Muqdisho ka wada baaritaanno xooggan oo lagu xaqiijinayo ammaanka magaaalada Muqdisho.

Nairobi Feebaraayo 21, 2014  Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta kormeer ku tegay xafiiska Telefishinka Qaranka uu ku leeyahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Ameeriko, waxaana uu Wasiirku kulan la qaatay howlwadeenada xarunta SNTV ee Nairobi.

Agaasimaha xafiiska telefishinka qaranka ee dalka Kenya Cilmi Maxamed Waare ayaa warbixin ka siiyay wasiirka warfaafinta xaaladaha ay ku shaqeeyaan shaqaalaha xafiiska iyo baahida xafiiska.

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa howlwadeenada xafiiska Telefishinka Qaranka ee Dalka Kenya uga mahad celiayay howsha ay hayaan,isagoo  sheegay in wax laga qaban doono baahiyaha iyo caqabadaha haysta, waxana uu ku booriyay inay sii labo jibaaraan howlaha ay bulshada u hayaan.


Moqdisho Feebaraayo 21, 2014 Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa maanta si kulul u cambaareeyay iskudaygii fashilmay ee maleeshiyada Al-Shabaab ay ku doonayeen inay ku waxyeeleeyaan dad rayid ah, isagoo falkaasi ku tilmaamay falkaasi mid fuleynimo ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nickolas Kay ayaa lagu yiri “Tani waa dhaxdin kale iyo ficil dambiyeed aan wanaagsaneyn, islamarkaana aan qasaare badan geysanin, balse shacabka lagu qal qal gelinayo. waxaana markii aan la hadlay Madaxweynaha Soomaaliya, kaddib aan uga tacsiyadeeyay dadkii rayidka ahaa ee ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxa”

“Shacabka Soomaaliyeed way ka daaleen toogasho, isqarxin iyo dilka, waxaana la gaaray waqtigii horumarka laga shaqeyn lahaa, mana ogaalan doono in uu dib u dhac nagu yimaado marxaladda iminka lagu jiro awgeed, ayuu yiri Mr Kay, isagoo hambalyo u diray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM oo ku guuleystay in ay fashiliyaan iskudaygii ay damacsanaayeen maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab.

“Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka waxa ay ku dadaallayaan ka shaqeynta horumarka Soomaaliya, garab istaagidda iyo in ay sii wadayaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya, si loo gaaro xasilooni waarta” ayuu Mr Kay hadalkiisa ku daray.

Moqdisho Feebaraayo 21, 2014 Barnaamijka kulanka todobaadka oo ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka ayaa todobaadkan looga hadlay qorshaha la doonayo in maleeshiyaadka Shabaab looga xoreeyo guud ahaan dalkeenna oo dhan.

Barnaamijka ayaa waxaa marti ku ahaa Col. Cali Aadan Xumad Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika,  wuxuuna sharaxaad ka bixiyay qorshaha ciidamada AMISOM ee ku wajahan sidii dalka looga saari lahaa malleeshiyaadka Shabaab,  isagoo xusay in AMISOM ay u diyaarsantahay meel marinta qorshaha dowladda ee ah sidii dalka looga xoreyn lahaa Shabaab.

Intii uu socday barnaamijka ayaa waxaa uu afhayeenku su’aalo uga jawaabay dhageystayaal kala duwan oo ku kala sugan dalka iyo dibadda, isagoo wax badan sharaxay nidaamka iyo sharciga ay ku shaqeyso AMISOM iyo qaabka ay u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Afhayeenka ayaa sheegay in AMISOM ay sii wadi doontaa taageerada ummadda Soomaaliyeed tan iyo inta Soomaaliya laga dhigayo nabad ah oo ka caaggan argagixisada, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay iney shabaab dalka ka xoreyndoonaan ciidamada AMISOM iyo ciidamada XDS oo iskaashanaya.

Puntland Feebaraayo 20, 2014 Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta xariga ka jaray wadada Islaan Maxamed oo qayb ka ah wadooyinka waawayn ee ku yaala Magaalaada Garowe .

Waxaa madaxwaynaha Puntland Xarig jarkaasi kala qayb galay qaar kamid ah gollaha wasiirada Puntland,mamulka Gobalka Nugaal,kan degmada Garowe iyo madaxda mashruuca JPLG ee Somaliya.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Gaas oo kullankaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in wadadaan laamiga noqotay loogu magac daro Allaha u naxariistee Islaan Maxamed Islaan Muuse oo ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland






Photo: Moqdisho Khamiis Feebaraayo 20, 2014 Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shirkoodii caadiga ahaa maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana shirkan looga hadlay arrimo badan oo quseeya xaalada dalka, iyadoo Wasaaradaha Xukuumada ay soo gudbiyeen qorshe howleedkooda.

Shirka Golaha Wasiirada oo uu shir gudoominayay Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir ayaa ugu horeyn warbixino ka soo jeediyay qaar ka mid ah Wasiirada oo soo gudbiyay qorshe howleedkooda.

Sidoo kale waxaa shirka waxaa wasaarada Maaliyada ay soo bandhigtay qaabkii canshuuraadka berriga loo qaadi lahaa, waxaana dood dheer kadib la isla gartay in dib loogu celiyo, si mar kale Goluhu uga sii doodo, una ansixiyo.

Wasaarada Shaqada iyo shaqaalaha ayaa soo bandhigtay tirada shaqaalaha rayidka, waxaana qaar ka mid ah wasaaradaha ay soo jeediyeen in tirade shaqaalaha wasaaradaha u diiwaan geshan ay aad u tira badan yihiin, ayna soo shaqo tagto tiro aad u yar.

Goluhu ayaa waxaa uu kaloo guda galay ka doodista xaaladihii amniga dalka, waxaana uu bogaadiyay howl galada ciidamada amnigu wadaan iyo dadaalada lagu xasiliyo dalka oo meel wanaagsan maraya.

Ugu dambeyn Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Mudane Faarax C/qaadir ayaa soo jeediyay in qorshe howleedka ay soo bandhigeen wasaarada loo saaro gudi farsamo oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, si ay isku waafajiyaan qorshihii xukuumada ee uu Ra’iisul Wasaaraha ka horjeediyay Baarlamaanka.

Moqdisho Khamiis Feebaraayo 20, 2014 Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shirkoodii caadiga ahaa maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana shirkan looga hadlay arrimo badan oo quseeya xaalada dalka, iyadoo Wasaaradaha Xukuumada ay soo gudbiyeen qorshe howleedkooda.

Shirka Golaha Wasiirada oo uu shir gudoominayay Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir ayaa ugu horeyn warbixino ka soo jeediyay qaar ka mid ah Wasiirada oo soo gudbiyay qorshe howleedkooda.

Sidoo kale waxaa shirka waxaa wasaarada Maaliyada ay soo bandhigtay qaabkii canshuuraadka berriga loo qaadi lahaa, waxaana dood dheer kadib la isla gartay in dib loogu celiyo, si mar kale Goluhu uga sii doodo, una ansixiyo.

Wasaarada Shaqada iyo shaqaalaha ayaa soo bandhigtay tirada shaqaalaha rayidka, waxaana qaar ka mid ah wasaaradaha ay soo jeediyeen in tirade shaqaalaha wasaaradaha u diiwaan geshan ay aad u tira badan yihiin, ayna soo shaqo tagto tiro aad u yar.

Goluhu ayaa waxaa uu kaloo guda galay ka doodista xaaladihii amniga dalka, waxaana uu bogaadiyay howl galada ciidamada amnigu wadaan iyo dadaalada lagu xasiliyo dalka oo meel wanaagsan maraya.

Ugu dambeyn Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Mudane Faarax C/qaadir ayaa soo jeediyay in qorshe howleedka ay soo bandhigeen wasaarada loo saaro gudi farsamo oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, si ay isku waafajiyaan qorshihii xukuumada ee uu Ra’iisul Wasaaraha ka horjeediyay Baarlamaanka.
Kampala Feebaraayo 20, 2014Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo xalay soo gaaray magaalada Kampala ee dalak Uganda oo booqasho rasmi ah uu ka helay ayaa la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka dalka Brundi Mudane Gervais Rufyikiri. Labada Mas’uul ayaa ka hadlay sidii xiriir dhow iyo iskaashi ay u wada wadaagi lahaayeen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka warbixiyay kaalinta ciidnaka AMISOM iyo horumarka ka muuqda Soomaaliya oo kasoo kabanaya burbur xoog badan. Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu uu sheegay in ay u qorshaysan tahay in dhowaan ay ka guulaystaan kooxaha Nabad-diidka ah.

“Burundi waxaa ay qayb weyn ka qaadatay xasiloonida Soomaaliya, labada dal  waxaa ay sii xoojinayaan xiriirka u dhexeeya , waxaana aan iska kaashan doonnaa dib u dhiska hay’adaha dawladda. Burundi waa dal ay soo mareen dhibaatooyin dagaal, waxyaabo badan ayaan ka sheekaysanay oo ay kamid tahay dhibaatooyinkii dalkaasi ka dhacay iyo sida ay hogaamiyayaashu ugu guulasteen in xal loo helo nabadda, korna loo qaado isku xirka shacabka iyo dawladda si kor loogu qaado adeegyada bulshadu ay u baahantahay.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay horumarka ay Somalia ku talaabsatay, dalka Burundi waxaa uu  gacan ka gaysan doonaa sidii Soomaaliya ay uga dhalan lahayd xasilooni, dib-u-dhis loogu samayn lahaa hay’adaha dawladda iyo horumar laga gaaro dhanka adeegyada bulshada .” Ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka dalka Burundi Mudane Gervais Rufyikiri.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay soo gaaray magaalada Kampla , waxaana uu maanta la kulmi doona Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yuweri Museveni iyo mas’uuliyiinta kale ee dalka Uganda oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta danaha ka dhexeeya labada dawladood.

-DHAMAAD-

Moqdisho Feebaraayo 20, 2014 Dood cilmiyeed uu soo qaban qaabiyay urur lagu magacaabo Fagaaraha islamarkaana ay kaqeyb galeen mas’uuliyiin uu ka midyahay Wasiirka dhallinyarada iyo Isboortiga dalka Mudane Khaalid Cumar Cali, Xildhibaanno, qaar ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan gobolka iyo kuwa wax ka barta Jaamacadaha dalka ayaa looga hadlay doorka dhalinyarada ay ka qaadan karto dib u dhiska dalka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa ay ka qeyb galayaasha uga doodeen sida ugu fudud ee ay dhalinyarada uga qeyb qaadan karaan dib u dhiska iyo la shaqeynta hay’adaha dowladda, iyadoo halkaasi la isku dhaafsaday aaraah ku qotonta doorka dhalinyarada ee dib u dhiska dalka.

Sadiiq Warfaa Agaasimaha ururka Fagaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ururkooda uu ka shaqeeyo wahadal si loo helo isfaham wanaagsan oo wax dhisaysa, isagoo xusay in u jeeddada kulanka uu yahay sidii dhalinyarada ay uga qayb qaadan lahaayeen doorka kaga aadan dib u dhiska dalkooda.

Qaar ka mid ah dhalinyarada oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay dhankooda diyaar u yihiin la shaqeynta dowladda iyo dib u dhiska dalkooda.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo isna kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in kulamada nuucaani oo kale ah ay yihiin kuwa door fiican ka qaadan karta sidii dhalinta loogu baraarujin lahaa ka qeyb galka horumarinta iyo dib u dhiska dalka

Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Khaalid Cumar Cali ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay dhiiri gelineyso kulumada nuucaani oo kale ah, waxaana uu dhalinyarada kula dar daarmay inay noqdaan kuwa u istaagga dhismaha dalka.

Kulanka ayaa ah kii 9aad oo ay qabtaan ururka Fagaaraha, kaasi oo ka mid ah ururrada u dhaq dhaqaaqa horumarinta dalka iyo sidii dadka loogu wacyi gelin lahaa in ay qeyb lixaad leh ka qaataan horumarka dalkooda.

Moqdisho Feebaraayo 20, 2014 Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Mudane Ceydiid Cabdulaahi Ilkaxanaf ayaa waxaa uu  magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya uu  kulamo kala duwan kula yeeshay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Kenya Mr. Willy Mantunga, Sarakiil ka socotay Qaramada Midoway iyo kuwa ka socday UK.

Ugu horeen waxay ay ka wada halayn Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Kenya  qodobadan tababarka iyo dib udhiska Garsoorka, sidoo kale iska kaashiga Danbiyada Caalamiga ah iyo kuwa Heerka Gobol (Burcad Badeedda, Isdaba marinta Lacagaha iyo Argagixisada).

Labada Dowladood Oo isaga mid ah madaxbanaanida Garsoorka ayaa waxa ay iskaashi buuxda ka sameyn doonaan sida loo wajahayo danbiyada lidiga ku ah wadamada geeska Afrika oo ay ugu horeyso la dagaallanka argagaxisada.

Sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Abuukaate Ceydiid C/laahi Ilkaxanaf ayaa waxa uu kulamo kula qaatay Dalka Kenya.Hay’ado ka socda Qaramada Midoobay oo ay ka mid yihiin UNDP, IDLO, iyo Saraakiil ka socda safaarada Britain,  iyadoo kulamadaasi lagaga hadlay qodobadan hoos ku xusan.

1.   Dib u dhiska Maxkamaddaha Dalka.

2.   Tababarka iyo Tayeynta aqoonta Garsoorayaasha dalka.

3.   Iyo in la joogteeyo Tababarada Garsoorka.


Dowladda Soomaaliya's photo.
Dowladda Soomaaliya's photo.


Moqdisho Feebaraayo 20, 2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaatay wafdi ka socday Dowladda UK oo uu ka mid ahaa Tony Baldry MP oo xildhibaan ka ah UK. Waxaana goob joog ahaa Safiirada labada dal Neil Wigan iyo Cabdullahi Simbaloolshe. Madaxweynaha ayaa yiri “UK waxan uga mahadcelineynaa hormuudkooda wanaagsan “

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore uga mahad-celiyey Mudanaha booqashaduu uu ku yimid Soomaaliya yirina “aad ayaan uga mahad-celinayaa booqashada Xildhibaanka waxay muujineysaa xirriirka dhow ee ka dhaxeeya labadda Dowladood iyo labada shacab”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala hadlay wafdiga ka socday Dowladda Ingiriiska xiriirka labada dal, islamarkaana warbixin kooban ka siiyey xaalada dalka iyo qorsheyaasha ay dowladdu hiigsaneyso sanooyinka soo socda. Madaxweynaha ayaa yiri “Dowladda Inagriiska waxay ka mid tahay Dowladaha teegeerada la garab-taagan Dowladda Somaaliyeed, waxayna diyaar la yihiin in ay sii wadaan, aad ayuuna u siixoogeysanayaa xirriirka nalaga dhaxeeya Dowladda Inagriiska.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sidoo kale kulanka looga hadlay iskaashiga labadda Dowladdood iyo sidii dowladda Inagriiska ay kaalin buuxda uga qaadan lahayd mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Dowladda UK inay safaaradeedu ka howlgashay Muqdisho.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in Dowladdu ay juhdi xoog leh ku bixineyso xoojinta xirriirka ay la leedahay wadamadda Caalamka iyo xasilinta dalka.

-DAHMAAD-

Moqdisho Feebaraayo 20, 2014 Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa maanta ka qeybgashay munaasabad lagu soo dhaweynayay oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda lagu taageerayay waxyaabihii u qabsoomay Wasiirka Wasaaradda Haweenka gaar ahaan heshiisyada lagu horumarinayo dumarka iyo carruurta Soomaaliyeed oo ay dhawaan la gashay hay’adaha Turkiga u qaabilsan horumarinta Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay xarunta Degmada Warta Nabadda, kaasi oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanno, ururrada Haweenka Qaranka iyo Kan Gobolka iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Deeqo C/qaadir oo soo qaban qaabisay munaasabadda soo dhaweynta ah ayaa sheegtay in shacabka iyo maamulka degmada ay aad ugu riyaaqsanyihiin howsha ay bulshada Soomaaliyeed u hayso Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo ah guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka oo kulanka soo dhaweynta ah ka hadashay ayaa ku boorisay haweenka Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii Wasiirka Wasaaradda Haweenka ay gacan ugu siin lahaayeen howlaha ay u hayso bulshada.

Sidoo kale Guddoomiyaha ururka Haweenka ee Gobolka Benaadir Jawaahir Baarqab ayaa hoosta ka xariiqday in ay soo dhaweynayaan tallaaboyinka lagu horumarinayo dumarka iyo carruurta Soomaaliyeed.

Xildhibaan Caasho Maxamuud Cali Caasho Koos ayaa sheegtay in waxqabadka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye uu yahay mid ay soo dhaweynayaan, islamarkaana Xildhibaannada haweenka ku jira ay diyaar la yihiin sidii ay gacan ugu siin lahaayeen howlaha ay u hayso shacabka.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa uga mahadcelisay Maamulka Degmada Warta Nabadda sida diiran oo ay soo u agaasimeen munaasabadda lagu soo dhaweynayo, waxaana ay intaa ku dartay in ay sii joogteyn doonto heshiisyada wax ku oolka ah ee waxtarka u leh bulshada.

“Tani waa bilaw waxaan kaloo qorsheynaynaa in aan hay’ado kale la saxiixano heshiisyo lagu horimarinayo haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed, guusha ugu horeysa waxa ay tahay 50,000 (konton kun) oo qoys in la gar gaar loo fidiyo, gaar ahaan in Jimco walbo 100 qoys, gar gaar la siiyo, in aan bilawno heshiisyo xagga horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka” ayay tiri Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Fanaaniinta kooxda Iftin ayaa halkaasi ku soo bandhigtay suugaan ay kaga hadlayaan waxqabadka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha.

 

Dowladda Soomaaliya's photo.
Dowladda Soomaaliya's photo.






Nairobi Arbaco Feebaraayo 19, 2014 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay maanta Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya Mudane William Ruto, waxaa labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Kenya,

Dalka Kenya oo Soomaali badan xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeyo labada Dowladood sow lama dhihi karo Soomaalida badan Ganacsiga baaxadda weyn ku leh dalkaasi ayay sii xoojin kartaa ?








Photo: Jabuuti, 17/02/2014 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo booqasho rasmi ah maalintii labaad ku jooga dalka Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, iyadoo uu kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo waxyaabaha u qorshaysan Xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyay dawladda Jabuuti dadaalkeeda aan kala joogsiga lahayn ee markasta ay u taagan tahay si Soomaaliya ay uga soo kabato burburka xoogan ee soo gaaray. Waxaa Ra’iisul Wasaare Cabdiweli uu ka warbixiyay xaaladda ammaanka dalka Soomaaliya iyo qorshaha ay Xukuumaddiisu ku doonayso in ay dalka uga xorayso kooxaha nabad-diidka ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa noo qorshaysan in aan ka guulaysano kooxaha nabad-diidka ah, waxaan kaashan doonnaa ciidanka AMISOM oo Jabuuti ay kamid tahay. Marka aan dib u xorayno dalka waxaan ka shaqayn doonnaa in shacabka ku nool magaalooyinkaasi ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin oo dhamaystiran.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay dawladdiisu in ay tahay mid isbadal muujin doonta, lagana gudbi doono dhamaan caqabadaha jira.

“Soomaaliya dhibaatooyin badan ayay soo martay, waxaa qayb ka ah dhibaatooyinkaasi faqriga. Waxaan markasta kala qayb qaadanaynaa walaalaha Soomaaliyeed sidii ay sharaftooda usoo ceshan lahaayeen, loogana guulaysan lahaa kuwa dhibaatada ku haya dadka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, waxaana uu intaasi ku daray in uu rajjo weyn ka qabo in Soomaaliya ay ku socoto dariiqii saxda ahaa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale maanta la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Jabuuti Mudane Cabdiqaair Kaamil Maxamed oo ay ka wada hadleen fursadaha ay haystaan dadka Soomaaliyeed iyo ahmiyadda ay leedahay in amaanka la sugo si looga faa’iidaysto khayraadka Soomaaliya. Waxaa kaloo ay ka wada hadleen xooojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay qaar kamid ah dakadaha dalka Jabuuti ee hormarka weyn muujiyay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay dalka Jabuuti horumarka ay ka samaynayaan dhanka dakadaha casriga, dalka Soomaaliyana ay wax badan ka faa’iidaysan doonto.

Ugu danbayntii waxaa Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo ay weheliyaan Wasiirka Arimaha Dibadda ee Jabuuti iyo Wasiirka difaaca ay qado sharaf u sameeyeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Xubnaha Golaha Wasiirada ee la socda Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

-DHAMAAD-
Jabuuti, 17/02/2014 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo booqasho rasmi ah maalintii labaad ku jooga dalka Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, iyadoo uu kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo waxyaabaha u qorshaysan Xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyay dawladda Jabuuti dadaalkeeda aan kala joogsiga lahayn ee markasta ay u taagan tahay si Soomaaliya ay uga soo kabato burburka xoogan ee soo gaaray. Waxaa Ra’iisul Wasaare Cabdiweli uu ka warbixiyay xaaladda ammaanka dalka Soomaaliya iyo qorshaha ay Xukuumaddiisu ku doonayso in ay dalka uga xorayso kooxaha nabad-diidka ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa noo qorshaysan in aan ka guulaysano kooxaha nabad-diidka ah, waxaan kaashan doonnaa ciidanka AMISOM oo Jabuuti ay kamid tahay. Marka aan dib u xorayno dalka waxaan ka shaqayn doonnaa in shacabka ku nool magaalooyinkaasi ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin oo dhamaystiran.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay dawladdiisu in ay tahay mid isbadal muujin doonta, lagana gudbi doono dhamaan caqabadaha jira.

“Soomaaliya dhibaatooyin badan ayay soo martay, waxaa qayb ka ah dhibaatooyinkaasi faqriga. Waxaan markasta kala qayb qaadanaynaa walaalaha Soomaaliyeed sidii ay sharaftooda usoo ceshan lahaayeen, loogana guulaysan lahaa kuwa dhibaatada ku haya dadka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, waxaana uu intaasi ku daray in uu rajjo weyn ka qabo in Soomaaliya ay ku socoto dariiqii saxda ahaa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale maanta la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Jabuuti Mudane Cabdiqaair Kaamil Maxamed oo ay ka wada hadleen fursadaha ay haystaan dadka Soomaaliyeed iyo ahmiyadda ay leedahay in amaanka la sugo si looga faa’iidaysto khayraadka Soomaaliya. Waxaa kaloo ay ka wada hadleen xooojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay qaar kamid ah dakadaha dalka Jabuuti ee hormarka weyn muujiyay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay dalka Jabuuti horumarka ay ka samaynayaan dhanka dakadaha casriga, dalka Soomaaliyana ay wax badan ka faa’iidaysan doonto.

Ugu danbayntii waxaa Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo ay weheliyaan Wasiirka Arimaha Dibadda ee Jabuuti iyo Wasiirka difaaca ay qado sharaf u sameeyeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Xubnaha Golaha Wasiirada ee la socda Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

-DHAMAAD-

Tehran Isniin Feebaraayo 17, 2014
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa magaalada Tehran kulan kula qaatay dhigiisa dalka Dr Iiran Ali Larijani ayadoo kulankanna ay labada Gudoomiye kaga wada hadleen iskaashiga iyo wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Iiraan.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalkan Iiraan oo ku yaala magaalada Tehran ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka kala socday Baarlamaannada Soomaaliya iyo Iiraan iyo sidoo kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tehran Danjire Khaliif Kadiye Muuse waxaana kulanka uu qaatay ku dhowaad mudo saacad ah.

Ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Iiraan Dr Ali Larijani oo kulanka hadal kooban ka jeediyey ayaa aad u ammaanay hormarrada uu ku talaabsaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya gaar ahaanna sida hufan ee uu Baarlamaanku hormuudka uga ahaa isbedelka siyasaadeed ee hada ka jira Soomaaliya waxaana uu ballan qaaday inay Baarlamaan ahaan si aad ah mar walba u garab taaganyihiin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka markii uusoo gebageboobay kadib faah faahin ka bixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen iney muhiim u aheyd wadashaqeyn joogta ah sidii ay u yeelan lahaayeen iyo sidii uu Baarlamaanka Iiraan uga taageeri lahaa Baarlamaanka Soomaaliya tayeynta howlaha Baarlamaanka, aqoon kororsi iyo qibrad is weeydaarsi labada Baarlamaan dhexmara,taageerro dhinaca caafimaadka ah iyo tababarro la siiyo shaqaalaha Baarlamaanka Soomaaliya taasi oo uu xusay in Dr Ali Larijani uu ballan qaaday.

Intii kulanka uu socday Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu casuumad u fidiyey dhigiisa dalka Iiran taasi oo ku saabsan inuu yimaado magaalada Muqdisho taasina waa uu ballan qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiran Dr Ali Larijani inuu imaan doono xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah hormarrada guud ee uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka sameynayey mudooyinkan hormarka dhanka iskaashi ee Baarlamaannada caalamka, dhinaca kalena Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya saacadaha soo socda waxa uu Tehran kula kulmi doonaa Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada qaar ka mid ah dalalka Islaamka oo iyagu Tehran u yimid ka qeybgalka shirweynaha 9aad ee Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka ee OIC.
Dowladda Soomaaliya's photo.
Dowladda Soomaaliya's photo.
Dowladda Soomaaliya's photo.









: Moqdisho Axad Feebaraayo 16, 2014 Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud iyo wafdigiisa oo dalka ku soo laabtay meeshaasoo oo uu guddomiyaha Golaha Shacabka iyo madax kale duwan ay ku soo dhaweeyeen. Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud waxuu Ummadda Soomaaliyeed ku wargeliyey inay iska-jiraan hay'adaha iyo dadka raba inay burburto Dowladda Soomaaliya si ay u sii boobaan hantida Ummadda Soomaaliyeed. Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud oo caddeeyey inay wax badan iska beddeli doonaan amniga dalka sida ugu degdegta badan ayaa sheegay inay fiican tahay sidii ay Ummadda Soomaaliyeed uga wadashaqayn lahaayeen amniga dalka.

Moqdisho Axad Feebaraayo 16, 2014 Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud iyo wafdigiisa oo ku soo wajahan dalka kadib markii uu safar ku aaday dalka aanu walaalaha nahay ee Turki meeshaas oo uu la kulmay madaxda dalkaas kuwaasoo si wayn u faaciyey Ummadda Soomaaliyeed kadib markii ay caalamla dhagaha ka furaysteen inay u gargaaraan Ummadda Soomaaliyeed ee ay abaaruhu aafeeyeen.

Moqdisho Axad Feebaraayo 16, 2014  R/wasaaraha Soomaaliya C/wali Shiikh Axmed Maxamed, iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahaan ku sugnaay magaalada Addis-Ababa ee Dalka Ethiopia, ayaa lagu wadaa ineey saakay u duulaan Dalka Jabuuti.

Afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji C/wali ayaa sheegay in Wafdiga R/wasaaraha iminka ay u diyaar garoobeen safar ay ku tagayaan dalka Jabuuti isla markaana maanta galinka hore ay halkaas gaari doonaan.

Ugu danbeyntii R/wasaaraha ayaa la sheegay in Dowladda Jabuuti uu kala hadli doono inta uu joogo arimo badan oo ku saabsan in labada Dowladood ay iska kaashadaan dhanka ammaanka iyo dhib u dhiska dalka Somalia iyo arimo baddan.

: Moqdisho Axad Feebaraayo 16, 2014  Munaasabadaan loogu dabaaldegayay sanadguuradii 54aad ee kasoo wareeggtay markii la aas aasay ciidanka cirka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Xerada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalay munaasabadda Wasiirka gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Daahir Aaden Cilmi, Abaanduulaha ciidanka Sareeyo Guuto C/risaaq khaliif Cilmi ,Agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha ciidanka badda Admiral Madeey Nuur ,Taliyaha ciidanka cirka Sareeyo Guuto Maxamuud Sheekh Cali “Dable Baylood” iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Moqdisho Axad Feebaraayo 16, 2014 Ku-simaha Madaxweynaha ahna Afhayeenka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa maanta hambalyo ku aaddan xuska sannadka guurada 54aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidamada Cirka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” oo la hadlayey Warbaahinta Qaranka ayaa  sheegay in isaga oo ku hadlaya magaca dowladda iyo kan shacabka uu hambalyo iyo bogaadin u dirayo ciidamada cirka Soomaaliya, waxaana uu sanadkaan sanadkiisa kale u rajeeyay inay ku gaaraan horumar iyo baraare.


Photo: #Somalia: Mogadishu on Saturday February 15, 2014 Somali Chief of Armed Forces General Dahir Adan said clearly that the UN for Somalia wrote a forgery report to swindle more money on behalf of Somalia. 

Surely, the UN for Somalia has been swindling on phony projects in Somalia since 1991 until now, and there has not been any transparency and accountability for the millions which the UN for Somalia staff spent in neighboring countries while they are still trying to derail law and order in Somalia in order to further swindle more money on behalf of the Somali People and the Republic of Somalia. 

Please my dear Somalis, it is the best time to wake up and take effective leadership to stop the UN for Somalia's cheap propaganda to defame the credibility and the stabilization of the Republic of Somalia.

I also call all Somali Armed Forces to return and help us defend our countries from the invading enemies locally, regionally and globally. 

Best Wishes, 
General Dahir Adan   
Somali Chief of Armed Forces
Moqdisho Sabti Feebaraayo 15, 2014 Taliyaha meleteriga Soomaaliya, Indha-qarsho ayaa waxa uu sheegay in warka laga soo saaray dhawaan dowlada Soomaaliya ee ahaa in hubkii dalku uu gacanta u galay Shabaab uu been abuur ahaa, isaga oo hoosta ka xariiqay in masuuliyiintii ka socotay hey’ada Monitor ay Muqdisho kula kulmeen ayna si wanaagsan u soo dhaweeyeen ayna geeyeen dhamaan goobaha dowlada hubku u yaallo iyo halka uu ku baxay intaba.

Indha-qarsho oo u hadlayay VOA laanta afka Soomaaliga ayaa waxa uu sheegay in dhamaan waxyaabaha ay soo xigatay hey’adaani ay been abuur tahay aanna la garaneyn waxa ay uga dan-leeyihiin.

Dhawaan ayaa kooxda Monitor waxa ay soo saartay war-bixin ay uga hadleyso hubka Soomaaliya, halka uu ku baxay iyo sida laga yeeli karo cunaqabeynta Soomaaliya.

War-bixinta ayaa waxaa kamid ahaa in hubku uu gacanta u galay Shabaab, beela gaar ahna ay badankii gacanta ku hayaan, iyada oo ay ku talisay hey’addu in cunaqabateyntii lagu celiyo dalka marka uu dhamaado sanadka sida tijaaada ah looga qafiifiyay ama in shuruuda adag lagu soo rogo.

Moqdisho Sabti Feebaraayo 15, 2014 Xilli Nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho maalin ka hor qarax ismiidaamin ah lagula eegtay gawaari ay leeyihiin Hay’ado ka tirsan qaramada midoobe ayaa waxaa arintaasi si kalsooni iyo carro kaga muuqato uga hadlay hogaanka ugu sareeya ee Jimciyadda Quruumaha Ka dhaxaysa.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon aya si kulul u cambaareeyay weerarkii Maalin kahor ka dhacay Gudaha magaalada muqdisho, isagoona si kalsooni ay ku dheehan tahay shaaca kaga qaaday in dowladda Soomaaliya ay kasii caawin doonaan amniga looga shaqayn lahaa loogana hortagi lahaa weerarrada argagixisanimo ee ka dhaca gudaha dalka, isagoo intaa ku daray in shaqaalaha Qaramada Midoobay ay diyaar uyihiin kasii shaqaynta guud ahaan dalka somaliya.

War-saxaafadeed laga soo saaray xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa lagu xusay in Qaramada Midoobay aysan saamayn ku yeelan doonin weerarada lala eeganayo shaqaalaheeda iyo xarumaheeda isla markaana ay diyaar utahay in sii wado caawimaadda ay ufidiyeeysan hacabka dhibaateesan ee omaliyeed.

Mr Baan ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday qaraxa ka dhacay garoonka diyaaradaha ee muqdisho, isagoo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad degdeg ah, waxaana uu shacabka Somaliyeed ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga ee dowladda si looga hortaggo falalka nuucaasi oo kale ah ee legu dhibaateynayo bulshada sida uu hadalka udhigay Mr Baan.

War-saxaafadeed ayaa sidoo kale lagu sheegay in xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u mahadcelinayo shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya isla markaana  ku shaqeynaya xaalado adag, isagoo u ku booriyay uguna baaqay inay sii wadaan taageerada ay siinayaan shacabka iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Qaramada Midoobe ayaa si aad ah waxay utaageertaa dowladda somaliya waxaana xarumo waawayn ay ku leedahay meelo badan oo ka mid ah dalka somaliya haba ugu badnaatee Magaalada Muqdisho, waxaana warsaxaafadeedkan uu kusoo aadayaa xilli maalin ka hor muqdiho qarax ismiidaamin ah lagula eegtay laba gawaarida ay sida gaarka uleeyihiin hay’adaha hoos taga qaramada inkastoo qaraxaasi uusan wax yeelo kasoo gaarin shaqaalaha UN-ka iyo gawaaridii ay saarnaayeen balse waxaa ku naf waayay kuna dhaawacmay shacab fara badan oo aan waxba Galabsan.

Addis Ababa Sabti Feebaraayo 15, 2014 Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo shaqaalaha wasaaradda warfaafinta gaar ahaan qeybta warbaahinta Qaranka,  waxay tacsi u dirayaan madaxa wararka Radio Muqdisho Cali C/qaadir Cali (Cali Meykal) oo walaalkiis Cali Ibraahim Cali oo  ku geeriyooday magaalada Muqdisho maanta waxaana alle ay uga baryayaan in ilaah uu siiyo  naxariistii EEBE.

Moqdisho Sabti Feebaraayo 15, 2014 Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegey in golaha amaanka ee Q.M. ay ku qanceen qaabka loo maamulayo hubka ay taageero ahaan u siinayaan dowladda wixii ka dambayaay markii Soomaaliya laga qafiifiyey Cuna qabatayntii hubka ee saarnayd dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  Generaal Daahir Aadan Cilmi oo ka hadlayay arinta ku saabsan warbixin hor dhac u aheyd warbixinta sanadlaha ah ee kooxda la socodka cuna qabateynta hubka ah ee saaran Soomaaliya iyo Eretria oo sheegeysay in hubka dowladda mararka qaar suuqyada lagu iibiyo taasina ay sababto in uu hubkaasi  gacanta u galo kooxaha nabadda diidan ee argagaxisada ah ayaa sheegay in bakhaarradda hubka ee Soomaaliya amaankooda uu yahay mid sugan.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in qubaro ka socotay golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay yimaadeen magaaladda Muqdisho islamarkaana ay u kuurgaleen xaaladda bakhaarrada hubka ee Soomaaliya iyagoo kontrol ku sameeyeen dhamaan qeybaha hubka  sidoo kalana ay sharaxaad ka siiyeen tirada guud ee hubka yaala inta ka maqan qaabka ay ku baxeen iyo saxiixa markii hore uu hubkaasi kusoo galay.

Hadalka taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Daahir Aadan Cilmi ayaa loo arkaa inuu meesha ka saaraya wararka ku saabsanaa in hubka dowladda u gacanta u galo argagixisada.

Moqdisho Sabti Feebaraayo 15, 2014 Qaban Qaabada munaasabad loogu dabaal degayo sanadguurada 54 aad ee ka soo wareegtay Aas’askii ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta ku beegan ayaa saaka ka socota magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka Cirka Soomaaliyeed Dable Beyloot Maxamuud Sheekh Cali oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay i saaka ay Muqdisho ka socota qabanqaabada munaasabadda xuska aas’aaskii ciidanka Cirka oo ku beegneyd 15 febrayo sanadkii 1960-kii waxaana ka soo wareegtay 54 sano.

Dable Beylot Maxamuud Sheekh Cali  ayaa intaa ku daray in munaasabadda maanta ay sidoo kale ku beegantahay markii ugu horreysay ee Afar duuliye oo Soomaali ah ay dibadda ka yimideen islamarkaana ay duuliyiyeen diyaaraddii ugu horreeysay oo ay lahaayeen ciidamada cirka.

Munaasabadda loogu dabaaldegayo maalinta ciidanka cirka Soomaaliyeed ayaa la filayaa iney ka qeybgalaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida.


Photo: Addis Ababa Jimco Feebaraayo 14, 2014 Mas’uuliyiinta labada dal ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya iyo Iskaashiyo hor leh oo laga galayo dhinacyada Amaanka, Ganacsiga, Warbaahinta, Duulista Hawada iyo ka qayb qaadashada horumarinta iyo tayaynta Hay’adaha Dawladda Soomaaliya. Labada dhinac waxaa ay isla garteen ahmiyadda ay leedahay in la xoojiyo xasilinta dalka iyo la-dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku ah dalka Soomaaliya, Gobolka iyo Caalamka guud ahaan.

“ Waxaan uga mahadnaqay Dawladda Ethiopia oo ciidankeedu ay qaybta ka yihiin howlgalka Amisom taageerada ay noo fidinayaan ee ka qayb qaadashada sugidda iyo la dagaalanka Argagixisada oo gobolka khatar ku ah.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha. Dhanka kale waxaa uu xusay in ay ka go’antahay sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa kooxaha Xagjirka ah ee dhibaataynaya shacabka Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale.

Ra’iiusl Wasaaruha Soomaaliya ayaa sheegay in lasii xoojin doono howl-galadda lagu burburinayo nabad-diidka isla markaana lagu xoraynayo goboladda ay weli ku harsan yihiin kooxaha Nabad-diidka.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa dhankiisa sheegay in ay markasta la garab istaagayaan Dawladda Soomaaliya taageero dhinac walba leh, gaar ahaan xasilinta dalka, waxaa uuna rajeeyay dawladda Soomaaliya in ay ku guulaysan doonto qorshayaasheeda kala duwan.

Ugu danbayntii waxaa labada dawladood ay kala saxiixdeen Heshiis ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Ra’iiusl Wasaare ku-xigeenka Ethiopia. Heshiiskaas oo ah iskaashiga dhinacyada Amniga iyo xoojinta xiriirka labada dal, ga
Addis Ababa Jimco Feebaraayo 14, 2014 Mas’uuliyiinta labada dal ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya iyo Iskaashiyo hor leh oo laga galayo dhinacyada Amaanka, Ganacsiga, Warbaahinta, Duulista Hawada iyo ka qayb qaadashada horumarinta iyo tayaynta Hay’adaha Dawladda Soomaaliya. Labada dhinac waxaa ay isla garteen ahmiyadda ay leedahay in la xoojiyo xasilinta dalka iyo la-dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku ah dalka Soomaaliya, Gobolka iyo Caalamka guud ahaan.

“ Waxaan uga mahadnaqay Dawladda Ethiopia oo ciidankeedu ay qaybta ka yihiin howlgalka Amisom taageerada ay noo fidinayaan ee ka qayb qaadashada sugidda iyo la dagaalanka Argagixisada oo gobolka khatar ku ah.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha. Dhanka kale waxaa uu xusay in ay ka go’antahay sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa kooxaha Xagjirka ah ee dhibaataynaya shacabka Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale.

Ra’iiusl Wasaaruha Soomaaliya ayaa sheegay in lasii xoojin doono howl-galadda lagu burburinayo nabad-diidka isla markaana lagu xoraynayo goboladda ay weli ku harsan yihiin kooxaha Nabad-diidka.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa dhankiisa sheegay in ay markasta la garab istaagayaan Dawladda Soomaaliya taageero dhinac walba leh, gaar ahaan xasilinta dalka, waxaa uuna rajeeyay dawladda Soomaaliya in ay ku guulaysan doonto qorshayaasheeda kala duwan.

Ugu danbayntii waxaa labada dawladood ay kala saxiixdeen Heshiis ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Ra’iiusl Wasaare ku-xigeenka Ethiopia. Heshiiskaas oo ah iskaashiga dhinacyada Amniga iyo xoojinta xiriirka labada dal, ga

Moqdisho Jimco Feebaraayo 14, 2014  Afhayeenka xog’hayaha guud ee Q,M Martin Nesirky ayaa shir uu saxaafadda ugu qabtay magaalada New York  waxaa uu kiu sheegay in Ban ki Moon uu si kulul u cambaareeyay qaraxii shalay Al-Shabab ku weerareen gaadiid siday shaqaalo ka tirsan Q,M oo marayay banaanka hore ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in Xog’hayaha guud uu aad uga xumaaday warka ah in shaqaalaha Q,M la weeraray waxaana uu intaa ku daray inuu muragada iyo xanuunkaba la wadaagayo ehelada dadka ku waxyeeloobay qaraxaas.

“Xog’hayaha guud waxaa uu weerarkaasi ku cambaaraynayaa erayadii ugu kululaa waana uu ka xunyahay sida ay Muqdisho wax uga dhaceen” waxaa sidaas yiri Martin Nesirky oo afhayeen u ah Banki Moon.

Ban ki Moon waxaa uu sidoo kale sheegay in Q,M ay sii wadi doonto shaqada ay Soomaaliya ka wado dawlada Soomaaliyana ay ka gacan siin doonto ka hor tagista weerarada noocaas oo kale.

Sidoo kale war saxaafadeed laga soo saaray kulan deg deg ah oo ay yeesheen xubnaha Golaha amaanka ee Q,M ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaani ka dhiganyahay in loo baahanyahay in la qaado go’aan ah in argagixisada lala dagaalamo sida war saxaafadeedka ku qoran.

Uruurka Midawga Africa iyo kan Midawga Yurub ayaa ka mid ah dhinacyada cambaareeyay qaraxii shalay Muqdisho ka dhacay ee Shabab sheegtay

Jimco Feebaraayo 14, 2014  Turkiga ayaa joojiyey taageeradii miisaaniyadda tooska ahayd (Lacagta kaashka), ee uu siin jiray dowladda Somalia, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka Reuters.

Turkiga, ayaa dowladda Somalia ku caawin jiray lacag kaash oo toos ah, si ka beddelan dalalka reer galbeedka, oo ballaayiin dollar mar kasta u ballan qaado Somalia, bale aan u siin si toos ah.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga, ayaa u sheegay Reuters in dalkiisa uu dhammaadkii sanadkii 2013 joojiyey lacagtii uu tooska usiin jiray dowladda Somalia.

Ma cadda lacagta kaashka ah ee Turkey uu siiyey dowladda Somalia sanaddii 2013, hase yeeshee dowladda ayaa sanadkaas miisaaniyaddeedu waxa ay ahayd 110 milyan oo dollar.

Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Somalia, Cabdisalaam Cumar ayaa shaaca ka qaaday in intii uu xilkaas hayey ay dowladda Turkiga siin jirtay dowladda Somalia 4.5 milyan oo dollar, bil kasta.

“Waxaan bil kasta tagi jiray safaaradda Turkiga ee Muqdisho, waxaana kasoo qaadi jiray 4.5 milyan oo dollar, oo ah lacagta boqol boqolka” ayuu yiri Cabdisalaam.

Sarkaal ka tirsan dowladda Somalia, ayaa u xaqiijiyey warkii.com  in Turkiga uu joojiyey lacagtii kaashka ahayd ee uu siin jiray Somalia, sanaddii 2013, waxaase uu sheegay inay rajeynayaan inay dib u billaabato.

Si kastaba, sarkaal ka tirsan dowladda Turkiga, ayaa ku warramay in dowladdiisa aysan iminka wax qorshe ah ka lahayn inay dib u billowdo lacagtii kaashka ahayd oo ay siin jirtay dowladda Somalia.

Sarkaal ka tirsan ha’yadda TİKA (Turkish Cooperation and Coordination Agency), “Hay’adda isku-xirka iyo wada-shaqeynta Turkiga”, ayaa xaqiijiyey in mashruucyada kale ee Turkiga uu ka wado Somalia, uusan saameyn go’aanka lagu joojiyey lacagtii kaashka ahayd ee la siin jiray dowladda Somalia, ayna sii socon doonaan.

Dowladda Somalia, oo markii ay xilka qabatay si aad ah ay ugu han weyneyd beesha caalamka, ayaa hadda waxaa muuqata in cago jiid loo muujinayo, sababo la xiriira madaxweynaha oo koox gaar ah gacanta u geliyey awooddii dalka, diiday tallooyinka shacabka, wax-qabad la’aan iyo fadeexaddii ay sababtay Yussur Abraar, markii ay iska casishay xilka guddoomiyaha Bankiga Dhexe.

Sarkaal Turkiga u hadlay, ayaase sheegay in go’aanka Turkiga uusan wax xiriir ah la lahayn waxa ka socda Somalia, taa beddelkeedna markii horeba ballan qaadka Turkiga ee dowladda uu ahaa hal sano oo kaliya, uuna idlaaday.

Diblomaasiyiin reer galbeed ah, ayaa sheegaya inaysan diyaar u ahayn inay buuxiyaan booska uu baneeyey Turkiga, oo culeys dhaqaale saari doona dowladda Xasan Sheekh.

Moqdisho Feebaraayo 13, 2014  Warbixin sanadeed ay soo saareen Gudiga ka hortaga Saxafiyiinta ee magacooda loo soo gaabiyo (CPJ),ayaa waxay ku soo bandhoigeen tacadiyadii ka dhanka ahaa saxafiyiinta ee sanadkii tagay ee isugu jiray dilka iyo waliba xariga loo geystay.

Sida warbixinta lagu sheegay sanadkii tagay 211-saxafi ayaa la xiray halka 70-kale lagu xiray,iyagoo howlahooda shaqo gudanaya.

91%-ka mid ah wariyaasha la dilay ayaa ka shaqeynayay warbaahinta gudaha,94%-ka mid ah waxay ahaayeen rag.

Inkastoo tacayada saxaafada ay ka dhacday wadamo badan oo caalamka ka tirsan kuwa qalalaasaha ka jiraba ha u badnaadaanee,hadana Soomaaliya waxay ka mid noqotay 10-wadan oo dilalka iyo xariga saxafiyiinta ugu badnaayeen sanadkii tagay.

Waxaana la sheegay in sanadkii tagay Soomaaliya lagu dilay ilaa iyo afar Wariye,sida warbixin lagu sheegay.sidoo kale waxaa jira wadamo kale oo lagu dilay wariyaasha sida Ciraaq,Syia,Bakistan,Egypt iyo India.

Feebaraayo 13, 2014  Xoghayaha Arrimaha dibedda ee dalka Britain, William Hague iyo dhigiisa dalka Kanada, John Baird ayaa ka wada hadlay Xaalladda dalka Somalia  iyo sidii kaalin looga qaadan lahaa xal-u-helista dalalka ay Xasaradaha colaadeed ka jiraan.

Labada Wasiir oo xalay ku kulmay magaalladda London ayaa sheegay inay iska kaashan doonaan Hawlgalladda looga hortagayo Falalka Kufsiga, Tacadiyadda ka baxsan Xuquuqda Aadanaha iyo daryeelka Ugaarta.

William Hague waxa uu ku ammaanay dalka Kanada dadaalka hoggaamineed ee looga hortagayo Gabdhaha sida khasabka lagu guursado iyagoo yaryar, wuxuuna dhinaca kale sheegay inay Britain culayska saartay sidii looga hortegi lahaa falalka kufsiga ee ka dhaca dalalka ayColaadaha ka jiraan.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Koman Welthiga ee dalka Britain ayaa lagu sheegay inay Labada mas’uul si gaar ah uga  wada xaajoodeen Xaalladaha ka jira dalalka Somalia, Syria, Iiraan, Tacadiyadda Kufsiga, Arrimaha Bariga Dhexe iyo muhiimadda ay leedahay in la sii wado dadaalka lagu badbaadinayo Xuquuqda Aadanaha.

Kulanka Xoghayaha Arrimaha dibedda ee dalka Britain, William Hague iyo dhigiisa dalka Kanada, John Baird ayaa waxa uu ku soo beegmay Furitaanka Shirweynaha Caalamiga ee looga hadlayo Ganacsiga sharci-darradda ee Duur-joogta ee  “The London Conference on the Illegal Wildlife Trade”.

Moqdisho Feebaraayo 13, 2014 Xili weli ay xeran yihiin Agaasimayaasha Idaacadaha Haatuf iyo Danaan ee magaalada Muqdisho taas oo aan la ogeyn sababta ka dambeysa ayaa arintaas waxaa ka hadlay Ururka suxufiyiinta Qaranka Somaliyeed ee NUSOJ.

Xoghayaha ururkaas Max’ed Ibraahim Pakistaan oo wareysi siiyay Warbaahinta ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin xariga ragaasi madaama u sheegay in weli aysan jirin war kasoo baxay laamaha Amniga oo ku aadan sababta loo haysto.

Waxa uu baaq u diray masuliyiinta Dowlada oo ku aadan in dib losii daayo waloow aysan jirin wax rasmi ah oo xiligaan lagu haayo.

Dhinaca kale Pakistaan ayaa hambalyo  udiray guud ahaan warbaahinta caalamka madaama ay maanta ku began tahay maalinta Warbaahinta.

Isagoona sheegay in Alla uu uga baryaayo suxufiyiinta Somaliyeed in uu dhibka ka qaado kuwaas oo xiligaan ku jira xaalado aad u adag.

Moqdisho Feebaraayo 13, 2014 Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, ayaa maanta oo Khamiis ah shaaciyay in Dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku sameyn doonto dadkii ka dambeeyay dilalka loo geystay suxufiyiintii lagu dilay magaalada Muqdisho.

Wasiir  Dhuxuloow, wuxuu sheegay in dadkii ka dambeeyay dilalka Wariyeyaasha Dowladda Soomaaliya tallaabo adag ay ka qaadi doonto, hada kadibna uu bilaabanayo baaritaano ku aadan dilalka suxufiyiinta cida ka dambeysay.

Wuxuu sheegay in dadka dambiyada galay hadii ay dhacdo inay Dowladda Soomaaliya wadahadal la galaan, ay muhiim tahay in la shaaciyo qofka dambiga uu galay, iyadoo la cadeynayo qofkaasi dambiga uu galay inta uu la eegyahay.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, ayaa dhanka kale ka hadlay labo Agaasime Warbaahineed oo uxiran Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ilaa xalay arintaasi uu dadaal ugu jiray maantana loo sheegay in lasiidaynayo.

Mustaf  Dhuxulow, ayaa sheegay in hadii labadaasi Agaasime ay uxiran yihiin arimo la xiriira dhanka saxaafada Wasiirka iyo Wasaaradaba masuuliyad ay ka saaran tahay, balse hadii ay jiraan arimo kale ay gaarkeeda tahay.

Hadalkaan ayaa Wasiirka warfaafinta Soomaaliya wuxuu ka jeediyay Munaasabad lagu xusaaye Maalinta Raadiyaha Aduunka oo maanta ku beegan, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay sawirada wariyeyaashii lagu dilay Muqdisho.

Moqdisho Feebaraayo 13, 2014 Agaasimaihii guud ee  Warbaahinta Danan iyo Agaasimihii Idaacadda Haatuf ayaa weli ku jira gacanta Ciidamada Nabad sugidda Qaranka kuwaasoo illaa iyo iminka aysan caddeyn sababta dhabta ah oo ay ku xiran yihiin.

Maxamed Deeq Barre Xaaji Fiyoore iyo Ibraahim Maxamed Cali (Ibraahim Yare) ayaa illaa iyo iminka aan la ogeyn sababta dhabta ah oo ay u xiran yihiin mana jiraan illaa iyo iminka wax Maxkamad ah oo la hor geeyay.

Arrinta xarigga mas’uuliyiintaas ayaa waxa si weyn u Cambaareeyay Mas’uuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ iyo Ururka ay leeyihiin Warbaahinta MadaxaBanaan kuwaasoo ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo daayo mas’uuliyiintaas.

Labadan Mas’uul ayaa noqonaya markii u horeeyay sanadkan Cusub ee labada Kun iyo Afar iyo Tobanka Tacadigii ku dhaca Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee sanadkan cusub la kowsaday Xarigga loo gaystay Saxafiyiintaas Soomaaliyeed.

Si kastaba xarigga saxafiyiintan ayaa imaanaya xilli dhawaan Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay kulamo la qaadatay Warbaahinta Madaxabanaan iyadoona ballan qaaday inay wanaajin doonto xiriirka wada shaqeeneed ee ay la yeelenayso warbaahinta Madax banaan.

Dhinaca kale Iyadoo maalinimadii darraad ahayd Ciidamada Nabad sugiddaQqaranka xabsiga u taxaabeen Mas’uuliyiin ka tirsanaa Idaacadaha maxaliga ah ayaa arrintaa waxaa si kulul uga hadlay Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee marka la soo gaabiyo NUSOJ la yiraahdo.

Maxamed Ibraahim Bakistan xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo warbaahinta la hadlay ayaa ku tilmaamay xarigga loo gaystay Agaasimayaashii Idaacadaha Danan iyo Haatuf  mid xad gudub ah isla markaana aan loo marin wadadii sharciga ahayd.

Bakistan ayaa hoosta ka xarriiqay in Mas’uuliyiintaas ay ahayd in Xarigooda Maxkamad loo soo maro maadaama ay yihiin Muwaadiniin cabsina aan laga qabin inay dalka ka baxsadaan. Xoghayaha guud ayaa dhinaca kale  farta ku fiiqay inaysan jirin cid sharciga ka weyn sidaa darteed haddiiba wax dembi ah oo cad lagu hayo Mas’uuliyiintaas sida ugu dhaqsiyaha badan Maxkamad loo hor geeyo haddii kalase Xuriyaddooda dib loo siiyo.

Maxamed Ibraahim Bakistaan ayaa tilmaamay inaan lagu wargelin qabashada mas’uliyintaas Wasaaradda Warfaafinta iyio Ururka Suxufiyiinta qarankaba taasoo meesha ka saaraysa wada shaqayntii hay’adahaas.

Ugu dambayntii ayuu Xoghayaha guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed wuxuu baaq u diray Hay’adda Nabad Sugidda isagoona ugu baaqay in si shuruud la’aan ah loo soo daayo  Mas’uuliyiintaas Maalintii sedaxaad u xiran sabab aan la garanayn.

Moqdisho Feebaraayo 13, 2014 Sida ay sheegayan warar goor dhaweyd ka soo baxay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.,dhimasho iyo dhaawac ayuu sababay.

Inta ilaa hadda la xaqiijiyey ee qaraxan waxyeeladu ka soo gartay inkabadan 6 ruux  inay ku geeriyoodeen weerarkaasi dad intaa kabadana ay ku dhaawacmeen ,waxaana qaraxu uu ahaa gaari laga buuxiyay walxaha qarxa oo ku qarxay agagaarka garoonka diyaaradaha.

Waxaa la sheegay in qaraxa uu geestay qof isa soo miidaamiyay oo waday gaariga,baaburta gurmadka deg dega ah ayaana wali ku soo qul qulaya goobta uu qaraxa ka dhacay.

Kolanyo gawaari ah ayaana la sheegay in lugu bartilmaamedsanayey qaraxan,aynan  wali dowladda ka hadlin,mana jirto cid wali sheegatay mas’uuliyadiisa.

Al-shabaab oo sheegatay:

Ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegteen masuuliyada weerar ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay afaafka hore ee Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa boga Facebuuga Idaacada Andulus ku sheegay inay iyaga ka dambeeyeen masuuliyada weerarkaasi.
Waxa ay sheegeen Shabaab in saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ay ku qaadeen weerarkaasi dhimasho iyo dhaawacna uu ka dhashay.Al-Shabaab waxa ay warkooda ku sheegeen in saddex sarkaal oo Ajaanib ah iyo kudhawaad 10-askari ay qaraxaasi ku dileen.Majirto ilo kamadaxbanaan Shabaab oo xaqiijinaya khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay weerarkaasi oo noociisa uu ahaa ismiidaaminta.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin qaraxan ismiidaaminta ee ka dhacay afaafka hore ee Garoonka Muqdisho.

Moqdisho Feebaraayo 11, 2014 Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, ku-xigeenkiisa iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta kulan la qaatay hay’adda Culimada Soomaaliyeed, iyadoo kulankooda kaddib booqasho ku tegay Mowlaca Sheekh Suufi oo ku yaalla aga gaarka Tiyaartarka Qaranka ee degmada Warta Nabadda.

kulankan maanta uu la qaatay hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ku saabsanaa sidii culimaa’udiinka Soomaaliyeed ay uga qeyb qaadan lahaayeen wacyi gelinta bulshada iyo sidii wada shaqeyn buuxda ay u dhexmari laheyd culimada Soomaaliyeed iyo Wasaaradda awqaafta iyo arimaha Diinta.,

R/wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa sheegay in u jeedka kulankooda uu ahaa sidi wada shaqeyn buuxdo u dhex mari lahayd Culimada Soomaaliyeed iyo Wasaaradda, kaasi oo uu ku sheegay in tahay tallaabo horumar ah.

Dhinaca kale R/wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka wasaaradda iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka banaadir ayaa maanta booqday Mowlaca Sheekh Suufi oo ka mid ahaa culimaddii Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay fidinta Diinta Islaamka.

Sheekh Abashaan Sheekh C/raxmaan Sheekh Maxamed Sheekh Cismaan Sheekh Suufi oo ah ka mid ah eheladda Sheekha ayaa Wasiirka warbixin ka siiyay taariikhda uu lahaa Sheekh Suufi.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta ahna R/wasaare ku-xigeen Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa sheegay in culimadii hore ay qeyb weyn ka qaateen faafinta Diinta Islaamka, islamarkaana Sheekh Suufi uu qeyb ka ahaa culimadii faafinta Diinta Islaamka kasoo qeyb qaadatay.

Moqdisho Feebaraayo 11, 2014 Wasiirka Wsaaaradda Haweenka iyo horumarinta Xuquuqda aadanaha ayaa maanta kuraas loogu talagalay Machadka Qamar iyo Machad ay wax ku bartaan cuuriyaamiinta ka guddoontay Guddiga adeegga bulshada  ee baarlamanka Soomaaliya.

Kuraastan gudiga adeega bulshada Barlamaanka Soomaaliya ay maanta ku wareejiyeen Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul insaanka  Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa waxaa loogu talagalay labo iskuul oo ay wax ku bartaan carruur agoon ah iyo kuwo cuuryaamiina ah waxaana tirade kuraasta ay gaaraysaa  130 kursi.

Xoghaya guddiga adeega bulshada ee Barlamaanka Soomaaliya Xildhibaan C/laahi Abshirow oo ay weheliyaan qaar kamid ah xildhibaannada Barlamaanka Soomaaliya  ayaa sheegay in markii  ay gudigga u kuur galeen baahida ka jirta labada iskuul ay garteen in kuraastan la gaarsiiyo, iyagoo sheegay in  maanta ay nasiib u heleen gaarsiinta kuraastaasi meelihii loogu talagalay.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo kuraastan maanta la wareegtay ayaa warbaahinta Qaranka u sheegtay in Wasaarasddu ay qeyb ka qaadatay sidii kuraastan loo gaarsiin lahaa labadan goobood oo ay wax ka bartaan carruur tabaalaysan.

“Waxaa farxad ah in gudiga ay naga aqbaleen codsi ay Wasaaraddu u gudbisay oo ah in kuraas la soo gaarsiiyo Machadka Qamar oo ay carruur badan wax bartaan iyo Machad kale, tani waxa ay wax weyn kabadali doonta xaaladda markii hore ay carruurta wax ku baranayeen, waayo ma jirin wax kursi ah oo ay ku fariisan jireen markii hore” ayay tiri Wasiirka Haweenka iyo horumarinta xaquuqda aadanaha.

Intaasi kaddib Wasiirka Haweenka iyo horumarinta xaquuqda aadanaha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa waxa ay kormeer ku tegtay xarunta Machadka Qamar, halkaasi oo wax lagu barro carruur isugu jirta kuwa agoon iyo kuwa waalidiintooda aysan awoodin in ay geeyaan iskuulaadka sida gaarka ah loo leeyahay ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Moqdisho Feebaraayo 11, 2014 Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta Xukunno isugu jira dil iyo xarig ku ridday 5-eedeysane oo lagu helay dambiyadii ay galeen.

Xeer ilaalinta qaranka oo Maxkamadda u gudbisay eedeysanayaasha ayaa waxa ay xeer ilaalintu ku sheegtay in dadkaasi loo haysto dambiyo kala duwan oo galeen, iyagoo guddoonka maxkamadda Gobolka ka codsaday in eedeysanaashaasi lagu qaado xakunka ay muteystaan, waxaana Maxkamadda maanta la horgeeyay 15 eedeysane, kuwaasi oo 5 ka mid ah ay Maxkamaddu xakun ku riday, halka kuwa kalena ay maxkamaddu kiiskooda dib u dhigtay.

Maxkamadda oo u fadhiisatay dhageysiga dacwad ciqaabeedka 15-kaasi eedeysane ayaa waxaa goobta Maxkamadda ku sugnaa ehelada eedeysanayaasha iyo xubno ka socday dhibanayaashii dambiga laga galay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Benaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda.

Halkaan ka dhageyso Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Benaadir oo ku dhawaaqaya xukunka ay Maxkamaddu ku riday eedeysanaayasha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Xaashi Cilmi Nuur


Brussels Feebaraayo 11, 2014 Madaxweynaha European Commission  Dr, José Manuel Barroso ayaa waxaa oo maanta waraqadihii aqoonsiga ee danjirnimo ka guddoomay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Dr Ali Saciid Faqi.

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay wada qaateyn kulan xog-wareysi ah,  iyagoo kala qaatay warbixino.

Ugu horeyn warbixin kooban oo uu soo jeediyay  Mr Jose Manuel Barroso ayuu ku sheegay in uu ku qanacsanyahay hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka Somaliye Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  kuna ammaanay waxqabdkiisa iyo in uu fulindoono ballan qaadayadii ee dowladda federaalka ee Soomaaliya ee balanqaaday fulinta qorshihi lagu kala saxiixday Shirkii New Deal oo sanadkii la soo dhaafay lagu qabtay xarunta Midowga Yurub ee dalka Belgium.

Madaxweyaha European Commission Mr Jose Manuel Barroso ayaa sheegay shir dhawaan lagu qaban doon xarunta midowga yurub ee ka soo qeybgali donaan madaxad wadamada Afrika iyo Yurub  oo la filaayo in oo ka soo qeybgalo Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmuud .

Sido kale Danjire Dr Ali Saciid Faqi ayaa warbixin siiyay Mr Barroso  kana warbixiyay xaaladda ammaan ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya iyo Arrimaha siyaasadeed, waxaa uu sidoo kale danjiraha soo hadalqaaday waxyaabihii looga hadalay shirkii New Deal “ Hiigsiga cusub” in la meel mariyo iyo in Midowga Yurub uu sii wado qorshyaasha lagu horumarrinayo waxqabadka  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo in ay kala shaqeyaan dhanka ammaanka gudaha iyo horumarinta adeega bulshada si loo helo nabad waarta.

Xafiiska warfaafinta

Safaaradda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Belgium

Abdi Rahman Nuur Abukar

Muqdisho, February 11, 2014 Wasiirka amniga Qaranka ayaa ka qeybgalay munaasabad tababar loogu furay askar ka tirsan Ciidanka Booliska oo lagu qabtay xarunta dugsiga tababarka ciidanka booliska Gen. Kaahiye ee Muqdisho.

Munaasabadda  furitaanka tababarkan oo loo qabtay ku dhawaad 2 boqol askarti oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka amniga Qaranka, mudane C/lkariin Xuseen Guuleed, ku xigeenkiisa Ibraahim Isaaq Yaroow, taliyha ciidanka booliska Soomaaliyeed, iyo xubno ka kala socday saraakisiha booliska AMISOM iyo xubno kale oo ka socday Qaramada Midoobay.

Tababarkan oo ay hirgelintiisa ka qeyb qaadatay dowlada talyaaniga ayaa waxaa casharro ka bixinaya tababarayaal ka tirsan booliska AMISOM ayadoo waxyaabaha  tababarka uu la xiriirana ay ka mid tahay tahay sida loola macaamiilo bushada fulinta waajibaadka saaran shaqsiga iyo kuwo kale.

Taliyaha ciidanka booliiska AMISOM Oyo-niyeko ayaa hadal uu ka jeediyeey furitaanka tababarkan ku dheeraaday muhiimadda uu u leeyahay tababarkan ciiidamada booliska Soomaaliyeed.

Generaal C/xakiin Daahir Siciid Saacid Taliyaha ciidanka booliska Somaliyeed ayaa dhankiisa sharaxaad ka bixyaay tababarkan waxaana uu sheegay in uu qeyb ka yahay qorshayaal isugu jira dib u habayn iyo horumarinta  ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Wasiirka Amniga Qaranka mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo halkaasi ka hadlayaay ayaa si weyn u amaanay wax qabadka ciidanka booliska Soomaliyeed iyo taageerada dowladda talyaaniga ee ku wajahan dhinaca tabarrada ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Muqdisho, February 11, 2014  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka ayaa kulan looga hadlayay amniga iyo  ciribtirka dhibaatooyinka Shaabaab ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ka dhacay xarunta degmada Howlwadaag loogana hadlayay sidii maamullada degmooyinka iyo shacabkuba isaga kaashan lahaayeen sugidda ammaanka iyo ciribtirka shaqsiyaadka ka tirsan Shabaab ee shacabka ku dhex dhuunta ayaa waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur tarsan, qaar ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka iyo  dadweyne aad u farabadana.

Dadweynihii ka qeybgalay kulankaasi ayaa muujiyay baahida ay u qabaan nabadda iyagoo wacad ku maray iney ciidamada gacan ku siindoonaan sugidda ammaanka, islmarkaana ay farta ku fiiqi doonaan shaqsiyaadka ka shaqeynaya falalka amnidarrada ah.

Gudoomiyaha degmada Howlwadaag iyo gudoomiyayaashii ka soo qeybgalay kulanka oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay iney mudnaanta siin doonaan sugidda amniga, iyagoo ku amaanay shacabka ku nool gobolka banaadir sida ay u fahmeen qiimaha nabadda islmarkaana ay ula shaqeeyaan maamullada degmooyinka iyo hey’adaha ammaanka.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Tarsan ayaa ku guubaabiyay dadka ku nool Muqdisho ineey soo sheegaan haraadiga maleeshiyaadka Shabaab ee falalka amnidarrada ah ka geysanaya degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulan kan la mid ah ayaa dhawaan ka dhacay degmada Boondheere maamulka gobolka Banaadirna waxa ay sheegeen iney sii wadi doonaan kulamada noocan oo kale ah oo bulshada looga wacyi gelinayo ineey ka hortagaan dhagarta Alshabaab.

Romania, February 11, 2014 Muhaajiriin Somali ah oo uu Markab ku daadiyey Xeebaha dalka Romania ayaa la qabtay.

Maamulayaasha dalka Romania ayaa xaqiijiyey inay dhawaan gacanta ku dhigeen Muhaajiriin Somali iyo kuwo u dhashay dalka Syria, kuwaasi oo ku haminayey inay u sii tallaabaan dalalka ugu qanisan Waddamadda ku jira Ururka Midowga Europe.

Shabakadda Wararka ee Romania-Insider.com ayaa qortay inay Maamulayaasha Romania gacanta ku dhigeen 8 Muhaajiriin Shisheeye oo 3 ka mid yihiin Somali, kuwaasi oo uu Markab laga leeyahay dalka Turkiga ku daadiyey  Xeebaha dalkaasi.

Muhaajiriintaasi oo da’doodu u dhexeeyso 15-jir ilaa 32-jir ayaa lagu qabtay Xeebta magaalladda Vama Veche ee K/bari Romania, una dhow Xuduudka dalka Bulgaria.

Dhallinyaradaasi waxaa Xeebaha dalka Romania soo gaarsiiyey Markab laga leeyahay dalka Turkiga, iyadoo Badmaaxii waday Markabkaasina lagu qabtay Badda Black Sea, meel ku dhow Xeebaha dalka Bulgaria.

Muhaajiriinta Soomaalida iyo kuwa Syria waxay  qorsheysnayeen inay u sii gudbaan Denmark, Sweden ama Jarmalka.

Dhallinyaradan ayaa waxaa Nidaamka Is-xambaarka looga soo qaaday dalka Turkiga, wuxuuna midkiiba bixiyey ilaa 10,000 oo Dollar,

Dadka ka shaqeeya Is-xambaarka ayaa u ballanqaaday inay geyn doonaan dalka Romania, oo nasiib-darro haatan ay ku xiran yihiin.


Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta shahaado sharaf gudoonsiiyey Fanaanadda Qaranka Soomaaliyeed
ee Hibo Maxamed Cudoon (Hibo Nuura).

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeybgalay Ku simaha Madaxweynaha Dalka,Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka, Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenkaWasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka,Xildhibaanno Baarlamaanka ka tirsan,Fanaaniin,xubno ka socday ururka Haweenka Qaranka iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye oo Wasaaradeedu ay soo qabanqaabisay Munaasabaddan ayaa hadal kooban oo ay goobta ka jeedisay waxa ay ku sheegtay in kaalinta ay ku dhex
leedahay bulshada Soomaaliyeed fanaanadda Hibo Nuura ay tahay mid aanay lasoo koobi Karin waxaana ay fursad weyn ku tilmaantay shahaado sharafta maanta la gudoonsiiyey.

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo isaguna dhankiisa Munaasabadda Khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn ka hadlay muhiimadda uu fanku u leeyahay dowladnimada waxaana uu tilmaamay in bulsho aanay fan laheyn ay aad u adagtahay si dowladnimo buuxda ay u hesho waxaana uu sidoo kale ka hadlay taariikhda iyo aqoonta shaqsiyadeed uu u leeyahay fanaanadda Hibo Nuura.

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa aad ugu ammaanay fanaanadda Hibo Nuura kaalinta ay mar walba ku leedahay wacyi gelinta bulshada Soomaaliyeed waxaana uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka fariin u diray fanaaniinta Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ku nool iney dalkooda dib ugu soo laabtaan.

Abwaan C/kariin Faarax Qaareey (Jiir) Maareeye ku xigeenka Golaha Murtida iyo madadaallada Qaranka oo ka hadlay munaasabadda ayaa uga mahad celiyey isaga oo ku hadlaya magaca fanaaniinta Qaranka Soomaaliyeed ku simaha
Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka shahaado sharafta uu gudoonsiiyey Fanaanadda Hibo Nuura waxaana uu ka waramay kaalinta ay Hibo
ku dhex leedahay fanka.

---DHAMAAD---

Mogadishu, February 10, 2014 War murtiyeed si wadajir ah ay maanta u soo saareen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh iyo dhiggiisa dalka Burundi H.E. Laurent Kavakureayaa lagu faah-faahiyay isfaham labada dowladood dhexmaray kadib booqasho seddex cisho ah qaadatay oo uu Muqdisho ku joogay wafdiga ka socda dowladda Burundi oo garoonka Muqdisho uu ku sii sagootiyay gelinkii hore ee maanta Wasiiru dowlaha Wasaaradda H.E. Buri’ Mohamed Hamza.

War murtiyeedka oo uu saxaafadda u aqriyay Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya ee Bujumbura – BurundiAmbassador Abshir Hassan Abshir Farah ayaa waxaa lagu  sheegay in labada dowladood ay isla garteen iskaashi wadajir ah oo ay ka sameeyaan dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda , nabad gelyada iyo maalgeshiga .

Waxaa kale oo labada dowladood ay isla garteen dhisidda guddi wadajir ah oo ka shaqeeya sidii loo horumarin lahaa xiriirka labada dal, iyadoo  dowladda Burundi ay dhowaan ka furan doonto Caasimadda Muqdisho safaarad.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Burundi H.E. Laurent Kavakure  ayaa ku cazuumay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh inuu booqasho rasmiya ah ku yimaado Magaalada Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi .

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad celisay dowladda iyo shacabka Burundi ciidamada nabad ilaalineed ee ay ku tabaruceen howlgalka nabad ilaalinta (AMISOM)  , iyadoo ciidamada Burundi ay kaalin muuqata ku leeyihiin xasilinta ammaanka dalka , taasoo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed aaney marnaba iloobi doonin dhiiga walaalnimo ee  Burundi ay u daadisay howgalka  nabad ilaalinta Soomaaliya.

Muqdisho, February 08, 2014 Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed.

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray qorshe howleedka Wasaaraddaha, waxaana maanta qorshayaashooda soo bandhigay Wasaaraddaha Garsoorka iyo Dastuurka, Shaqada iyo Shaqaalaha, Isgaarsiinta, Dekedaha iyo Dhalinyarada iyo Isboortiga, waxaana Wasiirada Wasaarahani ay ku dheeraadeen qorshayaashooda waxqbad, gaar ahaana aragtiyo cusub oo ay ku soo kordhin doonaan  Wasaaradaha.

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa soo bandhigtay qorshaheeda waxqabad, waxaana Wasiirka Wasaaraddu uu balan qaaday in shaqaalaha dawladda ay tayeyn iyo kordhinba ku sameyn doonaan, islamarkaana heli doonaan xaquuqdooda shaqaale-nimo oo dhameystiran.

Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Dastuurka oo isna soo bandhigay qorshe howleedka Wasaaradda ayaa sheegay in uu xoogga saari doono adkeynta iyo tayaynta Garsoorka iyo Caddaalada, wuxuuna xusay in dib u habeyn lagu sameyn doono dhamaan hay’addaha ku shaqada leh garsoorka iyo Caddaaladda. Isaga oo dhanka kale balan qaaday in la furi doono sanadkan gudihiisa dugsi tababar oo arrimaha Garsoorka qaabilsan.

Sidoo kale, Wasaaradda Isgaarsiinta ayaa ka mid aheyd Wasaaraddaha soo bandhigay howl-qabadkooda, waxaana madaxda Wasaaraddu ay sheegeen in horumarin lagu sameyn doono dhamaamba isgaarsiinta dalka, talaabada ugu horeysana ay ku hirgelin doonaan in dhamaan shirkaddaha isgaarsiintu ay isu gudbin karaan qadadkooda telefoonada, si dadweynaha ay ugu fududaato in qofkii heysta 1 Sim-card uu la xariiri karo dhamaamba shirkaddah kale ee dalka.

Dhanka kale, Wasaaradda Dekeddaha ayaa soo bandhigtay qorshe howleedkeeda waxayna tilmaameen in Wasaaraddu howlaha muhiimada gaarka ah ay siin doonaan ay tahay sidii loo ballaarin lahaa baaxadda iyo adeegyada dekeddaha dalka Soomaaliya.

-DHAMAAD-

Moqdisho Sabti Feebaraayo 8, 2014 War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa lagu caddeeyay in dowladdu aysan soo saarin amar lagu xiray ama lagu casbi geliyay shirkadaha isgaarsiinta dalka ka howlgalla.

“Iyadoo laga duulayo siyaasadda dowladda ee ku dhisan hirgelinta ganacsiga xorta ah, Wasaaradda Warfaafinta waxay caddeynaysaa in aanu jirin amar ka soo baxay Dawladda  Federaalka Soomaaliya oo lagu xiray ama lagu cabsi geliyey shirkadaha Isgaarsiinta inay joojiyaan adeegyadii ay u hayeen bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale Dowladdu waxay ganacsatada Soomaaliyeed iyo maalgashiyaasha caalamiga ah u xaqiijinaysaa  sida ay uga go’an tahay  inay  ku caawiso siday  uga hirgelin lahaayeen dalka oo dhan ganacsi xor ah” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu wargeliyay dhamaam Shirkadaha isgaarsiinta inay shaqadooda sii wataan oo aysan dhag jalaq u siin handadaada kaga imanaysa nabad diidka.

Ugu dambeyn dowladu waxay si adag u canbaareenaysaa hanjabaada, dhaca iyo caburinta kooxaha nabad diidka ay ku hayaan ganacsatada Soomaaliyeed, islamarkaana  waxay balan qaadaysaa inay  ku dadaaali doonto inay sugto amniga ganacsatada Soomaaliyeed, iyadoo War-saxaafadeedka uu ku saxiixnaa Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Photo: Muqdisho, 08 February 2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaanay doorka Burundi oo uu sheegay inay yihiin Wallaalo dhab ah. Madaxweynaha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Brundi H.E. Laurent Kavakure, oo ay wehliyeen Taliyaha Ciidanka AMISOM Lieutenant General Silas Ntigurirwa, Wasiirka Arrimaha Dibedda Abdirahman Duale Baileh, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Soomaaliya Burci Maxamed Hamza iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Brundi Abshir Xasan Abshir. Madaxweynaha ayaa yiri “Aad iyo aad baan u mahadcelineynaa Wallaalaha Burundi oo dhiigooda noo huray si uu dalku amni u noqdo. Sanadkii 2007 illaa iyo hadda ayey ciidamada Burundi, kuwa kale ee AMISOM iyo ciidanka Soomaalidu ay si joogta ah ula dagaalamayeen kooxaha Al-Shabaab, oo ay noo sameynayeen fursadahan hadda jira ee aan dalka dib ugu dhiseyno oo shacabku ay istaahilaan, mana hilmaami doono doorkii iyo abaalkii Burundi.” Madaxweynaha iyo Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Burundi ayaa waxey ka wada hadleen arrimaha amniga, tiro kordhinta ciidamada AMISOM oo horey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay u ansixiyeen iyo sidii ciidanka Soomaalida loo taageeri lahaa. Madaxweynaha ayaa yiri “Sanadkan 2014 waa mid muhiimad gaar ah noo leh. Waxaan xoojineynaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, xasilinta dalka oo dhan. Burundi, AMISOM-ta kale iyo ciidanka Soomaalida ayaana kaalin mug leh ka qaadan doona dadaalada xasilinta dalka.” -DHAMAAD-

Muqdisho, 08 February 2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaanay doorka Burundi oo uu sheegay inay yihiin Wallaalo dhab ah.

Madaxweynaha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Brundi H.E. Laurent Kavakure, oo ay wehliyeen Taliyaha Ciidanka AMISOM Lieutenant General Silas Ntigurirwa, Wasiirka Arrimaha Dibedda Abdirahman Duale Baileh, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Soomaaliya Burci Maxamed Hamza iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Brundi Abshir Xasan Abshir.

Madaxweynaha ayaa yiri “Aad iyo aad baan u mahadcelineynaa Wallaalaha Burundi oo dhiigooda noo huray si uu dalku amni u noqdo. Sanadkii 2007 illaa iyo hadda ayey ciidamada Burundi, kuwa kale ee AMISOM iyo ciidanka Soomaalidu ay si joogta ah ula dagaalamayeen kooxaha Al-Shabaab, oo ay noo sameynayeen fursadahan hadda jira ee aan dalka dib ugu dhiseyno oo shacabku ay istaahilaan, mana hilmaami doono doorkii iyo abaalkii Burundi.”

Madaxweynaha iyo Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Burundi ayaa waxey ka wada hadleen arrimaha amniga, tiro kordhinta ciidamada AMISOM oo horey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay u ansixiyeen iyo sidii ciidanka Soomaalida loo taageeri lahaa.

Madaxweynaha ayaa yiri “Sanadkan 2014 waa mid muhiimad gaar ah noo leh. Waxaan xoojineynaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, xasilinta dalka oo dhan. Burundi, AMISOM-ta kale iyo ciidanka Soomaalida ayaana kaalin mug leh ka qaadan doona dadaalada xasilinta dalka.”

-DHAMAAD-

Muqdisho, 08 February 2014 –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Safiirka Serbia H.E. Ivan Zivkovic oo Muqdisho booqasho ku yimid.

Madaxweyne Xasan iyo Safiirka waxa ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii ay Serbia kaalin mug leh uga qaadan laheyd dib u dhiska dalka, horumarinta dhaqaalaha iyo maalgeshiga dalka.

Afhayeenka Madaxweynaha Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay safiirka Serbia uu guul ku soo idlaaday, islamarkaana ay isla meel dhigeen arrimo badan oo labada dal ku saabsan.

Madaxweynaha Serbia iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey isagu arkay New York iyo Addis Ababa, taasi oo keentay in maanta uu Muqdisho booqasho ku yimaado safiirka dowladda Serbia u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

-DHAMAAD-

Moqdisho Feebaraayo 8, 2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay hirgelin doonto sidi lagu gaari lahaa hamigii uu kalahaa midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya Ra’isulwasaarihii hore ee dalka Allaha u naxariistee Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynha Jamhuuradda Federaalka Soomaaliya oo ka qeybgalay aaska Qaran ee shalay Muqdisho loogu sameeyay R/wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in C/risaaq Xaaji Xuseen uu kaalin wanaagsan ka soo qaatay taariikhda gobanimada iyo tan dowladnimada Soomaaliya.

“Allaha u naxariisto C/risaaq intii uu noolaa ummadda Soomaaliyeed midnimadeeda ayuu ku mashquulsanaa maanta oon qabrigiisa dul joognana weli waxaa muuqata in xataa geeridiisana ay mideysay dadka Soomaaliyeed, waxaana lagu balamay sidii loo dhameystiri lahaa dowladnimada dalkeena Soomaalia” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxwweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in ahdaaftii uu sagaashan sano naftiisa ugu hurey C/risaaq Xaaji Xuseen ay dowladuna hirgelindoono,  isagana intaas ayaa amaan iyo wanaag ugu filan.

Shalay ayeey aheyd markii magaalada Muqdisho aas Qaran Loogu Sameyay R/wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen

Moqdisho Feebaraayo 8, 2014  Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa xalay magaalada Muqdisho ku qabtay kulan lagu soo dhaweynayay ehelada Ra’isulwasaarihii hore ee Dalka Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen  islamarkaana loogu mahad celinayey Gudiga qabanqaabada Aaska Qaran ee shalay Muqdisho loogu sameeyey Allaha u naxariistee Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen

Kulankan Cashada ahaa  oo xalay R/wasaaraha Soomaliya Mudane C/wali  Sheekh Axmed uu u sameeyay  gudigii loo xilsaaray aaskii Qaran ee shalay loo Sameyay R/wasararhii hore  Marxuun C/risaaqa Xaaji  Xuseen  iyo  ehalada Marxuunka ayaa waxaa  ka soo qeyb galay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Faderaalka  iyo Isimo Soomaaliyeed Ururka Haweenka Qaranaka iyo Marti sharaf kale.

Sidoo kale kulanka  ayaa isugu jiray soo dhaweynta Ehelada Marxuunka  iyo mahacelinta gudiga oo ku guuleystay iney si hab maamuus leh u dhacdo aaska marxuumka  iyo soo bandhigidda Taarkhiidii uu ku lahaa dalka  marxuun C/risaaqa Xaaji Xuseena  oo  shalay aas Qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah ehelada Marxuunka,  Asxaabtii uu lahaa Marxuumka iyo isamo Soomaaliyeed oo kulanka ka hadlay ayaa si kooban u xusay taariikhdii marxuumka ,  iyagoo sheegay in dowladdu ay ka soo baxday kaalintii kaga Aadaneyd aaska Maydka  Allaha u naxriisyee C/risaaq Xaaji Xuseen.

Wasiirka Warfaafinta ee xukumada Soomaaliya Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo Kulanka ka hadlay ayaa sheegay in gudiga ay ku guuleysteen  inay si maamuus leh aas Qaran shalau gu sameeyeen Muqdisho Allaha u naxariistee C/risaaq Xaaji Xuseen,

R/wasaaraha Jamhuriyadda Soomaaliya Mudane C/wali Sheekh Axmed oo kulanka ka hadlay ayaa xusay Ahmiyadda ay leedahay Dowlad wanaagga  isgoo tilmaamay inay ciidmada Amniga ay mudanyahiin in la siiyo Abaalmarinno ku aadan sida ay ugu guuleysteen sugadda amniga Maqaalada Muqisho .

Guddigii loo xilsaaray aaska Qaran ee R/wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa ku dhawaaqay in la soo gabagabeeyay guud ahaan howshii loo xilsaaray, waxaana aaska marxuumka uu ahaa mid ay si ballaaran uga soo qeyb galeen Soomaalida ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Moqdisho Feebaraayo 8, 2014 Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta dib ugu soo guryo noqday magaalada Garoowe kaddib socdaal laba maalin qaatay oo uu Muqdisho uga qaybgalay Aaska Allaha u naxariistee Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Garoonka Diyaaradaha Garoowe ayaa Wafdiga Puntland ee Madaxweynuhu horkacayay waxa ku soo dhoweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar, Guddoomiyaha Barlamaanka Siciid Xasan Shire, Wasiiro iyo taliyaasha ciidamada.

Gelinkii hore ee maanta ayuu Madaxweyne Gaas kaga qaybgalay Muqdisho Aaska Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya oo la keenay maanta Maydkiisa, isagoo u tacsiyeeyay eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuumku oo uu ku tilmaamay Halyeey ka baxay qaranka Soomaaliyeed.

-DHAMAAD-

Feebaraayo 8, 2014 War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Switzerland, ayaa lagu sheegay in Dominik Langenbacher uu yahay safiirka cusub ee Switzerland u joogi doona Soomaaliya.

Dan-jire Dominik Langenbacher, ayaa markii la magacaabay Kulankiisi ugu horeeyay Magaalada Zurich ee Caasimada dalkaas kula qaatay Qurba-joogta Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.

Dan-jire Langenbacher, ayaa dhankiisa ka warbixiyey qorshe-howleedkiisa mustaqbalka dhow iyo weliba arrimaha uu doonayo inuu kala hadlo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya marka uu maalmo kaddib soo gaaro caasimadda dalka ee Muqdisho.

Qodobbada uu carrabku dhiftay waxaa kamid ahaa: xoojinta nidaamka federalism-ka, dhismaha goleyaasha dhaqanka iyo guurtida; la-dagaalanka argagixisada iyo weliba xoojinta  xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD.


SNTV Somalia's photo.
SNTV Somalia's photo.
SNTV Somalia's photo.
SNTV Somalia's photo.
SNTV Somalia's photo.
SNTV Somalia's photo.
SNTV Somalia's photo.
SNTV Somalia's photo.
SNTV Somalia's photo.

Moqdisho Feebaraayo 7, 2013
Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa Sawirrada Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo maanta lagu aasay qabuuro ku yalla deegaanka Ceel Cirfiid ee duleedka Muqdisho, halkaasi oo ay ka qeyb galeen Madaxda sare ee dalka, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Madaxda maamul gobolleedyada, ehelada marxuumka iyo boqolaal dadweyne ah.


2014

 

WARARKA DOWLADDA SOOMAALIYA EE MAANTA
Moqdisho Febaraayo 3, 2013 Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi ayaa ka warbixiyay tirada askarta la ruqseeyay ee ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka, kuwaasi oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen dad xirfad layaal ah.

Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in tirada askarta la ruqseeyay ay gaarayso 700 askari, kuwaasi oo uu taliyuhu ku sheegay inay ahaayeen kuwa aan gudan waajibaadka ciidan ee ay u dhaarteen.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay in askarta la ruqseeyay ay isugu jiraan saraakiil, saraakil xigeen iyo dabley, kuwaasi oo u badan haween, isagoo xusay in muddo todoba bil ah ay u yeerayeen askartaasi, si ay u gutaan waajibaadka loo igmaday.

“Dadka la ruqseeyay waxa ay isugu jiraan dad xirfadlayaal ah oo aan si toos ah ugu shaqeynin ciidamada xoogga dalka, kuwaasi oo kala ah ganacsato qaad wada yaal ah, kuwa Hoteelada sida gaarka ah loo leeyahay Waardiyeeya iyo kuwa aan imaanin goobta shaqada” ayuu yiri Taliyaha.

Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi waxa uu xusay in hay’ad gaar ah ay u xilsaareen naafada iyo agoonta ciidanka xoogga dalka si loo daryeello, kuwaasi oo uu xusay taliyuhu in aysan ka mid ahayn kuwa la ruqseeyay.

Moqdisho Febaraayo 3, 2013 Kulanka golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ay isugu yimaadeen ayaa u jeedadiisu ahayd sidii Wasiirrada Xukuumadda ay u soo gudbin lahaayeen qorshe howlleedkooda ku aaddan sannadkan 2014-ka si guud ahaan Xukuumadda ay Barnaamijkeeda sannadkan ugu gudbiso Barlamaanka Soomaaliya marka uu furmo Kalfadhigiisa Afaraad.

Kulanka Golaha wasiirrada waxaa shir guddoominayey Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed, Wasiirrada wasaaradaha Xukuumadda ayaa mid mid soo jeedin ku saleysan qorshaha ay ku howlgalayaan ka hor akhriyey xubnha golaha wasiirrada.

Kulanka oo qaatay mudoo saacado badan kaddib, waxaa ka soo baxay go’aan lagu dhammeystirayo Istaraatiijiyadda qorshaha Wasaaradaha laanta fulinta dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa Warbaahinta Qaranka si kooban ugu sheegay kulanka golaha wasiirrada muhiimaddiisa iyo wax la isla gartay oo ay ugu horeysay  soo gudbinta qorshe howleedka ay ku shaqeyneyso Wasaarad kasta.

Waa kulanka koowaad ee golaha wasiirrada tan iyo markii ay xilka sida rasmiga ah ula wareegeen, waxa ayna durbaba guda galeen ballanqaadkii ay ku sameeyeey kulankoodii ugu horreeyey, iyaga oo aan xilalkooda la wareegin ee ahaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbinayaan qorshaha ay ku howlgalayaan sannadkan hadda socda.

Photo: Moqdisho Febaraayo 3, 2013 Kulanka golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ay isugu yimaadeen ayaa u jeedadiisu ahayd sidii Wasiirrada Xukuumadda ay u soo gudbin lahaayeen qorshe howlleedkooda ku aaddan sannadkan 2014-ka si guud ahaan Xukuumadda ay Barnaamijkeeda sannadkan ugu gudbiso Barlamaanka Soomaaliya marka uu furmo Kalfadhigiisa Afaraad.

Kulanka Golaha wasiirrada waxaa shir guddoominayey Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed, Wasiirrada wasaaradaha Xukuumadda ayaa mid mid soo jeedin ku saleysan qorshaha ay ku howlgalayaan ka hor akhriyey xubnha golaha wasiirrada.

Kulanka oo qaatay mudoo saacado badan kaddib, waxaa ka soo baxay go’aan lagu dhammeystirayo Istaraatiijiyadda qorshaha Wasaaradaha laanta fulinta dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa Warbaahinta Qaranka si kooban ugu sheegay kulanka golaha wasiirrada muhiimaddiisa iyo wax la isla gartay oo ay ugu horeysay  soo gudbinta qorshe howleedka ay ku shaqeyneyso Wasaarad kasta.

Waa kulanka koowaad ee golaha wasiirrada tan iyo markii ay xilka sida rasmiga ah ula wareegeen, waxa ayna durbaba guda galeen ballanqaadkii ay ku sameeyeey kulankoodii ugu horreeyey, iyaga oo aan xilalkooda la wareegin ee ahaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbinayaan qorshaha ay ku howlgalayaan sannadkan hadda socda.

Muqdisho, February 3, 2014 Dhaqaatiir u dhalatay dalka Turkiga ayaa maanta gargaar caafimaad oo lacag la’aan ah u sameeyay carruur Soomaaliyeed oo agoon ah, kuwaasi oo lagu xanaaneeyo xarun ku taalla degmada Hodon ee gobolka Banaadir, iyadoo arday wax ka barata Jaamacadda Benaadir ay deeq raashin ah gaarsiiyeen agoontaasi.

Xarunta daryeelka carruurta agoonta ah, kuwa cuuryaamiinta iyo kuwa derbi jiifka oo ku dhawaad 200 oo caruur ah ay gaarayaan ayaa waxaa maanta adeeg cafimaad oo lacag la’aan ah u fidiyay dhaqaatiir u dhalatay dalka Turkiga oo xaruntaasi gaaray, ay ugu kuurgalaan xaaladda caafimaad ee carruurta halkaasi lagu daryeelo.

Sidoo kale Ardayda wax ka barata Jaamacadda Benaadir ayaa dhankooda halkaasi gaarsiiyay deeq raashin ah oo loogu talagalay in lagu daryeelo carruurta xarunta ku xaraysan, iyadoo carruurta loo qeybiyay deeq dhar ah oo halkaasi ay gaarsiiyay Drs Caasho oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

Maamulaha xarunta daryeelka carruurta agoonta, kuwa cuuryaamiinta ah iyo kuwa derbi jiifka ee Daryeel Xaliimo Maxamed Macalin ayaa ka mahadcelisay deeqda dhar iyo raashin ee la gaarsiiyay xarunta carruurta lagu xanaaneeyo, iyadoo sidoo kale mahadnaq u jeedisay howlwadeennadii caafimaadka ee ka socday dowladda Turkiga ee gar gaarka caafimaad halkaasi ka fuliyay.

Xildhibaan C/laahi Axmed Xuseen Coonka oo ka mid ah mudenayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in xaaladda ay ku noolyihiin carruurtan ay tahay mid u baahan daryeel dhinac walbo leh.

Muqdisho, February 3, 2014 Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku shir-guddomiyey kulankii labaad ee uu yeeshay guddiga haggidda iyo socod-siinta ee Hay’adda Dib-u-dhiska iyo Horumarinta Soomaaliya ee loo soo gaabiyo (SDRF).

Shirkan oo ay ka sa soo qayb-galeen Dowladda Federaraalka, Maamul Goboleedyada, iyo deeq-bixiyayaasha caalamiga ah ayaa lagu dardargelinayey fulinta hawlaha barnaamijka Heshiishka Cusub( New Deal) ee dalka Soomaaliya.

Barnaamijka Heshiishka Cusub oo ah mid si toos ah dhaqaale loogu siinayo dalka Soomaaliya ayaa xoogga saaraya dhinacyada mudnaanta leh ee nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya oo kala ah ka-qaybgalka siyaasadda, ammaanka, Caddaaladda, dhaqaalaha iyo adeegga bulshada.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa shirkii magaalada Bruessels ee 16-kii bishii September ee sannadkii ku heshiiyey in barnaamijka Heshiiska Cusub uu noqdo hannaanka dhaqaalaha lagu siiyo dalka Soomaaliya si loo xoojiyo waxtarnimada kaalmada shisheeye.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed oo hadal ka jeediyey furitaanka shirka ayaa bogaadiyey muhiimadda barnaamijkani isagoo sheegay in xukuumaddiisu ay meelmarinayso Heshiishka Cusub, si loo gaaro hadafyada la hiigsanayo sannadka 2016-ka.

“Barnaamijka Heshiishka Cusub waxa uu bilow u yahay dowlad Soomaaliyeed oo gobanimo leh, nabad ah , dimuquraaddi ah, mid ah, federal ah, taasi oo nabad kula noolaata adduunka, si ay wax u tarto dadkeedda” sidaasi ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka sheegay shirka waxana uu raaciyey

“ Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadda horumarinta waa in ay aaminaan in barnaamijkan la hirgelinkaro, waana in ficilkeena laga arkaa. Waa in kalsooniadda lagu dhisaa ficil iyo waxqabad. Waxa aynu u baahanahay in aynu samaynno maamulo gunta laga soo dhisay oo ay dadku raalli ka yihiin, sidoo kale, waa in aynu dhisno qaab-dhismeed kor loogu qaadayo kalsoonida shacabka ee dhinaca caddaaladda, iyadoo sidoo kale wax laga qabanyo nidaamkeenna maaraynta dhaqaalaha dowladda”

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh AxmedMaxamed ayaa maanta la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ugu qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo saraakiil sarsare oo ka socday Baanka Adduunka, waxana ay ka wada hadleen taageeridda hay’adaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, iyo sii wadista taageerada beesha caalamka ee dalka Soomaaliya

Moqdisho Febaraayo 3, 2013 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa sheegay inay xoojinayaan dagaalada ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab, sanadkaan 2014 ay doonayaan in guud ahaan dalka ay ka saaraan Xoogaga Shabaab.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda oo Wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da, ayaa sheegay in sidoo kale ay ku dadaalayaan xaqiijinta ammaanka.

Wuxuu xusay inay ka hortagayaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee ay Shabaab ka geystaan Magaalada Muqdisho, waxaana uu Ra’iisul Wasaaraha sheegay in qorshaha xukuumadda sanadkaan uu yahay xasilinta guud ahaan xaalada ammaan ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay arinta ku aadan shirarka ka socda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay, ee looga hadlayo maamul usameynta Gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Dowladiisa ay taageersan tahay in dadka wadahadlaan oo ay aayahooda ka tashtaan.

C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada ku aadan in ciidamada Kenya ay ka baxayaan Gobalada Jubbooyinka, waxaana uu sheegay inay jiraan dhaq-dhaqaaq noocaasi ah balse uusan ka bixin karin faah-faahin buuxda oo ku aadan arimaha ciidanka.

Xukuumadda curdanka ah ayaa hadalhaysa in sanadka 2014 ay sameyn doonto isbedel muuqda oo ku aadan hanaanka amniga iyo Dowlad wanaaga dalka.

Cadaado Febaraayo 3, 2013 Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisu uu ku guuleystay in uu xiriiro wanaagsan la sameysto maamullada ka dhisan dalka, kaddib markii uu ka soo laabtay magaalada Garoowe ee xarunta Gobalka Nugaal.

Shirkan jaraa’id ee uu maanta magaalada Cadaado ku qabtay Madaxwaynaha dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb C/laahi Cali Maxamed Kadiye (Baarleex) ayaa waxa uu kaga hadlay kulamo uu magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe kula qaatay madaxda Galmudug iyo Puntland, isagoo sheegay in heshiisyo ku saabsan iskaashiga ganacsiga iyo ammaanka ay wada gaareen labada maamul.

“Muhiimadda safarka wafdiga aan hogaaminayay waxay ahayd ka qaybgalka xafladda caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Punland oo nalaga casuumay, waxaana wada gaarnay madaxda Puntland heshiis la xiriira iskaashiga nabadgalyada iyo dhaqaalaha, waxaan sidoo kale heshiis qodobaysan la gaarnay Galmudug kaas oo quseeya xoojinta xiriirka iyo arrimaha gobollada dgexe” ayuu yiri Madaxwayne Baarleex.

Dhinaca kale Madaxwaynaha dawlad goboleedka Ximan iyo Xeeb C/laahi Cali Maxamed ayaa sheegay in deegaanno kale oo ka mid ah gobollada dhexe uu safar ku tegi doono si aragti isku mid ah looga qaato samaynta maamul ay ku midaynsanyihiin bulshada gobollada dhexe.

Hogaanka cusub ee dawlad goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa isku dayaya inuu xiriir wanaagsan la yeesho dowlad goboleedyada kale ee dalka ka jira.

Mombasa Febaraayo 3, 2013  Ilaa laba qof oo uu ku jiro askari boolis ah ayaa ku dhintay rabshado u dhaxeeya dhalinyaro mayal adag iyo booliska oo galabta ka qarxay magaalada xeebta ku taala ee Mombasa oo ah caasimada labaad ee dalka Kenya.

Lama oga sababta keentay dhimasha askariga booliska ah,laakin warar laga helayo booliska ayaa sheegaya in askariga ay ku dhacday xabad ay soo rideen dhalinyarada rabashadaha waday oo ku jiray masjidka Musa oo ku yaala xaafada Majengo.

Booliska ayaa sheegay in ay hub oo ku jiro qorigii G3 oo laga qaatay askariga dhintay ,qori AK 47 ah ,sedax Laptop ,boqolaal cajal oo CD ah oo ah kuwa jihaadka ay ku duubayihiin ay ka soo heleen masaajidka.

Dhalinyarada ayaa la sheegay in ay masaajidka galeen 8-dii subaxnimo ku dhawaad mudo 5 saacadood ahna ay ku jireen,iyadoo laga dhaadhicinayay fikir jihaad ah.

Dhalinyarada ayaa la sheegay in masjidka Musa ay ku dhex haysteen calan u eg kan ay isticmaalaan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Qaar ka mid ah dhalinyarada oo da’doodu ay ahayd 9 sano jir, ayaa ka soo baxay masaajidka,iyagoo bilaabay in ay dhagxaan ku tuuraan ciidamada booliska.

Qaar ka mdi ah dhalinyarada ayaa ku qeylinayay erayo ay ka mid ahaayeen (fulayaal iyo gaalo)

Ciidamo isugu jira booliska joogtada ah,kuwa Ap-ga iyo ciidamada GSU-da ayaa dhalinyarada u isticmaalay suntan dadka ka ilimeysiiisa iyagoo sidoo kalana rasaas hawada u ridayay.

Ku dhawaad 60 dhalinyarado ah ayaa la sheegayaa inay maasjidka ku jireen ilaa maalintii jimcaha,iyadoo hogaamiyaal mayal adag ay ka dhaadhicinayeen jihaadka.

Taliyaha ciidanka booliska ee magaalada Mombasa  Robert Kitur ayaa sheegay in dhalinyaadii la soo qabtay la geeyay saldhigyada booliska si su’aalo loo weeydiyo.

Taliyaha ayaa sheegay in dhalinyaradasi bari oo isniin ah maxkamad la soo taagi doono,isagoo amar ku bixiyay in la soo qabto dhalinyaro kale oo uu sheegay in ay ku dhuumaaleysanaayn masaajido kale.

Gudiga ammaanka ee County Mombasa ayaa la filayaa in ay beri oo isniin ah ama talaadada shir ka yeeshaan sida laga yeelayo masaajidan dhalinyarada fikirka looga badalayo.

Gudoomiyaha County Mombasa Nelson Marwa ayaa ka digay in aysan ogolaan doonin in goobaha diinta loo isticmaalo goobo fikir qaldan looga dhaadhiciyo dhalinyarada.

Moqdisho Febaraayo 3, 2013 R/wasaaraha Xukumadda Somalia C/weli sh,Axmed Max’ed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheeegay in ciidanka Dowlada Kenya ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubbada hoose aysan ka wada bixi doonin Magaaladaasi.

Waxa uu tilmaamay in ciidanka Kenya qeyb kamida ay ka howlgali donaan gobolka Gedo iyaga oo gacan ka helaya ciidanka Dowlada Federaalka Somalia ee gobolkaasi ku sugan taas oo uu sheegay in lagu doonayo in sanadkaan gudihiisa gabi ahaanba gobolkaas looga saaro Xarakada Al shabaab.

Warkaan kasoo baxay R/wasaaraha ayaa imaanaya xili dhawaan warar soo baxayay ay sheegayeen in ciidanka Kenya laga soo badali doono Kismaayo laguna wareejion doono howlgalka gedo ka socda iyadoona taas ay gashaanka ku dhifteen sarakiisha ciidanka Dowlada ee Gedo ku sugan.

Garoowe Febaraayo 3, 2013 WarsameMaamulka Puntland ee uu hogaamiyo C/weli Gaas ayaa sheegay inay dib u soo celin-doonaan cilaaqaadkii iyo xiriirkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulkooda ee uu horay u jaray Madaxweynihii hore ee Pintland C/raxmaan Faroole. Wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Puntland Cali Xaaji Warsame oo shalay saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa waxa uu ka hadlay xiriirka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka Puntland, isagoo sheegay in dhamaanba uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland hadday ahaan laheyd siyaasadda waxbarashada iyo dhankasta loona baahanyahay in degdeg loo soo celiyo xiriirka labada dhinac. Cali Xaaji Warsame waxaa kale oo uu sheegay inuu wax ka qaban-doono mudada uu xilka hayo dhibaatada ka dhexjirta dowladda Soomaaliya iyo maamulkiisa, wuxuuna balanqaaday inuu waxqabad muuqda la imaan doono oo uu ku dedaali doono sidii manaahijta waxbarashada Puntland uu u wanaaji lahaa , sidoo kalena deeqaha waxbarasho ee ay hesho dowladda Federaalka ay Puntland qeybteeda uga heli laheyd.

Moqdisho Febaraayo 2, 2013 Munaasabad lagu sagootinayay Wasiirkii hore ee Warfaafinta laguna soo dhaweeynayay wasiirka cusub ee ayaa xalay lagu qabtay magaalad Muqdisho.

Xafladda lagu sagootinayay wasiirkii hore ee Warfaafinta C/llaahi Ciilmooge Xirsi laguna soo dhaweeyanayay Wasiirka cusub Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo xalay lagu qabtay Hotelka City Plasa ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururka gabdhaha suxufiyiinta.

Nimco Xasan Cabdi oo ah guddoomiyaha ururkaasi ayaa ka hadashay ujeeddada xafladda,  iyadoo ku amaantay wasiirkii hore waxqabadkiisii, waxeyna intaasi ku dartay iney soo dhaweynayaan wasiirka cusub Mustaf Sh. Cali Dhuxuloow,  iyadoo muujisay sida ay ugu hanweynyihiin wax qabadka wasiirka cusub.

Wasiirkii hore Ciilmooge oo halkaasi ka hadlay ayaa uga mahadceliyay gabdhaha suxufiyiinta qaban qaabada xafladda, wuxuuna ka hadlay ahmiyadda ay bulshada u leedahay Warbaahinta.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta mudane C/llaahi Colaad Rooble oo halkaasi ka hadlay ayaa isna u mahadceliyay gabdhaha xaflada soo qaban qaabiyay,  isagoo quudareeyay iney waxqabad la taaban karo la imandoonaan muddada ay xilka hayaan,  islamarkaana ay xiriir wanaagsan la yeelan doonaan qeybaha warbaahinta.

Moqdisho Febaraayo 2, 2013 Kulankan ay maanta la qaateen Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamuud Coloow Barrow iyo ku-xigeenkiisa C/casiis Xasan Maxamed ururka Iskaashatooyinka  Soomaaliya ee UDHIS ayaa waxaa looga hadlay sidii dib howshooda ay u bilaabi lahaayeen ururada Iskaashatooyinka Soomaaliya iyada oo kulanka intii uu socday mas’uuliyiinta ururka Iskaashatada UDHIS ay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ay u soo jeediyeen qaabka ugu haboon loo bilaabi karo shaqooyinka ay qaban jireen Iskaashatooyinka Soomaaliya.

Cali Cabdalla Guure oo ah gudoomiyaha ururka Iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee UDHIS oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ururrada Iskaashatooyinka Soomaaliya qeyb weyn ka yihiin dib u soo nooleynta dhaqaalaha bur burey ee Dalka, ayna dhankooda bilaabi doonaan howlaha ay bulshada u hayaan.

Wasiirka Wasaraadda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamuud Coloow Barrow oo goobta kula hadlay mas’uuliyiinta ururka Iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee UDHIS ayaa waxaa uu sheegay in Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ay si buuxda ula shaqeyn doonta ururada Iskaashatooyinka si loo dar dargeliyo howlaha horyaalla ee ka faa’ideysashada Kheyraadka Dalkeena Soomaaliya.

Waa kulankii ugu horeeyay oo ay yeeshaan Wasiirka cusub ee Wasaraadda Kalluumeysiga iyo Mas’uuliyiinta ururada Iskaashatooyinka Soomaaliya, iyada oo Wasiirka Kalluumeysiga uu ku dhawaaqay in todobaadkan gudahiisa la qaban doono kulan kale oo looga hadlayo sida looga faa’ideysan lahaa Kheyraadka Soomaaliya, kaas oo ay ka soo qeyb gali doonaan madaxda sare ee Dalka.

Moqdisho Febaraayo 2, 2013Wasiirka amniga Qaranka ee Xukuumda Soomaaliya oo dalka dibadiisa ku maqnaa xiligii la dhaarinayay Xukuumadda ayaa maanta si rasmi ah xilkiisa loogu dhaariyay.

Wasiiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C/kariin Xuseen Guuleed, waxaa xilkiisa u dhaariyey Guddoomiyaha  Maxkamadda sarre ee dalka, Mudane Abuukaate Ceydiid C/laahi Ilka-xanaf, maadaama waqtigii la dhaarinayey inta badan xubnaha golaha wasiirrada uu dalka dibeddiisa ugu maqnaa howlo shaqo.

Dhaarinta ayaa ka dhacday xarunta xafiisyada  guddiyada joogtada ah ee Barlamaanka Soomaaliya ee Villa Hargeysa, waxaana madasha dhaarinta lagu qabtay ku sugnaa Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Barlamaanka Jeylaani Nuur Iikar iyo xubna ka mid ah Xildhibaannada Barlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa marka loo dhaariyey xilkiisa kaddib la hadlay Warbaahinta qaranka waxa uu si kooban u sheegay in Wasaaraddiisa ay qorsheysay isbaddel quseeya amniga Qaranka Soomaaliya, dhawaanna ay soo bandhagi doonaan Barnaamijkaasi, si dalka loo xasiliyo ka hor waqtiga dowladda u haray.

Wasaaradda Amniga Qaranka  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ka mid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan hey’adaha laanta fulinta dowladda Soomaaliy, waxaana laga sugayaa in ay qaado tallaabooyin ku habboon xasiloonimada waddan, iyadoo lagama maarmaan ay tahay in ay si deg deg ag u soo bandhigto qorshe gaar ah oo ku saabsan dabar goynta argagixisada Soomaaliya ku dhuumaaleysaneysa.

Moqdisho Febaraayo 2, 2013 Madaxweynaha Puntland ayaa kula dar-daarmay wasiirada cusub ee Puntland inay shaqooyinkooda si wanaagsan u qabtaan, xilli shalay lagu dhaariyay madaxtooyada Maamulka Puntland.

C/wali Gaas ayaa usheegay Wasiirada inuusan ogolaan doonin musuq-maasuq iyo minjecleysi intaba, maadaama iyagaba aan lagu soo xulin minjecleysi sida uu yiri.

Howlaha culus ee horyaala ayuu sheegay inay uga bixi karaan kaliya si wanaagsan inay ushaqeeyaan, iyaga oo eegaya masuuliyada weyn ee dalka ka saaran.

Madaxweyne Gaas wasiiradda ayuu u sheegay inay shaqadooda u madax banaanyihiin islamarlaasina wixii talo ama taakulo ah ay diyaar ula yihiin, isagoo raaciyay inuu soo dhoweynayo la xisaabtanka Barlamanka xukuumadda muddo markii la joogoba.

Wasiirada cusub ee Maamulka Puntland ayaa shalay lagu dhaariyay xarunta Madaxtooyada Puntland.

Moqdisho Febaraayo 2, 2013Waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah oo loo sameynayo geerida Allah ha u naxariistee Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen.

Guddiga heerka qaran ee loo saaray diyaarinta aaska meydka Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen, ayaa si faahfaahsan uga hadlay hawlaha ay qaban doonaan iyagoo dhanka kale ka tacsiyadeeyey geeridii marxuumka oo ku geeriyooday dalka Mareykanka maalinimadii Jimcaha.

Guddi Wasiirro iyo Xildhibaanno ah oo uu guddoomiye u yahay ku xigeenka Ra’iisul wasaaraha ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, Mudane Ridwaan Xersi Maxamed, ayaa waxaa oggollaaday in guddigaasi uu howlgallo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka kusoo laabtay.

Waxaa xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho Wasiirka Warfaafinta Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah xubnaha guddiga qabanqaabada aaska Qaran ayaa sheegay in meydka marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo hadda lagu hayo dalka Mareykanka loo soo duulin doono magaalada Muqdisho laguna aasi doono.

Shirka jaraa’id ee xalay, ayuu wasiirka warfaafinta ku faahfaahiyey magacyada guddiga aaska qaran loo xilsaaray oo isugu jira wasiirro iyo Xildhibaanno.

Waxayna kala yihiin sidan;-

1) Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xersi Maxamed, Guddoomiyaha Guddiga

2) Wasiirka Qorsheynta Saciid C/llaahi Dani Xubin

3) Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane Xubin

4) Wasiirka Garsoorka iyo Destuurka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed Xubin

5) Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed Xubin.

6) Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow xubin

7) Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiska Khaalid Cali Cumar Xubin

8) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” Xubin

9) Habdhowraha Barlamaanka Maxamed C/llaahi Xasan Xubin

10) Xildhibaan C/qaadir Sheekh Cali Bakhdaadi Xubin

11) Xog-hayaha Barlamaanka C/kariin Cabdi Buux Xubin

Go’aamada guddigu soo saareen;-

- In meydka marxuum loo soo duuliyo dalka, laguna aaso magaalada Muqdisho

- In muddo saddex maalmood ah loo baroordiiqo geerida marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen.

- In muddo saddex maalmood ah oo baroordiiqdu socoto hoos loo dhigi doono calanka jamhuuriyada Soomaaliya.

- In la furo buugga Tacsida, iyadoo laga furayo dalka gudahiisa iyo safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay wadamada Caalamka.

Moqdisho Febaraayo 2, 2013  Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda caafimaadka ahna kusimaha Wasiirka Mudane Axmed Aadan Axmed ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay mas’uuliyiin ka socotay hay’adda UNFPA, kaasi oo ay kaga hadleen sida lagu dar dargelin karo adeegyada caafimaad ee ay u baahanyihiin bulshada, iyadoo kulanka si gaar ah diiradda lagu saaray dib u dhis lagu sameeyo xarumo lagu daryeelo hooyada iyo dhallaanka.

Kulanka ayaa markii uu soo idlaaday kaddib, waxaa Warbaahinta Qaranka la hadlay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Axmed Aadan Axmed oo sheegay in mas’uuliyiintii ka socotay hay’adda UNFPA ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ugu horeyso horumarinta xarumaha hooyada iyo dhalaanka ee gobalka Benaadir, si loo yareeyo qataraha inta badan soo wajahda hooyada iyo dhallaanka.

Mudane Axmed Aadan Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in ay joogteynayaan shirarka nuucaani oo kale ah oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaad, isagoo xusay in mas’uuliyiinta ay balan qaadeen in ay Degmooyinka Gobalka ka hirgelin doonaan xarumo caafimaad oo lagu xanaaneynayo hooyada iyo dhallaanka.

Kulanka ayaa ah kii ugu horeyeeyay ee dhexmara  Mas’uuliyiinta Wasaaradda caafimaadka iyo xubno ka socday Hay’adda UNFPA, kaasi oo looga hadlay dar dargelinta adeegyada caafimaadka.

Moqdisho Febaraayo 1, 2013 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo  ayaa  galabta ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan  Cadde ee magaalada Muqdisho kaddib markii magaalada Adis- Ababa ee Dalka Ethiopia ay kaga soo qeyb galeen shir madaxeedka wadamada Africa.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayay  ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay guddoomiyaha golaha Baarlamaanka dalka Prof  Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole, iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane  Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay Shirkii uu ka qeyb galay ee Madaxda Midowga Afrika oo uu xusay  in looga hadlay arrimo quseeya qaarad weynta Afrika, waxaana uu tilmaamay in  Kulamo kala duwan uu la qaatay qaar ka tirsan madaxda dowladaha  caalamka islamarkaana ay ka wada hadleen arrimo la xiriira Soomaaliya.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha dalka ayaa Tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha  u naxariistee Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen oo xalay ku geeriyooday wadanka Mareykanka, waxaana uu tilmaamay in Aas Qaran Loo Sameyn doono guddina ay u xilsaareen Aaska loo sameynayo.
Garoowe Feebaraay0 1, 2014 Wasiirada, wasiir ku xigeenada iyo wasiiru-dowlayaasha dowladda madaxweyne Dr Cabdiweli Maxamed Cali ee dhowaan la magcaabay ayaa maanta oo Sabti ah lagu dhaariyey munaasabad ka dhacday xaruunta madaxtooyada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goob joog ka ahaa ku xigeenka Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar, Gudoomiyaha Barlamanka Siciid Xasan Shire iyo Gudoomiyaha Maxkamadda sare Cabdiqaadir Shiikh Axmed Maxamuud.

Dhaarinta ayaa u dhacday sidii loogu talo-galay waxaana goobta khudbado ka jeediyey madax kala duwan, madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in xukuumadu ay ku shaqaynayso qorshe diyaarsan.

Qorshaha dowladda iyo howsha oo loo fuliyo sida ugu wanaagsan ee wasaarad kasta ayaa madaxweynuhu ku sifeeyey in tahay tan ugu haboon ee lagu gaari karo hiigsiga la filayo iyo balanqaadkii ay sameeyeen. Isagoo arintaas ugu baaqay wasiirada cusub.


Moqdisho Janaayo 31, 2014 Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo ahaa Ra’isulwasaarihii Labaad ee Dalkeenna.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, waxaa isoo gaaray war ku saabsan inuu geeriyooday Mudane C/risaaq Xaaji Xuseen Ra’isulwasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya inuu dalka Mareykanka xalay ku geeriyooday,raxmadii jano Alle hasiiyo, anagana samir iyo iimaan Alle hanaga wada siiyo dhammaan shacbiga Soomaaliyeed waan uga tacsiyadeeynayaa”

Ku simaha Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si kooban uga waramay Taariikhda Allaha u naxariistee Ra’isulwasaare C/risaaq Xaaji Xuseen waxaana uu yiri “ taariikhda marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen cid Soomaali ah oo aanay ogeyn ma jirto waxa uu leeyahay taariikh weyn,waxa uu kaalin mug leh ku lahaa halgankii gobonimodoonka Umadda Soomaaliyeed iyo dhismaha dowladnimada,taariikhdiisana waxey tusaale u tahay guud ahaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaanna dhalinyarada,xitaa markii ay dowladdii dhexe bur burtay waxa uu isku dayey in mar walba ay xal dowladnimo hesho”

Isago hadalkiisa sii wata Ku Simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xusay in gudi ka kooban labada Gole ee Dowladda oo ay kala hormuud u yihiin Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar iyo Ra’isulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed u xil saaray Aaska Qaran ee Ra’isulwasaare C/risaaq Xaaji Xuseen,shacabka Soomaaliyeedna waan usoo sheegi doonnaa halka uu ka dhacayo iyo waqtiga la aasi doono.

“Ugu dambeyntii anigoo ku hadlaya Magaceyga,Magaca Gudoonka Baarlamaanka,Magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda,Magaca Xukuumadda iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed oo aan leeyahay Alle samir iyo Iimaan hanaga wada siiyo,Janadii Fardowsana Alle haka waraabiyo.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN


http://www.youtube.com/watch?v=en-iRC07LN4


Photo





Minneapolis Jimco Janaayo 31, 2014 War goor dhowayd naga soo gaaray dalka Mareykanka ayaa sheegaaya in uu geeriyooday Rabbi ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Xassan.

Geeridiisa ayaa timid kadib mudooyinkii lasoo dhaafay xanuun lasoo deristay, waxaana uu ugu dambeyn geeriyooday maanta oo jimce ah (waqtiga Maraykanka).

Allahu naxariiste Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa ahaa Raysalwasaaraha Soomaaliya muddadii u dhaxeysay 14kii bishii June sanadkii 1964-tii illaa 15kii bishii July sanadkii 1967-dii.

Dadkii ay soo wada shaqeeyeen waxay ku tilmaameen in uu ku dhaqmi jiray maamul hufan oo la dirrira xatooyada hantida Umadda.

Inta uusan noqon Ra’iisul Wasaare,  xubin firfircoon ayuu ka ahaa dhaq dhaqaaqii xornimadoonka ee SYL, wuxuuna kamid noqday Baarlamaanadii rayidka ahaa ee Dowladdihii Madaxweynayaashii Aadan Cadde iyo C/rashiid Cali Sharma’arke.

Markii uu dhacay afgambigii milateri ee aan dhiiga ku daadan, Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen wuxuu kamid ahaa xubnihii loo taxaabay xabsi guri balse mudo kadib lasii daayay, waxaana uu inta kadib noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay.

Burburkii kadib ayuu ka qayb qaatay shirarkii dib u heshiisiinta ee xal loogu raadinayay dagaaladii sokeeye.

Moqdisho Jimco Janaayo 31, 2014 Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska ayaa maanta howlo kormeer ah ku tagay deegaannada Ceelasha Biyaha iyo Lafoole, halkaasi oo ay kula kulmeen odoyaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kale ee bulshada ee deegaannadaasi ku nool, kuwaasi oo ay kala hadlayeen xaaladda guud ee ka jirta halkaasi.

Saraakiisha iyo odoyaasha dhaqanka ayaa kulankooda ku saabsanaa sidii la isaga kaashan lahaa ammaanka deegaannadaasi, islamarkaana ay qeybaha kala duwan ee bulshada ula shaqeyn lahaayeen ciidamada amniga, si loo xaqiijiyo ammaanka guud deegaannada Lafoole iyo Ceelasha Biyaha.

Saraakiisha halkaasi kormeerka ku tegay oo kala ah Taliyaha hogaanka howlaha Jeneraal Axmed Xasan Maalin, Taliyaha Hogaanka Saadka Jeneraal C/laahi Xasan Barriise iyo  Taliyaha ciidanka ilaada waddooyinka Jeneraal Cali Xirsi Barre Caligaab ayaa waxa ay xarigga ka jareen saldhig cusub oo laga hirgeliyay deegaanka Lafoole, si ay halkaasi ugu shaqeeyaan cutubyo ka tirsan ciidanka booliska, ayna ku xaqiijiyaan nabadgelyada deegaankaasi.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay mid ka mid ah odayaasha dhaqanka oo saraakiisha ku wareejiya furayaasha saldhigga cusub ee ay ku shaqeynayan ciidanka, waxaana uu tilmaamay in ay diyaar u yihiin la shaqeynta ciidanka booliska si nabadgelyada deegaankaasi kor loogu qaado.

Guddoomiyaha Lafoole Ibraahim Muxumed Guuleed oo isna goobta hadal ka jeediyay ayaa u mahadceliyay odoyaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidanka, isagoo hoosta ka xariiqay in saldhigga cusub ay aad ugu baahnaayeen dadka deegaanka.

Jeneraal Axmed Xasan Maalin Taliyaha hogaanka howlaha ee ciidanka booliska ayaa sheegay in Saldhigga booliska ee laga hirgeliyay Lafoole, ay u jeedkiisu ahayd adkeynta amniga iyo la shaqeynta shacabka deegaankaasi ku dhaqan.

Moqdisho Jimco Janaayo 31, 2014  Wasaaradda howlaha Guud iyo Guryeenta ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Wasaaraddu dejisay qorshe howleed loogu talagalay horumarinta dismaha iyo sidii Gobollada dalka la gaarsiin lahaa howlaha ay Wasaaraddu dejisay ee xagga dib u dhiska.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda howlaha guud iyo Guryeenta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo u waramay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Wasaaraddu qorsheyneyso sidii loo gaarsiin lahaa guud ahaan dalka dib u dhis buuxa, isagoo xusay in haatan ay wadaan sidii qorshahaasi loo dhaqan gelin lahaa.

“Bur bur lixaad ah ayaa dalka gaaray, qaarkood waxa ay u baahanyihiin dib u dhis, marka annaga waxaa noo qorsheysan qorshe aan dib u dhis ugu sameynayno xarumihii dowladda ee dagaalladu ku bur buray oo ay ugu horeeyaan kuwa ku yaalla gudaha Gobalka Benaadir” ayuu yiri

Mudane Maxamed Ismaaciil ayaa waxa uu xusay in Wasaaraddu ay mas’uul ka tahay dib u dhiska dalka, isagoo tilmaamay in gobollada qaar laga fulin doono dib u dhis, islamarkaana lala kaashan doono maamullada gobollada dalka ka jira.

Addis Ababa Jimco Janaayo 31, 2014 Madaxda dalalka Afrika ayaa waxaa ay garab ka siinayaan Soomaaliya howlgalada lagula jiro Al-Shabaab. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud ayaa wuxuu yir” Anaga hadda waan ka fiicanahay 20 sanno ee lasoo dhaafay. Taasna waa mid aan anaga oo kaliya gaarnay ma’ aha ee waxey ku timid kaalmadda aan ka heleyno saaxiibadeena. Waqtigii waa la gaaray ay dowladda ka dhabeyn laheyd in uu dalka noqdo mid nabad ah ay muwaadiniinata ku nool yihiin amni. Africa way na garab taagan tahay, waana u mahad celinayaa walaalaheena taageradda aan kala go’a laheyn.”

Shirar badan oo kala duwan ayuu Madaxweyne Xassan la qaatay madax kala duwan. Madaxweynaha ayaa wuxuu kulan la qaatay Raisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Heile Meriiam Desalegn. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wuxuu la kulmay Linda Thomas Greenfielf oo Maraykanka u qaabilsan Afrika. Kulamadaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo soo Af-jari lahaa Al-Shabaab sanadkan 2014.

“Soomaaliya waxey uga mahad-celineysaa dowladda Maraykanka taagerida uu Maraykanka ka taagero dhanka amniga iyo qalabeynta” saa waxaa yiri Madaxweynaha.”

DHAMMAAD


Photo: Moqdisho Janaayo30, 2014 Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Mudane Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu ku celiyay in waqti dhow ay Dowladdiisu qaadi doonto, gulufyo ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Madaxweynaha, ayaa Shabaabka ku eedeeyay inaanay raali ka ahayn maslaxada Ummada Somaliyeed, ayna muhiim u arkaan sidii looga dulqaadi lahaa heeryadooda, sida uu yiri.

Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya oo kaabaaya Ciidamada Amisom, ay Ururka Al Shabaab ka saari doonaan meelaha, ay dalka kaga sugan yihiin.

Madaxweynaha oo wareysi siiyay Wakaalada wararka ee Reuters, ayaa Beesha Caalamka ugu yeeray in ay Ciidankiisu ka caawiyaan qalabka Militari, ee ay doonayaan, si ay kaga takhalusaan Shabaabka.

Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku celiyay in sanadkaan ay Dowladdiisu hiigsaneyso, sidii dalka oo dhan ay kaga saari laheyd Ururka Al Shabaab, oo horey u qirtay in uu xiriir la lee yahay Al-qaacida.


Moqdisho Janaayo30, 2014
Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Mudane Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu ku celiyay in waqti dhow ay Dowladdiisu qaadi doonto, gulufyo ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Madaxweynaha, ayaa Shabaabka ku eedeeyay inaanay raali ka ahayn maslaxada Ummada Somaliyeed, ayna muhiim u arkaan sidii looga dulqaadi lahaa heeryadooda, sida uu yiri.

Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya oo kaabaaya Ciidamada Amisom, ay Ururka Al Shabaab ka saari doonaan meelaha, ay dalka kaga sugan yihiin.

Madaxweynaha oo wareysi siiyay Wakaalada wararka ee Reuters, ayaa Beesha Caalamka ugu yeeray in ay Ciidankiisu ka caawiyaan qalabka Militari, ee ay doonayaan, si ay kaga takhalusaan Shabaabka.

Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku celiyay in sanadkaan ay Dowladdiisu hiigsaneyso, sidii dalka oo dhan ay kaga saari laheyd Ururka Al Shabaab, oo horey u qirtay in uu xiriir la lee yahay Al-qaacida.

Moqdisho Janaayo30, 2014  Sida ay sheegtey Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale si weyn u beenisay jiritaanka warbixinnada la xiriira in musuqmaasuq iyo wax is-daba-marin ay hareeyeen howlaha bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo wareysi siiyey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in dowladiisa ay si weyn ula shaqeyneyso xubnaha beesha caalamka si loo hubiyo in dib u habeyn lagu sameeyo maamulka maaliyadda ee dadweynaha.

Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday tallaabooyin lagu doonayo in lagu dhiso guddi wada-jir ah, oo ka kooban saraakiil Soomaaliyeed iyo wakiillo ka kala socdo hay’adaha Bangiga adduunka iyo hay’adda lacagta adduunka oo ka tala bixinaya habka maamulka maaliyadda.

Marwo Yusur Abrar oo muddo kooban aheyd guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa is cisishay, iyadoo diblomaasiyiinta shisheeye ay ku fasireen sababta in ay tahay Yusur oo si weyn uga walwalsneyd arrimo musuqmaasuq oo ay tuhuntay.

Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu ka shaqeynayo sidii loo meel marin lahaa nidaamka federaalka ee Soomaaliya, wuxuuna ballan qaaday in wada-hadalka Somaliland lala leeyahay uu socon doono.

Moqdisho Janaayo30, 2014 Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu yeereysaa Hogaamiyayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta hormuudka u ah wadahadallada iyo wada tashyada ka socda magaalada Baydhabo arrimaha soo socda:

1- In la dhowro deganaanshaha iyo xasilloonida guud, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara iska horimaad bulshadeena dhexdeeda;

2- Sidii horey laysku afgartay, waa in fursad la siiyo sidii loo ballaarin lahaa, loona sii wadi lahaa wada tashiyada iyo is-fahamka si geedi socodku u noqdo mid guuleysta;

3- Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay mar walba dhiirri-galineysaa isla markaana fududeyneysaa inay sameysmaan Maamul Goboleedyo ku dhisma habraaca Dastuurka Federaalka iyo Shuruucda dalka.

DHAMAAD

Moqdisho Janaayo30, 2014 Waxaa halkaan idin soo gudbineynaa qeyb kale oo ka mid ah dhismaha Isbitaalka Digfeer, ee iminka loo bixiyey Recep Tayyip Erdogan ee magaalada Muqdisho oo lagu sameeyay dib u dhis iyo qalabeyn casri ah, iyadoo waayihii ugu danbeeyay dowladda Turkiga ay ku mashquulsaneyd horumarinta isbitaalkaasi.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 58 59 60

Aqristoow hadii aa daawato mar qura waxaa is badalaya dareenkaada adigoo durbaba qiiro iyo ilmo ay indhahaada mar qura ku soo istaagayaan ee nala daawo sawirada isbitalka qeybtii labaad oo cajiib ah.

Muqdisho, January 29, 2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa maanta ka amba baxay garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, iyagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Ethopia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka 22aad ee hogaamiyeyasha Midiwga Afrika ay ku yeelanayaan magaalada Addis Ababa ee xarunta u ah Midowga Afrika.

Shirka oo socon doono muddo labo cisho ah ayaa waxa uu maalinta berito ah ka furmayaa xarunta Midowga Afrika ee dalka Ehiopia, iyadoo maanta gelinka dambe halkaasi lagu soo gabo gabeyn doono shirka wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka Midowga Afrika oo shalay halkaasi kurmay, kaasi oo gogol xaar ah kulanka berri hogaamiyeyaasha iyo madaxda Midowga Afrika uga furmaya magaalada Addis Ababa.

Shirka waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimo badan oo ku saabsan Qaaradda Afrika, gaar ahaan dhanka waxsoo saarka beeraha.

Muqdisho, January 29, 2014 Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa halkaasi uga qeyb galaya shir madaxeedka 22-aad ee Madaxda iyo hogaamiyeyaasha Midowga Afrika, iyadoo Soomaaliya ay aaminsantahay in la labo jibaarayo taageerada ku aadan cirib tirka Al-Shabaab.

Madaxda dalalka Afrika ayaa diiradda saari doona ajendaha 2063 oo dhigayo meesha Qaaradda Afrika la doonayo in ay gaarto sanadkaas. Ajendaha ayaa waxaa ku xusan in Qaaradda Afrika ay tallaabo la taaban karo sameysay sida dowlad wanaagga, dhaqaalaha iyo horumarka.

Madaxweynaha ayaa sheegay “Sanadkaan waxaan ku bilaawnay guulo laga gaaray cadawga dalka, anagga oo aad isku diyaarinay kaalmana ka heleyno saaxibadeena, waxaan ku qasabnay cadawga in ay waayaan meel ay ku nastaan kuna dhuuntaan. waxaan saarnay culeys aysan u dulqaadan karin, oo ka mid ah weeraro isdaba joog ah oo meel walba ah.

“Waan wadeynaa qorshaha cirib tirka Al-Shabaab. howshaan, waa in aan soo af-jarnaa sanadkan 2014” ayuu markale Madaxweynuhu yiri

Shirkan oo maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa ayaa lagu wadaa in maalinta berrito ah halkaasi lagu soo gabo gabeeyo oo ay ka soo baxaan go’aanno wax ku ool ah, waxaana shalay la soo gabo gabeeyay shirkii Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Midowga Afrika.

Muqdisho, January 29, 2014 Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimey oo ay Haweenka Soomaaliyeed ku muujinayeen taageerrada ballaaran ee ay u hayaan Wasiirka cusub ee Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa caawa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan oo ay wadajir usoo qabanqaabiyeen Haweenka Qaranka Soomaaliyeed,Haweenka gobolka Banaadir iyo Hobollada Waaberi ayaa ka dhacday Hotelka City Palace degmada C/casiis ee gobolka Banaadir waxaana ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Haweenka,Intabadan Xildhibaannada Haweenka ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,haween ka kala socday degmooyinka gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Xubno u hadlay ururrada Haweenka iyo saxafiyiinta ayaa muujiyey sida ay haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u taageersanyihiin xiligan in Khadiijo Maxamed Diiriye loo magacaabo Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo hormarinta xuquuqul insaanka waxaana ay ballan qaadeen iney la shaqeyn doonaan ayagoo sidoo kalena Alle uga baryey inuu la garabgalo gudashada waajibaadka loo igmaday.

Gudoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gabale oo munaasabadda khudbad ka jeedisay ayaa xustay in Haweenka Soomaaliyeed ay caawa muujiyeen dareenkooda ku aadan sida ay u taageersanyihiin wasiirkooda cusub waxaana ay intaa ku dartay iney markastaba Haweenka Soomaaliyeed taageerro la garab joogaan Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo hormarinta Xuquuqul Insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye oo Munaasabadda khudbaddii ugu dambeysay ka jeedisay ayaa u mahad celisay qaban qaabiyeyaasha iyo dadkii kasoo qeybgalay Munaasabaddan sida weyn loogu taageeray waxaana ay xustay iney aad ugu faraxsantahay taageerrada ay u muujiyeen Haweenka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba, taageerradaasina ay tahay mid ku dhiiragelineysa iney si hufan u gudato waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Munaasabadda oo kusoo gebageboowday jawi farxadeed ayaa intii ay socotay waxaa suugaan qiima leh kusoo bandhigay fanaaniinta Qaranka ee hobollada Waaberi ayadoo munaasabaddanna aysan aheyn munaasabaddii ugu horeysay ee lagu taageerro Wasiirka cusub ee Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka.

Minneapolis January 29, 2014 Waxaa maanta ka dhacay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee cariga Mareykanka Munaasabad lagu taageerayo dowladda cusub ee uu dhawaan soo dhisay Wasiirka Koobaad  Mudane C/weli Sheekh Axmed waxaana kulankan kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Gobolka Minnesota.

Ujeedada Munaasabadda waxa ay aheyd taageerro, dardaaran iyo wadatashi ku wajahan sidii jaaliyadu uga qeybqaadan laheyd nabadeynta iyo dib u dhiska wadanka waxaana ay jaaliyaddu ka hadashay muhiimadda ay leedahay in shacabku aaminaan lana shaqeeyaan dowlada guda iyo dibadba ayadoo halkaa hoosta looga xariiqay in dowladu ay mudnaanta koobaad siiso kasbashada shacabka,taasna waxaa lagu gaari karaa in dowladdu ay soo celiso adeeggii bulshada islamarkaana ay la dagaalanto musuq maasuqa.

Wasiirka cusub ee wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya  Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa kulankan qadka telefoonka ugasoo qeybgalay wuxuuna jaaliyadda u sharrraxay qorshaha dowladda ee ku aadan nabadgalyada dalka, diyaargarowga doorashooyinka ee 2016, doorka qurba joogta ee dib u dhiska dalka wuxuuna uga mahad celiyay taageerrada ay jaaliyadda Soomaaliya Minnesota ay markasta la garab taagantahay dowladda Soomaaliya.

“Jaaliyada dibada waxaan ka codsaneynaa inay nala shaqeeyaan, waayo gacmo wadajir ayay wax ku gooyaan” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Dhuxuloow.

Suldaan Cusmaan Koofi oo ka mid ahaa dadkii Munaasabaddan  ka hadlay ayaa sheegay in muhiimadda ay kulankan usoo qabanqaabiyeen ay tahay sidii dowladda loola shaqeyn lahaa islamarkaana taageerro hiil iyo hoo loola garab joogsan lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Jaaliyadda Minneapolis ee Minnesota ayaa ugu baaqay qurba joogta Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan dowladda, golaha cusub ee xukuumadda iyo hey’adaha dhaqaalaha si qof kasta uu uga qeyb qaato dib u dhiska iyo soo celintaa sharafta dalka iyo dadka.

Garoowe January 29, 2014

  1. Agaasimaha madaxtooyada Puntland Dr Deeq Suleymaan  ayaa goor dhoweyd warbaahinta u aqriyay  golaha wasiirada Puntland ee xukuumadda Cabdiwali Maxamed Cali Gaas siweyn looga sugayay.
  2. Ismaaciil Maxamed Warsame Wasiirka Wasaaradda Caddaladda arimaha diinta
  3. Axmwed Cilmi Cismaan (Karaash) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose
  4. Xasan Cismaan Maxamuud Alloore Wasiirka Wasaaradda  Amniga
  5. Shire Xaaji Faarax Wasiirka Wasaaradda  Maaliyadda
  6. Sahra Siciid Nuur Wasiirka Wasaaradda  Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dimoqraadiyadda
  7. Cali Axmed Faatax Wasiirka Wasaaradda  Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah
  8. Cabdullaahi Cali Ducaale Wasiirka Wasaaradda  Xaanada xoolaha
  9. Cali Xaaji Warsame Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada
  10. Dr.Saadiq Eenow Wasiirka Wasaaradda Caaafimaadka
  11. Cabdirashiid Maxamed Xirsi Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud
  12. Xasan Xaaji Siciid Xasan Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada & Garoomada
  13. Cabdi Ismaaciil Boos Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka
  14. Cabdullaahi Jaamac Saalax Wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka
  15. Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska
  16. abdinuur Cilmi Maxamuud (Biindhe) Wasiirka kaluumeysiga iyo kehyraadka badda
  17. Guuleed Saalax barre Wasiirka Deegaanka dalxiiska iyo duurjoogta
  18. Maxamed Xasan Soocadde Wasiirka ganacsiga iyo wershadaha
  19. Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdulle Wasiirka Shaqada. Shaqaalaha Dhalinyarada

GOLAHA KU-XIGEENADA

  1. Maxamesd Faarax aadan Wasiir ku xigeen Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta
  2. Cabdullaahi Xaashi Warsame Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha iyo Dowladaha hoose
  3. Cabdicasiis Maxamed Adam Wasiir ku xigeenka Amniga
  4. Axmed Yaasiin Saalax Wasiir kuxigeenka Maaliyadda
  5. Cabdiraxmaan Cabdi Ismaaciil Wasiir kuixgeen Dastuurka iyo Arrimaha federaalka
  6. Siciid Faarax Maxamuud Wasiir ku xigeenka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah
  7. Cabdiweli Seed Cilmi Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha
  8. Prof. Maxamed Cali Faarax Wasiir ku xigeenka Waxbarashada
  9. Aamina maxamed Cabdullaahi Wasiir ku xigeenka caafimaadka
  10. Nuur Axmed Yuasuf Wasiir kuixgeen Warfaafinta
  11. Liibaan Beddel Maxamuud Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud
  12. Cabdullaahi Jaamac Aruurshe Wasiir kuixgeenka Duulistan & Garoomada
  13. Siciido Xuseen Cali Gees Wasiir ku xigeenka Beera iyo Waraabka
  14. Maxamuud Maxamed Cali Wasiir kuxigeenka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda
  15. Cabdirashiid Gaani Cali Wasiir kuxigeenka Dekadaha iyo gaadiidka badda
  16. Cabdirisaaq Shire Ismaaciil Wasiir kuxigeenka Shaqada Shaqaalaha iyo Dhalinyarada
  17. Farxiya Yusuf Xirsi Wasiir kuxigeen Haweenka iyo Arrimaha qoyska
  18. Faarax Cali Cabdi Wasiir kuxigeen deegaanka Dalxiiska iyo duurjoogta
  19. Cabdirisaaq Nuur Cumar Wasiir kuxigeenka ganacsiga iyo wershadaha

WASIIRU DOWLAYAAL

  1. Axmed Siciid Cabdiraxmaan Wasiiru Dowlaha ganacsiga iyo wershadaha
  2. Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye Wasiir dowlaha jkaluumeysiga & kehyraadka badda
  3. Cali Yusuf Jaamac Wasiiru dowladaha arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose
  4. Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan Wasiiru dwolaha madaxtooyada iyo xiriirka gobolada
  5. Dr.Maxamed Cabbaas Cumar, Wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo xiriirka caalamiga ah
  6. Cabdiqani Geele Maxamuud Wasiiru Dowlaha duulista hawada & garoomada
  7. Cabdullaahi Jaamac Casli Wasiiru Dowladaha caafimaadka
  8. Axmed Ibraahim Cawaale Wasiiru Dowladaha Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga
  9. Maxamuud Beeldaaje Faarax Wasiiru dowlaha Amniga

Muqdisho, January 28, 2014 Munaasabad ay  xilalka kula wareegayaan Wasiirada cusub ee Wasaaradaha Warfaafinta, Boostada iyo gaadiidka ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Wasaaradda

Munaasabada waxaa ka qeyb galay R/wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed, Wasiirada cusub ee xilalka maanta la wareegaya, Agaasimeyaal guud iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.

Ugu horeyn waxaa munaasabada hadal ka jeediyay Wasiir ku-xigeenkii hore Warfaafinta Mudane C/shakuur Cali Mire oo ka hadlay waxyaabaha ay wasaaraddu ku tallaabasatay muddadii sanadka ahay, isagoo ammaan balaaran u soo jeediyay howlweenada Wasaarada gaar ahaan Waaxda Warbaahinta oo uu xusay in uu la soo shaqeeyay, ayna yihiin kuwa u taagan u adeegidda shacabka Soomaaliyeed waqti walba.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Wasiirkii hore ee Warfaafint Boostada iyo Gaadiidka Mudane C/laahi Ciilmooge xirsi oo sheegay in Wasaaraddu ay ahayd Wasaarad mug leh, islamarkaana ay jiraan talaabooyin xagga horumarka ah oo la gaaray, waxaana howlwadeenada Wasaaradaha uu xilka maanta wareejiyay kula dar daarmay in si hufan ula shaqeeyaan Wasiiarada cusub, Waxaana uu xilkii Wasaaradda Warfaafinta ku wareejiyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Mustaf Sheekh Cali Dhuxulo Wasiirka Warfaafinta oo isna munaasabadda hadal kooban ka jeediyay ayaa u mahadceliyay Wasiirkii hore ee xilkaasi hayay, isagoo balan qaaday in uu sii dar dargelin doono howlaha Wasaaradda.

Sidoo kale Mudane Ciilmooge waxa uu isla munaasabadda ku wareejiyay xilalka Wasaaradaha boostada iyo Isgaarsiinta iyo sidoo kale Gaadiidka oo uu ku wareejiyay wasiiradii loo soo magacaabay.

Wasiirka cusub ee boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Ibraahim Xaaji Aadan oo munaasabad hadal ka jeediyay ayaa daboolka ka qaaday in ka shaqeyn doono horumarinta boostada iyo isgaarsiinta.

Waxaa isna xafladda hadal ka jeediyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel oo ka mahadceliyay intii isaga ka horeysa iyo waxyaabaha ay qabteen.

Munaasabada oo iminka ka socota xarunta Wasaaradda ayaa soo gunaanadi doono Ku-xgeenka Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed

Garoowe, January 28, 2014 F Wararka saaka ka imaanaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya in ay ciidanka Puntland ay howlgallo ka wadaan magaaladaasi kadib dil xalay ka dhacay magaaladaasi.

Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa xalay magaalada Garoowe ku toogtay nabadoon caan ka ahaa magaaladaasi oo lagu magacaabo Nabadoon Maxamuud Maxamed Faarax Garawaan( Xamari ).

Waddooyinka waa weyn ee magaalada Garoowe ayaa lagu arkayaa ciidamo baaraya dadka iyo gaadiidka gaar ahaan halka uu xalay ka dhacay dilkani loo geystay nabadoonka.

Laamaha amniga ee Puntland ayaa weli magaalada Garoowe ka wada baaritaanka kooxihii ka dambeeyay dilka nabadoonka loogu geystay magaaladaasi.

Jarmal, January 28, 2014 Fanaanka Soomaaliyeed ee Maxamed Suleymaan Tubeec ayaa ku xanuunsanaya Cisbital ku yaala dalka Jarmarlka kadib markii ay la soo deristay xaalad caafimaad xumo.

Maxamed Suleymaan Tubeec oo loo yaqaano Boqorka Codka kana mid ah fanaaniinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa jiifa oo ku xanuunsanaya cisbitaal ku yaala dalka Jarmalka,  wuxuuna sheegay in uu u baahanyahay qalliin ay ku baxeyso lacago aad u farabadan oo uusan bixin Karin.

Fanaanka Maxamed Suleyman Tubeec oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa  ka codsaday ummadda Soomaaliyeed iney usoo duceeyaan ayna ka caawiyaan qarashka ku baxaya qalliinkiisa,  wuxuuna si gaar ah uga dalbaday dawladda Soomaaliya iney la socoto xaaladiisa caafimaaad.

Muqdisho, January 28, 2014 Agaasimihii  hore ee hay’adda nabad sugidda Qaranka Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay duqeyntii maalin ka hor diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Mareykanku ay ku dileen dhagar qabihii ka tirsanaa horjaagayaasha Shabaab ah Axmed C/qaadir Camuu (Isku Dhuuq)

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in weerarkii ugu dambeeyay ee lagu khaarijiyay horjoogahan ka tirsanaa kooxda Al shabaab ay meesha ka saareyso hagardaamadii horjoogayaasha fara ku tiriska ah ee kooxdan ay ku hayeen dhalinyarada yar yar oo ay dagaalada u adeegsanayaan oo tanina ay daliil cad u tahay sida ay beesha caalamka uga go’antahay cirib tirka kooxaha argagaxisada ah.

Agaasimihii hore ee hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ayaa sidoo kale sheegay in weerarkii ugu dambeeyay ee horjooge Axmed C/qaadir Camuu lagu dilay uu ka duwanyahay kuwii hore ee lagu khaarijiyay horjoogayaashii isaga ka horeeyay.

Dadka la socda arrimaha argagixisada ayaa sheegaya in weeraradan diyaardaha aan duuliyaha laheyn ee Droneska ay ka fulinayaan goobaha fara ku tiriska ah ee gobollada dalka ay kaga dhuumaaleysanayaan ay soo dedejineyso in la cirib tiro kooxdan markii horeba awoodooda ay wiiqeen ciidamda qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Muqdisho, January 27.2014 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta soo gabagabeeyey kulankii labada cisho soconayay ee looga hadlayay qorshaha xukuumada ee sanadka 2014, waxaana kulankan maanta si gaar ah loogu casuumay xubno matalayay beesha caalamka, dalalka deeqbixiyeyaasha, iyo safaarado.

Kulanka ayaa waxaa furay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed isaga oo sheegay in kulankan ay si gaar ah diirada ugu saarayaan howlaha xukuumada ee u baahan iskaashiga beesha calaamka iyo dalalka deeqbixiyeyaasha, wuxuuna xusay in kulankani uu gogol dhig u noqon doono wada shaqeyn iyo iskaashi dhex mara beesha caalamka iyo xukuumadiisa.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay in xubnaha beesha caalamku ay kulankan goob joog ka noqdaan, maadaama ay iskaashiga ugu badan la leeyihiin beesha caalamka, gaar ahaana Qaramada Midoobay Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.

Shirka ayaa waxaa ka hadlay xubno matalayay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Turkey, Norway iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, waxayna dhamaantood ka mahadceliyeen casuumaadda, waxayna xuseen inay si buuxda u garab istaagi doonaan dawladda Federaalka.

Ku-xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Philippe Lazzarini oo goobta ka hadlay ayaa xusay in Qaramada Midoobay iyo deeqbixiyeyaasha caalamku ay ku saleyn doonaan taageeradooda soo jeedinta dawladda Soomaaliya isla markaana aaney dhici doonin in kor looga keeno baahida iyo taageerada “Waxaan halkan ka cadeynayaa in beesha caalamka ay diyaar u tahay inay baahideeda ka dhegeysato dawladda Soomaaliya si looga taageero” ayuu yiri Lazzarini.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dalbaday golaha Wasiiradu inay u howlgalaan sidii dalka looga dhaqangelin lahaa qorsheyaasha xukuumadda loona gaarsiin lahaa dhamaamba gobolada dalka adeegyadii aas aasiga ahaa ee shacabku u baahanyihiin.

-DHAMAAD-
Moqdisho Janaayo 27, 2014 Ra'isul wasaaraha xukuumada Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaam soo dhoweeyey duqeyn habeenkii xalay dayuuradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab. Waxaan xaqiijinaynaa in duqeynta dayuuradeed ee ka dhacday Degaanka Haaway Gobolka Sh/Hoose lagu dilay Hogaamiye Axmad Cabdiqadir Amu (Isku dhuuq)iyo labo kamid ah ilaaladiisa oo ka tirsanaa Al-shabaab” ayuu yiri raisul wasaaraha oo hadalkan soo dhigay boggiisa Twitterka.
C/wali Shiikh Axmed ayaa tilmaamay in sarkaalka xalay duqeynta lagu dilay uu ahaa Hogaamiyaha Kooxda Amniyaatka Al-shabaab oo ah Kooxda Masuulka ka ah Sirdoonka Milatriga Shabaab iyo dillalka qorshaysan.
Raisul wasaaraha ayaa sheegay in weerarada lala eeganayo Hogaamiyaasha Al-Shabaab ay yareyneyso kooxaha Jihaad doonka ah oo ku soo qulqulaya gudaha Soomaaliya si u sii huriyaan dagaaladan sida uu yiri.

“Dowlada Soomaaliyeed waxay la shaqeneysaa dowladaha caalamka ee dagaalka kula jira argagaxisada iyo sidii Soomaaliya looga cirib tiri lahaa Xarakada Al-Shabaab oo diidan in shucuubta geeska afrika ay nabad ku wada noolaadaan” ayuu yiri raisul wasaaraha.

Hogaamiye Axmad Cabdiqadir Amu (Isku dhuuq) ayaa ku dhintay gantaal dayuurad Drones ah ay la heshay gaari uu la socday oo marayey duleedka degmada Baraawe, waxaana duqeyntaas sheegtay ciidamada Marayanka.
Moqdisho Janaayo 27, 2014
  Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya, Mudane C/laahi Goodax Barre ayaa shirkiisa jaraa’id ee uu Muqdisho ku qabtay ayuu uga hadlay Mashaariic ay dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta maanta fulinteeda si rasmi ah uga bilaawday degmooyin ka tirsan gobollada dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ku saabsan hirgelinta adeegyo lagu gaarsiinayo bulshada Soomaaliyeed waxyaabaha lagama maar maanka u ah noloshooda.
Mudane C/laahi Goodax Barre ayaa uga mahadceliyey dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta sida ay uga dhabeysay maashaariicdan muhiimka ah oo laga fulinayo ilaa toban degmo oo ka tirsan gobollada dalka, waxa uuna intaa raaciyey in deegaannada Puntland la gaarsiin doono mashaariicdan horumarineed.

Dhinaca kale Safiirka dalka Isuga Imaaraadka Carabta oo isna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa carabaabay in mashaariicdan ay maanta si rasmi ah uga bilaabeen degmooyinka Afgooye iyo Baydhao lana gaarsiin doono ilaa saddeex degmo oo kale, waxa uu xusay in qorsha fulinta maashaariicdan in ay wadajir ugu heshiisyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dalka Isutaga Imaaraadka Carabta Khaliif Bin Sayid Al Nahyaan.

Maashaariicdan bulshada adeegyadeeda lagu horumarinayo ayaa ah kuwa muhiimad gaar ah u leh dadka Soomaaliyeed ee gobollada dalka ku dhaqan, taaso oo ka dhalatay xiriirka wanaagga ku dhisan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo waddanka Isutaga Imaaraadka

Moqdisho Janaayo 27, 2014 Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa kaga qeybgalaya Magaalada Adddis Ababa ee Caasimadda Ethiopia shirka Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika (AU),kaasoo lagu wado in uu furmo gelinka dambe ee maanta .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh, ayaa waxaa ku wehlinaya wafdigiisa Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Abdi C. Dirshe ,waxaana Wasiirku ka qeybgalayaa shirka Wasiirada Arrimaha dibadda Afrika oo loogu tala galay inuu socdo inta u dhaxeysa 27-28 January ,kaasoo gogol xaar u ah Shir madaxeedka 22-aad ee Midowga Afrika oo ay ku kulmayaan hogaamiyaasha iyo madaxda qaaradda Afrika iyo marti sharaf kale oo heer caalami ah , laguna wado inuu socdo inta u dhaxeysa 29-30 bishan , loogana hadli doonoa isku filnaanshaha cunnada iyo beeraha ee Afrika .

Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Afrika ayaa kulankooda labada cisho ah waxa ay ku gorfeyn doonaan , kuna ogolaan doonaan mashaariicda ,go’aanada iyo tallooyinka la hor dhigi doona Shir madaxeedka hogaamiyaasha Afrika , oo sidoo kale looga doodi doono xal u helidda dhibaatooyinka amaan iyo qalalaase ee ka taagan Wadamada Somalia,South Sudan, Central African Republic iyo kuwa kale .

Ururka Midowga Afrika ayaa halkudhig uga dhigay Shir madaxeedkani , 2014 waa sanadka beeraha iyo isku filnaanshaha cunno , waxaana Ururka uu u dabaal degayaa 10 guurada markii la ogolaaday barnaamijka dhameystiran ee Afrika ee horumarinta iyo beeraha .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh iyo Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Abdi C. Dirshe ,ayaa waxaa u qorsheysan mudada uu socdo shirka in kulamo gaar gaar ah la yeeshaan qaar ka mid ah Wasiiradda,diblomaasiyiinta shisheeye iyo mas’uuliyiin kale .

Dhanka kale ,Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa ayaa waxa ka socda kulamo kala duwan oo qaarkood looga hadlayo wadamada xubnaha ka noqonaya golaha ammaanka iyo nabadgelyada midowga afrika , waxaana dowladda Federaalka Soomaaliya ay u tartameysaa Xubinimada golahaasi , iyadoo wadamo kale ay kula loolamayaan xubinima, waxaana Wafdiga dowladda Soomaaliya ay galaangal iyo olole xoogan ugu jiraan xaqiijinta ku guuleysiga hanashada kursigaasi.

Moqdisho Janaayo 27, 2014 Taliyaha Ciidamada ilaalada wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada Cali Xirsi BarreCali Gaab oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay Howlgalo ay Ciidamada ilaalada Wadooyinka ka sameeyeen Qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho waxa uuna sheegay in sanadkaan cusub ay bilaawayaan howlgalo joogto ah oo ay ka sameynayaan Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Cali Gaab ayaa sidoo kale ka hadlay Qaar ka mid ah Samaafaraha kala haga Gawaarida ee aan ka shaqeyn qaar ka mid ah Iskoosyada Magaalada Muqdisho kuwaasi oo horay loo xeray waxa uuna sheegay iney cilad ku timaaday ayna wadaan Qorshe ay ku sameynayaan Samaafarahasi, isagoona xusay in inta badan ay yihiin kuwa shaqeeya oo aan lahayn wax cilad ah.

Moqdisho Janaayo 23, 2014 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan xubnaha golaha Wasiirada ee shalay la dhaariyay, waxaana kulankan diirada lagu saaray qaabka ugu haboon ee ay golaha Wasiiradu ula wareegi lahaayeen Xafiisyada Wasaaraddahooda.

Kulankan ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay Raysal-Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, isaga oo xusay in kulankan uu yahay kulankii ugu horeeyey ee uu la yeesho xubnaha Golaha Wasiirada ee cusub, isla markaana ay kala warqaateen.

Waxaa Alle mahadii ah inaan maanta yeelanay kulankii ugu horeeyey kadib markii shalay la dhaariyay, waxaana ka wadahadalnay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeysay sidii ay Wasiiradu ula wareegi lahaayeen xafiisyada Wasaaradahooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo xusay in muddo 5 cisho ah ay qaadan doonto kala wareegida xafiisyada iyo xilalka.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa sidoo kale xusay in golaha Wasiiradu ay isla soo qaadeen xaaladda amniga ee dalka, ayna gaareen go’aano lagu horumarinayo sugida amniga iyada oo laga ambaqaadayo baahida deg deg ah ee jirta.

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalintii shalay xilka loo dhaariyey, Tirada Wasirada oo gaaraya 25 Wasiir ayaa xilka kala wareegi doona 10 Wasiir oo keliya.

Moqdisho Janaayo 23, 2014  Qalabkan Isboorti ee maanta loo qeybiyay cayaartoyda 17ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa waxa uu Iskugu jiray Maaliyado?kabo?iyo kubado kala duwan sida kuwa Basketka iyo kubadda cagta waxaana Maamulka gobolka horay ugu wareejiyay mashruuca Danguud ee ka shaqeeya gobolka Banaadir.

Munaasabadan degmooyinka lagu gudoonsiinayay qalabkan oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa kaqeybgalay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, mas?uuliyiin kale oo katirsan dhanka Sportiga iyo cayaartooy caan ka ah Dalkeena.

Qalabkan ayaa loogu talagalay in cayaartoydu ay uga qeybgalaan tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir oo Lafilayo in bisha Febraayo uu ka furmo magaalada Muqdisho iyadoo munaasabadaasi lagu sheegay Qaabka isku aadka kooxaha kaqeybgalaya tartaankaasi.

Moqdisho Janaayo 23, 2014 Waxaa magaalada Garoowe ee caasumada Puntland lugu wada inuu maanta gaaro madaxweynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyo wafti ka socda maamulka.

Waftigaan ayaa la doonaya inay ka mid noqdaan madaxda ka qeyb-galaysa caleemo sarka madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas.

Munaasabada caleemo sarka ayaa la sheegay inay ka soo qey-gali doonan wafuud kor u dhaafaysa kun-ruux,dowladdaha dariska ah beesha caalamka iyo dhinacyo kale ayaa la sheegay in lugu casumay ka qeyb-galka munaasabada.

Xalfada caleemo sarka oo qorshuhu yahay inay dhacdo maalinta berri ee 24-jannaayo,ayaa waxaa la qorsheeyey inay socoto habeen iyo maalinta.

Waxaana maanta laga dareemaya magaalada diyar gariwga soo dhaweynta madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe.
Inta uu Axmed Madoobe booqasho ku jooggo Magaalada Garoowe, ayaa wuxuu kula kulmi doonaa madaxweynaha  Puntland Dr. C/weli Gaas.

Ammaanka ayaa siweyn loo adkeeyey ciidamo ad u badana magaalada Garoowe xilligaan waa ay ku sugan yihiin kuwasao xaqiijinaya xaaladda ammaan.

Moqdisho Janaayo 23, 2014  C/risaaq Khaliif Cilmi oo ah abaanduulaha ciidaada xooga dalka Soomaaliya ayaa sheegay iney iyaga la wanaagsan tahay in ciidamada Itoobiya ku biiraan howlgalka AMISOM, iyadoo arrintaas halay si rasmi ah loogu dhawaaqay.

Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa in ka mid noqoashada ciidamada Itoobiya ee howl galka AMISOM ay xoojineyso sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolada dalka ee ay haatan gacanta ku hayaan.

Wuxuu sheegay Jen. C/risaaq Khaliif in ciidamada Itoobiya ay ka howl geli doonaan qeybta 3-aad ee howl galka AMISOM ee Gobolada Bay, Bakool iyo Gedo, iyo sidoo kale qeybta 4-aad ee Hiiraan iyo Galgaduud.

Xaflad lagu qabtay magaalada Baydhabo ayaa shalay looga dhawaaqay in ciidamada Itoobiya ka mid noqdeen howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

The Somali President's photo.
The Somali President's photo.
The Somali President's photo.
The Somali President's photo.
The Somali President's photo.
The Somali President's photo.
Moqdisho Janaayo 23, 2014 Munaasabad casho sharaf ah oo qeyb ka aheyd xeritaanka Kalfadhiga 3aad ee Golaha Shacabka ayaa xalay lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo aheyd mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu u sameeyey XIldhibaannada Golaha Shacabka ayadoo munaasabaddana ay kasoo qeybgaleen Madaxweynaha Jamhuuriyadda,Ra’isulwasaaraha Xukuumadda,Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka,Inta badan Xubnaha Golaha Wasiirrada,Xildhibaanno,Taliyeyaasha Ciidammada qaarkood, howlwadeennada Golaha Shacabka iyo marti sharaf kale.

Bilowgii Munaasabadda waxa uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka u fasaxay dhammaanba madaxdii ka qeybgashay iney si toos ah usoo bandhigi karaan dhaliillaha jira si wax looga qabto waxaana furitaankii ka hadlay goobta Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo iyagu ka sheekeeyey marxaladihii lasoo maray Kalfadhigii 3aad ee Baarlamaanka waxaana ay Xildhibaannadu uga mahad celiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka casho sharafta uu u sameeyey.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow iyo Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo hormarinta Xuquuqul Insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye oo iyaguna khudbaddo kooban ka jeediyey Munaasabadda ayaa u mahad celiyey XIldhibaannada iyo Gudoonka Golaha Shacabka waxaana ay ku booriyeen xildhibaannada iney joogteeyaan la xisaabtanka Xukuumadda.

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo isaguna khudbad kooban ka jeediyey Munaasabadda ayaa mahad celin iyo hambalyeyn uu Baarlamaanka ugu jeediyey qaabkii ay waajibaadkooda u guteen waxa uu sidoo kale ka hadlay tallooyin ay Xildhibaannadu soo jeediyeen uu u badnaa qorshaha Golaha Wasiirrada waxaana uu Ra’isulwasaaraha ballan qaaday in xubnaha Golaha Wasiirrada xafiisyadooda iyo deegaannadooda Caasimadda oo idil lagu baahin doono oo aysan degmooyin gaar ah ku shaqeyn doonin.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Abukaate Ceydiid Ilkaxanaf oo isaguna khudbad kooban ka jeediyey dhankiisa Munaasabadda ayaa xusay inuu aad ugu riyaaqay sida tooska ah ee ay Xildhibaannadu u kaftamayeen islamarkaana isugu soo bandhigayeen dhaliillaha jira waxaana uu Gudoomiyaha Maxkamadda Sare guubaabiyey hirgelinta isla xisaabtanka ee ay ballan qaadeen Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo munaasabadda soo xiray ayaa u mahad celiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaana uu Gudoomiyaha Xildhibaannada u rajeeyey mudada fasaxa ah ee ay heystaan iney si dhab ah usoo ogaadaan baahida ay qabaan shacabka ay metelaan ee ku dhaqan gobollada iyo degmooyinka Dalka.

Munaasabadda oo kusoo idlaatay jawi farxad iyo isku hambalyeyn ah ayaa waxaa intii ay socotay suugaan wadani ah iyo Majaajilooyin ka qosliyey dhammaanba ka qeybgalayaasha kusoo bandhigay fanaaniinta hobollada Qaranka ee Waab







Nairobi January 23, 2014Dowladda Kenya oo sheegtay inay Diyaaradaha Drones-ka iyo Helikopters u adeegsan doonto Dagaalyahanadda Alshabaab ee ka soo tallaaba Xuduudka Somalia.

Warbixin cusub oo ay Wasaaradda Difaaca ee Kenya soo saartay ayaa lagu sheegay in la kordhinayo Miisaaniyadda Kharajka ku baxa Ciiddamadda dalkaasi ee KDP, si loo xoojiyo Awoodooda Ciiddan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Kharajka ku baxa Ciiddamadda la kordhin doono shanta sannp ee soosocota, waxaana lagu wadaa in la gaarsiiyo adduun dhan 5.5 Billion oo Dollar.

Kharajkaasi ayaa lagu wadaa in lagu casriyeeyo Qalabka ay Ciiddamadda Kenya u adeegsadaan Sugidda Ammaanka Xuduudaha iyo Hawlgalladda ka dhanka ah Dagaalyahannadda Kooda Alshabaab oo iyagu laf dhuun ku noqday Ammaanka Guud ee Kenya.

Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay in Mashruuca lagu casriyeynayo Qalabka Milliteri ee Ciiddamadda Kenya loo adeegsan doono La-dagaalanka Kooxaha Argagixisadda iyo kuwa ka shaqeysta Ganacsiga Hubka, Daroogadda iyo Tahriibka.

Wasaaradda Difaaca ee Kenya waxay Warbixinteeda ku xustay in Diyaaradaha Sahminta loo adeego ee Droneska, Helikopterro iyo Gawaaridda Gaashaaman lagu xoojin doono Ciiddamadda ku sugan Xuduudka Somalia,

Dagaalyahannadda Alshabaab waxay labadii sanno ee ugu dambaysay kordhiyeen Hawlgalladda Qorsheysan ee ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan magaalladda Nairobi iyo Goballadda W/bari ee Kenya.


Muqdisho, January 23, 2014  Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Deeq Raashin ah gaarsiiyay dadkii uu saameeyay fatahaaddii uu sameeyay Webiga Shabeelle ee ku sugan Degmada Balcad ee G/Shabeellada Dhexe.

Deeqdani oo ka koobneyd Bur, Bariis Saliid iyo Buskut ayaa mas’uuliyiin ka socotay maamulka G/Banaadir ka qeybiyeen degmada Balcad kuwaas oo ay ka mid ahaayeen xoghayaha guud ee gobolka iyo gudoomiyayaasha degmooyinka Karaan, Shibis, iyo Xamarjajab.

Raashinkan ayaa la sheegay in loo qeybiyay ilaa Sideed boqol oo qoysas ah, kuwaas oo ka soo barakacay tuuliiyin hoos yimaada degmada Balcad kadib markii fatahaadda wabigu saameysay.

Cismaan Maxamed Maxamuud Xaadoole Gudooomiyaha degmada Balcad ayaa maamulka gobolka Banaadir uga mahadceliyay sida wanaagsan oo ay ugu soo gurmadeen walaalohooda ku tabaaleysan degmada Bakcad.

Muqdisho, January 22, 2014 

Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Mudane Xasan Sheekh Maxamud

Barlamaanka Federaalka Soomaaliya

Arbaco 22ka Janaayo 2014

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,

Guddoomiyaha Baarlamaanka,

Guddoomiye Ku xigeennada Baarlamaanka,

Madaxda Guddiyada Baarlamaanka iyo

Dhamaan Xildhibaanada sharafta leh,

A-Salaamu Caleykum Waraxmatullah,

Sharaf weyn bey ii tahay inaan maanta idin kala soo qeybgalo xiritaanka Kalfadhiga 3aad ee baarlamaanka isla markaana aan idiin ku bogaadiyo doorkii wanaagsanaa ahaa ee aad sida wadaninimada leh aad u gudateen waajibaadkiinna Dastuuriga ahaa.

Kalfadhigan 3aad waxuu ahaa mid muhiim ah oo aad ku kasbateen kalsoonida shacabka Soomaaliyeed iyo tan beesha caalamka ah. Waxaa idiin qabsoomay howlo fara badan oo aad 58 kulan oo caadi ah aad yeelateen oo kulankan maanta ku yahay kulankii 59aad iyo weliba kulamo aan caadi aheyn. Waxaa intaas sii dheer oo aan idiin kaga mahadcelinayaa inaad fasaxyadiina aad dib u dhigteen dhowr jeer si aad howlaha qaranka u meelmarisaan.

Waxaan mar-naba la illoobi karin sidii sharafta laheyd ee aad u maareyseen isla markaana aad si dimoqraadiyad ah aad go’aanadii ku habboonaa uga qaadateen, xilliyadii xasaasiga ahaa oo la tijaabinayey awooda baarlamaanka, ha noqoto isbedelkii xukuumadii hore, kalsooni siintii Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo kulankii shalay oo aad si aqlabiyad leh u ansixiseen barnaamijka Xukuumadda iyo xubnaha golaha wasiirada. Waxaad muujiseen biseylka hay’ada baarlamaanka iyo aasaaskii dowlad rasmi ah, waadna ku mahadsantihiin oo aan idinku bogaadinayaa. . Waa taariikh hor leh oo isbedeladii dhacay ay ahaayeen kuwo si soomaalinimo ah oo waafaqsan dastuurka dalka loo wada maareeyey, isla markaana aad ku kasbateen kalsoonida shacabka iyo tan beesha caalamka ah, iyadoo aysan dhicin faragelin shisheeye.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaa kaloo xusid mudan in waqtigii kalfadhiga 3aad aad ku guuleysateen inaad xiriirkii caalamka ee baarlamaanada adduunka aad soo celisaan oo ay ka mid tahay xubinimada Inter Parliamentary Union (IPU) iyo kuwo kale. Waxaad kaloo ku guuleysateen in guddiyada baarlamaanka ay si joogta ah u shaqeynayeen isla markaana ula xisaabtamayeen Xukuumadda iyo in aad hindise sharciyeedyo fara badan aad si dimoqraadiyad ah uga doodeen una waafaqsan dastuurka.

Waxaan kaloo idinkaga mahadcelinayaa dadaaladii xubnaha baarlamaanka ay gobolada shabeelooyinka iyo Hiiraan ay ku heshiisiiyeen beelaha isla markaana ku guuleystay wadahadalada iyo dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed. Una bareerteen khatar fara badan.

Bacdamaa baarlamaanka uu yahay hooyada hay’adaha dowliga ah ee dalka waxaan hubaa inaan cagta wada saarnay dariiqii dib u dhiska hay’adaha dowliga ah, oo ay marqaati ka tahay in baarlamaanku uu maanta leeyahay xarun xafiisyo ah oo guddoonka iyo guddiyada baarlamaanku ay ku howlgalaan.

Xukuumaddan cusub ee aad shalay ansixiseen waxaa horyaalla howlo muhiim ah oo loo baahanyahay inaad gacan ku siisaan, oo aad yeelataan wadatashiyo, talo wadaagid, iyo wadashaqeyn joogta ah. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay muhiimada wada shaqeynta hay’adaha dastuuriga ah markii aad codka kalsoonida aad siineyseen Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, sidaas daraadeed, waxaan idinku sii adkeynayaa muhiimada ay leedahay wadashaqeynta baarlamaanka iyo xukuumadda oo marar badan u baahan dulqaad in la muujiyo oo noo wada sahleysa inaan si wada jir ah u wada gaarno ujeedooyinka aan wada hiigsaneyno. Si isla xisaabtanka u noqdo mid miro dhala waxaa muhiim ah in xiriirka iyo wadashaqeyntu ay ahaato mid joogto ah.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sanadkan 2014ka waxaa na horyaalla howlo muhiim ah oo mucayin ah, noogana wada baahan inaan si wadajir ah uga wada shaqeyno hirgelintooda. Ha noqoto nabadeynta iyo xasilinta dalka, maareynta maaliyadda, adeegyada bulshada, dib-u-habeynta garsoorka, dib-u-eegista dastuurka, dhaqangelinta federaalka, sameynta guddiyada uu nafarayo dastuurka, diyaarinta xisbiyada siyaasadeed iyo howlo kale oo muhiim ah oo noo sahlaya u diyaar garowga doorashooyinka 2016.

Waxaan shaki ku jirin inay jiraan caqabado fara badan, hase ahaatee, waxaa mas’uuliyadi naga wada saaran tahay sidii aan caqabadahaas ugu bedeli laheyn fursado oo aan uga faa’iideysan laheyn.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Xildhibaanada Sharafta leh,

Sidaad la socotaan wadahadaladii Dowladda Federaalka iyo Somaliland wey socdaan oo lagu ballamay in la sii joogteeyo kulamada oo 3dii biloodba mar la kulmo. Dowladda Federaalka wey ka go’antahay in la sii joogteeyo wadahadalada oo si nabad ah aan ku gaarno mideynta iyo midnimada umadda Soomaaliyeed. Wadahadladan waxaa ka dhalanaya kalsooni badan iyo isu soo dhowaasho. Waxaan u mahadcelinayaa Dowladda Turkiga iyo shacabkooda oo si joogta ah noo garab taagan.

Waxaan jeclahay inaan fursadan ka faa’iideysto oo aan u hambalyeeyo Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, isla markaana u wada duceyno inuu EEBBE u fududeeyo xilka culus. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an inay si hagar la’aan ah ula shaqeyso Madaxweynaha iyo maamulkiisa, si aan u wada gaarno himilada aan hiigsaneyno ee ah Soomaaliya oo mid ah, isla markaana leh dowlad rasmi ah lehna xasilooni dhanka amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda. Puntland waxey hormuud ka tahay Federaalka iyo midnimada Soomaaliya, sidaas daraadeed, waxaa muhiim ah inaan ka wada shaqeyno dib u eegista dastuurka, dhaqan gelinta federaalka iyo sidii aan ku gaari laheyn doorashooyin ka dhaca dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaan jeclaan lahaa inaan u hambalyeeyo Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Mudane Ahmed Maxamed Islaan (Ahmed Madoobe) oo dhowaan soo dhameystiray hay’adii fulinta ee maamulkaas, tanoo qeyb ka aheyd heshiiskii Addis Ababa. Waxaana u rajeynayaa in maamulka KMG ah ee Jubba uu ku guuleysto howlaha muhiimka ah ee horyaalla oo ay dowladda Federaalka kala shaqeeyaan xoreynta deegaanada maamulkaas, nabadeynta, xasilinta, adeegyada bulshada iyo xiriirka iyo wadashaqeynta maamulka Jubba iyo Dowladda Federaalka ah oo muhiim u ah midnimada iyo xasilinta dalka.

Sidoo kale waxaad la socotaan in Baydhabo ay ka socdaan shirar wadatashi ah. Dowladda Federaalku waxey soo dhoweyneysaa dhiirigelineysaana in dadka Soomaaliyeed isu yimaadaan oo wadahadlaan oo dib-u-heshiisiinta waa astaan fiican oo shacabku ay aayahooda uga tashanayaan. Waxaan rajeynayaa inay ka soo baxdo talo iyo go’aanno maslaxad u ah xasilinta dalka. Dowladduna waxey kula talineysaa inay muhiim tahay in Dowladda ay kala shaqeeyaan sidii maamul loogu sameyn lahaa degaanada aan maamulka ka jirin, si ay noogu horseedo in dalka oo dhan ay ka hirgalaan maamulo shacabku ay horseed ka yihiin.

Sidoo kale dhammaan gobolada dalka waxaan ugu baaqayaa inay u diyaar garoobaan dadaalada maamul u sameynta iyo dhaqangelinta federaalka.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Xildhibaanada Sharafta leh,

Ugu danbeyntii, waxaan idinku hambalyeynayaa sidii quruxda badneyd ee aad waajibaadkiina dastuuriga ah u gudateen, isla markaana aad dib u soo nooleyseen hay’adii sharci dajinta oo aad kasbateen kalsoonida shacabka iyo tan beesha caalamka. Waxaan idiin rajeynayaa fasax wanaagsan oo aan hubo qaarkiin inaad gaareysaan deegaanadii oo aad u soo kuur galeysaan xaalada dadka ee deegaanadaas, haddana waxaan idinkula dar-daarmayaa inaad ku soo wada laabataan caafimaad qab si kalfadhiga 4aad uu u noqdo mid aad la timaadaan dar-dar cusub oo keeni karta inaan 2014ka wada qabano howlaha mihiimka ah ee na wada horyaalla.

Waxaan kaloo idinkaga mahadcelinayaa inaad igu sharafteen ka soo qeybgalka xiritaanka kalfadhigan, sidaas daraadeed, waxaan ku dhawaaqayaa in uu Kalfadhigii 3aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu si rasmi ah noogu xiran yahay.

Wa Salaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaad,

Muqdisho, 22 Janaayo, 2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Norwegian Refugee Council (NRC) Mr Jan Egeland.

Xoghahaya Guud ee NRC waxaa ku wehliyey booqashadan Magnhild Vasset oo ah Agaasimaha mashaariicda caalamiga ah ee NRC iyo Xasan Kheyre oo ah Madaxa Geeska Afrika ee NRC.

Madaxweynaha ayaa yiri: “Waxaan idinkaga mahadcelinayaa booqashadiina aad ku timaadeen dalka Soomaaliya, iyo howlaha muhiimka ah ee aad u heysaan shacabka Soomaaliyeed, ha noqoto dhanka waxbarashada, qaxootiga iyo mashaariicda kale ee aad ka fulisaan dalka Soomaaliya. Waxaana idinku boorinayaa inaad kaalin weyn ka qaadataan barnaamijyada dowladda sida kan waxbarashada oo la doonayo in hal malyan oo carruur ah ay tagaan Iskuulada, dib u soo celinta qaxootiga iyo sidii qaxootiga dalka gudihiisa ku barakacay loogu celin lahaa guryahooda oo ay u heli lahaayeen hoy tayo leh, caafimaad iyo waxbarasho iyo shaqo.”

Xoghayaha Guud ee NRC ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay kordhiyaan dadaalada iyo kaalmada ay gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed, ujeedadooduna tahay sidii caruurta, haweenka, waayeelka iyo shacabka ay u heli lahaayeen fursado geliya rajo oo ay dalka dib ugu dhisaan isla markaana ay uga maarmaan kaalmada dibedda.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii sheegey in dalka Soomaaliya uu yahay qani, heystana kheyraad fara badan oo marka dalku xasilo ay Soomaalidu fursad u helayaan ay kheyraadkooda soo saartaan taasoo keenta dalka oo noqdo barwaaqo iyo bashbash.Muqdisho, January 21,2014  Ummadda Iyo Dowladda Soomaaliya waxay si diiran ugu dabaal-degeen Maalinta Saxaafadda Soomaaliya taasoo ay ka soo wada qaybgaleen warbaahinta kala duwan ee Soomaaliya.

Muqdisho, January 21,2014  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo dhoweeyey ansixintii Golaha Wasiirada cusub.

Baarlamaanka ayaa maanta u codeeyey islamarkaana si aqlabiyad leh ku ansaxiyey Xukuumada cusub ee uu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed soo dhisay.

Madaxweynaha ayaa yiri: “Waxaan soo dhoweynayaa oo aan  ammaanayaa sida mas’uuliyadda ku jirto ee demoqraadiyada ah ee baarlamaanku u ansixiyeen golaha wasiirada. Tani waa tallaabo dhanka horumarka loo qaaday oo ay tahay shaqsi walba inuu soo dhaweeyo. Ansixintan golaha wasiirada oo matala dhammaan shacabka Soomaaliyeed ahna danta shacabka ayaa wax ay shacabka iyo caalamka tuseysaa in hay’adaheena dowliga ah ay yihiin kuwo mas’uuliyada ballaaran ee saaran u gudan kara si muhiim ah.”

“Waxaa hadda lama huraan ah in xukuumada cusub ay bilowdo howlaha muhiimka ah ee horyaalla. Waxaana horyaalla caqabado badan, hase ahaatee Soomaalidu waxey ka sugayaan in horumar laga sameeyo dhan walba. Waa inaan goobaha haray ka saarnaa Al-Shabaab oo aan waddanka nabadeynaa, si aan u joojiyo khatarta argagaxisada. Goobaha cusub ee gacanta dowladda soo galana waa in shacabka la gaarsiiyaa adeegyada bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada. Canshuurahana waa in la bilaabaa oo gundhig u ah dib-u-habeynta iyo maareynta maaliyadda, si aan dalka ugu horseedno soo kabasho dhanka dhaqaalaha ah iyo horumarka guud. Sidoo kale baarlamaanka waxaa horyaalla inay ka doodaan, dib u eegis ku sameeyaan isla markaana ay soo saaraan shuruucda muhiimka u ah dowladnimada iyo dalka.”

—-DHAMAAD—–

Muqdisho, January 21,2014 Golaha Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta cod buuxa ku ansixiyay xubnaha golaha Wasiirada ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, waxayna sidoo kale ansixiyeen qorshaha xukuumada ay ku shaqeyn doonto mudada 2014-2016.

Dooda Baarlamaanka oo bilaabay saaka ayaa waxay soo idlaatay galabta abaara 6:00 maqribnimo ee saacada afrikada bari, waxaana doodan goob joog ka ahaa inta badan xubnaha golah Wasiirada iyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Xubnaha xildhibaanada ee fadhigan soo xaadiray oo ay tiradoodu dhameyd 233 ayaa ugu horeyntii waxaa khudbad dheer u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha, taasi oo ka tarjumeysay qorshaha xukuumada cusub iyo waxqbaadkeeda, waxaana intaasi kadib shir guddoonku ka codsadeen in codka kalsoonida ah loo qaado xukuumada cusub iyo qorshaheeda mudada saddexda sano, waxaana la guda galay dooda oo ay xubnaha Baarlamaanku aragtidooda ka dhiibteen mudanayaal tiradoodu gaareysay 92 xildhibaan, waxayna badankooda xuseen in ay ku qanceen qorshaha xukuumada iyo liiska golaha Wasiirada.

Gabagabadii xildhibaanada Baarlamaanka ayaa codka kalsoonida ah siiyay golaha wasiirada cusub, waxaana ogolaaday xildhibaanno tiradoodu gaareysay 186, waxaana natiijada ku dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamaanka mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, wuxuuna sheegay in xukuumada iyo qorshaheedaba ay dhaqangal yihiin.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa uga mahadceliyay golaha Baarlamaanka kalsoonida ay siiyeen golaha Xukuumada, wuxuuna xusay in wixii haatan ka dambeeya ay u howlgalayaan sidii dalka loo samatabixin lahaa.

Muqdisho, January 21,2014 Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha soomaaliya Nicholas Kay ayaa soo dhaweeyay ansaxinta baarlamaanka soomaaliya uu maanta ansaxiyay golaha wasiirada cusub oo uu soo magacaabay ra’iisul wasaare C/wali Shiikh Axmed Maxamed.

“Waan u hambalyeynayaa wasiirada cusub,wasiir ku-xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha xukuumadda soomaaliya,golaha wasiirada waxaa hor yaala howl adag oo ah nabad soo celinta,dib u heshiisiinta,isku xukunka sharciga iyo dowlad wanaag ay helaan shacabka soomaaliyeed, sidoo kale waxaa looga fadhiyaa wasiirada cusub siinta shacabka adeegyada dadweynaha iyo qaabeynta dhaqaalaha,” Ayuu yiri Nicholas Kay. ”

Nicholas Kay ayaa sheegay in qaramada midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay siineeyso dowlada federalka ah ee soomaaliya,taasi oo ku dadaaleyso inay horumar ka sameeyso dhamaan dhinacyadaasi aan soo xusay.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya Nicholas Kay ayaa ku dhiiri galiyay golaha wasiirada cusub in ay la shaqeeyaan baarlamaanka iyo madaxtooyada,iyadoo si buuxda loo tix galinayo dastuurka.


Madaxda Maamulka Jubba oo maanta la caleema saarayo


Moqdisho Isniin, Janaayo 20, 2014 Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba, waxaa ka socota xaflad ballaaran oo lagu caleema saarayo madaxda maamulkaas, xafladdaas oo loogu magac daray Daah-furka Jubbaland.

Wufuud tira badan oo ka kala socota Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamul goboleedyada ka jira dalka, safiirro  iyo dowladaha deriska ah ayaa 24-tii saac ee ugu dambeeyey magaalada Kismaayo soo gaarey; si ay munaasabadda caleema saarka uga qayb galaan.

Wufuudda Kismaayo xilligan ku sugan waxa kamid ah: ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ergeyga Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Maxamed Saalax Al-nadiif, madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiim Camey, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi; iyo wufuud ka socota dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Moqdisho Isniin Janaayo 20, 2014 Mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya ayaa la filaya iney maanta kulan ku yeesheen xurunta golaha shacabka, iyadoo loo qeybin doono Barnaamijka Xukuumadda Casub ee R/wasaare C/weli Sh. Axmed.

Kulan ay gudiyada joogtada ah ee Baarlamanka shalay ku yeesheen xafiisyadooda Villa Hargeysa, ayaa lagu go’aamiyay in fadhiga baarlamanka ee maanta la horgeeyo barnaamijka xukuumadda cusub.

Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku go’aamiyeen in maalinnimada berrito ah la horkeeno Golaha Shacabka Barnaamijka Xukuumadda cusub ee uu dhowaan soo dhisay Ra’isulwasaaraha Dalka

Xoghayaha guud ee baarlamaanka C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in gudiyada joogtada ah ee baarlamaanka kulankoodii shalay ku go’aamiyeen in R/wasaaraha uu maanta baarlamanka horkeeno barnaamijka Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay, isagoo xusay in mudanayaasha ay soo akhrisan doonaan muddo 24 saacadood ah,

Kuwait Isniin Janaayo 20, 2014 Magaalada Kuwait City ee Dalka Kuwait waxaa kusoo dhamaaday Shir ay Ku lahaayeen Baarlamaanada Jaamacadda Carabta oo Laba maalin halkaas ka soconayay.

Shirkaas Baarlamaanada Carabta ayaa Soomaaliya uga qayb galay Guddoomiyaha Arrimaha Dibedda ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cosoble Cali oo ka wakiil ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Baarlamaanada Xubnihii ka socday ayaa xooga Saaray Arrimaha Wadamada Carabta soo Wajahay gaar ahaan Arrinta Falastiin, Suuriya iyo Wadamada Kale oo badan.

Mudane Cabdulqadir Cosoble ayaa madasha shirka ka jeediyey Khudbad aad loogu riyaaqay waxana uu ka Warbixiyay  arrimaha Soomaaliya iyo xaaladda guud ee uu Wadanka Xiligan marayo.

Xildhibaan Cosoble oo Hadalka Sii wata ayaa u mahad celiyey Amiirka Dowladda Kuwait  Sheekh Al-Sabaax  Al-Axmad Al-Jabir Al-Sabaax  iyo Shacabka Kuwait sida ay marwalba u garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliya sheegayna in labada wadan ka dhexeeyo xiriir qoto dheeri oo soo jireen ah.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kuwait Danjire C/qaadir Sheekh Amiin oo la hadlayay Warbaahinta Qaran ayaa sheegay in Madaxdii shirkaas ka qayb galaysay ee ka socday Baarlamaanka Soomaaliya si diiran Kuwait loogu Soo dhaweeyay.

Afgooye Isniin Janaayo 20, 2014 Howlgalkii lagula dagaallamayey dhammaan Jid-gooyooyinkii horey u yaallay wadada dheer ee Muqdisho iyo Afgooye, dhibaato badan ayeey ku qabeen dadka iyo Isticmaalka Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, cabasho badan kaddib, ciidammada Qalabka Sida ayaa qaaday howlgalkan baaxadda weyn oo arrimahaasi lagu joojinayo, waxa uuna ku soo idlaaday guud.

Safar noociisa ahaa u kuurgalid sida ay u fuleen howlgalladii ciidammada dowladda Soomaaliya ay ku bur-biriyeen Isbaarooyinkii ay kooxo malleeshiyaad ah dadka iyo gaadiidkuba u dhigteen, ka bilow wada Siinta Dheer ee duleedka Muqdisho ilaa wada magaalada Marka ee xaruntna gobolka Shabeellada Hoose, ayaan kulla soo kulannay isbaddel dhanka ammaanka ah oo ay suuragaliyeen ciidammada ammaanka Qaranka.

Wada Siinka Dheer, waa halka ugu soo horreysay ee looga qaadi jiray lacago sharci darro ah Gaadiidka BL-ka iyo Mid Xamuulka, hada waxaa ku sugan ciidammada Birmad Booliska Soomaaliyeed kaddib markii ay ka eryeen kooxihii halkaasi u  taallay Jid-gooyada, waxaana si isku mid ah oo nabadgalyo ah u Isticlaamaya dhammaan Qeybta Gaadiidka Ganacsiga iyo midka dadweynaha ee isga goosha gobollada Banaadir iyo Shabeellada Hoose oo jaar ah.

Sidoo kale waxaan tagnay Deegaanka Calamada oo ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaa ka jira Xowli dhanka Ganacsiga ah iyo isbadel amni, waxaana ku sugan ciidammada Qalabka Sida qeybahooda kala duwan.

Barta Shanta golaha Sarre la yiraahdo  ayaa aheyd Isbaarada laga qaadi jiray lacagaha ugu badan Gaadiidka, hasa  yeeshee hadda si buuxda waxaa  ula wareegay  ciidammada hey’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya oo xitaa maalin walba  fulinaya howlgallado lagu baarayo deegaannada ku hareereysan Shanta Golaha Sarre halka loo yaqaanno, waana halka looga gudbo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Isgoyska Baar Ismaaciil ee degmada Afgooye ayaa ka mid ah Isbaaroyinkii ay howlgalka ku bur-buriyeen ciidammada Qaranka, sidoo kale ammaanka Koontaroolkaasi waxaa haga ciidammada Birmadka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha howlgalka lagula dagaallamayo dhammaan Isbaarooyinka haraadiga ku ah deegaannada gobolka Shbeellada Hoose, General C/rashiid Aadan Xersi, ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkii lagula dagaallamayey Kooxaha dhigta Isbaarooyinka lagu guulleystay, isla markaana suu sii soconaya inta laga xasilinayo guud ahaan ammaanka gobolka Shabeellada Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Cabdulqaadir Maxamuud Nuur “Siddii” oo Beerta Sheekh Sayd kula hadlay wariyeyaasha Qaranka ayaa sheegay in  aysan jirin wax isbaaro ah oo Gaadiidka lagaco sharcdi daro ah looga qaado, waxa uu ugu hambalyeeyey saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaasi iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda oo amaray howlgalka.

Meelihii aan tagnay waxaa ka mid ahaa Saldhigga Booliska degmada Afgooye, waxaana ka socday howl maalmeedkii caadiga ahaa, iyadoo dhammaan waddooyinka  u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye ay ku sugan yihiin ciidammada dowladda oo meelaha qaar baaritaanno adag ka wada si looga ilaaliyo ammaanka caasimadda dalka ee Muqdisho, laakin weli ma uusan dhammaan qorshaha la dagaallanka Isbaarooyinka iyo dhagerqabayaasha Al-Shabaab Al-Qaacidda.

Moqdisho Isniin Janaayo 20, 2014 Waxaa maanta lagu wadaa in Baarlamaanka Soomaaliya la horgeeyo qorshaha ay ku shaqeyn doonto sanadaha soo socda Xukuumadda cusub ee dalka oo habeeno kahor aqalka Madaxtooyada Soomaaliya looga dhawaaqay.

Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa shalay kulan ay Muqdisho ku yeesheen ku go’aamiyay in Baarlamaanka maanta la horkeeno qorshaha ay ku shaqeyn doonto Xukuumadda cusub ee dalka.

Sidoo kale maalinta berito ah ayaa laguwadaa in Baarlamaanka uu hortago Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uuna usharaxo Wasiirada cusub ee uu soo magacaabay iyo qaabka shaqadooda.

Inkastoo ay jiraan guux badan oo ka dhexjira Baarlamaanka dhexdiisa oo ku aadan inaaneyn ansixin doonin Wasiirada badan ee Xukuumadda, hadana lama oga marka la gaaro ansixinta Wasiirada cusub ee Baarlamaanka sida Xildhibaanada ay umeel marin doonaan.

Kismaayo Isniin Janaayo 20, 2014 Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose, waxaa gaaray wafdiyo kala duwan oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Puntland Qaramada Midoobay, IGAD iyo Dowladda Ethiopia.

Xubnahaan ayaa waxa ay ka dageen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaay, halkaasi oo lagu soo dhaweyay,waxaana loo galbiyay dhanka Madaxtooyada Magaalada Kismaayo.

Wafdiga Dowladda waxaa hogaaminaya Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar.

Sidoo kale xubnaha masuuliyiinta ah ee gaaray Magaalada Kismaayo waxaa kamid ah Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay dalka Soomaaliya Nichlos Kay.

Wafdiga Puntland ka socda waxaa hogaaminaya Madaxweyne kuxigeenka cusub ee Puntland Mr Cameey.

Danjire Afeey iyo Generaal Gabra


2013

 


WARARKA DOWLADDA SOOMAALIYA EE MAANTA

Minneapolis Axad, Janaayo 5, 2014   Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Somalia ayaa xukun dil ah ku riday sadex askari oo ka tirsan ciidamada dowlada ee gobolada Bay iyo bakool kuwawsoo hadda ku jira xabsiga magaalada Baydhabo. Guddoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee dowladda Soomaaliya qeybta gobollada Bay iyo Bakool, Sheekh Xuseen Maxamed Mursal ayaa sheegay in raggan lagu helay iney siyaabo kala duwan dilal bareer ah ugu geysteen askar kale iyo dad shacab ah.

Sheekh Xuseen ayaa sheegay in qof walba oo dhibaato u geysta shacabka ay maxkamaddu marsiin doonto waajibkiisa, raggan dhamaantoodna lagu fulin doono toogasho.

Dil-suge Jamaal Cali Maxamuud oo 21-jir ah ayaa ka mid ah ragga la xukumay, waxaana lagu helay inuu dilay askari ciidamada dowladda Soomaaliya ka tirsanaan jiray.

Askarta la xukumay ayaa waxaa kaloo ka mid ah dil suge Yuusuf Isaaq Nuur oo 23-jir ah, kaasoo lagu helay inuu dilay ka dibna ceel ku riday meydkiisa Mustaf Xaaji Xasan oo ahaa askari ciidanka dowladda Soomaaliya ka tirsanaa.

Dil suge Cali Aadan Isaaq oo 47-jir ah ayaa isna lagu helay inuu dilay marxuum Ibraahim Madoobe Aadan oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii xaafada Horseed ee magaalada Baydhabo.


Minneapolis Axad, Janaayo 5, 2014  Xafladdiii soo dhawaynta Raysal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Shiikh Axmed Moaxamed ayaa caawo ka dhacday Minneapolis meeshaasoo ay ka soo qaybgaleen madaxda ka tirsan Gobalka Minnesota iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ka kala yimid meelo badan oo ka tirsan Golbalka Minnesota iyo gobollo kale. Waxaa timid Duqada Magaalada Minneapolis Marwo Betsy Hodges Iyo Keith Ellison oo ah xildhibaan ka tirsan aqalka hoose ee dalkan Maraykanka "The House of Representives".

The  Office of Somali Prime's photo.
The  Office of Somali Prime's photo.
The  Office of Somali Prime's photo.
The  Office of Somali Prime's photo.
The  Office of Somali Prime's photo.
The  Office of Somali Prime's photo.

Modisho Axad, Janaayo 5, 2014  Kulankani oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda daraasaadka  istiraatiijiyadda iyo cilmi baarista ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, aqoon yahaano, qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ah, iyadoo kulankaasi u jeedadkiisu uu ahaa talo bixin aqoon yahanadu ay ka talo bixinayeen Xukuumadda  dhawaan Ra’isul Wasaare C/weli uu soo dhisayo oo ay ku baaqeen in ay noqoto mid tayo leh oo wax u qabata bulshada Soomaaliyeed.

Dood dheer iyo falanqeyn ka dib ayaa dadkii ka qeyb galay kulanka waxa ay ku baaqeen in xukuumadda la soo dhisayo ay noqotaa mid dalka ka saarta marxaladda dalka uu ku jiro islamarkaana ay noqotaa mid ku dhisan Isfahan iyo is afgarad oo ka hufan khilaaf iyo wax isdaba marin.

Sidoo kale guddoomiyaha Hey’adda daraasaadka istiraatiijiyadda iyo cilmi baarista Maxamuud Muuse Tarey ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay qodobadii ugu muhiimsanaa ee kulanka looga hadlay, isagoo sheegay in kulanka looga hadlay 4 qodob oo kala ah Hagaajinta ammaanka, dhisida hey’adaha dowladda, dib u hishiisiinta sidii loo dhaqan galin lahaa, iyo gaarsiinta dhisida maamulada dalka oo  Xukuumadda La Soo Dhisayo ay  u jeediyeen ayaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya mudane C/weli Sheekh waxa uu baarlamaanka dalka uu ka hor balanqaaday in uu wax   ka qabanayo arrimaha ay ka hadleen aqoonyahaanadaasi  islamarkaana xukuumadiisu ay xoogga  saari doonto.

Modisho Axad, Janaayo 5, 2014  Guddoomiyaha maamulka Degmada Yaaqshiid Muxidiin Xasan Jurus ayaa waxa uu meesha ka saaray in degmada Yaaqshiid ay joogaan Kooxda argagaxisada ee Al Shabaab, isagoo sheegay in guud ahaan ciidamada ammaanka ay ku sugan yihiin degmada ayna ka shaqeynayaan sugidda ammaanka.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu ka hadlay bilicda degmada oo uu sheegay in gabi ahaan degmada ay ka dhigeen mid aad u wanaagsan bilicdeeda islamarkaana jidad waaweyn ay ka hirgaliyaan wadooyinka degamada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir oo markii hore dhib ay ku qabeen dadka iyo gaadiidka.

Muxudiin Xasan Jurus ayaa waxa uu soo hadal qaaday  horumarada balaaran oo ay ku tilaabsatay degmada, isagoo sheegay in degmada ay ka socdaan horumaro ganacsi iyo dhsimo xoog leh oo ka qeyb qaadanaya bilicda degmada  iyo in halkaasi ay ka shaqeeyaan ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada, waxaana taa uu ku tilmaamay mid aad loogu farxo.

Degmada Yaaqshiid ayaa ka mid ah degmooyinka ugu bilicda qurxan, iyadoo maamulka degmada oo kaashanaya maamulka gobolka Banaadir ay ku guuleysteen in wax badan ay ka qabtaan bilicda iyo sameynta wadooyin waa weyn oo ay dhib ku qabeen bulshada Soomaaliyeed, waxaana taa ay ka danbeysay markii  guryo aad u fara badan oo soo galay wadada islamarkaana si sharci daro ah u dhisnaa maamulka uu bur buriyay.

Qadar Axad, Janaayo 5, 2014  Gudoomiyaha ku xigeenka iyo xogahayaha guud ee ururka Dhagoolayasha qaranka Soomaliya ayaa manta dib ugu laabtay dalka kaddib markii ay ka qayb galeen shir Dhagoolada Islaamka oo ka dhacay magaalada Dooxa  ee dalka Qadar.

Mas’uuliyiinta Dhagoolada Soomaaliyeed oo maanta u waramayay Radio Muqdisho  ayaa faa faahin ka bixiyay shirka ay ka qayb galeen

“ waxaa shirka kaso qayb galay Dhagoolada islaamka in kabadan 53 dal. Waxaa sidoo kale ka soo qayb galay shirka dhagoolo islaamka ee ku nool qaarada Yurub iyo Ameerika. Waxaa looga dooday mowduucyo ay ka midyihiin waxbarashada, shaqada, xuquuqul insaanka.” Ayuu yiri Muuse Xasan oo ah xoghayaha guud ee ururka dhagoolayaasha Qaranka Soomaliya.

Xagga waxbarashada, waxaa la isku raacay in muhiim ay  tahay la dhiso adeegyo waxbarasho  oo u gaar ah Dhagoolada iyadoo wadan kasto oo Muslim ah laga doonayo in uu tix galin waxbarasho siiyo caruurta Dhagoolada sida ay u siiyaan caruurta wax maqla, iyo in lala isticmaamlo luqada iyaga u gaarka ah.

Xaga shaqada  waa in la helaa mu’asasaad u gaar ah Dhagoolada ka saacida sidii ay shaqo iyo tabar-bar  u heli lahaayeen  Waxaana  loogu baaqay wadamada Islaamka in ay tix galiyaan sharuucda caalimiga iyo xuquul Insaanka.

Guddoomiye ku xigeenka ururka dhagoolayaasha qaranka Soomaaliyeed Cusmaan Maxamed Nuur  oo isna shirka jaraa’id ka hadlay aya sheegay in  muhiimad ay u leedahay in ururkooda   u suurto gashay in ay ka qayb galaan shirkaas caalamiga   ah ayna geeyan calanka Soomaaliyeed

“ runtii ka qayb galka shirka noocaan  ah waa howl qaran oo aan qabanay shacabka iyo jiritaanka Soomaliyed hadii aad eegto dadka Soomaaliyed inta badan ma u maleeyaan in Dhagoolo Soomaaliyed wax qaban  karaan  Hase ahaatee maanta waxbaan qabanay Calnakii Soomaliya ayaan masraxa dhagoolada caalamka geynay. Hase ahatee dowladeena wax tix kalin iyo taagero ah nama aysan siin.

Ururka Dhagoolayaasha Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu jiro iskuul u gaar ah oo ay maamulaan islamarkaana  caruurtooda wax ku baraan. Waxaana ay  ugu baaqeen mas’uuliyiinta gobalka Banaadir  in ay soo booqdaan oo ay arkaan dhibka haysta caruurta dhagoolada Soomaaliyeed.  Sidoo kale waxa ay gu baaqeen bulshada Soomaaliyeed  iyo hay’adaha Caalamiga ah in ay taageero la soo garab istaagaan Dhagoolada Soomaaliyed.

#Somalia: Moqdisho Axad , Janaayo 5, 2014 Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Moqdisho Mudane Maxamed Nuur Tarzan oo ka hadlay arrimo badan isla-markaasna kashifay arrimo badan oo musuqmaasuq ah  http://www.youtube.com/watch?v=xqxww-_igBY#t=127

Modisho Axad, Janaayo 5, 2014 Wararka saakay naga soo gaarayo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in howlgalo culus ka socda xaafadaha Soomaalida ku badan yihiin ee Islii ka dib Qarax xalay Nairobi ka dhacay.

Wariye ku sugan Nairobi ayaa u sheegay warbaahinta in xaalada saakay ay tahay mid kacsan oo meel walbo lagu arkayo Ciidamada Boliiska Nairobi oo dadka qab qanaya.

Howlgalada socda ayaa lagu qabtay dad aad u fara badan oo la sheegay inkastoo aan la xaqiijin inay Soomaali ku jiraan.

Hayeeshee, xalay ayaa Nairobi lagu weeraray Qarax Bambaano ah,kaasi oo sababay qasaaraha dhaawaca labo ruux.

Spain Axad, Janaayo 5, 2014  asaarada arimaha dibada dalka Spain ayaa sheegtay in ay dowladda Soomaaliya ku garab taagan tahay dagaalka ay kala horjeedo kooxaha Argagexisada ah waxana wasarada ay muujisay sida ay uga xun tahay weerarkii ugu danbeeyay ee Muqdisho ka dhacay midkaa oo lagu weraray Hotel Jazeera halkaa oo dad badani ku geeriyoden kuwa kalana uu dhaawac kasoo gaaray waxana weeraradaasi masuuliyadeeda sheegatay Al-shabab.

Jariidada ABC ee dalka Spain kasoo baxda ayaa soo xiganaysa wasarada arimaha dibada dalkasi oo sheegtay in qaraxyada argagexiso ee Soomaaliya ka dhacaya ay tahay waxaan caqli gali Karin waxana uu muujinaya xagjirnimada oo kusii baaheysa Soomaaliya.

War saxaafaded ay wasarada soo saartay ayaa lagu sheegay sida ay Spain u garab taagan tahay dadaalada dowladda Soomaaliya ay ku doonayo sidii ay u soocelin laheyd xasiloonidi dalka iyo xaqiijinta horu marka dhaqaale iyo mida bulsho ee dalka dhaca bariga Afrika.


http://radiomuqdisho.net/waxqabadka-wasaaradda-warfaafintaboostadaisgaarsiinta-iyo-gaadiidka-ee-sanadkii-tagay-2013-daawo-sawirro/

Muqdisho, January 4, 2014 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Ergayga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan arimaha Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka adage ee u dhexeeya Q.M iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadnaqay Danjire Kay taageerada joogtada ah ee Q.M ee ku aadan dib u dhiska dalka, waxaana uu xusay in uu rajaynayo in ay sii xoogaysataan dhamaan dadaaladda lagu samatabixinayo dalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Ergayga gaarka ah ee Q.M ee Soomaaliya waxaa kaloo ay ka wada hadleen soo magacaabidda Golaha Wasiiradda, qorshaha Hiigsiga cusub iyo sida ay dawladdu uga go’antahayu diyaar garowga doorashooyin dhacaya 2016.

“Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Q.M waa mid soo jireen ah. waxaan soo dhoweynaynaa taageeradda ay Q.M u fidiso Soomaaliya, waxaa jiri doona shaqo balaaraan oo na dhaxmari doonta sanadkan, gaar ahaan qorshaha Nabadda, Amaanka iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya ” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Labada dhinac waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaa kamid ah sidii loo balaarin lahaa howlgallada Amniga ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab kadib markii dhowaan uu Golaha Amaanka ee Q.M ansixiyay kordhinta ciidamada Amisom iyo taageeradda ku wajahan qalabka ay u baahan yihiin ciidanka Soomaaliyeed. Kay waxaa uu la qaybsaday Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed tacsida dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay isku daygii weerarkii Jaziira Hotel.

“Ciidanka Soomaaliyeed oo kaashanaya Amisom waxaa ay sii xoojin doonaan howlgaladda lagu qaadayo goobaha dib looga xoraynayo Al-Shabaab sanadkan cusub” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli isagoo uga mahadnaqay Danjire Kay taageerada iyo gacanta ay ka gaysanayaan howlgaladdan.

-Dhammaad-


January 4, 2014 Cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta tababar loogu soo xiray xarunta taliska 21aad ciidanka ee ku taala Degmada Dhusamareeb, kuwaas oo muddo afar bilood ah tababar uu u socday.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qayb galay saraakiil ka socotay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, maamulka Gobolka Galgaduud kan Degmada Dhusamareb, qaybaha Bulshada iyo mas’uuliyiin ka socotay Ahlu Sunna Wal-jamaaca.

Ugu horaynba waxaa munaasabada ka hadlay Taliyaha qaybta 21aad Sulub Axmed Diiriye waxa uuna ka warbixiyey sidii uu tababarka ciidamadaan uu u socday, isagoo xusay in ciidamada tababaarka loo soo xiray ay tiradoodu gaareyso 600 askari.

Sidoo kale waxaa munaasabada ka hadlay Sareeye Guuto C/laahi Cusmaan Cageey waxa uuna sheegay in ciidamadaan hada wixii ka dambeeya ay heli doonaan xaquuqdoodii ciidannimo dowladuna sanadkan cusub ay qorshe u dajisay dhammaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku aadan dib u dhiskooda.

Waxaa iyana halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah bulshadii ka soo qaybgashay xafladda xiritaanka tababarka waxa ayna balan qaadeen inay garab istaagayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn munaasabada ayaa waxaa soo gabagabeeyey Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) waxa uuna carabka ku adkeeyey in loo baahan yahay in ciidamadaani ay mudan yihiin mahad celin, isagoo tilmaamay in tababarkaan ay soo bilaabatay 30kii August ee sanadkii tegay. .

Ciidamadaan maanta tababarka loo soo xiray ayaa waxa ay ku dhaarteen difaaca diinta, dadka iyo dalka Soomaaliyeed waana markii ugu horaysay ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed tababar loogu soo xiro xarunta taliska 21aad tan iyo wixii ka dambeeyey bur burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.


Puntland State's photo.
Puntland State's photo.

Garoowe Janaayo 4, 2013 Taariikh Nololeedka Guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Puntland


Guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Puntland Xildhibaan Siciid Xassan Shire wuxuu ku dhashay degmada Dhahar ee Gobolka Hayland sanadkii 1965.

Wuxuu dugsiga hoose,dhexe iyo Sare uu kaga baxay Gobolka Jubada Hoose,waxaana uu leeyahay aqoon u dhiganta Heer Jaamacadeed oo ah Diinteena Suuban ee Islaamka.

Sanadkii 1986 illaa 1999 wuxuu ahaa Ganacsade aad u firfircoon oo laga yaqaanay gudaha dalka Soomaaliya.

Sanadkii 1999 illaa 2003 wuxuu wuxuu ka mid ahaa Xildhibaanada dowladii lagu soo dhisay Carta.

Sanadkii 2004 illaa 2009 wuxuu ka mid ahaa dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu hogaanka u qabtay EEBE ha u naxariiste Cabdulaahi Yuusuf Axmed,oo uu ka noqday Xildhibaan,Wasiir ku xigeen iyo Wasiir.

Sanadkii 2010 Wuxuu Guddoomiyaha cusub ka mid noqday Xildhibaanadii dowlada Federaalka ee uu hogaanka u hayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sanadkii 2010 illaa 2013 wuxuu ahaa Wasiirka Xannanada Xoolaha dowlada Puntland ee Soomaaliyeed,waxana u ku hadlaa Luuqadaha Soomaaliga iyo Carabiga.

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Puntland wuxuu ku guulaystay codad aqlabiyad leh oo dhan 40 Cod wareegii ugu dambeeyay,waxaana uu ka guulaystay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo helay 26 Cod.

Garowe Sabti Janaayo 2013 Doorashada Maamulka Puntland
Siciid Xasan Shire oo loo doortay Gud. G.W. Puntland
4 Jan 4, 2014 - 12:12:07 PM

Wararkii ugu dambeeyey:

Wareega sadaxaad ee doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland waxaa ku guulaystay Xil. Siciid Xasan Shire, codeyntiina sidaan bay u dhacday:

1. Xil. Sicid Xasan Shire 40 cod

2. Xil. Cabdirashid Maxamad Xirsi 26 cod

Xil. Siciid Xasan Shire ayaa horre u ahaa Wasiirkii Xanaanada Xoolaha ee Xukuumadda Dr. Cabdiraxman Sh. Maxamad Farole, Madaxweynaha Puntland.

Wareega labaad ee doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa waxa loo codeeyey qaabkaan:

1. Xil. Cabdirashid Maxamad Xirsi 23 cod
2. Xil. Sicid Xasan Shire 23 cod
3. Xil. Cabdixakim Maxamad Axmed (Dhoobo) 20 cod

Wareega sadaxaad waxaa u gudbay xildhibaanada kala ah:

1. Xil. Cabdirashid Maxamad Xirsi
2. Xil. Sicid Xasan Shire


Garoowe Sabti Janaayo 4, 2013 Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Hoolka Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe doorashada Guddoonka Golaha Wakiiladda ee Dowladda Puntland.

Waxaa isu soo sharaxay xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland xildhibaanada hoos ku qoran:

1. Xil. Cabdirashid Maxamad Xirsi Gobolka Mudug
2. Xil. Sicid Xasan Shire Gobolka Sanaag/Haylaan
3. Xil. Cabdixakim Maxamad Axmed (Dhoobo) Gobolka Sanaag/Haylaan
4. Xil. Maxamad Cali Guled Gobolka Sanaag/Haylaan
5. Xil. Axmed Cali Xaashi Gobolka Sanaag/Haylaan

Musharixiinta xilalka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudoomiye xigeenka 1aad iyo 2aad, ayaa Baarlamaanka hortiisa ka jeediyey khudbooyin ay kaga waramayaan taariikh nooleedkooda iyo barnaamijkooda waxqabad hadii ay ku guuleystaan xilalka Guddoonka Baarlamaanka Puntland.

Dhammaan 66-xildhibaan ee Baarlamaanka Puntland ayaa shirkaan xaadir ka ah, waxaan shirka maamulaya Guddiga Doorashada uu Gudoomiye ka yahay Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad.

Xil. Saadiq ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta wareega koowaad ee doorashada xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland:

1. Xil. Cabdirashid Maxamad Xirsi 17 cod
2. Xil. Sicid Xasan Shire 17 cod
3. Xil. Cabdixakim Maxamad Axmed (Dhoobo) 16 cod
4. Xil. Axmed Cali Xaashi 9 cod
5. Xil. Maxamad Cali Guleed 6 cod

Hal (1) cod ayaa khasaaray, sida uu sheegay Xil. Saadiq. Sidoo kale, Xil. Saadiq ayaa sheegay in wareega 2-aad ay ku gudbi doonaan:

1. Xil. Cabdirashid Maxamad Xirsi
2. Xil. Sicid Xasan Shire
3. Xil. Cabdixakim Maxamad Axmed (Dhoobo)

Kala soco Garowe Online wararka Doorashada Puntland 2014.
Moqdisho Sabti Janaayo 4, 2013
Magaalada Muqdisho gaar ahaan xafiiska ra’iisal wasaaraha waxaa ka socday kulamadii ugu dambeeyay ee loogu diyaargaroobayo soo magacaabista xubnaha golaha wasiiradda cusub ee Soomaaliya.

Ilo xog-ogaal oo ku sugan Villa Somalia oo aan la hadalnay  ayaa sheegay in maalmahan soo socda ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu ku dhawaaqi doono golaha wasiiradda cusub ee xukuumadiisa.

Waxaa kaloo ay lee yihiin ilaha warkan aan ka soo xiganahay xubnaha golaha wasiirada cusub waxaa cku jirra wajiyo aan ku cusbeen siyaasadda oo qaarkood ay ka mid yihiin wasiiradii horre ee Saacid, laakin faah-faahin intaas dhaaf siisan ma bixin.

Moqdisho Sabti Janaayo 4, 2013 War laga soo saaray wasaarada arimaha dibada ee wadanka isku taga imaaraadka Carabka ayaa waxaa ugu horeyn lagu cambaareeyay weerar ismiidaaminta ah ee dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Jaziir oo ka mid ah Hotelada ku yaalo Muqdisho halkaasi ay ka dhasheen qasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Warka Wasaarada arimaha dibada UAE,ayaa si xooga loogu dhaleeceeyay fal danbiyeedkaasi,waxaana Dowlada ay shaacisay in arintaasi maja xaabineyso nabada iyo xasiloonida ka ifeyso Soomaaliya,waxaana Tacsi loogui diray Ehalada dadkii dhibanayaasha ahaa.

Sidoo kale,Dowlada iskua taga imaaradka Carabta ayaa daaha ka rogtay inaysan marnaba taageersaneyn oo cod qeexan ay ku diidayaan waxay ugu yeertay falalka Argagixisada,iyagoona sheegay in Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ka gacansiinayaan sidii loo xasin lahaa Soomaaliya loogana hortagi lahaa falalka amaanka lidi ku aha ee mararka qaarkood ka dhaca dalka Soomaaliya.

Dhamaan wadamada daneeya arimaha Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarkii habeenkii qamiista lagu qaaday Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho halkaasi ay ku dhinteen dad isugu jira Saraakiil Ciidan iyo dad shacab ah.

Dagaalyahanada Al-shabaab oo sheegtay Mas’uuliyada weerarkaasi waxay wacad ku mareen inay sii laba jibaari doonaan weerarada ceynkaani oo kale.

Moqdisho Sabti Janaayo 4, 2013Mudaneyaasha Barlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho,  ayey kaga doodeen  daraasad ku saabsan  golayaasha taxanaha sharci dejinta Soomaaliya, iyadoo dhanka kale Barlamaanka loo qeybiyey qorshe  howleedka sannadka cusub 2014-ka ee Barlamaanka Soomaaliya uu ku shaqeyn doono.

Furitaanka fadhigii baarlamaanka ee maanta ayuu guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari magaca baarlamaanka uga tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxii argagixisonimo ee ka dhacay afaafka hore ee baarlamaanka, isagoo dhanka kale mudanayaasha baarlamaanka horkeenay codsi ka yimid R/wasaaraha Soomaaliya Dr C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo ku saabsanaa in la hakiyo hindise sharciyeedyada baarlamaanka horyaalla inta uu ka soo dhisayo golaha Wasiirada cusub.

“Codsi ayaa iga soo gaaray R/wasaaraha cusub oo la xiriirta sharuucda aan ku soo shaqeynay ee kalfadhigeenii inta badan qaatay oo gudiyada ay gacanta ku hayaan, waxaana uu naga codsaday in aan hakino hindise sharciyeedyada kala ah Hindise sharciyeedka dastuurka, Hindise sharciyeedka golaha adeega garsoorka, Hindise sharciyeedka gudiga Xuquuqul insaanka, Hindise sharciyeedka la dagaallanka argagixisada, Hindise sharciyeedka gudiga xuduudaha iyo federaalka, Hindise sharciyeedka maalgeshiga shiyeeye ee Soomaaliya, hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda maareynta musiibooyinka iyo hindise sharciyeedka bankiga horumarinta Soomaaliyeed” ayuu Guddoomiye Jawaari hadalkiisa ku daray.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa waxaa loo qeybiyay, islamarkaana ay guda galeen ka hadlidda daraasaad ku saabsan taxanaha golayaasha shacri dejinta Soomaaliya, taasi oo uu guddoonka baarlamaanka soo diyaariyay, waxaana mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari guddoomiyaha baarlamaanka uu xildhibaannada u sharxay daraasadaan iyo baahida xilligan loo qabo.

“Sida uu tilmaamayo qodobka 139 ee dastuurka federaalka in dhammaan sharuucdii hore iyo go’aanadii ee baarlaannadu gaareen awood shirciyeed iyo fulin ayay dalku ku lahaanayaan haddii aanay dastuurka ka hor imaanaynin, ama aan la burin sida waafaqsan dastuurka, arrinka qodobkan xeeriyay waxa uu si marag ma doonta ah u muuqaalinayaa in sharci dejinta Soomaaliyeed aysan ahayn mid meel cidlo ah laga soo bilaabay ee waa sharci dejin aas aas hore leh oo loo baahanyahay in sharuucda cusub lagu sii dul dhiso sharciyadii horey u jiray halkaasi oo laga sii wado dhaqanka sharci dejinta dalka, si dhaqankaasi loo adkeeyo ma ahan oo kaliya in aan ka taxadarno tayada iyo wax tarka sharuucda aan ansixineyno iyo go’aanada baarlamaaniga ah ee aan gaarayno ee waxaan u baahannahay in aan sugno in tixraaca tirada taxanaha madasha sharci dejineed ay qoraalladeena ka muuqdaan, baarlamaankeenaan waxa uu u baahanyahay in u caddeeyo go’aannada uu ka gaaro xiriirka uu la leeyahay taariikhda baarlamaaniga ah ee ay Soomaaliya soo yeelatay iyo tirada madasha sharci dejineed ee uu kaga jiro” ayuu guddoomiyaha baarlamaanka hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.

Kulankii baarlamaanka ee maanta oo ay soo xaadireen 182 mudane ayna goob joog ka ahaayeen guddoomiye kuxigeennada koowaad iyo labaad ee baarlamaanka ayaa xildhibaannada waxaa loo qeybiyay shintiriska ay xildhibaannada ku shaqeynayaan sanadkan cusub ee 2014, maadaama uu sanadkan xildhibaannada u yahay kan ugu shaqada badan ee ay mudanayaasha qaban doonaan si dalka loo gaarsiiyo sanadka 2016ka in doorasho lagu qabto.


Garowe Sabti Janaayo 4, 2013 Xaaji Maxamed Yaasiin oo ka mid ahaa xaaji_yaasiin
Murashixiinta U tartamaya Madaxweynanimada Puntlsand ayaa ku dhawaaqay inuu ka tanaasuley Tartankii.

Garowe Sabri Janaayo 4, 2013  War Deg Deg Ah: Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Gablax oo Ka haray tartanka Madaxnimada Puntland

Musharax Madaxweyne Cabdiraxman Maxamed Gablax oo caawo la hadlay Warsidaha Puntandi ayaa sheegay inuu ka tanaasulay tartankii uu ugu jiray jagada Madaxnimada Puntlandi,xilli maalmo kooban ay ka dhiman tahay Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Gablax ayaa sheegay inuu waday Barnaaij saddex sano ah oo wadanka lagu gaarsiin karo Doorasho Dimuqraadyad ah,hasa yeeshe marki Barnaamijkaas u u waayay Koox la hirgalisay uu gartay inuu ka haro tartanka Madaxnimada Puntland.

“Waxaan diyaariyay Barnaaij saddex sano ah oo horseedaya in wadanka saddex sano lagu gaarsiiyo Dimuqraadiyad,si dadka gacantooda loogu soo celiyo awooda,laakiin markaan u waayay Koox aan wada hirgaliyo arrintaas ayaan tanaasulay“Ayuu yiri Gablax oo la hadlay Warsidaha Puntlandi.

Mar Puntlandi uu waydiiyay,ma kula tahay in ay wannagsanan lahayd inaad tartanto oo Barnaamijka aad ka dhawaajisay haddii aad guulaysato aad hirgaliso ayaa wuxuu sheegay in Barnaamijka uu doonayo inuu hirgaliyo uu u baahan yahay taageero balaaran,waxaana uu xusay in labadii sano ee tagtay ay dadaal ugu jiray in dadweynaha gacantooda xukunka dib loogu celiyo.

Warsidaha Puntlandi ayaa saacado ka hor ogaaday in ay jiraan Musharixiin doonaya inay ka tanaasulaan tartanka Madaxnimada Puntland,xilli ay jiraan Musharixiin wada ololihii ugu balaarnaa ee ay ugu tartamayaan jagada Madaxweynaha iyo Madaxweyne  ku xigeenka Puntland.

Riix Linkiyada hoose si aad u akhriso qayb ka mid ah Barnaamijka Gablax uu doonayay inuu hirgaliyo


cali khaliif

Moqdisho Sabti Janaayo 4, 2013 Prof Cali Khalif Galayr Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya kana kamid ah Xildhibaanada dowladda Federalka Soomaaliya ayaa Wuxuu Si Adag Uga Hadlay  golaha Wakiilada Puntland ee dhawaan lagu dhawaaqay kuwaasoo ay ku jiraan Xubno Faroole Soo Xushay,  sidoo kale wuxuu ka hadlay arimaha Ra’iisul Wasaaraha cusub iyo Xukuumadda uu soo dhisi doono.

Cali Khalif Galayr ayaa sheegay deeganada Khatumo inay leeyihiin maamul goboleed lamid ah kan Puntland isla markaana aysan suura gal ahayn Xildhibaano wakiilo ka ah deeganada SSC inay kusoo biiraan Puntland.

Wuxuu sheegay January  2012kii  inay samaysteen deeganadaasi Maamul goboleed Khaatumo la yiraahdo kaasoo dadka deeganadaasi aayahooda danbe uga tashanayaan isla markaana Puntland ayan waxba ugu jirin tan iyo wixii xiligaasi ka danbeeyay sida uu hadalka u dhigay.

HALKAN KA DHEGAYSO WARAYSI XIISO BADAN PROF  GALAYDH 

Xildhibaan Cali Khaliif ayaa si kulul uga Hadlay  siyaasiyiinta deeganadaasi kasoo jeeda ee doonaya inay kamid noqdaan mamulka Puntland isagoo Tibaaxay Ayaan daro inay tahay dadka deeganadaasi kasoo jeeda inay ilaawaan sida uu hadalka u dhigay Xasuuqii uu inna Faroole ka gaystay Taleex Bishii November 28 sanadkii tagay.

Dhanka kale Prof Cali Khaliif Galayr ayaa waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha cusub inuu la kulamay dhowr jeerna telefoonka ay ka wada hadleen isla markaana uu siiyay Talooyin Muhiim ah, isagoona geesta kale sheegay Madaxwaynaha Soomaliya wax la tashi ah inuusan la samayn balse uu ku qanacsanyahay Ra’iisul Wasaaraha uu soo magacabay oo sida uu sheegay ah nin karti iyo aqoon leh.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Ali Khalif ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay qaabkii Xukuumadii hore Xilka looga qaaday isagoo tibaaxay ayaan daro inay tahay Wasiiro doonayo Guddoomiyahoodii in xilka laga qaado haddana dadku ay isla Wasiiradaasi leyihiin waa kuwii Xukuumada Fashiliyay.

Wuxuu xusay arinta soo celin Wasiirada Hormuudka u ahaa riditaanka Xukuumadii hore inay keeni karto Baarlamanka Soomaaliya inuu u diido codka kalsoonida golaha uu soo dhisi doono Ra’iisul Wasaare Cabdiwelli Sheekh Axmed.

Ugu danbayntii wuxuu sheegay Prof Cali Khaliif Galayr marka laga soo tago Dowladii uu Hogaminayay Marxuum Maxamed Siyaad Barre in Xukuumadaha Soomaaliya intooda badan Dastuuradii ay ku shaqaynayeen qeexayeen awooda labada Hay’addood.

Moqdisho Sabti Janaayo 4, 2013 Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in qaban qaabadii u dambeysay ee doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenkiisa ay ka socoto magaalada, iyadoo maanta la doonayo Gudoomiyaha iyo kuxigeenkiisa.

Ilaa afar musharax ayaa u taagan Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo kuxigeenkiisa, waxaana doorashadan ay u noqon doontaa gogol xaar doorashada Madaxtinimada Puntland oo dhici doonta sideeda bishan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ee 66-da xubnood ah ayaa ku qul qulaya xarunta barlamaaanka ee ay doorashada ka dhici doonto, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalada Garowe.

Ciidamada ammaanka ayaa gebi ahaanba xiray wadada isku xirta Xarunta baarlamaanka iyo xaafadaha, waxaana lagu daadiyay ciidamo fara badan oo tan iyo xalay howl galo roondo ammaanka lagu sugayo ka waday xaafadaha.

Doorashada Madaxtinimada Puntland ayaa waxaa isku haya dhowr iyo toban musharax oo uu ka mid yahay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday C/raxmaan Faroole, iyadoo labadii maalmood ee u dambeeyay ay jireen musharaxiin tanaasulay.

Sideeda bishan Janaayo ayuu qorshuhu yahay inay dhacdo doorashada Madaxtinimada Puntland, waxaana Madaxweynaha ku guuleysta uu xilka madaxtinimada uu heynayaa muddo shan sano ah.

Buuhodle Jimco Janaayo 3, 2013 (Kalshaale.com) Iyadoo Qaarkamida Madaxdii Maamulka Khaatumo ee Kitaabka  Ugu  Dhaartay  Danaha Umada Khaatumo Ay Baal mareen Howlihii Loo Igmaday   Ayaa waxaa Jira Sidoo kalana Bulshadu Meel uga Soo Wada Jeedaa Shaqsiga Ujeestay Dano Reero Kale.

HALKAN dhegayso XASAASI

Madaxwayne Maxamed Yuusuf Jaamac Indhosheel oo La waydiiyey Su’aal Ku Aadan Golaha Madaxtooyada Khaatumo, Ayaa Wuxuu Kasoo Koobay In Madaxdii Noqotay Khiyaano iyo Khaatumo.

Waxaan Ku Raacsanahay Axmed Cilmi Cismaan “Madaxdu  waxay Ukala Baxeen Khaatumo & Khiyaano “ Ayuu Yidhi Madaxwayne Indho Sheel.

Qaybaha kala Duwan ee Bulshada SSC  Ayaa  Sheegay In Shaqsiga Baalmara Howlihii Loo Igmaday uu Yahay Khiyaanoole, Kadib Aragti Kala Duwan oo ay Bixiyeen.


Moqdisho Jimco Janaayo 3, 2013 Barnaamijka kulanka Todobaadka oo ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka ayaa waxaa todobaadkan marti ku ahaa Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi, isagoo si faahfaahsan uga hadlay waxyaabihii wasaaradda u qabsoomay sanadkii tegay.

Wasiir Ciilmooge ayaa sheegay in sanadkii tegay dhinaca warbaahinta Radio Muqdisho. SNTV, Wargeyska Dalka iyo Bogga Radio Muqdisho, wax badan lagu kordhiyay, isagoo xusay in bilowga sanadkan la sii horumarin doono wabaahinta, wuxuuna intaa ku daray maqalka Idaacadda Radio Muqdisho la gaarsiidnoono dhamaan gobollada dalka.

Sidoo kale wasiirka ayaa soo hadalqaaday adeeggii Boostada dalka oo markii ugu horeysay dib loo furay 22 sano kadib, wuxuuna muujiyay muhiimadda uu adeegga Boostadu u leeyahay bulshada.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimaha isgaarsiinta dalka isagoo xusay in sharciga Isgaarsiinta dalka ay horgeyndoonaan Baarlamanka Federalaaka Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale soo hadalqaaday dhinaca gaadiidka oo uu sheegay in sanadkan la hirgeliyay waadashada  Leysinnada wadayaasha, oo hadda u socda si habsami leh, iyo diiwaangelinta gaadiidka iyo Taargadda iyo waxyaabo kale.

Photo
=Photo

Moqdisho Jimco Janaayo 3, 2014 Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in sanadkii tagay ee 2013 ciidammada ammaanka dowladda ay ku guuleysteen in ay fashiliyaan dhacdooyinkii ugu badnaa ee ay so maleegeen argagixisada Al-Shabaab.

Gen. Axmed Xasan Maalin oo ah taliayaha howlaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ciidamada booliiska ay sanadkii tegay ku guuleeysteen fashilinta falal argagixiso oo maleeshiyaadka Shabaab ku doonayeen iney ku qalqal geliyaan ammaanka dalka.

Sidoo kale Gen. Maalin ayaa tilmaamay in taasi ay ku timid wada shaqeyn iyo isfaham dhex maray ciidamada iyo qeybaha bulshada kuwaas oo dareemay qiimaha nabadgelyada iyo dhibaatada ka dhalata falalka ka dhanka ah amaanka iyo qaraxyada ay argagixisadu la eegtaan goobaha ay bulshadu ku badanyihiin.

Dhanka kale Gen Maalin ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in sanadka soo socda ay ciidamadu si buuxda ula wareegi doonaan gacan ku heynta ammaanka guud ee dalkeenna Soomaaliya.


Minneapolis Khamiis Janaayo 3, 2014  Guddiga Olombikada Soomaliya ayaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku qabtay shir-sanadeedkii guddiga Olombikada kaasi oo 1-2 bisha janaury ka socdey hotelka Shamow,

Shir sanadeedkaa ayaa waxaa warbixino kala dawan looga dhageystey masuuliyiinya GOS oo uu kamid ahaa Xoghayaha Duraan Faarax oo sharaxaad dheer ka bixiyey mudada halka sano iyo wixii gudaha iyo dibadda uga qabsoomay gudiga Olombikadda oo ah hey’adda ugu sareysa Sportiga dalka.

Sidoo kale gudoomiyaha GOS C/laahi tarabi ayaa dhankiisa soo jeediyey qudbado ku aadan qaab dhismeedka GOS iyo wada shaqeynta xubnaha gdiga fulinta iyo zone-ska ay GOS u wakiilatay gobolada dalka intooda badan,waxaana uu halkaasi ka sheegey in dhowaan ay ku shaqeeyn doonaan xarun ay GOS leedahay oo dhismihiisu gabogabo yahay.

Wasaaradda adeega Bulshada ee Sportiga qeybta ka ah,ayaa waxaa halkaasi u fadhiyey Agaasimaha guud iyo agaasinta Sportiga iyadoo Aweys xadaad oo ah agaasimaha guud si weeyn u amaanay GOS iyo xiriiradiisa dadaalka horumarineed iyo marxaladaha ay ku shaqeeynayeen.

Sidoo kale waxaa halkaasi warbixino looga dhageystey wakiilada zone-ska oo iyaguna soo bandhigey waxqabadkoodii wixii uga suurta galay mudada halka sano iyo waxa ka dhiman,iyadoo halkaasi leys-weeydaarsadey fikrado kala dawan oo hormarinta sportiga ku saabsanaa.

Dhamaan madaxda Xiriirada hoos taga GOS oo halkaasi goob joog u ahaa,ayaa waxaa ay warbixino ku saabsan mudadii sanadka ee 2013 iyo waxyaabihii ay qabteen kusoo bandhigeen halkaasi,waxaana xusid mudan in XSKC uu halkaa kusoo bandhigey Filim Documentary oo ku saabsanaa tartamadii,gudaha iyo dibadda iyo dhismaha garoonka banaadir ee ay sanadka 2013 ku talaabsadeen.

Qaar karirsan madaxda Zone-ska ayaa waxaa ay halkaasi ka sheegeen in horumarka XSKC ay tahay in la gaarsiiyo gobolada dalka ee aysan ku ekaanin Muqdisho oo keliya,soo jeedintaasi oo noqotay mid si weeyn loogu riyaaqay.

Sidoo kale waxaa halkaasi qudbado soo jiitay bahdii k sgneyd madasha kasoo jeediyey laacibiintii dhinaca Kubadda Koleyga iyo cagta ee Somaliya ay lahayd oo uu kamid ahaa,Macalin Baarajab,Shiine Guhaad,iyo Axmed Nuur Seyga waxaana ay xuseen sida loogu baahan yahay in talaabo kale loo qaado ee aan lays dhiganin,iyagoo GOS iyo Xiriirada k amaanay wax qabadkooda iyo marxaladii ay ku shbaqeeynayeen ee dalka.

Macalin  Cumar C/qaadir Baarajab oo mdo 26-sano kadib dalka kusoo laabtay ayaa halkaasi ka jeediyey qudbad balaaran oo uu kusoo bandhigey sida Somaliya u heli lahayd XUL awood leh,taasi oo u soo bandhigey inuu wado mashruuc ilaa 5 sano ah oo lagu xareynayo min 10 sano jir ilaa 15 jir oo dugsiyada laga soo bilaabayo.

Ugu dambeeyntii Gudoomiyaha GOS C/laahi Axmed Tarabi oo soo xirey Shir-sanadeedka ayaa waxaa uu kla dar-daarmey dhamaan ka qeybgalayaashii oo isugu jirtey dhamaan Madaxda Xiriirada ee gudiga Fulinta ee GOS ciyaartoydii hore,wakiilada Zone-ska iyo bahda saxaafadda inay si wadajir ah gacan uga geeystaan hormarinta Sportiga sanadka danbena la tiigsado horumar intaan ka balaaran.

Minneapolis Khamiis Janaayo 3, 2014 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ku tilmaamay weerarkii lagu fashilmay ee lagu qaaday hotelka Jaziira ee Muqdisho in uu ahaa mid fulaynimo ah, liddi ku ah diinta Islaamka, siina xoojin doona xiriirka dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo si wadajir ah uga guulaysan doona naf-lacaariga waqtigoodu dhamaaday ee argagixisada Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay ciidanka Booliska iyo kooxaha gurmadka dag daga ah sidii ay uga hortageen weerarkaasi,uguna gurmadeen shacabka Soomaaliyeed ee halkaasi ay dhibaatadu ku qabsatay, Waxaana uu Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya tacsi tiiraanyo leh la qaybsaday eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen kuwii ay jeclaayeen, wuxuuna ilaahay uga baryay in uu caafimaad dag dag ah siiyo intii ku dhaawacantay falkaasi.

“Weerarada ay soo qaadayaan kooxaha xagjirka ah sida kii ay ku hungoobeen ee xalay lagu qaaday hotelka Jaziira waxay xoojinayaan go’aankeenna ku wajahan cirib-tirka argagaxisada”sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli, waxaana uu raaciyey…

“Dalku wuu soo hagaagayaa, dawladdu waa ay jiri doontaa, dadka Soomaaliyeedna way noolaan doonaan laakiin kuwa naf-lacaariga ah ee Argagixisada ku ah umadda soomaaliyeed iyagaa laga guulaysan doonaa, meel kasta oo ay joogaanna waan ku baacsan doonnnaa.”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in Argagixisadu ay cadow ku tahay nolosha shacabka iyo horumarka dalka. “Soomaaliya waxaa ay horay ugu socotaa dawladnimo iyo horumar ay qayb ka yihiin shacabka Soomaaliyeed ee kasoo gudbay dhibaatooyin aad u badan oo dalka ku dhacayay waqti dheer, kuwa ku soo duulay dalka iyo dadkawaxay ka kasbanayaan shacabka cadawnimio.”

Garoowe Khamiis Janaayo 3, 2014 Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka KMG Ah ee Jubba Gen Darwish ayaa Caawa Warbaahinta SBC INTERNATIONAL uga Waramay Dhacdo kadhacday Duleedka Kismaayo dhacdadaas oo ay ku dhinteen 7 qof kadib markii ay kusoo duntay meel Caro kaabo ah.

Wasiirka ayaa shegay in ay Duleedka kismaayo ay kadhacday shil kaas oo sababay dhimasho kadib markii niman Muruq maalata ah ay kusoo duntay meel Buur ah oo ay ka Gurayeen dhagaxan.

Darwish ayaa shegay in Tirada dhimashada ay hayaan ay tahay 5 qof waxaa uu shegay in ay jiraan dad kale oo ku dhintay dhacdada kadhacday Duleedka kismaayo,wuxuna alle uga Baryeey Qaraabada iyo ehelka Dadkii ku dhintay in uu samir iyo imaan ka siiyo.

Dhinaca kale Wasiirka ayaan Wax ka Weydiinay Amaanka Guud ee Magaalada Kismaayo,isagoo Wasiirka shegay in Xaalada Amaan ay tahay mid wanaagsan Amaankana ay sugayaan Ciidamada Nabad galiyada.

Digniino ku aadan dhinaca Ciidanka oo uu dhawaan sheegay ayuu tilmaamay in ay dhaqan galeen,isagoo Docda kale shegay in ay jiraan dad kasoo Horjeeda Amaanka kismaayo.

Gen Darwish Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Jubba ayaa dhinaca kale ka hadlay Wafdi ay u direen Dhinaca Maamulka Puntland Wafdigaas oo uu Hogaaminayo Ra”iisul Wasaarihii Hore ee soomaliya Cumar C/Rashiid Cali sharmarke kaas oo hada ku sugan Caasimada Puntland ee Garowe.

Wasiirka ayaa shegay in ay u tageen sidii ay u kormeeri lahayeen Xaalada Doorashooyinka Puntland.

Hoos Kadhagayso Waraysiga Wasiirka oo u Waramaya Wariye Maxamed Laki

Minneapolis Khamiis Janaayo 3, 2014 Sida ay qortay maanta oo Khamiis ah Shabakadda www.kare11.com oo ka soo baxda magaalada Minneapolis ee gobalka Minasota, waxaa ku dhaawacmay 14-ruux oo Soomaali ah kuwaasoo ku jiray dhismo dabaq ah oo dab qasaday saacadu markii ay ahayd 8:15 a.m. ee Sannadka cusub.

Lix ka mid ah dadkan ayaa la sheegay xaaladooda in ay aad u xuntahay, waxaana isbitaalka sida ay lee yihiin Soomaalida ku dhaqan xaafada uu dabka qabsaday.

Dabka ayaa la sheegay in uu baabi’iyay dhismo dabka uu lahaa balse sarkaal u hadlay waaxda dabdamiksa magaalada Minneapolis, John Fruetel wuxuu sheegay in dhismaha dabaqa oo ka koobnaa 20 in qaar ka mid ah uu dabka qabsaday, wuxuuna intaas ku daray in dhammaan dadka wax ku noqday loo oo saaray bannaaanka markii ay goobta tageen.

Fartun Ahmed waa dadkii ugu horreeyay ee tagay goobta waxa ay sheegtay in ay aad u walwasaneed markii ay aragtay dabka xoogiisa iyo khasaaraha ka dhashay oo yer, waxaa ay intaas ku dartay dabka in uu baabi’iyay masjid ku yiilay goobta.

Waxaa hadda socda baaritaan ku aadan siddii lagu ogaan lahaa dabka qabsaday dhismaha in kastoo hadda lagu guuleestay in dabka la damiyo.

Maamulka Somaliland Khamiis Janaayo 3, 2014 Waxaa xilligaan halis ah in dagala beeleed uu ka qarxo deegaanada maamulka Somaliland, arimo jiro awgeed.

Beesha Silaanyo iyo beelo kale ayaa hadda qarka u saaran inay dagaalamaan, waxaana xaaladda ay tahay mid culus.

Ciidamo beeleed ayaa la kala abaabulaayaa, sida ay inoo sheegeen saraakiil culus oo halkaasi jooga.

Hub badan ayuu Siilaanyo u iibiyay beeshiisa si dagaalka dhici doona aan looga awood badin, waxaana bur buri raba ciidamada Somaliland.

Moqdisho Khamiis Janaayo 2, 2014 Tarsan oo lagu bartay hadalada kulul ayaa sheegay in  Gurigii lagu arko, ama laga Kiriiyo Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ee ku yaala Magaalada Muqdisho in ay si xoog ah ku Burburin doonaan Maamulka Gobolka.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Maxamuud AXmed Nuur ayaa intaa ku daray in ay jiraan Guryo ku yaala Magaalada Muqdisho islamarkaana Maleeshiyadka Kooxda Al-shabaab ay dagan yihiin oo ay Weerarada ka soo maleegaan.

"Waan ka warqabnaa, waxaa jira Guryo badan oo ay daganyihiin Dhiigyacabka (...) Maamulka Gobalka Banaadir waxaa uu Shacabka Muqdisho oga digayaa in aan Al-shabaab Guryahooda aysan ka kireysan, Al-shabab waa Cadawga Soomaaliya, Dhiiga Islaamka ayey baneysteen" ayuu yiri Tarsan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa hore u sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka si feenayaan Kooxda Al-shabaab Al-qaa’ida.
Moqdisho Khamiis Janaayo 2, 2014  Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in raggii weeraray Hotel Jaziira, ay doonayeen in ay gudaha u galaan Hotelka, si ay u xasuuqaan dadkii Hotelka degganaa.

Ha yeeshee wuxuu mahdiyay in Ciidanka ammaanka ay si xoogan ay u wajaheen raggaasi, isla-markaana uu dhex maray iska horimaad fool ka fool leh.

Wasiirka, ayaa intaa raaciyay in raggii Shabaabka ka tirsanaa, markii laga horjoogsaday in ay gudaha u galaan Hotelka, ay dantu ku kaliftay in ay is qarxiyaan.

Ragga iska horimaadka la galay Ciidanka ammaanka, ayaa waxay la socdeen gaari nooca raaxada ah, waxayna ka soo daateen markii uu dhacay qaraxii 1-aad.

C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa tilmaamay in weerarkaan uu u muuqaal ekaa, kii lagu qaaday Xarunta Maxkamada iyo Dhismaha Xarunta Hay'adda UNDP, laakiin aynaan dhicin in ragga weerarka soo qaaday, ay gudaha u galaan Hotel Jaziira.

Wasiir Guuleed oo tagey Isbitaalka Madiina, ayaa wuxuu dhiig u shubay dadkii sida daran ugu dhaawacmay weerarka, oo xaaladooda wax looga qabanaayo Isbitaalka Madiina.

Moqdisho Khamiis Janaayo 2, 2014 Taliyaha Ciidanka Booliska ee Dowladda General C/xakiim Daahir Saacid, oo la hadlay Radiyaha Dowladda, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in ay hayeen xogtii ku aadaneyd, weerarka gil gilay Hotel Jaziira.

Taliyaha, ayaa wuxuu bidhaamiyay in markii ay Shabaabku digniinaha u jeediyeen shacabka Muqdisho, ay galeen feejignaan ka dhan ah weerarada ka imaan karay Ururka Al Shabaab.

Sidoo kale wuxuu sheegay markii uu dhacay weerarkii Hotel Jaziira ee xalay, ay Ciidamada ammaanku fashiliyeen weeraro hor leh, oo ay Shabaabku qorsheynayeen in ay ka geystaan Magaalada Muqdisho.

General C/xakiim Daahir Saacid, ayaa waxa uu ugu yeeray cadowga ku eedeeyay, in ay ka soo horjeedaan xasiloonida Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Wuxuu kaloo sheegay in Shabaabku ay mar kasta ku hawlan yihiin daadinta dhiigga shacabka Somaliyeed, iyagoo qiil kaga dhiganaaya in ay la dagaalan kula jiraan  cadow, sida uu yiri

Shabaabku waxay maalmahaanba jeedinayeen digniino ka dhan ah Xarumaha, ay ku badan yihiin Ciidamada Dowladda, Amisom iyo Qurbo Joogta.

Moqdisho Janaayo 2, 2013 Muqdisho, January 1, 2014 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ku tilmaamay weerarkii lagu fashilmay ee lagu qaaday hotelka Jaziira ee Muqdisho in uu ahaa mid fulaynimo ah, liddi ku ah diinta Islaamka, siina xoojin doona xiriirka dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo si wadajir ah uga guulaysan doona naf-lacaariga waqtigoodu dhamaaday ee argagixisada Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay ciidanka Booliska iyo kooxaha gurmadka dag daga ah sidii ay uga hortageen weerarkaasi,uguna gurmadeen shacabka Soomaaliyeed ee halkaasi ay dhibaatadu ku qabsatay, Waxaana uu Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya tacsi tiiraanyo leh la qaybsaday eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen kuwii ay jeclaayeen, wuxuuna ilaahay uga baryay in uu caafimaad dag dag ah siiyo intii ku dhaawacantay falkaasi.

“Weerarada ay soo qaadayaan kooxaha xagjirka ah sida kii ay ku hungoobeen ee xalay lagu qaaday hotelka Jaziira waxay xoojinayaan go’aankeenna ku wajahan cirib-tirka argagaxisada”sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli, waxaana uu raaciyey…

“Dalku wuu soo hagaagayaa, dawladdu waa ay jiri doontaa, dadka Soomaaliyeedna way noolaan doonaan laakiin kuwa naf-lacaariga ah ee Argagixisada ku ah umadda soomaaliyeed iyagaa laga guulaysan doonaa, meel kasta oo ay joogaanna waan ku baacsan doonnnaa.”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in Argagixisadu ay cadow ku tahay nolosha shacabka iyo horumarka dalka. “Soomaaliya waxaa ay horay ugu socotaa dawladnimo iyo horumar ay qayb ka yihiin shacabka Soomaaliyeed ee kasoo gudbay dhibaatooyin aad u badan oo dalka ku dhacayay waqti dheer, kuwa ku soo duulay dalka iyo dadkawaxay ka kasbanayaan shacabka cadawnimio.”

Moqdisho Janaayo 2, 2013  Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa Cisbitaalka Madiina ku booqday qaar ka mid ah dhaawacyadii ku waxyeeloobay qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho.

Madaxa caafmaadka Cisbitaalka Madiidana ee Muqdisho, Duniyo Maxamed Cali ayaa warbaahinta Qaranka u sheegtay in Afar ruux ay ku dhimatay tira ka badan Soddon ruuxna ay dhaawacyo soo gaaraan, isla markaana qaar ka mid ah dadkaasi ay xaaladdoodu adagtahay, iyadoo weli uu socdo gargaarka loo fidinayo dadkaasi.

Drs, Duniyo Maxamed Cali ayaa dhinaca kale ka hadlashay Dhiig ay dhaawacyada ugu deeqeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed iyo howlwadeennada dowladda oo ay hormuud ka yihiin xubno ka tirsan Warbaahinta Qaranka, maadaama Isbitaalka uu istcimaalay Keydkii dhiigga ee uu lahaa, lagama maarmaanna ay noqotay in la helo mid dheeraad ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane C/kariin Xuseen  Guuleed, ayaa sheegay in uu  fashilmay isku deygii kooxda Nabad Diidka ah ee Al-Shabaab, waxa uuna timaamay in ujeedadoodu aheyd sidii ay gudaha Hotelka Jasiira u gali lahaayeen, si ay qasaaro badan ugu geystaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacan siiyaan  hey’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya si ay ciidamada ugu fududaato gudahsada waajibaadkooda iyo ka hortagga weerarada argagixiso.

Moqdisho Janaayo 2, 2013 R/Wsaaaraha Soomaaliya ayaa ku amaanay saraakiisha iyo Ciidamada Xoogga dalka naf hurnimada ay u sameeyeen Difaaca Qarankooda, isagoo xusay in ciidamadu ay ahmiyad gaar ah u leeyihiin difaaca qaranka.

Mudane C/weli Sh. Axmed Maxamed R/wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya ayaa ka hadlay ahmiyadda ay ciidamada qalabka sida u leeyihiin amniga dalka, isaga oo si gaar ah uga hadlay ciidadamada xoogga dalka Soomaaliyeed  iyo doorka ay ku leeyihiin iney dalka ka xoreeyaan argagixisada.

Mudane C/weli Sh. Axmed ayaa ku amaanay saraakiisha iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed guusha ay ka gaareen  ka xoreynta dalka  kooxda Al shabaab iyo cid kasta oo amniga  carqabad ku ah, isagoo R/wasaaruhu xusay in xukuumaddiisu ay  ahmiyadda koowaad siineyso tayeeynta ciidamada qalabka sida islamarkaana ay dib u dhis iyo qalabeyn buuxda ku sameyn doonto ciidamada XDS, si ay awood buuxda ugu yeesheen ka hortagga cid kasta oo dalka kusoo duusha.

R/wasaare C/weli ayaa carrabka ku adkeeyay in ay ku dadaali doonto sidii ay ciidamadu u heli lahaayeen xuquuq dhameystiran, wuxuuna hadalkan ka jeediyay xarunta wasaaradda Gaashaandhigga oo uu shalay kormeer ku tegay islamarkaana kula kulmay saraakiisha ciidamada XDS.

Moqdisho Janaayo 2, 2013 Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir ayaa shaaca ka qaaday in xaalad deg deg ah lagu soo rogay Labo Gobol oo ka mid ah Gobolada dhibaatada ay ka taagan ee dalkaasi.sida lagu sheegay Barta Twitterka Dowlada.

Arintaan ayaa la shaaciyay shalay oo arbaco ku beegneyd,waxaana Gobolada lagu soo rogay xaalada deg dega ka mid ah Unity iyo Jonglei halkaasi ay ku loolamayaan Ciidamada Dowlada iyo Ciidamo kale oo daacad u ah Hogaamiyaha Mucaaradka ee Riek Machar.

Xaaladaan Deg dega ee lagu soo rogay Goboladaasi dhibaatada ay ka jiraan ayaa waxay ku soo aadeysaa iyadoo dhinacyada siyaasada isku haya shir wada hadal ah kaga furmayo manta khamiis ah magaalada Adis-abab ee dalka Ethiopia.

Saraakiil ka socoto Dowlada iyo Mucaaradka ayaa gaaray Ethiopia,kuwaasi oo wada hadlaya.

Getachew Reda,Afhayeenka Dowlada Ethiopia ayaa sheegay in wada hadalada diirada lagu saari doono sidii waxlooga qaban lahaa rabshadaha ka taagan Koonfurta Suudaan iyo xoojinta heshiiska xabad joojinta ah.

Moqdisho Janaayo 2, 2013 Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay shaaca ka qaaday tirada raga isku qarxiyay Hoteelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho oo xalay adeegsaday labo gaari oo mid kamid ah uu yahay gaari nooca ay ciidanka istcimaalaan.

Siihaayaha Wasiiru Dowlaha Wasaarada amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamuud Cali oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa wuxuu shaaca ka qaaday tirada dadka isku qarxiyay Hoteelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho, waxaana Wasiiru Dowlaha uu ku sheegay in ragaasi ay gaarayaan ilaa todobo ruux.

Wuxuu tilmaamay inay hada wadaan baaritaan ku aadan ragaasi iyo halka ay iska soo abaabuleen, wuxuuna si cad usheegay in sidoo kale baaritaan lagu haayo gaadiidka ragaasi ay isku qarxiyeen oo mid kamid ah la sheegay inuu yahay gaadiidka nooca ay isticmaalaan ciidanka.

Dadka ku dhintay weerarkaasi ayaa waxaa lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 10-ruux oo ciidan iyo shacab isugu jira, waxaana sidoo kale lasoo warinayaa in dhaawaca uu ka badan yahay 35-qof sida uu xaqiijiyay afhayeenka ciidanAka Booliiska Dowladda Soomaaliya.

Xaalada Hoteelka Jazeera ayaa saaka degan, waxaana goobtaasi ku sugan ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda federaalak Somaaliya oo ammaanka adkeynaya.

Gaadiidka shacabka ayaa loo diiday inay maraan nawaaxiga Hoteelka Jazeera ee uu qaraxa xoogan ka dhacay xalay.

Moqdisho Janaayo 2, 2013 Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa waxa uu afka ku weeraray qaabka ay ku shaqeeyaan Xafiiska Garyaqaanka guud ee  Dawlada Somaliya.

Jawaari ayaa sheegay inay shaqadooda qabsan xafiiskaasi islamarkaana ugu baaqayaan shaqada loo igmaday inay gutaan.

Afhayeenka Baarlamaanka Somaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan hadii wax isbadal ah aysan sameyn muddo bil ah xafiiskaasi.

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee dawlada ayaa waxay shaqadiisu tahay in uu dabagal ku sameeyo go’aanada baarlamaanka uu gaaro

Moqdisho Janaayo 2, 2013  War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Danjiraha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Saalax Annadif oo nuqul kamid ah soo gaaray warbaahinta ayaa si kulul loogu cambaareeyay qaraxyadii loo adeegsaday gawaarida oo xalay ciidamadu ku fashiliyeen bannaanka hore ee Hotelka Jasiira.

“Laba gaari ayaa ku qaraxday banaanka hore ee Hotelka Jasiira xilli ay halkaasi ku sugnaayeen ciidamada dowlada oo iyagu ku guuleystay iney fashiliyaan qaraxyadaasi, dowladuna waxa ay dadaal ugu jirtaan daryeelka dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadaasi’’ Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Danjire Annadif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka lagu qaaday Hotelka Jasiira, isagoo xusay in bishii September ee sanadkii 2012 hoteelkaasi lala beegsaday qaraxyo noocan oo kale ah, xilligaasi oo uu ku sugnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.


SANNAD WACAN! 2014! SANNAD BARQAAQO 2014

Moqdisho Janaayo 1, 2013 Saacadbad saacada ka danbeysa  waxaa soo kordhaya wararka kala duwan ee ka soo baxaya weerarka ismiidaaminta ah ee lagu qaaday Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in hada Hotelka ay isku gadaameen Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo iyo kuwa Dowlada Soomaaliya waxaana marar qaaekood la maqlayaa rasaas ay ridayaan Ciidamada Dowlada.

Qarax Labaad ayaa ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Jazeera,kaasi oo la ogeyn qasaaraha ka dhashay.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in hada xaalada ay tahay mid kacsan,islamarkaana meesha isku bedashay dhiig qubanaya.

Mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaawac uu ka soo gaaray,waxaana magaciisa lagu sheegay Bashiir Cadow Calasow,kaasi oo dhaawaciisa dabiid loola cararay.

Iyadoo Xilli habeen ah ay tahay ayaa hadana xaalka wuxuu yahay mid cakiran.

Moqdisho Janaayo 1, 2013 Wararka haatan nasoo gaaraya ayaa waxay sheegayaan in Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed uu haatan kulamo culus la yeeshay saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in saraakiishaan iyo Ra’iisul wasaaraha ay ka wada hadleen arimo badan oo xasaasi ah Waxyaabaha laga wada hadlay waxaa ka mid ah sidii ciidamada xooga dalka Soomaaliya loo qalabeen lahaa iyo waliba sidii ay xaqooda u heli lahaayeen.

Kulankaan ayaa maanta ka dhacay xarunta wasaaradda Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho Dhanka kale Ra’iisul wasaare C/weli ayaa booqday deegaanka Jaziira halkaasi oo tababaro ay ku qaadanaayaan ciidamo ka mid ah dowladda Soomaaliya.

Moqdisho Janaayo 1, 2013Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaliyeed ayaa waxaa ay maanta saxaafada ugu soo Bandhigeen Saldhiga ciidamada booliska ee degmada xamarweyna Hub laga soo qabtay Maleeshyaad ka tirsan kooxda  Al-Shababa,kadib Markii ay ciidamada amnigu ay Xalay howlgallo ka sameeyeen dagmada Dayniile ee maqaalada muqdisho.

Goobtii lagu soo Bandhigayay hubkan ayaa waxaa ku sugnaa sii hayaha  Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga qaranka Mudane C/kariim Xuseen Guleed iyo Guddomiayaha Gobalka  Banaadir, Taliyaha ciidamada Booliska, iyo Mas’uuliyiin kale.

Taliyaha ciidmada booliska gobalka Banaadir ahna Afhayeenka ciidmada Booliska Soomaaliyeed Maxamed Yuusuf Cumar Madaale ayaa saxaafada ugu warbixiyay Howlgalada ay Xalay Sameeyeen ciidmada Amniga,isagoona sheegay in ciidmada booliska ee degmada dayniile ay ka hortgeen Falal amni Daro ah oo ay maleeygayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Taliyaha ciidmada booliska ee gobalka Banaadir ahna Afhayeenka ciidmada booliska Somaaliyeed Maxamed Yuusuf Cumar Madaale oo hadalkiisa sii wata ayaa warbaahinta  ka dalbaday inay Ciidamada Amniga ay kala shaqeynaa sugidda amniga magaalada muqdisho.

Mudooyinkii ugu dambeyeey waxaa jiray howlgalo  lagu xoojinayo ammaanka Muqdisho taasi oo horseeday isbedelo iyo horumar badan oo laga dareemayo Magaalada Muqdisho.

Moqdisho Janaayo 1, 2013 Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku ansixiyeen miisaaniyadda seddexda bilood ee ugu horeysa sanadkan 2014 taasi oo shalay Wasaaradda Maalliyadda ay horkeentay.

Bilowga fadhiga Baarlamaanka ee maanta waxaa Mudaneyaasha loo qeybiyey Warbixin ay soo gudbiyeen gudiga Maalliyadda,Miisaaniyadda iyo la xisaabtanka Dowladda kaasi oo qeexayey miisaniyadda seddexda bilood ee ugu horeysa sanadkan 2014 ayadoo qoraalkaasina uu sharaxay Gudoomiyaha gudigaasi Xildhibaan Sheekh Aadan Sheekh Maxamed Deer.

Markaasi kadib Xildhibaannada Baarlamaanku waxa ay bilaabeen iney ka doodaan miisaaniyadda ayaga oo talooyin kusoo biiriyey miisaaniyadan oo ilaa xalay ay wadajir uga soo shaqeeyeen Gudiga Maalliyadda ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Maalliyadda waxaana soo jeedinta Xildhibaannada ay la xiriirtay in miisaaniyadda sanadka oo dhameystiran xiliga Golaha Shacabka la horkeenayo lasoo dedejiyo, su’aallaha iyo talooyinka Xildhibaannada ee la xiriiray Miisaaniyadda waxaa ka jawaabayey sii hayaha Wasiirka Maalliyadda iyo Qorsheynta Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan.

Codeyn gacan taag aheyd oo ay Xildhibaannada Baarlamaanku u qaadeen miisaaniyadda seddexda bilood ee sanadka ugu horeysa ayaa waxaa ogolaatay 169Xildhibaan, waxaa diiday hal xildhibaan, halka ay laba Xildhibaanna ka aamuseen sidaas ayeyna miisaaniyadda seddexda bilood ku meel martay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbad ka jeediyey ansixintaasi kadib ayaa u mahad celiyey Xildhibaannada Baarlamaanka,gudiga Maalliyadda iyo Wasaaraddaba sida ay mas’uuliyadooda u guteen waxaana uu Gudoomiyaha Baarlamaanka eedeyn u jeediyey xafiisyada Hanti dhowrka iyo Garyaqaanka guud “Guddiga maaliyadda baarlamaanka waxaan u wargelinayaa inay u yeeraan xafiiska hanti-dhowrka guud si howshiisa uu si wanaagsan u qabsado, sidoo kalena aysan dhici karin hal shilin inuu waddo qalloocan ku baxo, waxaana ka codsanaynaa guddiga iyo hanti dhowraha guud laga billaabo sannadkan cusub ee 2014-ka inay guntida xirtaan oo hantida shacabka si xooggan loo ilaaliyo, dastuurkan dib loo eego,sidoo kalena Xafiiska Garyaqaanka Guud isaguna dhaliil xoogan ayaan u jeedinayaa”

Sii hayaha Wasiirka Maalliyadda iyo Qorsheynta Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan oo khudbad kooban jeediyey markaasi kadib ayaa u mahad celiyey Xildhibaannada Baarlamaanka iyo Gudoonka Golaha Shacabka waxaana uu xusay in mudadii sanadka aheyd ee lasoo dhaafay ay Wasaaradda Maalliyadda wada shaqeyn wanaagsan la laheyd gudiga Maalliyadda ee Baarlamaanka.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xildhibaannada xasuusiyey in sanadkan bilowday ee 2014 howlo aad u adag ay horyaalaan Xildhibaannada Golaha Shacabka kuwaasi oo ah kuwa sida loo qabto ay ku xerantahay in dalkan uu gaaro sanadka 2016 marxalad doorasho ah waxaana uu Alle uga baryey inuu xilkooda la garabgalo islamarkaana go’aan walba oo ay gaarayaan uu Alle waafajiyo dhanka kheyrka ku jiro.
Mogadishu Arbaco January 1, 2013 Kooxo hubeysan oo wajiyada qarsaday ayaa xalay weeraray guri uu ka dhacayay aroos oo ku yaalla xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa, kuwaasoo burburiyay qalab kuwa muusiga ah oo xaflada lagu ciyaariyey. Goob joogayaal ayaa saxaafadda u sheegay in koox dhallinyaro ah oo wajiyada qarsaday watayna bastoolado iyo bambooyin ay soo galeen guriga, ayna markiiba burburiyeen qalabkii muusiga.
waxay intaa ka dib dadka ku amreen inay goobta ku kala tagaan, taasoo keentay in markiiba ay kala cararaan dadkii xafladda ku sugnaa oo lafahooda u baqay” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah qeyb galayaashii xafladaas arooska ah aheyd oo saxaafada la hadlay.

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas, iyadoo kooxahan markii ay kala eryeen dadkii goobtaas ku sugnaa ay iyana goobta isaga tageen iyadoo dadka degaanku sheegeen in kooxdaas ay Al-shabaab ka tirsan yihiin hase ahaatee kooxdaas wax war ah kama soo saarin arimahan

Laascaanood Arbaco January 1, 2013  Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka SoolWararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in Taliyiihii Jeelka magaalada Laascaanood ee mamaulka Somaliland uu xabsiga kaa sii daayey Raxan maxaabiisa oo u xirnaa ama loo haystay kiisas ilaa heer dila ah kadaibna isaga iyo qaar ka mid ah maxaabiistii uu xabsiga ka sii daayey ay u baxsadeen dhinaca maamulka Puntland.

Sida warku sheegayo Taliyihii Jeelka Laas-caanood oo lagu magacaabi jiray Cabdi Nuur iyo rag maxaabiis ahaa oo la fakaday ayaa u tallaabay dhinaca deegaanada uu ka taliyo maamulka puntland ,iayadoo aan la sheegin tirade maxa abiista la fakatay inta la egyihiin,waxaana sida warku sheegaya iyana jira maxaabiis kale oo iyana jihooyin kale u fakaday lamana oga tirade guud ee maxaabiista uu fasaxay taliyihii hore ee xabsiga magalada Laascaanood.

Warar aan si ramsi ah loo shaacin ayaa iyana sheegaya in ciidamada maamulka Somaliland ee gacanta ku haya magaalada laascaanood ay qabteen kadibana ay xireen taliye ku xigeenkii xabsiga laga baxsaday ee laascaanood, isla markaasna loo qaaday dhinaca magaalada hargeysa halkaasina su’aalo lagu weydiinayo kadib markii sida lasheegay ay tunno soo galeen laakiin ma jirto cid buuxda uxaqiijineysa tuhunada la sheegay.

Sidoo kale Ilaa hadda ma jiraan wax war ah oo ku saabsan baxsashada taliyii xabsiga laascaanood iyo maxaabiista la siidaayey oo ka soo baxay maamulka Somaliland,waxaase la sheegay in saraakiil ka socota ciidamada asluubta ee maamulka Somaliland inay tageen magaalada laascaanood si ay u baaraan kiiskan,sidoo kale ay halkaasi gaareen saraakiil ka socota wasaaradda arrimaha gudaha ee mamaulkaasi.

Mogadishu Arbaco January 1, 2013  Bandhig Faneedkani oo deeqa Lacageed  loogu uruurinayay dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay fatahaadii webiga shabeelle uu ka geystay deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiiro,xildhibaano,shacab fara badan,fanaaniin uu ka mid ahaa Cabdow Aram aram,  iyo fanaaniinta kooxda hobalada waaberi.

Mas’uuliyintii halkaasi joogay ayaa waxaa ka mid ahaa  wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, boostada, isgaarsiinta, iyo gaadiidka Soomaaliya Mudane C/shakuur Cali Mire iyo xildhibaanno uu ka mid ahaa xildhibaan Mustaf  Sheikh Cali ‘’Dhuxulow’’ iyo marti sharaf  kale.

Gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir  Jawaahir Maxamed Baarqab  oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in shacabka Soomaaliyeed hadii ay isku kalsoonaadaan ay gacan shisheeye ka maarmi karaan.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka shabeelaha hoose ee dhinaca siyaasadda iyo arrimaha bulshada ee maamulka gobolkaasi Yuusuf  Cabdi C/lle ayaa sheegay in dadkii ay fatahaada saameysay ee ku dhaqan gobolka shabeelaha dhexe ay u baahanyihiin in gurmad lala garo.

Xildhibaanad  Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid eheyd dadkii bandhigan deeq uruurinta ah soo qaban qaabiyay ayaa marka hore dadka Soomaaliyeed uga hambalyeysay sanadka cusub ee 2014,  iyadoo ku baaqday in laga qeyb qaato u gurmashada dadkii fatahaada webiga shabelle ay waxyeelada kasoo gaartay.

Mudane C/Shakuur Cali Mire Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta boostada isgaarsiinta iyo gaadiidka Soomaaliya oo  soo xiray bandhiga faneedka ayaa u mahadceliyay dadkii isku xil qaamay qaban qaabada bandhigani fanka loogu uruurinayo dadkaasi dhibaateysan.

Inta bandhigan uu socday ayaa fanaaniintii kala duwanaa ee goobta joogay waxa ay soo bandhigeen heeso kala duwan oo qaarkood ka hadlayay  sida ay lagama  maarmaan u tahay in shacabka dhexdooda ay isku gurmadaan.

Mogadishu Arbaco January 1, 2013 Dhaqaatiir iyo arday ka tirsan Jaamacada International University (SIU) ayaa baaritaano iyo dawo lacag la’aan ah u sameeyay dadkii ka soo barakacay fatahaada webiga shabeele uu ka geystay gobolka Shabeelaha Dhexe, iyo dagaal beeleedyadii ka dhacay gobolkaasi kuwaa oo hadda ku jira xero qaxooti ah oo ku taala Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Ardaydani iyo dhaqaatiirtani ayaa magaalada Jowhar u tagay u gar gaarid dadkaasi ku dhibaateysan halkaasi, waxaana dadkaasi ay u sameynayeen baaritaano waxaana marka baaritaanadaasi lagu sameeyo ay siinayeen dawo ay u qaadanayaan waxyaabaha ay ku ogaadaan baaritaanada.

Dhaqaatiirta iyo ardaydaasi ayaa sheegay in gobolka Shabeelaha dhexe ay u tagaan u gurmashada walaalahooda ku dhibaateysan halkaasi ayaa waxa ay tilmaameen tagista  gobolka fikirkeeda ay ka danbeeyeen maamul Jaamcadda Caalamiga ah ee Soomaaliya, waxaana ay balan qaadeen in ay sii wadayaan u adeegida dadka taakta daran.

Ugu danbeyntii Dadkii baaritaanadaasi loo sameeyay ayaa waxaa ay ka mahadceliyeen sida dhinaca caafimaadka ay ugu gar gaareen dhaqaatiirtaasi, waxaana ay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin walaalahooda kaga yimid muqdisho islamarkaana baaritaano lacag la’aan ah iyo dawo u sameeyay.

Mogadishu Arbaco January 1, 2013 Wakiilka Somalia ee OIC oo dhawaan ka qaybgalay shir ay yeesheendalalka Islaamka oo lagu qabtay magaalada Conakry ee xarunta dalka Gini iyo magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa sheegay in lagu guuleystay in la ogolaado in la howlgeliyo sanduuq dhaqaale Soomaaliya, isagoo xusay in hay'adda Zamzam Foundation loo aqoonsaday inay ka mid noqodo bahda OIC.
Shirarkan oo uu qabanayay ururka iskaashiga islaamka ee IOC kana kala dhacay dalalka Sacuudiga, Genue, Conakry iyo Turkiga ayaa lagu si aad ah loogu gor-feynayay hor-u-kaca iyo isbadalada sannadka cusub ee 2014-ka. Waxaa shirakran Soomaaliya u matalayay wakiilka Soomaalia ee (OIC), C/risaaq Siyaad Cabdi oo fadhigiisu yahay dalka Sacuudi Carabiya.
Kulankii golaha wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Islaamka oo dalka Genue ka dhacay ayaa Soomaaliya loogu ogolaaday in la qabto shir caalami ah oo sanduuqa dhaqalaha Somalia ee OIC loogu yabooho dhaqaale, lagana caawiyo dib u soo kabashada iyo dhinaca horumarka.

Shirkan yabooha oo la filayo in dhawaan la qabto ayaa lagu wadaa in Soomaaliya loogu yabooho dhaqaale aad u fara badan oo wax ka tari doona mashaariicda horumarineed ee dalka.

Safiirka Soomaaliya ee OIC oo dalka kusoo laabtay ayaa sheegay in Somalia guul ay ka gaaartay lana dhageystay waxyaabihii ay shirweynaha Islaamka ka jeedisay lana aqbalay dhammaan soo jeedinadeedii.

Danjiraha ayaa sheegay in shirka wasiirrada arimaha dibadda OIC si rasmi ah loogu go’aamiyay inay hay’addu Soomaaliya ku yeelato hay’ado samafal oo la taliyayaal joogta ah u ahaanaya OIC si doorkeeda caawinad ee Somalia uu u noqdo mid leh talo iyo waxqabad muuqda.

Hay'adaha oo lagu xushay waxqabad iyo qibrad ayaa gaaraya 12 hay’adood oo laga doortay 57 dalka ee ku bahoobay uruka iskaashiga Islaamka waxaa Soomaaliya laga doortay hay'ada Zamzam Foundation oo howlo samafal oo fara badan ka qabatay gudaha Soomaaliya.

Shirkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayuu safiirka Soomaalia ee OIC ka sheegay in muhiimdda la saaray sidii wax loola qaban lahaa Soomaaliya, isla markaana lagu go'aamiyay hay'adaha la xushay in kalfadhi deg-deg ah isugu yimaadaan bilawga sannadka cusub.

“Waxay Somalia mar kale kusoo laabatay wax la qaybsiga dalalka Islaamka waxaana dareennay in dowlado badan oo Islaam ah ay daneynayaan inay wax la qabtaan,” ayuu yiri C/risaaq Siyaad.

Ugu dambeyn, danjiraha Soomaaliya ee OIC ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliaya ay muhiimad siin doonto ka dhex-muuqashada dadaallada OIC ee adduunka, maadaama ay Soomaaliya tahay dalalkii ugu horeeyay ee aas-aasay ururka Iskaashiga Islaamka.


SANNAD WACAN OO BARWAAQO LEH 2014
HAPPY NEW YEAR FOR PROSPERITY IN 2014
Dowladda Soomaaliya's photo.
Dowladda Soomaaliya's photo.
Dowladda Soomaaliya's photo.
Dowladda Soomaaliya's photo.

HEERARKII UU SOO MARAYDALKA SOOMAALIYA SANNADKII 2013


#Somalia: Mogadishu on Wednesday January 1, 2013 The Deputy Prime Minister & Minister of Foreign Affairs H.E. Fowsia Haji Adan warned the propagandists to stop defaming.

Surely, we are trying our best to revive the best image and diplomacy of Somalia, and we need your help to help others in need.

#‎Somalia‬: Mogadishu Arbaco January 1, 2013
R/W ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Marwo Fowsia Xaaji Aadan ayaa waxay digniin u dirtay dadka beenta ka faafinaya hawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya kuwaasoo caadaystay inaynan dalka Soomaaliya deggin nabadna ka dhicin. Aad iyo aad ayaan ugu xunahay dadka raba inay sii jirto dhibka iyo fowda siyaasaddeed ee uu dalka Soomaaliya ku soo dhexjiray. Walaalayaal waa in aad na caawisaan si aanu u caawino dadka dhibaataysan ee u baahan in la caawiyo.

Xisbiga Nabadda iyo Midnimadda

Warbixinta Sanadlaha Arbaco Janaayo 1, 2014

tan iyo markii ay gacmaha soomaalidda oo shisheeye dabadda ka riixayay ay ku burburtay dawladnimadii soomaalidu xilli iminka lagga joogo 23 sanadood.
Soomaaliya dalkeeda iyo dadkeedaba waxaa gaadhay dhaawac wayn oo dhanwalba ah.
Mudadaa aan kor kusoo xusnay ee aadka u dheer soomaaliya ma helin hogaan toosan oo ka xor ah musuqmaasuq, eex iyo afaara qabiil.
Haddaba horaa loo yidhi hadalkaan fiiro loo odhan iyo caanahaan fiiqsi loo dhamini way kula fogaadaadaan.
Sanadkii 2012 dabayaa qadiisii waxaa dhacay wax aan laga fiirsan oo sababay dib u dhac wayn. Waxaa hiyiga iyo laabta lagu hayey aadna loo soo dhoweeyey ka bixitaankii ku meel gaadhka . waxes suugaan lagu yidhi
• Boogtaan la sarin waadanbay sare kacaataaye
• Sohdu waxay ka qudhuntaa kobtaan hilibku saafnayne
Hubsiimo la’aan waxaa durbaanka loo tumay doorashooyinkii sadexda kursi ee ugu sareeya soomaaliya

Waxaa aad loogu hanwaynaa in ay dhamaandoonto
• Dagaalada
• Musuqmaasuqa
• faqriga
• maamul xumadda
Nasiib daro wax isbedelay majiraan.
Sidii ayuu u jiraa isqabqabsiga madaxwaynaha iyo raiisalwasaaruhu, sidii ayaa wasiiradu ula safanyihiin madaxwaynaha.
sidii ayaa wasiirdu uridayaan dawladii ay ka tirsanaayeen.
sidii bay misna u doonayaan in ay ka midnoqdaan dawladda danbe iyagoo hadh cad riday dawladii ay ka tirsanaayeen kuna dhawaaqay gabasho la’aan waan fashilanay.

Xisbiga nabada iyo midnimadu wuxuu aad iga xunyahay dhibaatooyinkii soogaadhay ummadda soomaaliyeed sanadkii la soo dhaafay kuwaa oo ay ugu waawaynaayeen.
1. Musuqmaasiqii ay sameeyeen oday-dhaqameedka soomaaliyeed ee soo xulidii xildhibaanada
2. Laaluushkii ka dhacay doorashadii madaxwaynaha.
3. Duufaantii ku dhufutay goboladda bari ee soomaaliya
4. Dagaaladii ka dhacay jubooyinka
5. Dagaaladii shabeeladda hoose
6. Dagaaladii shabeeladda dhaxe
7. Dilalkii qorshaysnaa ee lagu laayey dad somaaliyeed oo uu ugu danbeeyay dilkii xildhibaanka ee ka dhacay villa Somali
8. Dilkii loogaysaty dhakhaatiirtii muqdisho lagu laayey
9. Musuqmaasaqa ka dhacay dalka oo ay cadaysay guddoomiyihii bangiga dhaxe ee iscasishay.

10. Dagaaladii ka dhacay taleex
11. Iyo dhamaan wixii ka dhacay soomaaliya sanadkaa dhamaaday.

Xisbiga nabada iyo midnimadda soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa soomaalidda dhamaan in ay ka waantoobaan wax alle iyo wixii dib u dhac u keeni karra karaamadda iyo sharafta soomaaliyeed
Wuxuu kaloo ku baaqayaa in la joojiyo dagaalda soomaalida dhexdeeda ka abuuran, bara kaca iyo boobka hantidda umadda ee xaaladaha kala duwan lagu xalaalaysanayo

Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan masuuliyiinta tallada umadda haya in ay illaahay ka cabsadaan, masuuliyadda ay qaadeena uga soo baxaan si caddalad, midnimo, alle kacabsi, iyo dedaal ku dhisan. Iyagoo iska jiraya nin jeclaysi, kooxaysi, musuqmaasuq iyo waxii la mid ah oo hagardaamo ku ah umadda soomaaliyeed dawladnimadeeda iyo horuumarkeeda.

Marlabaad waxaan aad uga xunahay dib udhaca ku yimid umadda soomaaliyeed ee ay ugu waa wayn yihiin dagaaladda, bara kaca, gaajadda, iyo tahriibka dhalinyarradda soomaaliyeed ee badaha iyo jeelashasha caalamka daad san.

Waxaana umadda soomaaliyeed ugu baaqaynaa midnimo, wallaaltinimo, iyo in xasaradaha laggaaga hortago ismaqal, iyo is ixtiraam ku dhisan dawald wanaag iyo dib u heshiin run ah.

Raisal wassaaraha waxaan ku boorinaynaa inuu dhiso dawlad qiimo leh oo lagu xulay karti, daacadnimo, hufnaan iyo aqoon.Taasoo guul ka gaadhi karta samata bixinta umadda soomaaliyeed

Xisbiga nabada iyo midnimadu wuxuu soo dhowaynayaa talaabo kasta oo xagga wanaagsan loo qaado sida samata bixinta dadka soo maaliyeed ee konfurta soodan oo dawladu u dirtay duulimaad lagu badbaadinayo dadkaa soomaaliyeed ee dagaalku ku qabsaday dalkaa.

Ganacsatadda iyo xoogsatadda soomaaliyeed wuxuu xisbigu kula talinayaa inay maalgashadaan meelaha xasiloon ee nidaamku ka jiro.
Iyagoo ka fiirsanaya meelaha ay u shaqo tegayaan ama maal gashanayaan.

Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa dawladda in ay hir geliso nidaamka axsaabta baddan,dhamays tirka qabyo qoraalka dastuurka iyo tira koobka dadwaynaha. Si dawlada 2016 la filayaa ay u noqoto mid ku timi xisbi iyo isbahaysi dadku doorteen meeshana ay uga baxdo doorasho musuq maasuq ku fadhida.

Isqab qabsiga madaxwaynaha iyo raysal wasaaruhu wuxuu ku yimaadaa madaxwayne ay doorteen laba boqol iyo totobaatan iyo shan qof oo u haysta inuu ku yimi codka aqlabiyadda umaada iyo raisal wasaare ay u codeeyeen isla labadii boqol iyo totobaatan iyo shantii.

Waxaa haboonaan lahayd ama muran ma doonto ah in ay kuwada dhaqmaan sharciga u yaala dalka kaas oo kalla qeexaya dhamaan shaqada masuuliyiinta, weliba qaybta ka hadlaysa madaxweynaha waajibaadkiisa waxay ku cadahay qodobka 90aad iyo waxii ka danbeeya.

Taas waxaa so af jari karra doorasho xor ah oo ka timi aqlabiyadda umadda marka la gaadho. Mar kale xisbigu wuxuu umaada soomaaliyeed u rajaynayaa sanad wanaagsan mustaqbal horuumar leh iyo barwaaqo la taaban karo waayaha soo aadan.

Guddomiyaha Xisbiga Nabada & Midnimadda Soomaaliyeed
Hon: Asha Ahmed Abdalla
Mqodisho December 31, 2013 Madaxweynaha dowlada Federalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar a siiyay TV-ga Qaranka ayaa waxa uu uga hadlay marxaladihii ay dowladdu soo martay sanadki tagey iyo yoolka ay hiigsaneyso sanadkan cusub ee 2014.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn tilmaamay in dowladu ay gaartay guulo iyo horumarro dhinacyo badan, isagoo xusay in lagama maarmaan ay tahay in sanadkan la qabto howlo muhiim ah, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in xukuumadda cusub ay muujin doonto wax qabad la taaban karo.

Sanadkan cusub ayuu madaxweynuhu tilmaamay in goobaha weli ku harsan gacanta Al-shabaab laga bixin doono, maadama uu dhamaday diyaar garowgii dagaalka ee ciidamada qalabka sida.

Wareysiga madaxweynaha oo dheeraa ayuu kaga hadlay dhinacyada amaanka, maamulgoboleedyada dalka ka jira iyo barnaamijyada kala duwan ee dowladu ku wajaheyso sidii ay wax uga qaban laheyd duruufaha ka jira dalkeena Soomaaliya.

Sandka 2013 oo xaalado farxadeed iyo kuwo qalqal geliyay dadka Soomaliyeed ay ka dhaceen dalka ayaa saadaasha bulshadu waxa ay u muuqataa sanadka cusub ee 2014 mid macsalaameeyay heeryadii aragagixisada iyo kala qeybsanaantii siyaasadda.
http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2013/12/Riix-Halkan-Si-Ad-U-Dhageysato-Wareysiga-Madaxweynaha.mp3

Muqdisho, December 31, 2013 Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon ayaa u magacaabay Philippe Lazzarini ku xigeenkiisa ergayga gaarka ee QM Soomaaliya iyo  isku duwaha arimaha bini’aadanimada Soomaaliya.

Mr Lazzarini oo ah ruux u dhashay dalka Switzerland ayaa qaban doono ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Somalia Nicholas Kay, kaasi oo madax u ah xafiiska gargaarka Soomaaliya ee UNSOM.

War qoraal ah oo kasoo baxay qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in Nicholas Kay uu ku xigeen u ahaan doono Mr Lazzarini, kaasi oo ahaa madaxa arimaha aadanimada QM ee Soomaaliya.

Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa la hergeliyay bishii May, kaasi oo la sheegay in loogu talo galay in lagu caawiyo dowlada Federaalka Soomaaliya.

Mr. Lazzarini, ayaa ahaa isku duwaha arimaha aadanimada iyo waskiilka UNDP ee Soomaaliya tan iyo sanadkii March ee sanadkaan maanta ku e gee 2013, waxaana uu sii heyn doonaa shaqooyinka uu ka sameynayo Soomaaliya, sida lagu sheegay warka qoraalka ah.

Sidoo kale Lazzarini, ayaa soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin hayada ICRC ee koofurta Sudan, Beirut, Amman Gaza  Bosnia, Angola iyo Rwanda.

Muqdisho, December 31, 2013 Wafdiga ka socda dowladda China ee uu hogaaminayo Siihayaha Safaaradda China ee Soomaaliya Mr. Wei Hongtian ee booqanaya Caasimadda Muqdisho maalintii labaad ayaa maanta kulan albaabada u xiran la kala yeesheen Wasiirka gaashaandhigga Abdihakim Mohamud Haji Fiqi ,Saraakiisha sar sare ciidamada milatariga , Saraakiisha sar sare ee hogaanka ciidanka Booliska ,Wasiirka howlaha guud, iyo dekadaha Muhiyadin Mohamed Kalmoy , agaasinka guud ee Wasaaradaasi ,maareeyaha dekadda Muqdisho,gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho Mohamud Ahmed Nur “ Tarzan” ,kuxigeenadiisa iyo madaxda dowladda hoose.

Wafdiga dowladda China oo u kuurgalayay, qiimeyna ku sameynayay baahiyaha mashaariicda dib u dhiska ee ay ka fulinayaan dalka Soomaaliya ,ayaa waxa ay booqdeen Wasaaradaha gaashaandhigga, Akadeemiyada Booliska , Taliska Booliska,Wasaaradda gaadiidka iyo Dekadda Muqdisho, waxaana socdaalkooda ku wehlinayay Danjiraha dowladda Federaalka Soomaaliya uga wakiilka ah wadanka China Ambassador Yusuf Hassan Ibrahim “ Yuusuf Dheeg” iyo saraakiisha hab maamuuska qaranka .

Maamulka gobolka Banaadir oo uu hormuud u yahay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho Mohamud Ahmed Nur “ Tarzan” ,kuxigeenadiisa iyo madaxda dowladda hoose ayaa waxa ay qado sharaf ugu sameeyeen wafdiga ka socda Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dowladda China hotel laga cunteeyo oo ku yaala xeebta Liido ee degmada Abdiaziz ,halkaasoo loogu soo bandhigay Wafdigaasi naqshadda Xaafadda diblomaasiyadda “ Diplomatic Quarter” oo Safaaradaha Muqdisho saldhiganaya ay degi doonaan , waxaana wafdiga China socdaal lug ah ay ku tageen dhulka ay Safaaradda ka dhisan doonaan dhowaan .

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho Mohamud Ahmed Nur “ Tarzan” ayaa ku booriyay Wafdiga matalaya Wasaaradda Arrimaha Dibadda China inay dedejiyaan dhismaha Safaaradda , isagoo sheegay in dhismayaasha iyo gidaarada laga dhistay agagaarka Xeebta Muqdisho ay tahay mid sharci darro ah , iyadoo ay xusid mudan tahay inuu jiro qaanuun mamnuucaya lahaanshaha gaarka ah ee dhulka ku yaala xeebaha iyo goobaha dalxiiska

Muqdisho, December 31, 2013 Ciidamada Badda Soomaaliya oo taliayhooda cusub ee Jeneral Madeey Nuuroow Sheekh Ufurow uu sheegay in ciidamada badda Soomaaliya ay diyaar u yihiin gudashada waajibka kaga aaddan ilaalinta xeebaha Soomaaliya, isagoo xusay in lagama maarmaan ay tahay qalab dhameystiran in ciidamada badda ay helaan, si badbaadada kheyraadka tira badan ee badeena, si Ummadda Soomaaliyeed fursad uga hesho in ay ka faa’ideystaan.

Taliyaha ayaa ugu horeyntii sheegay in ciidamada badda Soomaaliya ay rajo weyn ka muujiyey in dadka Soomaaliyeed oo kaashanaya dowladda Federaalka ah ay ka qeyb qaadan karaan dhismaha ciidamada badda, waxa uu intaa raaciyey in burcad badeeddu meesha looga saari karo dhismaha ciidammada Soomaaliyeed ee badda oo la xoojiyo.

Inkastoo ay ciidamada badda Soomaaliya heystaan Doomo nooca dheereeya ah weli waxaa tagan baahida ay u qabaan helista tababarro dheeri ah iyo Qalabka ciidammada Badda, taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo shalay booqday taliska ciidamada badda ayaa ku booriyey ciidamadaasi in ay ka qeyb-galaan howgalo lagu baacsanayo Argagaxisada Al Shabaab Oo ay dhawaan ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay ku qaadayaan meelaha faro ku tiriska ah oo ay kaga sugan yihiin dalka, kaasi oo muddooyinkani diyaarintiisa ay socotay, hadana meel gebagabo soo gaaray, si argagixsada haraadiga ah dalka looga.

Garowe, December 31, 2013  Inkastoo aysan Murashixiinti si rasmi ah ugu dhawaaqin sida ay u arkaan Xildhibaanada cusub ee maanta lasoo bandhigey liiskooda hadana Howlwadeenada Puntlandi oo tan iyo caawa ku mashquulsanaa inay waxka ogaadaan Mowqifka Murshixiinta ayaa xiriir kala duwan la sameeyey Murashixiinta iyo xafiisyadooda Ololaha Doorashada, waxayna Dadkaan la hadalney noo sheegeen in ay Murshixiintu ku qanacsan yihiin go’aanka Gudiga soo xulida Xildhibaanada ayn soo dhaweynayaan Xildhibaanada cusub.

Sida aan xog hoose ku helney Shirkii ay Caawa isugu yimaadeen Murashixiintu waxay isku raaceen in la taageero oo lasoo dhaweeyo Xildhibaanada cusub, Mid kamid ah Murashixiinta oo aan la hadalney wuxuu yiri “Waan u mahadcelineyna Gudiga shaqo wanaagsan ayay qabteen waana soo dhaweyeynaa,”

Musharaxa la hadley Puntlandi wuxuu kaloo noo sheegey iney jiraan Murashixiin dhaliiley Xildhibaano ka yimid beelohoodaoo ay sheegeen ineysan ahayn kuwii la filayay balse taasna gudigaa ka qanciyey sababtay ku yimaadeen, waynaku qanceen Murashixiintaas iyo waliba Isimadoodu.

Warar aad ugu dhow Gudiga ansixinta Xildhibaanada oo Puntlandi heleen ayaa sheegaya in Xildhibaaada aan khilaafku ka jirin ay kasoo jeedaan Gobollada Mudug, Nugaal, Kakaar, Sool, Ceyn iyo Garduul, qaar ka mid ah Beelaha Xildhibaanadoodu ay kasoo jeeda Gobolka Bari oo muran ka dhashey ku dhawaaqidii Xildhibaanada ka dib ayaa la xaliyey arintoodii caawa.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole ayaa horey u sheegey in gudiga uu soo magacaabay ay yihiin Dad lagu halayn karo shaqadooda isla markaasna dhexdhexaad u ah Dadka u tartamaya Doorashada, uuna kasoo dhex xuley Qaybaha kala duwan ee Bulshada Reer Puntland, laakiin Murashixiintu walwal xoogan ayay ka qabeen soo magacaabista Gudiga, Waxaase hada muuqata in Gudigu ay shaqadooda u guteen si cadaaladaysan iyagoon dhinacna u eexineyn.

Muqdisho, December 30, 2013 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo celisay Caasimadda Muqdisho 131 ruux oo qaxooti Soomaali ah , kuwaasoo ku dhibaateysnaa Magaalada Juba , halka qaar kalana ay ku go’doonsanaayeen Magaalada Bor ee Xarunta gobolka Jonglei ee wadanka South Sudan oo dagaalo dhiig badan ku daatay uu ka soconayo, kuwaasoo sababay geerida laba muwaadin oo Soomaali ah iyo dhaawaca mid kale .

Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Fawzia Yusuf H. Adam oo ku soo dhoweysay qaxootigaasi Soomaaliyeed garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxa ay sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u kireysay diyaarad gaar ah oo lagu soo daabulo qaxootiga Soomaaliyeed ee dhibaatada kula soo gudboonaatay wadanka South Sudan , waxa ayna tiri “ Arrinkani waxaa lagu fuliyay amar uu bixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud oo ka damqaday dhibta iyo xaaladda murugada leh ee la soo gudboonaatay dadkeena ku nool South Sudan , Wasaaradda Arrimaha dibaduna waxa ay fulisay amarka Madaxweynaha “.

Fawzia Yusuf H. Adam ayaa waxa ay warfidiyeenada u sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya marnaba aaney ka gaabin doonin kaalinteeda badbaadinta iyo sare u qaadida qiimaha muwaadinka .

Qaxootiga maanta dib loogu soo celiyay wadanka ayaa farxad iyo ereyo taageero ah muujiyay markii ay arkeen muuqaalka Wasiir Fawzia Yusuf oo ku soo dhoweyneysa garoonka diyaaradaha , iyadoo ay wehliyeen Xildhibaano , mas’uuliyiin sar sare oo ka kala tirsan Wasaaradaha Arrimaha dibadda , Arrimaha gudaha , Booliska , maamulka garoonka iyo dowladda hoose ee Muqdisho.

Qaxootigani ayaa looga soo daabulay garoonka diyaaradaha basas ay leeyihiin Booliska Soomaaliya , laguna kala gaarsiiyay xaafadaha ay Muqdisho ka kala degan yihiin , halka qaar kale oo qoysaskooda aaney deganeyn Muqdisho ay Wasaaraddu dejisay hoteelo si ay nasiino u helaan kahor safarkooda gobolada dhexe iyo kuwa waqooyi ee dalka .

Talaabadani maanta dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaday ayaa noqoneysa geedi socod cusub oo ku wajahan daryeelka iyo badbaadada nafta muwaadinka Soomaaliyeed , waxaana lagu wadaa n dib loogu soo celiyo dalka dad kale oo qaxooti Soomaali ah oo iska diiwaan geliyay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Juba – South Sudan.

Muqdisho, December 30, 2013 Waxaa shalay lagu soo gabagabeeyey garoonka banaadir koobkii 18-aad ee Jen daa’uud ee ciyaaraha fudud kaasi oo ay ka qeybgaleen ku dhowaad 150 ciyaaryahano kooxo ka socda oo isugu jira wiilal iyo gabdho,iyadoo xaflad gabo gabo ah lagu qabtay gudaha garoonka banaadir oo tartanku ka socdey.

Tartanka 18-aad ee Jen daa’uud ciyaaraha fudud oo ay soo agaasimeen XSCF ayaa waxaa lagu tartamay qeybaha kala duwan ee Orordka 100m,200m,400m,800m,1500m,3000m,iyo boodada hoose iyadoo kooxo gaaraya 8 kooxood ay u ordayeen ciyaaryahanada.

Xafladii gabagabada tartankaasi ayaa waxaa  ka soo qeybgalay madaxda Gudiga olombikada Soomaaliyeed ee GOS,madax G/banaadir u qaabilsan Sportiga,madaxda xiriirada qaarkood, sida kubadda cagta, k.koleyga,K/laliska,K/miiska,ciyaaraha fudud iyo tababarayaasha ciyaaraha fudud iyadoo  ka hore la daawaday tartanka qeybihii ugu danbeeyey oo ay ku baratamayeen ciyaaryahanada orodka 200m.800m.iyo 3000m oo ah orod dheer oo 3 wareeg iyo bar lagu ordayey garoonka banaadir.

Waxaa halkaasi qudbado ku aadan tartanka horyaalka ka soo jeedisey Marwo Khadiijo aden dahir oo ah ku xigeenka xiiriirka ciyaaraha fudud, iyadoo sheegtey dadaalka xiriirkoodu ugu jiro horumarinta ciyaaraha fudud iyo sidii loo heli lahaa ciyaaryahano mustaqbalka guulo ka keena dibadda.

Abuukar Isloow Maxamed oo katirsan Gudiga Fulinta GOS ayaa ugu danbeyntii halkaasi ka sheegey inay muhiim tahay in la qabto tartamada noocaan oo kale ah si dhalinyarada laga soo jeediyo waxyaabaha xun xun sida muqaadaraadka­­­.

Waxaa uu amaanay xiriirka ciyaaraha fudud oo uu sheegey inay muhiim tahay inay ku deydaan xiriirada kale ee jira, isagoo kula dardaarmay inay soo celiyaan magacii ciyaaraha fudud somaliya ku lahayd.

Waxaa halkaasi lagu bixiyey abaal marino bilado iyo koobab isugu jira waxayna kooxaha kaalimaha ugu kala guuleysteen: Dhinaca wiilasha HEEGAN ayaa koobaad gashay iyagoo Urursadey 59 dhibic,kaalinta 2-aad waxaa galay HORSEED 42 dhibic,halka 3-aad ay galeen kooxda JUBBA oo urursatay 23 dhibic,dhinaca gabdhaha IIMAAN Hospital ayaa koobaad galay iyagoo keensadey 26 dhibic,halka gabdhaha Heegan ay galeen labaad 23 dhibic.

Garowe, Xildhibaanadda Dowlad Gobaleedka Puntland oo la soo xulay kuwaasoo aad ka daawan karto linkigan
http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Liiska-Xildhibaanada-puntland-oo-lagu-dhawaaqey.shtml

#Somalia on Monday December 30, 2013 Filmkii dabaaldega sannadguuraddii 70naad ee Aasaaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed


Mohadisho Isniin December 30, 2013 R/W Soomaaliya oo la kulmay wafdi dhambaal hambalyo ah ka siday xoghayaha guud ee Ururka kulanka Islaamka ee OIC.
Mohadisho Isniin December 30, 2013 R/W Soomaaliya oo la kulmay wafdi dhambaal hambalyo ah ka siday xoghayaha guud ee Ururka kulanka Islaamka ee OIC.

Shabelle Dhexe Isniin December 30, 2013 Dadaaladani ay kula tacaaleen joojinta fatahaada webiga Shabeelle uu ka geystay gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ku guuleystay joojinta fatahaada webiga uu ka geystay  tuulada Baareey oo saameyn ku yeelatay in ka badan 33 tuulo, waxaana iska kaashaday maamulka gobolka Shabeelaha dhexe, Hey’adda ICRC, iyo dadka deegaanka.

Howlahani ayaa waxaa si toos ah uga qeyb qaadanayay guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha dhexe Ing  Cabdi Jiinoow  Calasow, Guddoomiyaha maamulka degmada Jowhar, kan Mahadaay, Ciidamo ka tirsan kuwa xooga dalka oo ugu horeeyo Taliyaha Ciidamada milatariga ee gobolkaasi, guddoomiyaha haey’adda maareynta musiibooyinka, iyo dad kale.

Waxgaradka tuuladaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin joojinta fatahaada saameynta ku yeeshay dadka gobolkaasi ku dhaqan, waxaana uu tilmaamay biyahaasi in ay ku guuleysteen joojintooda ka dib markii geeda waaweyn iyo jawaano caro ah ay ku gooyeen meelaha biyaha ay ka imaanayeen, sidaasi daraadeedna ay kaga hortageen biyahaasi aadka u farha badnaa oo barakiciyay kumanaanka dad ah.

Guddoomiyaha degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Amiin Cusmaan Faarax oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yahay joojinta fatahaadaasi saameynta ku yeelatay dadka iyo duunyada ku dhaqan gobolka.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinoow Calasow oo isna ka hadlay joojinta fatahaada webiga shabeelle uu ka geystay tuulada Baarey ee gobolkaasi ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay hakinta fatahaada dadka faraha badan  barakicisay islamarkaana wadooyinka waaweyn ee gobolka xirtay, waxaana uu ugu mahad naqay howshaasi hey’adda ICRC iyo dadka ku dhaqan gobolka.

Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waayihii ugu danbeeyay  waxaa saameyn culus ku yeeshay fatahaada webiga Shabeele uu ka geystay gobolkaasi, iyadoo fatahaadaasi ay sababtay barakaca kumanaan dad shacab ah oo u badan reer guuraa, waxaana joojinta fatahaadaasi soo dhaweeyay qeybaha kale duwan ee bulshada ku nool gobolkaasi

Hargeisa Isniin December 30, 2013 Waxaa Xaalad Kacsan oo Siyaasadeed laga Soo Sheegayaa Madaxtooyada Maamulka Soomaaliland kadib Markii ay Jiraan Mucaarado Badan oo ka Dhan ah Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Siilaanyo.

Waxaa Jiro Rag Badan oo Mucaarad ku ah Siyaasada uu wax ku Hogaamiyo Siilaanyo ayaa waxaa ay  Magaalada Hargeysa iyo Guud ahaan Deegnada Maamulka Sooaaliland waxaa ayka Sameynayaan Loolan Siyaasadeed.

Xaalka ayaa waxaa uu isku Badalay in la Qabyaaladeeyo kadib Markii Madaxweynaha Maamulka SOomaaliland Axmed Maxamed Siilaanyo Lagu Eedeyey in uu yahay Nin Qabiil isla markaana uu Kursiga u Koray ay tahay qabiilkiisa.

Madaxweynaha Iminka talada Maamulka Soomaaliland haayo ayaa waxaa Lagu Eedeyey in uu u Janjeero Dhanka Beesha Habar Jeclo oo la Sheego in uu Ayaga Kursuga u Haayo balse ay Xaalada tahay mid Cirka Isku Sii Shareereyso.

Waxaa Laga Baqdin Qabaa in Guud ahaan iyo Gaar ahaan Deegaanada Maamulka Soomaaliland ay ka dhacaan Afgambi sida Iminka ka Socoto Madaxtooyada Maamulkaasi oo Siyaasad Cakiran ka Jirto.

Jowhar Isniin December 30, 2013  Gudoomiye ku xigeenka dhanka siyaasada Gobolka Sh/dhexe ayaa Dowlada dhexe ee Soomaaliya ka dalbaday in Ciidamo Boliis ah oo amaanka suga la geeyo magaalada Jowhar.

Yuusuf Cabdi Cabdule oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay amaanka Jowhar uusan ku taagneyn Cago buuran,islamarkaana loo baahan yahay in la helo Ciidamo Boliis ah oo amaanka xaqiijiya dibadana looga saaro Ciidamada Malitariga.

“Dowlada Soomaaliya waa inay Ciidamo Boliis ah keenyaa Jowhar”, ayuu yiri Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka Sh/dhexe.

Moqdisho Isniin December 30, 2013 Maamulka Jaamacadda Muqdisho ayaa sheegay 10,000 oo arday oo dhigta sagaal kulliyad ay toddobaadkan u fariisteen imtixaanka simister-ka koowaad ee jaamacadda.

Diiwaan hayaha guud ee Jaamacadda Muqdisho Dr Maxamed Xasan Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay ardaydan in ay tahay kuwii ugu badnaa ee imtixaan u fadhiista tan iyo markii Jaamacadda la furay.

Wuxuu xusay imtixaanku uu soo gabagaboobi doono 10 ka bisa Janaayo ee sannadkan 2014-ka.

Dr. Maxamed Xasan ayaa tilmaamay in xarunta jaamacadda ay ku leedahay magaalada Boosaaso uu sanadkan dib u dhac ku yimid imtixaanka simister-ka 1-aad, oo ay billaabi doonaan bisha dambe.

Ardaydii ugu horreysay oo dhigta kulliyadaha Injineerinka iyo Caafimaadka oo dhawaan lagu kordhiyay Jaamacadda ayaa qeyb ka ah ardayda u fariisatay imtixaanka.

Qaar ka mid ah ardayda ayaa soo dhaweeyay in imtixaankii simistarka koowaad ay u fadhiistaan, waxaa kaloo la sheegay in arday badan oo dumar ah ay ku jiraan imtixaanka.

Moqdisho December 29, 2013  Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Aadan Sadiiq oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay diyaarinta hindise sharciyeedka golaha adeega Garsoorka oo ay wadaan. Isagoo  sheegay in meel wanaagsan uu marayo, islamarkaana hal sano ay ka soo shaqeynayeen uuna u baahan yahay waqti dheer oo ay kaga baaraan dagaan sameynta hindise sharciyeedkani, waxaana uu xusay sharciga ay sameynayaan in uu noqonayo mid wanaagsan oo dhinac waliba leh.

Xildhibaan Aadan Sadiiq Guddoomiyaha golaha adeega garsoorka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay sameynta Sharcigani KMG ah  ay ka qeyb galinayaan taladiisa dadka aqoonta u leh, waxaana uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay ku biiriyaan taladooda sameynta Sharciga Garsoorka KMG ah,  oo ay ku soo hagaajiyaan xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho, si aan u qaadano qof waliba aan u tixgilino islamarkaana aan ku soo darno sharciga aan sameyneyno.

Dadka Soomaaliyeed ayaa u baahan sharci la xiriira garsoorka, iyadoo madaxda dalka dhowr jeer oo hore ay sheegeen in dib u habeyn lagu sameynayo arrimaha la xiriira garsoorka, maadaama garsoorka uu ka mid yahay meelaha ugu muhiimsan ee dalka kasta, waxaana xusid mudan in sanadkani dowladda Soomaaliya magaalada Muqdisho ay ku qabatay  Shirweyne heer Qaran oo looga hadlayay garsoorka kaa oo ay ka qeyb galeen aqoonyahano, Culumaa’udiin, iyo marti sharaf kale

Moqdisho December 29, 2013 Kulan maanta mudanayaasha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ay ku yeesheen xaruntooda golaha shacabka ayay warbixin kaga dhageysteen gudiga dib u eegista iyo dhaqan gelinta baarlamaanka.

Kulankii maanta oo uu shirgudoominayay Gudoomiyaha koowaad ee baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa waxaa soo dirtay 144 mudane, iyadoo furitaankii kulanka kadib ay mudanayaashu guda galeen ajandaha kulanka oo ahayd dhageysiga warbixinta gudiga dib u eegista.

Abuukate Daahir Xasan Cabdi oo ka mid ah gudiga dib u eegista iyo dhaqan gelinta dastuurka KMG ah ee dalka ayaa sheegay in gudigooga ay qabteen muddadii sanadka ahayd waxbaayo badan oo ay ka midyihiin dib u eegis ay ku sameeyeen cutubyo ka mid ah dastuurka.

“Gudiga tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan waxaan yeelanay 53 kulan oo ah kuwa guud iyo kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayeen gudi hoosaadyadeena, waxaana intaas oo dhan kaga hadleen sida wax looga badali karo dastuurka KMG ah” ayuu Abuukaate Daahir Xasan Cabdi hadalkiisa ku daray.

Xildhibaan Khaalid Cumar Cali oo isna xubin ka ah gudiga waxka badalka dastuurka ayaa sheegay in ay qabteen howlo badan oo ay ka midtahay dib u eegis ay ku sameyeen cutubka 15aad ee dastuurka, ayna rajeynayaan in howshooda ay goor dhaw u soo gabo gabowdo.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Jeylaani Nuur Iikar oo gabo gabadii kulanka soo xiray ayaa mudanayaasha ku booriyay inay soo aqristaan dukumintada ay gudiga xildhibaanada u qeybiyeen, isagoo ka codsaday inay talooyin ku soo biiriyaan warbixinta ay gudiga dib u eegista iyo dhaqan galka dastuurka KMG ah ay baarlamaanka u so gudbiyeen,

Dasuurka KMG ah ee dalka ayaa waxaa horey u meel mariyay in ka badan 800 oo ergo kuwaasi oo laga kala keenay gobollada dalka.

Moqdisho December 29, 2013 Waxaa la soo gabo gabeeyay tartankii 18-aad ee koobka Jen.daa’uud  ee cayaaraha fudud kaasoo ay ka qeybgaleen 150 cayaartoy oo wiilal iyo gabdho.

Tartankaan oo si rasmi ah uga bilawday garoonka banaadir Stadium 28kii bishaan ayaa waxaa ka qeyb galay gabdho iyo wiila oo ka kala socday kooxaha heerka 1-aad ee xiriirka u diiwaan gashan, kuwaasoo ku tartami doona orodka 100m 200m 400m 800m 1500m iyo 3000m iyo sidoo kale boodada hoose.

Xafladii xirtaanta tartanka cayaaraha fudud oo ay hadalo ka jeediyeen mas’uuliyiinta xiriirada kala duwan ayaa waxa ay Xiriirka Cayaaraha fudud ee dalka ku booriyeen in ay s ii wadaan tartamada ardayda dugsiyada loo qabanayo.

Ugu dambeentii waxaa goobtaasi lagu bixiyay abaalmarinadii loogu talagay in lagu bixiyo tartankaasi  sida kaalinta 1aad 2aad iyo 3aad

Moqdisho December 29, 2013 Kulankan wada tashiga ah ee looga hadlayo  dhisidda  gudiga heerka qaran ah oo u dooda xuquuqda naafada ayna ka qeybgaleen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka, culimaa’udiin iyo ururada bulshada rayidka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Ujeedka kulanka oo ahaa wadatashi ku saabsan hindise shariciyeedka yagleelida gudiga xuquuqda Aadanaha ee Qaranka si loohelo gudi ku dhisan wada tashi buuxa, ayaa ka qeyb galayaasha waxa ay  siweyn uga doodeen xubnaha uu ka koobnaan doono gudiga iyo sida gudigan lagu dhisi karo.

Sheekh Cali Maxamuud Sh. Cali Dheere  oo ah agaasimaha waaxda arrimaha diinta ee Wasaaradda garsoorka iyo cadaaladda dowlada federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay inta aan la`dhisin gudiga ka hor in wada tashi laga soo sameeyo gobollada dalka, si loo helo fikir buuxa oo ay kawada qeyb qaataan dhamaan shacabka ku dhaqan gobollada.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yareey ayaa waxaa ay sheegtay in  haweenka ay door muuqda ku yeeshaan gudiga xuquuqul insaanka qaranka, taasi ay muhiim u tahahay dhamaan umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, maadaama haweenku ay yihiin lafdhabarka bulshada

Gabo gabadii kulanka ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaan Xoosh Jabriil oo xubin ka ah gudiga xuquuqul insaanka ee Baarlamaanka, isagoo sheegay inay soo dhaweynayaan dhismaha gudigan, islamarkaana waxa uu ku booriyay in xubnaha dhisaya gudigan ay noqdaan kuwa fikiro kala duwan ka soo uruuriya qaybaha bulshada.

Kulankaan oo ahaa mid hal maalin ah ayaa waxaa la isku afgartay in xoogga la saaro sidii wada tashiyo loo gelin lahaa dhismaha gudigan.

Moqdisho December 29, 2013 Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Gobolka Hiiraan ayaa maanta qaaday dacwo la xiriirta shaq qof oo lagu tuhmay inay ka tirsanaayeen maleeshiyaadka Al shabaab.

Maxkamadda oo saakay u fadhiisatay dhageysiga dacwad ciqaabeedka la xiriira ka mid ahaanshiyaha maleeshiyaadka xagjirka ah ee Al shabaab ayaa markii ay dhageysatay marqaatiyaashii goobta ka hadlay waxa ay xakun o ku riday labo ka mid ah shantii qof ee lagu eedeynayay in ay ka tirsanyihiin kooxda xagjirka ah ee Al shabaab kadib markii lagu helay iyaga oo gacanta kula jira walxaha qarxa, halka sadaxda kale ay Maxkamaddu sii deysay.

Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Gobolka Hiiraan Xuseen Cabdi Axmed Rooble  ayaa yirii

“Shanta qof ee maanta Maxkamaddu dhageysatay eedeymahooda labo ka mid ah ayaa lagu helay dambigii lagu soo eedeeyay, mid waxaa lagu xukumay shan sano oo xarig ah kan labaadna waxaan ku Xakunay hal sano oo xrig ah, waxaana amarnay in la iska sii daayo sadaxda kale, laakiin iyaguna looga baahanyahay inay isbuuciiba labo jeer iska xaadiriyaan xarunta nabad sugida”

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Gobolka Hiiraan ayaa mamnuucday in magaalada baledweyne lagu dhexqaato hubka, iyadoo qofkii lagu dhex arkana isaga oo hub ku dhex sita magaalada laga qaadi doono talaabo adag, amarkaasi oo ay Maxkamaddu ku sheegtay in uu qeyb ka yahay adkeynta amniga iyo in aan shacabka hub lagu dhexqaadan.

Waa kiiskii labaad oo ay Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Gobolka Hiiraan ay Xukun ku rido rag ka tirsan Al shabaab, iyadoo bartamihii sanadkan ay Maxkamaddu Xukun dil ah ku fulisay qof ka tirsanaa maleeshiyaadka Al shabaab oo gudaha degmada Baledweyne ku dilay gudoomiyihii Maxkamadda degmada Baledweyne


Moqdisho December 29, 2013 Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuu Tarsan ayaa calaamad su’aal dul dhigay sababta Hogaamiyaha Ururka Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane uu bartilmaameedka uga dhigtay Magaalada Muqdisho.

Tarsan ayaa wuxuu sheegay in Godane iyo dhalinyarada uu qalday ay dilal qorsheysan ka geystaan Magaalada Muqdisho iyo qaraxyo, wuxuuna isweydiiyay sababta kaliya nolosha loogu diidan yahay shacabka Magaalada Muqdisho.

Wuxuu ku nuux-nuuxsaday Tarsan in Al-Shabaab ay yihiin cadoow umadda Soomaaliyeed dhibaateeya sidaasi awgeedna looga baahan yahay dhamaan shacabka inay meel uga soo wada jeestaan.

Duqa Muqdisho ayaa xusay in nolosha ay ubaahan tahay xayaato balse cabsi laga qabo Shabaab awgeed aan loo baahneyn in madaxa hoos loo raariciyo, balse ay wanaagsan tahay in Shabaab meel looga soowada jeesto.

Moqdisho December 29, 2013 Sida ay xaqiijisay Siihayaha Wasiirka arimaha dibada Xukuumadii Saacid Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta diyaarad waxa ay udireysaa Koonfurta dalka Suudaan, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Soomaali badan oo sameeyay dagaalada dalkaasi ka socda.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in diyaaradaan ay direyso maanta Dowladda federaalka Soomaaliya si loosoo bad-baadiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dalka Suudaanta Koonfureed.

Waxa ay sheegtay in diyaarada inta ay soo qaado ma’ahanee inta kale markale ay unoqon doonto oo lasoo qaadi doono.

Soomaalida ku sugan South Sudan ayaa waxa ay sheegtay inay la xiriiraan Safaarada Soomaaliya ee dalka Koonfurta Suudaan, si hadii ay doonayaan inay dalkooda kusoo noqdaan ay diyaarada usoo raacaan.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay biloowdeen dagaalada ka dhacaya dalka Koonfurta Suudaan, Dowladaha caalamka dadka ka jooga halkaasi waxa ay ka daadgureynayeen dadkooda si aysan dhibaato halkaasi uga soo gaadhin.

Fowsiya Yuusuf ayaa hadalkaan ka sheegtay xilli ay suxufiyiinta kula hadlaysa Garoonka Muqdisho, shalay markii ay dib ugu soo noqotay Magaalada Muqdisho.

Moqdisho December 29, 2013  Waxaa Caawa Bam gacmeed lagu weeraray Mid kamid ah Hoteelada Magaalada Muqdisho iyadoona gacanta ay ku dhigeen Ciidamada Dowlada kooxihii Weerarkaasi ka dambeeyay. Gaari la sheegay in uu ahaa kuwa Dadweynaha ayaa la sheegay in Kooxo dhalinyaro ah iyaga oo saaran in ay ka tuureen Bam Gamceed kaa ay ku weerareen Hoteelka Saxafi oo kuyaala Isgooska KM-4 ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Dowlada oo kusugnaa goobtaasi ayaana la sheegay in ay gacanta ku dhigeen gaarigii Bamka laga tuuray iyo guud ahaan dadkii saarnaa kuwaa oo hada ku xiran Xarunta Dambi baarista ee CID-da.

Ciidamada ayaana gacanta ku haya gaariga iyo guud ahaan dadkii saarnaa iyagoona si gaar ah u baaraya dhalinyaradii gaarigaasi saarnaa , mana la oga ilaa hada qasaaraha uu geestay qaraxa bambaano ee Hotelka lagu weeraray/

Nairobi December 29, 2013  Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambassador Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa ugu baaqay Gancsatada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya in ay ka qeyb qaataan dhismaha safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi oo laba sano ka hor lagu soo celiyay gacanta Dowladda Soomaaliya.

Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa waxa uu sheegay dhismahaasi in ay ku baxeyso 4 milyan oo Shilinka Kenya loona baahan yahay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi in ay ku yaboohaan dhismaha safaaradooda lacagta lagu dhisayo, waxaana uu sheegay in lacagtaasi hal milyan oo lacagta Kenya ka mid ah uu bixinayo shaqsi ahaantiisa.

Ganacsatada iyo jaaliyadda dalka Kenya ayaa waxa uu ku ammaanay sida ay ula shaqeeyeen dadaaladii uu ku bixinayay in dib gacanta Soomaaliya loogu soo celiyo dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi oo mudadii bur burka  dalka uu ku jiray uu iibsaday Ganacsade Hindi u dhashay.

Wakiilka Cusub oo madaxda Wadamada Urur goboleedka  IGAD ay isku raaceen in wadamadaasi wakiil uga noqdo dalka Soomaaliya Ambassador Maxamed Cabdi Afey ayaa isna dhankiisa ku booriyay dadka Soomaaliyeed ee wax heysta in ay gacan ka geystaan dib u dhiska lagu sameynayo hoygooda dalka Kenya, waxaana uu balan qaaday in uu bixinayo hal milayan oo Shilinka Kenya lacagta lagu qiimeeyay dhismahaasi xarunta Safaaradda, waxaana uu tilmaamay haddii dadka Soomaaliyeed iyo safaaradda ay u soo jeestaan lagu dhisi karo muddo bil ah xarunta safaaradda.

Dadaal dheer oo uu hormuud u ahaa Ambassador Maxamed Cali Nuur Ameeriko Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Kenya ayaa lagu guuleystay bishii December ee 2010-ka in dib loogu soo celiyo xarunta safaaradda ay ku laheyd magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi gacanta dowladda Soomaaliya taa oo ay mahdiyeen bulshada Soomaaliyeed

Guriceel: December 29, 2013 Iyadoo maalin ka hor is risaaseen uu qof ku dhaawac may ay ka dhacday Airporka degmada Guri-ceel ee gobolka Galgaduud ayaa maamulka degmadaasi waxaa uu faah faahin ka bixiyay shaqaaqadaasi iyo halka ay mareyso xaaladda, iyadoo garoonka diyaaradaha howshiisa ay ku socoto si wanaagsan.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Guri-ceel ee gobolka Galgaduud Cali Baashi Aadan Diiriye oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa waxa uu ka warbixiyay xaaladda Airporka iyo sida shaqaaqadaasi ay ku dhacday, isagoo sheegay in hadda si wanaagasan ay ku socoto shaqada garoonka diyaaradaha ee degmadaasi, waxaana uu tilmaamay is risaaseenta maalin ka hor ka dhacday garoonkaasi in ay ka danbeysay ka dib markii rag dhalin yaro ah ay arbushaad ku sameeyeen howsha garoonka, Ciidamadana  ay ka hortag  sameeyeen jawigana uu yahay mid degen.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Guri-ceel Cali Baashi Aadan Diiriye oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in ganacsato aysan ku lug laheyn  falkii maalin ka hor ka dhacay halkaasi, waxaana aan ugu baaqayaa cid kasta oo wax tabaneysa in si nabdoon  maamulka ay ugu soo gudbiyaan si meesha looga saaro mad madowga dadka ay tabanayaan.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Guri-ceel ayaa waxa uu ka mid yahay garoomada Fara ku tiriska ah ee ka shaqeeya gobolka Galgaduud, iyadoo dad aad u fara badan ay ka soo dagaan maalin waliba kuwa kalena ay ka dhoofaan, waxaana garoonkaasi waayihii ugu danbeeyay uu ahaa mid si weyn ay u socoto howshiisa.

Moqdisho December 29, 2013 Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan oo La hadlay Radio Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dhibaato ay ku hayaan ganacsatada yar yare ee ku ganacsada hareeraha wadada Maka Al Mukarama oo dhawaan ay dayac tir ku sameeyeen  Walaalaha Turkiga.

Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in bilicda maagaalada iyo nadaafadda ay wax u dhimeyso sida uu tilmaamay ganacsiga lagu ganacsanayo hareeraha wadada laamiga ah taasi oo cariiri ku keentay isticmaalkii dadka, isagoo sheegay shidaalka iyo waxyaabaha kale ee lagu iibinayo ay wadada u keeneyso nadaafad daro.

Ugu danbeyn  Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa  uu ugu baaqay dadka ku ganacsada hareeraha wadada Maka Al Mukarama in ay ka shaqeeyaan horumarka iyo nadaafadda islamarkaana ay ka fogaadaan wax kasta oo dhibaata u keeni kara bilicda caasimadda oo ay ku dadaalayaan in ay sii kordhiyaan  iyagoo kaashanaya walaalaha Turkiga.

Dhawaan ayaa maamulka gobolka Banaadir uu ka hadlay arrinkani la xiriira shidaalka ee lagu iibinayo hareeraha wadada dhawaan ay dhiseen walaalaha Turkiga ee wadadaasi, iyagoo ganacsatadaasi ay uga digeen in ay sii wadato ganacsiga ay ku heystaan wadadaasi oo ay ugu horeyso shidaalka.





2013

 


WARARKA DOWLADDA SOOMAALIYA EE MAANTA

Moqdisho December 28, 2013  Xildhiibaan Maxamed Warsame aka Faysal oo uu beddalay walaalkiis maanta kaasoo loo dhaariyey jagadda xildhibaanka ka dhintay kaasoo qarax miino ku dhintay.

Moqdisho December 28, 2013  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo ay ka mid aheyd Ra’iisul Wasaare Ku xigeeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam ayaa maanta Muqdisho ku soo laabtay ka dib markii ay Nairobi shalay uga qeybgaleen Shir Madaxeedka dalalka IGAD oo looga hadlayey arrimaha dalka South Sudan.

Madaxweynaha ayaa waxaa Muqdisho ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.

Fowzia Yusuf Haji Adam oo warbaahinta kula hadashay Muqdisho ayaa ka warbixisay Shir madaxeedkii IGAD ee shalay ka dhacay Nairobi oo ay sheegtay in Madaxda dalalka IGAD ay isku raaceen in si deg-deg ah wax looga qabto collaadaha iyo dagaalada ka jira South Sudan, isla markaana ay IGAD madaxdeedu ku guuleysteen inay la hadlaan Madaxweyn Silva Kiir iyo Madaxweyne ku xigeenkiisii hore oo ay khilaaf ba’an oo dhiig ku daatay soo kala dhexgalay. Wasiir Fowzia ayaa tiri “Madaxda IGAD waxey soo dhoweeyeen sida ay madaxda South Sudan diyaarka ugu yihiin inay wada hadlaan oo khilaafka lagu dhameeyo si nabad ah. Madaxdu waxey ammaaneen doorka uu Madaxweyne Museveni ka qaatay oo uu ciidan dhigay goobaha muhiimka ah ee dowladda South Sudan oo ka badbaadisay in hay’adahaas ay dhibaato soo gaarto.”

Fowzia ayaa sidoo kale tiri “Madaxweyn Xasan Sheekh Maxamud waxuu shirka ka sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay waxii khibrad ah iyo waayo aragnimo ah diyaar la tahay, isla markaana ka codsaday madaxda IGAD in xaalka si deg-deg ah wax looga qabto oo laga hortago inay collaadahu sii fogaadaan. Madaxweynahu waxuu sheegay inay muhiim tahay in Madaxweyne Salva Kiir iyo dowladdiisa sharciga ah ay hormuud ka noqdaan dadaalada nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta oo la xoojiyo dowladnimada sharciga ah ee ka jirta South Sudan. Firka Madaxweynaha aad baa loo soo dhoweeyey laguna ammaanay.”

Shirkan madaxda IGAD ayaa waxaa shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemarian Deselegn, waxaana marti geliyey Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana ka soo qeybgalay Madaxweynaha Jibuuti Ismail Omar Gelle, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, Madaxweynaha Ugandha Yuweri Museveni, Madaxweyne Ku xigeenka koowaad ee Sudan, Wasiirka Arrimaha dibedda ee South Sudan, Madaxa Xogheynta IGAD Eng. Mahboub, iyo madax ka socotay Midowga Afrika, waxaana goobjoogayaal ka ahaa diblomaasiyiin ay ka mid ahaayeen ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika Alex Rondos.








Photo: Nairobi Sabti December 28, 2013 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulamo gooni-gooni ah magaalada Nairobi kula qaatay Diblomaasiyiin, isla markaana kala hadlay xaaladda Soomaaliya.

Diblomaasiyiintii uu Madaxweynaha la kulmay waxaa ka mid ahaa Ergeyga gaarka ah ee dowladda Mareykanka ee u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty, Safiirka Belgium u fadhiya Kenya Bart Ouvry iyo Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Alex Rondos iyo mas’uuliyiin kale.
Nairobi Sabti December 28, 2013 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulamo gooni-gooni ah magaalada Nairobi kula qaatay Diblomaasiyiin, isla markaana kala hadlay xaaladda Soomaaliya.
Diblomaasiyiintii uu Madaxweynaha la kulmay waxaa ka mid ahaa Ergeyga gaarka ah ee dowladda Mareykanka ee u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty, Safiirka Belgium u fadhiya Kenya Bart Ouvry iyo Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Alex Rondos iyo mas’uuliyiin kale.







Photo: Nairobi on Saturday December 28, 2013 Somali President H.E. Hassan Sheikh Mohamud met Kenyan President H.E. Uhuru Kenyatta at Nairobi Statehouse where they discussed how to solve South Sudan conflict and root out Al-Shabab Group our of Somalia and the in the Horn of Africa.
Nairobi December 28, 2013 Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud oo la kulmay Madaxweyne Dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, labada madaxweyne waxay ka wadahadleen arrimaha Koonfurta Suudaan iyo sidii loo baabi'in lahaaa Al-Shabaab Iyo Al-qaaciida kuwaasoo dhib wayn ku haya labada dalal ee deriska ah kuwaasoo ay soo gaarsiiyeen khasaaro farabadan dadka argagixisada ah.

Moqdisho December 28, 2013 
Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa Cornel Cali Aadan Aumad ayaa shir jaraa’id oo uu manta ku qabtay taliska ciidamada AMISOM waxa uu kaga hadlay xaaladaha amniga ee goobaha ay Dalka kaga suganyihiin ciidanka AMISOM iyo waliba dhaq dhaqaaqyadi ugu dambeeyay oo ay ka sameeyeen caasimada iyo qaar ka mid ah gobolada dalka waxa uuna sheegay in xaalada amni ee dalku aad u soo hagaageyso marka laga reebo falal amniga lidi ku ah oo ay mararka qaar geystaan argagaxisadu,

Afhayeen ciidanka nabad ilaalinta Midowga Africa cornel Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in dhawaan ay ciidamada AMISOM si dar dar leh ku bilaabi doonaan howl galkii hakadka galay ee  lagula dagaalamayay maleeshiyaadka fara ku tiriska ah ee al shabaab oo ku sugan qeybo yar oo kamid ah dalka Somalia.

Cali Aadan Xumad afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa ugu hambalyeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaliya magacaabistii Raisul wasaare C/wali Sh. Axmed waxa uuna tilmaamay afhayeenku dadajinta uu Madaxweynaha Somaliya dedejiyay soo magaacibta Raisul Wasaraha inay meesha ka saartay kooxaha ka faaiideysanaya Xukunka maran ee Amniga carqaladeynayo.

Shirka jaraa’d ee uu Maanta qabtay Kornel Cali Aadan Afhayeenka Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Somaliya ee Midowga Africa ka socda ayaa sidoo kale ka hadlay dagaal beeleedyada mudooyinkan dambe ka dhacayay qaar ka mid ah gobolada dalka,  waxa uuna tilmaamay inay dagaaladaasi kamid yihiin wax yaabaha amniga lidka ku ah isagoo afhayeenku ugu baaqay beelaha Somaliya ee ku dagaalamaya qaar ka mid ah gobolada dalka in ay joojiyaan dagaalka iyagoo fiiranaya nolosha shacabka iyo amniga dalka.

Moqdisho December 28, 2013 Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Weli Sheekh Axmed, waxa uu kormeerkiisa ka billaabay Iskuulka Macallin Jaamac oo uu si rasmi ah maanta xarigga uga jaray, waxaana kormeekiisa ku wehliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed, iyadoo Ra’iisul wasaaraha uu soo Indha Indheeyey qaar ka mid ah Fasallada ay wax ku bartaan Iskuulka Macalin Jaamac ee degmada X/weyne ku yaalla.

Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed, ayaa war-bixin ku aaddan marxaladda uu soo maray Iskuulka soo maray ka dhageystay Gud. Degmada X/weyne, Inkaasi kaddib ayuu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya sheegay in u jeedada kormeerkiisa ay tahay sidii loo dhiiragalin lahaa Barnaamijka Aada Dugsiyada, isagoo sheegay in Xukuumaddiisuna ay xoogga saari doonto Tayetnta Manhajka Waxbarasha dalka.

Sidoo kale  isagoo halkaasi kulan kala qaatay wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka Badda, dhanka kale waxa uu soo kormeerray Bakhaarada lagu keydiyo Rashiinka iyo badeecadaha ka soo dega Dakedda.

Warbaahinta ayuu mar kale u sheegay Ra’iisul wasaaraha in ay ka go’antahay sidii loo horumarin lahaa adeegyada ay Dakedda Ummadda Soomaaliyeed u heysto, isagoo xusay in ay ku dadaali doonto Xukuumaddiisa sidii looga faa’ideysan lahaa ahmiyadda ay dalka u leedahay Dakedda Muqdisho.

Dhinaca  kale Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa booqasho ku tagay xerada barakacayaasha Rajo ee degmada Wadajir, halkaas oo ay ku nool yihiin in ka badan 400 oo qoys, iyadoo dowladda Turkigana ay caawimaad joogta ah u fidiso dadkaasi Soomaaliyeed mudada ka badan laba sannadood.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xog wareysi la yeeshay qaar ka mid ah dadka ku nool xerada Rajo, kaddib ayaa la hadlay waxa uuna aad ugu mahadceliyey dowladda  Turkiga iyo hey’adooda gargaarka ee dadkan gacanta u fidiyey, waxa uu intaa ku daray in Xukuumadda ay ku dadaaleysi sidii dadka barakayaasha ah looga caawin lagaa dib ugu laabashada deegaannadii ay ka soo barakaceen.

Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaaraha Jamruuriyadda Soomaaliya, Mudane C/weli Sheekh Axmed, ayaa hoyga uu Muqdisho ka degan yahay ku booqday Fanaanka Soomaaliyeed ee Cabdi Tahaliil Warsame oo Muddo xanuusanaya, si uu ugu kuurgalo xaaladda uu ku nool yahay, isagoo sheegay in xaaladdiisa wax lagala qaban doono ehelada Fanaanka.

Waa booqashii ugu horreysay ee tan iyo markii uu xilkiisa sida rasmiga ah ula wareegay Ra’iisul wasaare C/weli oo aan weli dhisin golahiisa wasiirrada.

Yaman December 28, 2013
Ugu yaraan sagaal ruux oo Soomaali ah ayaa lagu dilay in ka badan 40 kalena waa lagu dhaawacay dagaallo dalka Yemen ku dhex-maraya kooxo diimeedyo Sunni iyo Shiico ah, dagaalkan oo ka socda deegaan aad u yar oo lagu magacaabo Damaaj ayaa oo ku yaalla waqooyiga dalka Yemen iyadoo loo diiday inay galaan hay’daha ka shaqeeya caafimaadka iyo gadiidka sida cuntada , iyadoo dagaalka uu fooda sii geliyo bishii sadexaad.

“Waxaa dagaalkan uu u dhexeeyaa kooxo diimeedyo Sunniyiin iyo Shiico kala ah oo ku nool deegaankaas, waxaana ka dhashay dagaalladan khasaare nafeed oo aad u fara badan,” ayuu yiri Maxamed Bukhaari oo ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta machad diinta Islaamka laga barto oo halkaa ku yaala.

Maxamed Bukhaari oo u warrramayay laanta af Somaaliga ee VOA-da ayaa sheegay inuu dagaalkan u muuqdo mid ay dabada ka riixayaan dalal awood leh oo oo aan Islaam ahayn, kuwasoo ka xun nimcada uu Alle siiyay dalka Yemen.

Deegaankan ay dagaaladu ka socdaan ayaa wuxuu ku fadhiyaan dhul dhan 1-KM oo isku wareega ah, waxaana ku hareeraysan kooxaha diimeedka Shiicada ah ee Xuutiyiinta loo yaqaanno, kuwaasoo diiday inay galaan ha’yadaha bisha Cas iyo Laan-qayrta cas si ay u daweeyaan dadka dhaawcyadu soo gaareen.

“Intii uu socday dagaalka waxaa ku dhintay in ku dhow 184 oo qof oo sagaal ka mid ah ay yihiin Soomaali ay ku jirto hal dumar ah, waxaana dhaawaca uu gaarayaa 500 oo qof oo ay 43 ka mid ah yihiin Soomaali, mana jiraan cid daweynaysa, maadaama wadada deegaanka laga galo ay fadhinaan kooxda Xuutiyiinta ah oo la dagaalsan Sunniyiinta,” ayuu yiri Bukhaari mar kale yiri.

Sidoo kale, ardayga Soomaaliyeed wuxuu sheegay inay jiraan dad ka badan 38-qof oo la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen, iyadoo dowladda dalka Yemen ay ku guuleysan wayday tan iyo xiligaas inay dagaalka joojiso.

Damaaj ayaa waxaa ku nool 7,000 oo qof oo muslimiin ah kuwaasoo isaga yimid caalamka dacaladiisa si ay diinta Islaamka uga bartaan machad ku yaala deegaankaas oo uu wax ka dhigo Sheekh looga dambeeyo barashada diinta Islaamka, Soomaalida ku nool deegaankaas ayaa lagu qiyaasayaa inay tiradoodu tahay 300 oo qoys oo qaarkood kasoo guuray dalalka reer galbeedka kuwaasoo caruurtoodu u keenay inay halkaas wax ka bartaan, iyadoo dadka ku nool deegaankaas ay ku jiraan go’doon.

Djbouti December 28, 2013  Moqdisho Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Askartii iyo dadkii rayidka ahaa ee maanta ku geeriyooday qarax ay kooxo dhagar qabayaal ahi ka geysteen degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

“Waa wax aad u foolxun dhaqanka ku saleysan daadinta dhiigga dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed isaga oo u rajeeyey dhamaan dadkii geeriyooday ee isugu jiray Askarta iyo rayidkaba in eebe Janaddiisa geeyo, inta dhaawacu gaareyna deg deg u bogsiiyo.

“Kooxaha argagixisada ah ma sii jiri karaan waqti dheer, maadaama afkaarta ay aaminsan yihiin ay tahay mid liddi ku ah Diinta Islaamka, dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed iyo damiirka bani’aadannimo” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed

Djbouti December 28, 2013 Doowlada Djabouti, ayaa ka dhawaajisay ineey Ciidamo hor leh usoo direyso Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka ah Howlgalka Ciidamada AMISOM.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dowladdiisu ay ciidamo dheeraad ah muddo saddex toddobaad gudahood ugu dirayso dalka Somalia.

Ciidamadan oo gaaraya hal guuto ayaa ku biiri doona ciidamadii horey Djibouti uga joogay gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia.

Madaxweynaha Djibouti oo wareysi khaas ah siiyay idaacadda VOA ayaa sheegay inuu socdo qorshe ay wadaan ciidamada Djibouti iyo dowladda Soomaaliya oo la doonayo in ururka al-Shabab looga qabsado degmada Buulo-Barde ee gobolka Hiiraan.

Wareysiga khaaska ah ee madaxweyne Geelle u siiyay idaacadda VOA, ayuu uga hadlay muranka u dhaxeeya dowladdaiisa iyo mucaaradka Djibouti iyo sida lagu xalin karo, sidoo kale wuxuuu ka hadlay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaa khilaafka madaxda Soomaalida dhexmara, nidaadmka federaalka ee Soomaaliya iyo qodobo kale.

December 28, 2013  Qaramada Midoobay ayaa waxa ay cambaareyn dusha uga tuurtay qarax shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay ku geeriyoodeen askar ka tirsan kuwa Dowladda.

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa cambareeyay qaraxii ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Kay ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku qoray: “Waxaan ka naxay qarax kale oo waxuushnimo ah oo Muqdisho ka dhacay, markaan wuxuu ka dhacay degmada Dayniile.”

“Waan cambaareynayaa falkan axmaqnimada ah. Soomaaliya iyo Soomaalidaba waxay mudan yihiin sidan si ka fiican.” ayuu yiri.

Toban qof oo isugu jirtay dad rayid ahaa iyo ciidamo ka tirsanaa kuwa dowladda ayaa ku geeriyooday qaraxa, iyadoo ay sidoo kale ku dhaawacmeen dad aan tiradooda rasmiga ah la haynin.

Shabelle Hoose December 28, 2013  Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) oo ka hadlay colaadaha soo laalaabta ee ka taagan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa caddeeyay in gobolka ay isku heysteen saddex awoodood oo uu sheegay inay “u kala gacan haatinayaan dadka reer Shabeelaha Hoose”.

“Reer Shabeelaha Hoose saddex meel ayaa looga gacan haatinayaa,.. Kismaayo gacan  ayaa nalooga haatinayaa, Baydhabo lug iyo gacan ayaa nalooga haatinayaa, Muqdisho lug iyo gacan ayay noo haatineysaa.” ayuu yiri Siidii.

C/qaadir Siidii ayaa sheegay in dadka ku nool Shabeelaha Hoose ay ku wareereen halka ay ka tirsanaanayaan marka loo eego saddexda qeybood ee u kala gacan haatineysa, sida uu sheegay.

Guddoomiyuhu wuxuu kaloo cadeeyay in gobolka weligiis aanu helin dib u heshiisiin dhab ah tan iyo markii ay dhacday dawladii dhexe sanadkii 1991-kii wuxuuna sheegay in markasta oo beelo dagaalamaan la sameyn jiray xabbadjoojin dhiig joojin ah kaliya, taasina aysan ahayn dhibkii oo si rasmi ah loo xaliyey.

“Ciidanka dawlada tayo leh, Maamulo tayo leh oo awood leh ay ku wax ku qabtaan ma jiraan. Anigoo guddoomiye gobol ah waligay mushahar ma qaadanin.’ ayuu sii raaciyey hadalkiisa isagoo u waramay raadiyaha dawlada.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo beegmay xilli shirka ka socda magaalada Baydhabo ee maamul u sameynta gobollada Koonfur Galbeed ee dalka ay ka qeybgalayaan odayaal beeleedyo ka soo jeeda gobolka Shabeelaha Hoose kuwaasoo sheegay in gobolka uu qeyb ka yahay maamulka loo sameynayo lix gobol oo ka mid ah koonfurta dalka.

Puntland December 28, 2013  Culimaa’udiinka ku dhaqan degaanada Puntland ayaa qabtay Nadwo ay uga hadlayeen doorashada madaxweynaha maamulkaas ee dhwaan dhici doonta, iyo soo xulida xubnaha golaha wakiilada, waxatyna ugu dambeyn soo saareen bayaan dheer oo ka kooban illaa 11 qodob oo u qornaa sidatan:-

1. Ujeeddooyinka nadwadan waxaa ugu horreeya gudashada xilka weyn ee Ilaahay culimada ka saaray bayaaninta xaqa iyo u naseexeynta iyo u tilmaamidda bulshada sida ay ku gaari karaan guul adduun iyo badbaado aakhiro.

2. Isu soo dhoweynta guud ahaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada reer Puntland iyo xasuusinta iyo ku boorrinta waajibaadka iyo xuquuqda islaamnimo, walaalnimo iyo xigto ee ka dhexeysa.

3. In loogu nasteexeeyo cid walba oo rabta in ay ummadda xil u qabato loona tilmaamo mas’uuliyadda iyo amaanada culus ee ay holliyeen.

4. In bulshada lagu baraarujiyo in danaha gaar ahaaneed ay ku hirgalayaan helitaanka danta guud ee bulshadu leedahay.

Intaa ka dib waxaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqaynaa arrimahan soo socda:-

Bulshada Soomaaliyeed

1) Waxaan bulshadeenna Soomaaliyeed ugu baaqeynaa inaan Ilaahay ka xishoonno, ilaalinno soohdimaha ay diintu inoo dhigtay iyo inaan ogaanno inuu Ilaahay diinta galiyay sharafteenna adduun iyo badbaadadeenna aakhiro, wanaag aan iyada lagu helinna aan meel kale laga dooneyn.

2) Waxaan ugu baaqeynaa ummadda Soomaaliyeed inay ka towbad keento dunuubtii iyo dulmigii dhaxalsiiyay heerka hooseeya ee aynu maanta taagan nahay gude iyo dibad labadaba, ogaadaanna in Ilaahay oo lagu caasiyo ay keento ciqaabtiisa, in loo noqdana lagu helo naxariistiisa iyo nolol wanaagsan.

3) Waxaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqeynaa inay midoobaan, iskaashadaan iskuna tiirsanaadaan ayna ogaadaan in waxa midnimada ay ku helayaan uu ka weyn yahay waxa ay ku mudanayaan tafaraaruqa iyo kala daadsanaanta.

4) Waxaan bulshada xasuusineynaa sidii ay isugu gurmadeen xilligii duufaantu ku dhufatay Puntland iy fatahaaddii wabiga ee shabeellada dhexe ay astaan cad u tahay in wax wada qabsi oo kaliya lagu gaari karo waxa naga maqan.
Musharraxiinta jagada madaxweynenimada Puntland.

5) Waxaan ugu baaqeynaa ragga ku loolamaya hoggaanka dowladda Puntland in ay Ilaahay ka cabsadaan, una tartamaan si xilkasnimo, hufnaan iyo mas’uuliyad leh, bulshadana tusaan hindise siyaasadeed oo u qalma hanka ummadda, hab-dhaqan wanaagsan oo ay ku kasbadaan kalsoonida iyo inay bulshada u muujinaya inay u qalmaan hoggaanka dalka.

6) Waxaan musharraxiinta xasuusineynaa in dalku yahay koodii, dadkuna yahay kuwii ay doonayeen inay xukumaan, sidaa darteed looga baahan yahay inay bulshada u muujiyaan inay u maqan yihiin ee aysan ku maqneyn, u daneynayaan ee aysan ku daneysaneyn, u damqanayaan ee aysan dulmineyn.

7) Waxaan murashaxiinta ogeysiineynaa in qiimaha doorashadu aysan joogin dagaal, laaluush iyo wax is dabamarin ee ay joogto kalsooni, sidaa darteed looga baahan yahay in ay ku mashquulaan sidii ay ku kasban lahaayeen kalsoonida bulshada iyo xubnaha ay u wakiilatay inay codkeeda matalaan.

8) Waxaan ugu baaqeynaa murashaxiinta iyo taageerayaashooda inay ka dheeraadaan kicinta, iskudirka iyo kalageynta bulshada iyagoo u adeegsanaya ujeeddooyin siyaasadeed oo shakhsi ah.

9) Waxaan uga digeynaa murashaxiinta inay isu adeegsadaan dicaayado iyo wax iska sheeg been abuur ah iyagoo ka dhiganaya xeelad ay ku sumcad dilaan murashaxa la tartamaya.

10) Waxaan murashaxiinta ugu baaqeynaa inay ilaaliyaan wixii lagu heshiiyay ee go’aanno ah iyo xeerarka nidaam ee dalka u yaal diintana aan ka hor imaaneyn, siiyayna xuquuqda ay isku soo sharraxeen, kana soo baxaan waajibaadka saaran, xuquuqdoodana ku doontaan si sharaf, hufnaan iyo dhowrsooni leh.

11) Waxaan murashaxiinta uga digeynaa wax walba oo khalkhal ku keeni kara amniga iyo xasilloonida dalka, tixgeliyaan taladana uga dambeeyaan ciddii kusoo baxda nidaamka ay ku heshiiyeen.

12) Waxaan murashaxiinta ugu baaqeynaa inay ka digtoonaadaan inay tartankooda ku galaan ballanqaadyo been ah ama aan suurtagal aheyn.

13) Waxaan murashaxiinta xasuusineynaa in waxa loo tartamayo ay tahay hal jago, taasoo qaadda hal nin oo kaliya sidaa darteed kii la dooran waayo waa uuin natiijada soo baxda ogolaado, si lamid sidii uu jeclaan lahaa in loo ogolaado haddii uu isaga ahaan lahaa murashaxa la doortay.

Isimmada

14) Isimmadu waxay u ahaayeen mandiqadan, yihiinna marjic lagu kalsoon yahay qeybna ka ah xasilloonideeda, sidaa darteed waxaan ugu baaqeynaa inay ilaashadaan tilmaamahaas wanaagsan ee lagu bartay, xalkana ay qeyb ka noqdaan.

15) Waxaan isimmada ugu baaqeynaa inay xoojiyaan isku duubnidooda, kana dheeraadaan wax kasta oo dhaawacaya midnimadooda, muujinayana is heysi iyo loollan dhexdooda ah, gaar ahaan soo xulidda xubnaha baarlamaanka iyo inay iska ilaaliyaan inay la kala saftaan murashaxiinta madaxweynenimada ee ay marjica u yihiin, arrimahaas oo meel kadhac ku ah sumcaddooda iyo kalsoonidii soo jireenka aheyd ee lagu qabay.

Xubnaha cusub ee golaha baarlmaanka

16) Waxaan ugu baaqeynaa xubnaha baarlamaanka in ay ilaaliyaan amaanadii ay Ilaahay hortiis u qaadeen ummadda, kuna dhaarteen inay daacad ka noqonayaan, ayna xasuusnaadaan hadalkii Ilaahay ee ahaa:

“Kuwa balankii iyo dhaartii alle ku iibsanaya lacag yar kuwaas aduun iyo aaqiraba uma sugnaan nasiib, allena lama hadlayo maalinta qiyaamaha , alle ma dhahirayo waxaana u sugnaaday kuwaas cadaab xanuujiya”..aayadda 66aad ee suurada Al-Cimraan.

17) Waxaan ugu baaqeynaa inay maslaxadda guud ka hormariyaan maslaxadaha gaar ahaaneed, ayna ka digtoonaadaan inay qaaddo eex ama hunguri, aakhiradoodana dhaafsadaan adduunyada qof kale.

18) Waxaan mudanayaasha baarlamaanka ugu baqeynaa inay soo xulaan sida Ilaahay ku og yahay qofka ay ku jirto danta, diinta, dadka iyo dalka.

Guddiga xallinta khilaafaadka

19) Guddiga xallinta khilaafaadka waxaan xasuusineynaa inay Ilaahay hortiis ku qaadeen amaano iyo xil ummadeed, sidaa darteed ay waajib ku tahay inay sida ugu wanaagsan u gutaan, annagoo xasuusineyna in loo xushay inay wax xalliyaan ee aan laga fileyn inay mas’uuliyadda la saaray wax ku halleeyaan.

Murashaxa la doorto

20) Waxaan ugu baaqeynaa murashaxa kusoo baxa doorashada xilka madaxweynenimadada in uu dalka cadaalad ku dhaqo ilaaliyana diinta, iyo masaalixda dadka iyo dalka, kana shaqeeyo isu soo dhoweynta, walaaleynta iyo mideynta ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto.

21) Waxaan ugu baaqeynaa in uu ilaaliyo ballanta amaanada iyo xilka Alle hortii kaga aaddan iyo kan bulshada labadaba. Ilaahay ayaa mahad leh ay galladdiisu wanaagyadu ka ebyoomaan.

Culimada bayaanka saxiixday

1) Sh. Daahir Aw-Cabdi Aw-Yuusuf

2) Sh. Axmed-Daahir Xasan Xuseen

3) Sh. C/Naasir X. Axmed Maxamed

4) Sh. Maxamuud X. Yuusuf Maxamed

5) Sh. Maxamed M. Axmed Xuseen

6) Sh. Axmed Yuusuf Daad

7) Sh. Axmed C/Samad Cabdille

8) Sh. C/Qani Qorane Maxamed

9) Sh. Maxamed Maxamuud Ciise

10) Sh. C/Salaam Maxamuud Cartan

11) Sh. Mukhtaar Axmed Faarax

12) Sh. Yaasiin C/Laahi Cali

13) Sh. Maxamed Cali Axmed

14) Sh. Dalmar Guureeye Kaarshe

15) Sh. Cabdi Xirsi Cali

Moqdisho Jimco Diseembar 27, 2013  Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federalka Soomaliya ayaa xalay kulan la qaatay qaar ka mid ah Haween ka socday ururada Bulshada Rayadka ah oo ka kala yimid gobolada Dalka Soomaaliya, iyadoo kulankaasi diiradda lagu saaray kaalinta Haweenka iyo Doorka ay ku leeyihiin hogaaminta dalka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa qaar ka mid ah haweenka ay talooyin u soo jeediyeen Ra’iisulwasaare C/weli Sheekh Axmed iyada oo dhamaan gabdhihii goobta ka hadlay ay muujiyeen sida gabdhaha Soomaaliyeed ay muhiim ugu yihiin ka talinta dalka ayaga oo ka codsaday Dr. C/weli Sheekh Axmed Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya in xukuumadda uu soo dhisi doono uu tixgelin ka tixgeliyo haweenka.

Ra’iisulwasaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo gabgabadii kulanka hadalka qaatay ayaa waxaa uu ku dheeraaday waxtarka gabdhaha Soomaaliyeed ay u leeyihiin bulshada, asaga oo carabka ku adkeeyay in gabdhaha ay soo celin karaan midnimada Soomaaliyeed, waxaana uu sidoo kale xusay in xukuumadiisu ay fursad siin doonto gabdhaha si ay ugu qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Dhanka kale Ra’iisulwasare C/weli ayaa waxaa uu sheegay in xukuumadiisu ay xooga saari doonto in shaqo abuuris loo sameyo  dhallinyarada iyo haweenka maadaama ay yihiin labada qeybood ee ugu muhiimsan bulshada.

Ra’iisulwasaraha Soomaaliya ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay dadka Soomaaliyeed ee badaha ku baaba’aya gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada, isaga oo xusay sida ay lagama maarmaan u tahay joojint dhibaatooyinkaasi.

Gabdhihii ka qeyb galay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa Fanaanadda weyn ee Hibo Maxamed (Hibo Nuura) iyada oo Ra’iisulwasaare C/weli uu si gaar ah u maamusay Fanaanadda Qaranka (Hibo Nuura), waxaana kulanka uu ku soo gabagaboobay jawi aad u wanaagsan.

Bardaake Jimco Diseembar 27, 2013 Maamulka degmada Bardaale ee gobolka Baay  ayaa ka warbixiyay howlagal ay ciidamada XDS ka wada deegaanno ka tirsan degmadaasi,  kuwaasi oo ku raadjooga haraadiga maleeshiyaadka kooxda Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Bardaale ee G/Baay Maxamed Isaaq ayaa Radio Muqdisho u sheegay in cutubyo ka tirsan ciidamada XDS ay howlgallo ka dhan ah kooxaha argagixisada shabaab ka wadaan deegaanno hoos yimaada degmadaasi.

Maxamed Isaaq gudoomiyaha degmada Bardaale oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ujeedada howlgalkaasi uu yahay mid lagu xaqiijinayo amaanka islamarkaana deeganada hoos yimaada degmadaasi looga sifeynayo kooxaha nabad diidka ah ee ku dhuumaaleysanaya deegaanno hoos yimaada degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in howlgalkaasi lagu soo qabtay kooxo ka tirsanaa argagixisada in kastoo uusan cayimin tiradooda wuxuusa carabka ku adkeeyay in howlgalku uu weli sii socdo.

Ciidamada XDS oo mararka qaar gacan ka hela kuwa AMISOM ayaa maleeshiyaadka Argagixisada ah ee shabaab ka xoreeyay inta badan gobolada dalka, iyagoo haatana ku raadjooga maleeshiyaadkaasi si ay dalkeena uga dhigaan meel ka caaggan argagixisada.

Nairobi KHamiis Diseembar 26, 2013  Danjiraha  Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya  Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in uusan matalin safaaradda xoghayihii 3-aad ee safaaradda  C/sataar  shaqadana  kal hore uu ka tagay ka dib markii xil ka qaadis lagu sameeyay.

Safiirka ayaa waxa uu sheegay in C/sataar oo mar soo maray howl wadeenada safaarada uu  dacaayad ka fidiyay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, isagoo ku hadlay magaca safaaradda uuna raali galin ka bixinayo hadalkaasi, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in la taageero Dowladda Soomaaliya.

“C/sataar  waxaa uu ka mid ahaa diblomaasiyiinta safaaradda laakiin goor sii horeysay ay  wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay xilkaasi ka qaaday, waana wax laga xumaado in hadda uu ku hadlo magaca  safaaradda islamarkaana uu dacaayada been abuur ah uu ka fidiyo madaxda wasaaradda arrimaha dibadda, waxaana hadda aan cadeynayaa in uusan na matalin”  ayuu hadalkiisa ku daray  danjire Cali Ameeriko.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa lagu xusuustaa waxqabad balaaran oo ay mahdiyeen bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi, waxaana inta badan safaaradda ay ka shaqeysaa u adeegida dadka Soomaaliyeed oo ay wakiilka ka tahay, waxaana sii kordhaya xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaalida halkaasi





Photo: Nairobi KHamiis Diseembar 26, 2013 Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa soo gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya,isagoo bari ka qeyb gali doono shir deg deg ah oo looga hadlayo dagaalada ka taagan dalka Koonfurta Suudaan.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah ra’iisulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam.

Wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya ayaa garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ku soo dhaweeyay safiirka dowlada soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambassdor Maxamed Cali Nuur (Ameeriko).

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta kula hadlay Radio Muqdisho iyo Telefishinka qaranka soomaaliya ayaa sheegay in uu bari oo jimco ah ka qeyb gali doono shir deg deg oo madaxweynahaya urur goboleedka IGAD ay ka yeelanayaan dagaalada ka socda dalka Koonfurta Suudaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedin doono shirkaasi oo looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa colaadaha ka taagan dalka Koonfurta Suudaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulamo gooni gooni ah la yeelan doono madaxda urur goboleedka IGAD.
Nairobi KHamiis Diseembar 26, 2013 Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa soo gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya,isagoo bari ka qeyb gali doono shir deg deg ah oo looga hadlayo dagaalada ka taagan dalka Koonfurta Suudaan.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah ra’iisulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam.

Wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya ayaa garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ku soo dhaweeyay safiirka dowlada soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambassdor Maxamed Cali Nuur (Ameeriko).

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta kula hadlay Radio Muqdisho iyo Telefishinka qaranka soomaaliya ayaa sheegay in uu bari oo jimco ah ka qeyb gali doono shir deg deg oo madaxweynahaya urur goboleedka IGAD ay ka yeelanayaan dagaalada ka socda dalka Koonfurta Suudaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedin doono shirkaasi oo looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa colaadaha ka taagan dalka Koonfurta Suudaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulamo gooni gooni ah la yeelan doono madaxda urur goboleedka IGAD.
Moqdisho Khamiis, December 26, 2013  Munaasibada  oo ay xilalka kula kala wareegayeen raisul wasaarihi hore ee dawlada  mudane Cabdi Faarax shirdoon saacid iyo raisul wasaaraha cusub ee uu dhawaan Baarlamaanku codka kalsoonida siiyay mudnae C/wali Sh Axmed maxamed oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, Raisul wasaarihi  hore xilka wareejinayay Cabdi faarax iyo raisul wasaaraha cusub ee xilka lagu wareejinayo C/wali sh axmed , sii hayayaasha Golaha Wasiirada, iyo marti sharaf kale, ayaa lagu qabtay xafiiska raisul wasaaraha ee madaxtooyada,

Ugu horeynti munaasabada xil wareejinta ah oo uu raisul wasaarihi horre xilki ugu wareejinayay raisul wasaaraha cusub waxaa ka hadlay mudane cabdi faarax shirdoon saacid raisul wsaarihi horre ee dalka ayaa sheegay in 15ka bilood uu xilka haayay ay wax badan u qabsoomeen isagoo ugu hambalyeeyay raisul wasaaraha cusub xilka loo magacaabay iyo shaqada qaran ee loo ig maday waxa uuna ugu baaqay shacabka somaliyed in si wada jir ah ay u gacansiiyaan raisul wasaarahan cusub

Mudane c/wali sh axmed maxamed raisul wasaaraha cusub ee dalka somalia ayaa sheegay in xukuumada uu soo dhisi doono ay ahmiyad weyn siin doonto sugida amniga, hormarinta waxbarashada iyo caafimaadka iyo dib usoo nooleynta hay’adihi cadaalada iyo garsoorka dalka isagoo uga mahad celiyay raisul wasaarihi horre iyo xukuumadiisa shaqada wanaagsan oo ay soo qabteen

Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka ah ee soomaaliya mudane xasan sheikh maxamuud oo gabagabadi munaasabada ay xilalka kul kala wareegayeen raisul wasaaraha cusub iyo raisul wasaarihi horre ayaa sheegay in wax badan oo lagu faani karro ay u qabsoomeen dowladu waxa uuna ugu baaqay beesha caalamka iyo shacabka soomaaliyeed in raisul wasaaraha cusub lagu garab istaago shaqada cusub ee loo igmaday isagoo madaxweynuhu sheegay In xukuumada lasoo dhisi doonto ay dowladu sida ugu macquulsan usoo xuli doonnaan xubnaha wasiirada ah ee kamid noqonayo xukuumada cusub.

Gebagabi munaasabada xil wareejinta aheyd ayuu raisul wasaarihi horre cabdi faarax shirdoon si rasmi ah ducumentiyadi shaqada ee xafiiska raisul wasaaraha ugu wareejiyay raisul wasaraha cusub ee dalka c,wali sh axmed maxamed waxayna si wada jir ah madaxwynaha jamhuuriyada somalia, r/wasaaraha cusub iyo r,wasaarihi horre usoo kormeereen habka ay shaqada uga socoto xafiiska r,wasaaraha waxaana shaki kujirin in r,wasaarihi horre iyo xukuumadiisa mudada sanadka iyo sedaxdi bilood ah oo ay xilka haayeen ay wax badan ka qabteen arimaha amniga iyo hormmarada kale ee dalka, Waxayna shacabka soomaaliyeed rajo wanaagsan ka qabaan in raisul wasaraha cusub uusoo dhisi doono xukuumad tayo leh

Moqdisho Khamiis Diseembar 26, 2013 Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ,Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Soomaaliya mudane C/llaahi Ciilmoge Xirsi ,Xildhibaano,Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,Ururada Bulshada rayidka  iyo Suxfiyiin ayaa ka qeyb galay Munaasabad loogu dhawaaqayay Midowga Xarumaha Warbaahinta Dalka oo ay ku midoobeen Warbaahinta ka howlgala Magaaladda muqdisho iyo Gobolada dalka soomaaliya.

Dhamaan dadkii goobta ka hadlay ayaa sheegay in ku dhawaaqista midowga maanta ay sahleyso is faham iyo wada shaqeyn dhex marta saxfiyiinta soomaaliyeed iyo in saxfiga soomaaliyeed in uu helo xuquuqda uu leeyahay isagana uu u dhowro shuruurcda warbaahinta ee dalka.

Agaasimaha Radio dalsan xasan Cali geesey ah gudoomiyaha Kmg ah ee Midowgan maanta lagu dhawaaqay wuxuuna sheegay in ujeedka laga leeyahay uu yahay in dalka iyo dadka si siman loogu adeego.

Yuusuf  Garaad  Cumar Axmed oo ah aqoonyahan Soomaaaliyeed khabiir saxaafadeed  ayaa sheegay in ay wax lagu farxo ay in saxaafadda soomaaliya inta ay meel isugu yimaadaana ay ka wada hadlaan  aayahooda iyo ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka wuxuuna dardaaran usoo jeediyaya saxfiyiinta soomaaliyeed

Afhayeenka booliska soomaaliyeed Generaal Max’ed Yuusuf Cumar  ‘’Madaalle ‘’ ayaa sheegay in haddii saxaafadda si sax ah loo adeegsado ay tahay awooda afaraad ee dalka

Wasiirka Warfaafinta ,Boostada ,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Soomaaliyeed mdane c/llaahi Ciil-mooge xirsi oo gaba gabada munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in dowladda soomaaliyeed ay garab taagantahay midowgan maanta muqdisho loogu dhawaaqay.

Midowga xarumaha warbaahinta dalka ee maanta muqdisho loogu dhawaaqay ayaa ah mid ay ku mideysan yihiin  xarumo warbaahineed oo ka howlgala magaaladda muqdisho iyo gobolada dalka soomaaliyeed waxaana tani ay sahleysaa in saxafiyiinta Soomaaliyeed meel ay isugu yimaadaan islamarkaana ay aayhooda ka tashadaan.

Qahira Khamiis, December 26, 2013  Fadhi ay isugu yimaadeenGolaha Wasiirada Xukuumada KMG ah ee Masar, ayaa Ururka Ikhwaanu Muslimiinka dalkaas, waxaa lagu daray liiska kooxaha Argagixisada ah, waxaana wasiirada ay soo saareen sharciyo adag oo lagula dhaqmi doono cid alaale iyo cidii la macaamisha Ururkaas.

Golaha Wasiirada Masar, ayaa Qaraxii doraad ka dhacay Qahira, ku eedeeyay Ururka Ikhwaanka.

Dhanka kale war kasoo baxay Hogaanka Ururka Ikhwaanka, ayaa go’aanka Golaha Wasiirada, waxay ku sheegeen inuu yahay mid baadil ah oo aan Cadeeymo loo haynin, waxayna sheegeen inuusan waxba ka badali doonin ahdaaftooda iyo siyaasadooda.

Sidoo kale warka kasoo baxay Ikhwaanka, waxaa lagu sheegay in Madaxda Masar ee Afganbiga ku qabsaday dalka ay galeen danbiyo waaweyn, goordhowna lasoo taagi doono Maxkamad.

Wasiirka Arimaha Bulshada Masar, Axmed Al-baradici, ayaa qof walbo oo Ururka Ikhwaanka kamid ah ee aan dhiig daadin ugu baaqay ineey isaga baxaan.

Moqdisho Khamiis, December 26, 2013